Search This Blog

Sunday, September 13, 2009

Aktarada Caanka ah ee Angelina Jolie oo booqatay xerada qaxootiga soomalida ee Dhadhaab (Daawo Sawirada


Aktarada caanka ah ee Angelina Jolie ayaa maanta booqatay xerada qaxootiga ugu weyn caalamka ee dhadhaab ee dalka Kenya halkaasoo ay ku jiraan qaxooti soomaaliyeed oo aad u tiro badan kuwasoo ka soo barakacay gudaha dalka Soomaliya intii ay socdeen dagaaladii mudada 2ka sanno aheyd.


Angelina Jolie oo wakiil u ah hay'ada qaxootiga ee qaramada midoobay UNHCR ayaa waxa ay u kuur galeysay xaalada nolosha qaxootiga soomaliyeed ee halkaasi ku nool siiba caruurta iyo haweenka kuwasoo ay ka muuqdeen diif aad u daran.

Iyadoo hadleysay intii ay joogtay xerada qaxootiga ee dhadhaab ayaa waxa ay tiri Angelina Jolie " hadii sidaan ay xal u tahay dadkaan dhibaateysan ka warama sidee bey yihiin xaalka dadka ku haray soomaliya ee dagaalada ku dhex jira" waxaana ay tilmaantay in waxa ay haatan filan karto ay tahay in xaalka uu ka sii darro madaama dagaaladu ay weli socdaan.

Xerada dhadhaab oo markeedii hore loo sameeyay inay ku xeroon karaa ilaa sagaashan kun oo ruux (90,00) ayaa haatan waxaa ku jira labo boqol sideetan iyo shan kun oo ruux (285,000) iyadoo weliba sida UNHCR ay sheegtay ay bil walba soo gaaran tiro kumanaan ah taasoo xaalada ka sii dari karta.

Waxa ay sidoo kale Angelina Jolie ka deyrisay xaalada nolosha dadka qaxootiga oo ay sheegtay in suuliyadii ay noqdeen kuwa buux dhaafay oo meelaha ay wasaqdu daadaneyso islamarkaana dadka qaarkiisa ay ku nool yihiin meelo qashinka lagu shubo tasoo ah xaalad bani'aadanimo oo aad u xun.

Angelina Jolie oo xogwareysaneysa caruurta soomalida ee ku nool xerada qaxootiga ee dhadhaab.

Angelina Jolie ayaa kualn ay la qaadatay wakiilak UNHCR ee dalka Kenya Liz Ahua markii booqahadeeda dhameysay ka dib ayaa waxa ay ka dalabtay in dowlada Kenya ay ka caawiso barnaamijoooda gar gaarka ah inay siiyaan dhul balaaran si loo sii balaariyo xerada dhabdhaab madaama dad kale la filan karo inay soo gaaran xerada islamarkaana dadku isku dul nool yahay.

Saed Mohamed Ali

saedmohamed1@hotmail.com

Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan oo toogasho ku dilay tiro Geel ah


Ciidamada Amisom ee ku sugan nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa toogtay tiro geel ah oo marayay meel u dhow garoonka Diyaaradaha.

Ciidamada Amisom ayaa la sheegay in ay rasaas tiro badan ku fureen Geelaas iyadoo sababta ay rasaasta ugu fureenna lagu sheegay in ay ka shakiyeen in loogu soo dhex dhuunto Geela, kaddibna waxyeello la gaarsiiyo.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamada Geelaas dhameeyay ay yihiin kuwo cusub oo dhawaan lagu soo bedelay ciidamadii Uganda horay uga joogay Magaalada Muqdisho.

Waxaa haatan socda wada hadallo seddex geesood ah oo u dhaxeeya Saraakiil ka socota Ciidamada Amisom, Dowladda Soomaaliya iyo ganacsatadii lahayd Geelahas. Geela la dhameeyay ayaa wuxuu ka mid ahaa midka ganacsi ahaanta loo keeno Magaalada Muqdisho ee lagu gowraco Kawaannada, kaddibna ay hilibkiisa dadka ka manaafacaadsadaan.

Ciidamada Uganda ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxay yihiin kuwo cusub oo gaaraya ilaa seddex battalion, waxayna bedeleen seddex battalion oo horay u joogay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhawaan dib loogu celiyay Dalka Uganda.

Sidaas darteedna Ciidamadii horay u joogay magaalada Muqdisho ayaa waxay ahaayeen kuwo kala bartay dadka iyo weliba xaaladda magaalada Muqdisho, halka kuwan cusub ay yihiin kuwo aan weli kala baran Muqdisho iyo Xaaladaheeda.


Ismaandhaafaan Ka Dhex Alloosan Madaxweynaha Dawlada Midnimo Qaran Iyo Ra’iisal Wasaarihiisa



waxaa la xaqiijinayaa inay soo ifbaxeen ismaandhaaf soo kala dhex galay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra’isal wasaarihiisa Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaanu ismaandhaafkoodani salka ku hayaa qodobo ay ka mid ahaayeen heshiiskii ay dhawaan dawlada midnimo qaran iyo maamulka Puntland ay ku kala saxeexdeen magaalada Gaalkacayo.



Ismaandhaafkani wuxuu mar keliya soo shaac baxay markii ay uu sheekh Shariif heshiis dhinaca la dagaalanka budhcad badeedka la soo galay dawlada Jabuuti oo iyada uu damac weyni ka galay mashruucaasi.


Waxaana ismaandhaafkan si weyn lug ugu leh wasiirka maalliyada ee dawlada sheekh shariif iyo Prof. C/raxmaan xaaji aadan Ibbi oo isna ah R/wasaare ku xigeen,oo iyagu ah shakhsiyaad si gaar ah uga soo horjeeda heshiiskii Gaalkacayo.


Sida lagu soo waramayo wuxuu murankani maraya meel aad u xaasaasi ah, oo uu mid waliba ku adkaysanayo inay tiisu meel marto, balse kooxaha la safan sheekh shariif waxaanay soo bandhigeen qorshe ah in dibada loo tuuro Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, si markaasi uu ugu meel maro heshiiskii gacan dhaafka ahaa ee dawlada Ismaaciil Cumar Geelle uu la soo galay Sheekh shariif.

Dadweyne taageersan Siilaanyo oo Banaanbax ka dhigay saaka Magaalada Burco.


Waxaa saaka ka dhacay Isku soo bax balaadhan magaalada Burco,dad weyne taageersan Siilaanyo ayaa lagu arkay saaka wadooyinka magaalada , dadweynaha banaanbax dhigayey ayaa waxaa ay socod ku mareen wadooyinka Burco , waxaana xusud mudan in ciidanka Booliska aysan wax hor istag ah ku samayn dadweynaha banaanbax dhigayey.


Banaanbaxa ay dhigayeen dadweynaha ayaa waxaa uu saaka bilowday 8 subax nimo waxaan uu soo gabagaboobay 11:00 subaxnimo isagoo ku soo dhamaaday qas iyo jah wareer markii Siilaanyo oo lagu soo xidhiidhiyey khadka taleefoonka sheegay in uu taageerayaashiisa ugu bogaadinayo halganka ay wadaan , Siilaanyo Ayaa sheegay "marna in aanu filayn in marka kale dhiig loo daadsho somaliland laakiin laga kasbaday dalka in faqashta laga saaro ay tahay" .

Salaadiin ,Waxgarad iyo Aqoonyahayno ayaa ugu baaqay shacabka reer burco in ay ilaaliyaan nabadgelyada ,aragtidooduna ay ku muujiyaan si nabadgelyo ah, codsiga Salaadiinta ayaa ku soo beegmay xili maalintii shalay uu ka dhacay magaalada Hargeysa banaanbax wata rabshado oo uu ka dhashay khasaaro iskugu jrta dhimashao iyo dhaawac.



Jidbaale.com@gmail.com