Search This Blog

Tuesday, February 17, 2009

Madaxweynaha dowladda midnimada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magacaabay qofkii noqon lahaa Ra’iisal wasaaraha Dalka Somaliya.


War goor dhoweynto na soo gaaray waxa uu sheegayaa in madaxweynuhu uu magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii labaad ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa magacaabay Cumar Cabdirashiid ka dib markii uu sameeyay la tashiyo badan oo la xiriira magacaabista Ra’iisal wasaaraha.

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ah wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake isla markaana taageero baaxadleh ka heli kara gobalada Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa ah nin da’a ahaan ay isku soo dhaw yihiin Sheekh Shariif, kana mid ahaa saraakiisha sar sare ee Qaramada Midoobay ee ka hawlgala dalalka Waqooyiga Afrika, isla markaana leh xiriir dheer oo diblumaasiyadeed oo dibada ah.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirishiid waxaa sugaysa shaqo adag oo ay labaduba bilow ku yihiin, taasoo ah wax uqabashada Shacabka Soomaaliyeed in ay dalka Soomaaliya nabad kaga dhigaan 2da sano ee nagu soo aadan, maadaama ay dowladdii Soomaaliya ee hore wax badan ka qaban weyday arimo badan oo ka taagnaa gudaha Soomaaliya, markii dagalo adag laga horkeenay.


Banaadir Post


banaadirpost@gmail.com



Tuesday, February 3, 2009

Banaanbax looga soo horjeeday Dowladda cusub ee Soomaaliya oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo magaalada Baydhabo

Banaanbaxyo looga horjeedo Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa maanta waxay ka dhaceen Degmada Marka iyo Deegaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, inkastoo banaanbaxaas ay ka qeybgalay dad la soo dirqiyay oo aan raali ahayn.

Banaanbaxyadan ayaa waxaa soo agaasimay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo gacanta ku haya Gobolka Shabeelaha Hoose, waxayna dadka ka qeybgalay ay isugu jireen kuwo la dhacsanaa banaanbaxa iyo kuwo lagu amray in ay bannaanbaxa ka qeybgalaan.

Culumaa’udiin ka hadlay banaanbaxa ka dhacay Magaalada Marka ayaa sheegeen in ay ka soo horjeedaan Dowladda lagu soo dhisay Jibouti, waxayna sheegeen in aaney aqbali karin in dalka Soomaaliya ay ka taliso dowlad sida ay yiraahdeen aan dadka iyo dalka ku dhaqeynin Shareecada Islaamka.

Banaanbaxa ka dhacay Degmada Marka ayaa intii uu socday waxaa dhacday in ay qaar ka mid ah dadkii banaanbaxayay ay ku dhawaaqeen hal-ku-dhigyo ay ku taageerayeen madaxweynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo kadibna dadkii hal-ku-dhigyadaas ku dhawaaqay la kala eryay.

Banaanbaxa ka dhacay Deegaanka Aw-dheegle ayaa isna wuxuu ahaa mid ay dadka ku kala qeybsanaayeen, waxaana jiray dad si qasab ah banaanbaxa looga qeybgeliyay, kuwaasi oo sida muuqtaa aan rabin in ay ka qeybgalaan banaanbaxaas.
Degmooyin kale oo ka tirsan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa iyana waxaa laga soo sheegayaa in xoogagga gacanta ku haya oo hoos-taga dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay qorsheynayaan in ay dhigaan banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan Dowladda cusub ee Soomaaliya.


Shalay ayay ahayd markii banaanbax looga soo horjeedo Dowladda cusub ee Soomaaliya uu ka dhacay Magaalada Baydhabo oo dhawaan gacan-ku-heynteeda ay la wareegeen xoogagga dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waxayna culumaa’udiin ka hadlay banaanbaxaas ay sheegeen in aan dalka Soomaaliya lagu xukumi karin wax aan ahayn Shareecada Islaamka.

Dadweyne ka kala yimid afarta xaafadood ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxay banaanbax ka dhigeen Magaaladaas, iyagoo banaanbaxoodana uga soo horjeeday Dowladda cusub ee Soomaaliya.

Dadka isu soo baxay ayaa waxay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay kaga soo horjeedaan Dowladda cusub ee Soomaaliya, waxayna socod dheer kadib ay isugu soo uruureen garoonka Kubadda Cagta Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo.
Dadkii banaanbaxa isugu yimid waxaa la hadlay culumaa’udiin ay ka mid ahaayeen Shiikh Ibraahim Aadan iyo Shiikh Shariif Shiikh Xuseen, waxayna sheegeen in ay ka soo horjeedaan dowladda lagu soo dhisay Jibuuti.

Shiikh Ibraahim Aadan ayaa sheegay in waxyaabaha ay uga soo horjeedaan dowladda cusub ay tahay iyadoo lagu soo dhisay qaab cadaalad darro ah oo 4.5 ah, isla markaana ku dhaqmeyso dastuur ay dad bani’aadam ah dejiyeen.

Shiikh Ibraahim Aadan waxaa uu intaas ku daray in aaney dadka Soomaaliyeed aqbali doonin wax aan ahayn ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna caddeeyay in ciddii ula timaada wax aan ahayn shareecada Islaamka ay ka hor-tegi doonaan.

Banaanbaxan looga soo horjeeday Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya ay ka dhacayeen dibadbaxyo lagu taageerayay dowladda cusub.

Waxaan sugeynaa meesha oo ka bilaabo howshan loo dhiibey.

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Sunday, February 1, 2009

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya




Baarlamaanka la ballaariyey ee Soomaaliya ayaa maanta u doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.


Madaxweynaha la doortay Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wareegi ugu horeeyey ku guuleystay 215 cod .Codkaas oo ka badnaa marka musharixiinta kale oo dhan laysu geeyo.




Waxaa kaalinta labaad soo galay Maslax Maxamed Siyaad oo dad badan aysan ka fileyn in uu kaalintaas soo gali karo.


Wareeggii ugu dambeeyey ayaa waxaa isugu soo baxay Mudane Sheekh Shariif iyo Mudane Maslax Maxamed Siyaad oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Musharax Maslax Maxamed SiyaadDoorashadaan oo muddo dheer qaadatay ayaa si weyn loo xiiseynayey ayada oo si toos ah loogala socday shabakadda internetka ee Univeral TV.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee dowladda Federalka Mudan Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa galay kaalinta seddexaad isagoo helay 59 cod oo kaliya. Halka Ra'iisul Wasaarihii hore ee dowladdii Carte Mudane Cali Khaliif Galayr uu isna helay 31 cod. Nuur Cadde iyo Cali Khaliif Galayr ayaa wareegii labaad iska casilay.

Madaxweynaha cusub ee lagu doortay magaalada Jabuuti Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa hor yaala caqabado badan oo ka mid yihiin kuwo ka imaanaya sidii laysugu keeni lahaa kooxaha Islaamiga ee ku dagaalamayo deegaano badan ee dalka Soomaaliya gaar ahaan ururka Islaamiga ee Al-Shabaab oo ka taliya gobolada Jubooyinka, Gobolka Shabeelada Hoose iyo Gobolka Bay.
Banadir Post
Bupal Yare.