Search This Blog

Tuesday, May 26, 2009

Maxamed Dheere "Hadii run la sheegayo maa Xabada loo wado Madaxtooyada, Maxaa dagaalka uga socdaa Yaaqshiid iyo Kaaraan"

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa ugu baaqay Beesha Mudullood inay u istaagaan difaacida Dowladda KMG, isagoona cadeeyay in dadka Gobolka Banaadir looga soo duulay Gobole kale.

Maxamed Dheere oo shalay ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Beesha Mudullood, kaas oo ahaa wada tashi iyo is cafin dhex maray Xubnaha Mudullood ee isugu jira siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo Xildhibaanada Dowladda ayaa sheegay inay muhiim tahay in la isku duubnaado oo ay Beesha go'aan mideysan qaadato.

"Waxaa la idinka doonayaa inaad u istaagtaan difaacida Dowladda Federaalka oo dad gobolo kale ka yimid oo fidno wada ay doonayaan inay dhibaato u safriyaan dadka Gobolka Banaadir dega

"ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in hadii loo baahdo uu diyaar u yahay inuu sameeyo wax ka badan wixii uu awoodo sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Dheere waxaa uu si gaar ah uga hadlay duulaan uu ku sheegay in lagu yahay deegaanada Beesha Mudullood, isagoona si gaar ah u soo qaatay dagaaladii ka dhacay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Waqooyiga Muqdisho wuxuuna ugu baaqay in wiil iyo gabarba loo istaago sidii la isaga difaaci lahaa kooxo uu ku tilmaamay inay magaca diinta ku gambanayaan oo magacyo kala duwan la baxay.

"Hadii Dowladda lala dirirsan yahay maa xabada loo wado dhanka Madaxtooyada, maxaa Kaaraan iyo Yaaqshiid uga socdaa, waxaan leeyahay waa dano kale oo aan fahmi karno oo ah barakac lala damacsan yahay beesha Mudullood in caruurtooda iyo haweenkooda la laayo"ayuu si kulul u yiri Maxamed Dheere.

Kulan shalay ay u dhamaayeen Beesha Mudullood, isla markaana ay ka qeyb galeen waxgarad, odayaal iyo siyaasiyiin ayaa si buuxda lagu taageeray midnimada beesha iyo in beesha ay mar walba wada tashato, isla markaana iska difaacdo duulaan kasta oo lagu soo yahay sida ay yiraahdeen deegaanada Beesha degto.


Mohamed ayaa muuqda nin ka guuleystey beeshiisa Mudolood oo difaaci waayay hada ka hor laba mar uu baahdey iney u istaagaan, ka dhiidhiyaan in dhib ama xarig loo gaysto halyaay Mohamed Dheere.

Basnaadirf Post
Moqdisho

Odayaasaha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo Safarada Mareykanka kuleydahe Dalka Kenya Ka codsanayan in magan-galyo Siyaasadeed la siiso 140 xubnood oo ...

Warar hose aan ka Helnay dalka Kenya ayaa noo xaqijinaya in codsi so garsiyeen odayasha dhaqanka belaha hawiye Safaaradda Maraykanka ,Odoyaashaan ayaa Safaarada soo gaarsiiyay waraaq codsi ah oo ay safarada Mareykanka ugu codsanayan in magan-galyo Siyaasadeed la siiso 140 xubnood oo kamid ah odoyaashaasi, balse Safiirka Mareykanka ee Kenya u fadhiya Michael Ranneberger ayaa sheegay inaysan awood u laheyn qaabilaada 140 xubnood.

Safirka Michael Ranneberger aya shegey in marku wada tashiyo la sameyn donaano wasarada arimaha gudaha mareykanka marka isla ogaladaan in magan galyo siyasadeed sin donaan 40 xubnood kamid ah odayasha hawiye Michael Ranneberger ayaa ugu baaqey odayasha dhaqanka beelaha hawiye in eey iska so xushaan 40 xubnood ugu muhiimsan isla markaana intaas qaabilayaan dalkooda daganaan rasmi ah ka sin donaan dowlada ahan Odayasha dhaqanka belaha ayaa ka so horjeeste hadalka kaso yere safirka a mareykan u fadhiya Kenya i yadona u sodireyn 5 xubnood si ugu dhadhiciyaan safarada marekanka .

Af hayeenka odayasha dhaqanka beelaha hawiye nabadoon axmed diriye cali ayaa noxaqijiye arinkaas ino jiro arinkaas waxana nagu galifey aan subino codsigaas mar naba nabad kumahesano somaliya wax xushmad ah hadaan nahey odayaal naf sadeena labaxsan la nahey wax ix tiraan ah kumahesano dadka isku hesta siyasada somaliya ayuu yiri nabadoon axmed diriye Waligeey kuma fakarin in aan kabaxo gayiga Somalia hada waxan nagu kalife dhibatada nagula haayo aniga ahaan waxan kabad baadey dhowr isku day lagu dabacsanaay in la igu qarijiyo waxan damacsanaay waligeey in aan nabad ka aslaaxiyo somaliya ayuu yiri nabadoon axmed diiriyeAxmed diriye ayaa xusey in malinkasta lagusowaco 40 jeer falefonka lagu hanjabo lagu edeeyo in taageero DF lacago kaqaato dowlada somaliya asagona beninaayo hadalkaas lagu edeeyey axmed diriye ayuu yiri marnaba kamaqadan lacago DF aniga waxan tageraa cidi doneysa nabad rabta un ayuu yiri nabadoon axmed diriye..


Marki so ifbaxde in dowlada marekanka ufidineyo 40 kamid ah odayasha hawiye nabad galyo siyadeed ayaa muran isqabqabsi guux farabadan ka dhex bilowde iya dona la arkaayo kulamo la iskuhabeensado kadhaco guriga afhayeenka hawiye axmed diriye Sikastaba ha haate odayaasha dhaqanka $ midnimada belaha hawiye ayaa kalin weyn o muqata ogajire xasilinta dalka walowna hada ka cararaya gudaha dalka siysada somaliya xilgaan kusocota meel mugdi ah marhadi odayashi kabarakacayaan dalka maxow kudanbeen donaa wayaabeey..
Heeb abdilaahi abdi
heebcabdi@hotmail.com
Somali Journalists

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo kala wareejiyey gudoomiyanimadii ururka Xisbul islaan Dr Cumara Iimaan Abuubakar maanta


Wararka maanta laga helayo gudaha masuuliyiinta Xisbul Islaam aya waxaa ay shegayaan in xilki ugu sareeyey ee gudoomiyenimada lagu wareejiyey Shiikh Xasan Daahir Aweys uuna ku wareejiyey DR Cumar Iimaan Abuubakar isla markaasna waxaa aan la sheegin sababta dhabtaa ee arintaas keenatey
Munaasibad maanta lagu qabtey muqdisho ayaa waxa xilkii si cudurdaar la’aan ah uu iskaga wareejiyey DR Cumar Iimaan ugu wareejiyey Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaan laba masuul ee xilka isku wareejiyey ay ka hadleen kulankaasi.


“Waxaa maanta ILLAAHEY mahadiis ah in xilka sidii horey looga bartey aysan maanta u dhicin oo iyadoo qofku uu raali kayahey uu wareejiyey xilka waxaana uu ku soo shaqeyey waqti aad u adag waana uga mahadcelineynaa Dr Cumar Iimaan Abuubakar”

ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo kala wareehgey waxaan uu intaas ku darey in sidaan oo kale looga fadhiyo masuuliyiinta kale ee Soomaaliyeed.

Waxaa isna meesha ka hadley Dr Cumar Iimaan ayaa sheegay in xilkaan uu uga tagey si shaqsiyan ah ee aysan jirin wax kale ee ku qasbey uuna ka cudardaatey ka dib markii uu arkey in xiligaan ay haboontahey in qof kale uu qabto.


Sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigey carug yar oo la sheegay in uu lix sano jirey oo ay soo furteen xinbul islaam ciidankiisa kaas oo Degmada Xamar weyne horey looga soo Afduubtey ayna dadkisi ku wareejinayaan.


Xilwareejintaan ayaan la garaneyn waxa ay ka badali doonto xiligan ay xisbul islaam iyo Al-shabaab dowlada kula jiraan dagaal uu madaxweynha ka yahey Shiikh Shariif Shiikh Axmed dhina siyaasadana aan la ogeyn waxa ay keeni doonto aydoo uu jirey cadaadis ay wadaan UN-ka iyo Mareykanka ay ku hayaan Shiikh Xasan Daahir oo gudoomiye cusub maanta ka noqdey ururka xisbul islaam.


Banaadir Post

banaadirpost