Search This Blog

Thursday, August 7, 2008

Taliyaal ciidan oo loo magacaabay gobalka Shabeelada Hoose.


Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhawaaqey taliyaal ciidan oo badalaya Taliyaal dhawaan shaqada laga joojiyey ,waxa ayna Wareegtadan ka soo baxday Xaafiiska Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) ayaa sheegay in ay talaabooyinka qaadeen ,markii ay arkeen xaalada amaan ee gobalka Shabeelada Hoose & sida loogu baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatada ka taagan gobalkaasi.
Wareegtadan ayaa lugu faray Taliyaasha shaqada maanta loo dhiibay in ay dardargalinayaan howlaha Booliska Soomaaliyeed ee gobalka Shabeelada Hoose ,si loo gaaro nabad ku soo laabata Magaalooyinka uu ka kooban yahay gobalka Shabeelada Hoose.Taliyaha ciidanka Booliska ee gobalka Shabeelada Hoose ayaa loo dhiibey Cabdulaahi Soomow Isaaq ,Taliye kuxigeenka Howlgalinta waxaa looga dhigey Garaad Maxamed Abuukar ,Taliye kuxigeenka dhinaca Maamulka ee ciidamada Booliska ee gobalkaasi ayaa loo magacaabay Ibraahim Sabtow.
Waxaana isla warqadan lugu magacaabay xubnaha kala ah Madaxa Xaafiiska Booliska ee gobalka Shabeelada Hoose waxaana loo magacaabay Cumar Calasow Maxamed ,Madaxa tababarada ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee gobalka Shabeelada Hoose ayaa loo dhiibey Muuse Cusmaan Cumar.
Wareegtadan oo Saxaafada usheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col. Bariise waxaa lugu sheegay in lamagacaabay Madaxa Saadka Ciidanka Booliska ee gobalkaasi ,ayadoo si wada jir ah warqadan loogu socodsiiyey Saraakiisha shaqadan maanta loo dhiibey.
Magacaabidan waxa ay ku soo aadeysaah ayadoo dhawaan Saraakiil ay xilalka ka qaadeen Masuuliyiinta ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay sheegeen in ay dagaal kala hortagayaan cid walboo xilalkan loo soo magacaabo ayaa hadana ay ciidamo soo galbiyeen Masuuliyiintan maanta shaqada loo dhiibey ,waxaana maanta gobalkaasi soo gaaray ciidamo xoog leh oo dhawaan tababar ku soo qaatey dalka Itoobiya.
Banaadir Post