Search This Blog

Tuesday, January 19, 2010

AQoon yahano soomaaliyeed oo ka digay lacagaha cusub dowladda KMG samaynayso.


Markii ay soo if baxday samaynta lacagaha cusub shilin soomaaliga dowladda KMG ku howlan tahay waxaa siyaabooyin kala duwan uga hadleen aqoon yahano soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan Baarlamanka Dowladda KMG ee Soomaaliya.


Prof: Cabdi ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoon yahanada soomaaliyeed kuwooda dibada dalka uga maqan ayaa ka digay samaynta lacagaha Cusub Dowladda KMG u qorsheysan.

Prof: samatar ayaa sheegay lacagahaasin aysankeeni doonin wax faa’iido ah oo aan ahayn in laga dhaxlo dhibaato ka daran mida hadda ka jira dalka soomaaliya.

Waxa uu shegay In sicirka maciishada gaari doono heer aan abid la arkin taasoo ku macneeyey daabacaada lacagaha cusub.

Sidoo kale Xildhibaan Jiniboqor oo ka hadlay aragtidiisa ku aadan daabacaada lacagaha cusub ayuu ugu baaqay madaxda dowladda KMG iyo wasaarada Maaliyada in ay dib uga laabtaan qorshaheeda lacag samaynta ah.
Ugu danbeyn Golayaasha Wasiirada ayaa shalay ansixiyeen in la daabaco lacagaha cusub, in kastoo wali la hor geyn mudanayaasha baarlamanka dowladda KMG ee Soomaaliya.

Saxafiyiin aan la xariirnay oo Somalia ku sugan intooda badan ayaa la yaabay arinkan, ma dhici kartaa nin aan meel oo haysan yiraahdo lacag ayaan sameeyay, see ku socodsiinaa? waxaa dadka loo diidey Raadiyihii ay sameeyeen oo aan hada Moqdisho laga dhageysan."Ka kud iga dheh"









Banaadir Post

Dagaalo Khasaare Nafeed gaystay oo Kooxo burcad Badeed ah ku dhexmaray Xalay Magaalada Xarar dheere


Waxaa saaka yara degan Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug halkaasoo shalay galab ilaa xalay dagaalo ku dhexmarayeen koooxo ka wada tirsan burcad badeeda Soomaaliyeed kuwaasoo isku haysta wali isku haya arimo la xiriria madax furashadii badneyd ee markabka Giriiga laga qaaday.


Dagaalo shalay galab ilaa xalay ku dhaxmarayay Degmada Xarar dheere kooxahaani burcad badeeda ah oo aad u hubeysan ayaa gaystay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaaray.


Sida dadka Xarar dheere sheegeen ilaa 4 qofood oo qof dumar ahi ku jiro ayaa ku geeriyooday dagaalka kuwo intaasi ka sii badana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray,markii kooxaaasi isu adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.
Kooxahaani oo ku dagaalamayay gawaarida dagaalka ee loo yaqaan Tiknikada ayaa Saaka isku horfadhiya bartamaha Magaalada gaar ahaan halki dagaaladu ka dheceen waxaana socda isku dayo dadka deegaanku ku doonayaan in xiisada gacan hadalka loo badalo af-kahadal .

Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Ximan iyo xeeb oo sheegta inuu meelahasii maamulo ayaa saxaafada u sheegay inay saaka ciidamo kala dhex dhigi doonaan labada kooxood ee isku haya magaalada Xarar dheere ee Gobolka Mudug.

allburtinle.com

Xisbul-Islaam oo Iclaamiyey in ay dib u howlgelinayaan Dekedda Ceelmacaan Iyo Airaboorka Cisaleey!!.


Guddoomiyaha Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee deegaanka Ceel Macaan ee duleedka Waqooyi ee Magaalada Muqisho Sheekh Yuusuf Aadan C/kariin oo maanta u warramayay Idaacadaha Muqdisho qaarkood ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda Garoonka Diyaaradaha Cisileey iyo Dekadda Ceel Macaan, Waxana uu Gudoomiyuhu sheegay in maalmaha soo socda Haddii Alle idmo ay dib u howlgalinayaan Garoonka Diyaaradaha ee Cisileey iyo weliba Dekadda Ceel Macaan ee duleedka magaalada Muqdisho isagoo sheegay in la xiliyay qilaafkii u dhaxeeyay Mas’uuliyiin katirsan Ururka Xisbul Islaam kaasi oo ku aadanaa furitaanka Garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda Macmalka ah ee Ceel Macaan.



Guddoomiyaha ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay ka soo degsadaan Dekadda maciishadaha ay ka keensadaan dalka Dibadiisa isagoona Shirkadaha Diyaaradaha ugu baaqay in duulimaadyadooda ay ka Billaabi karaan Garoonka Diyaaradaha ee Cisileey.

Guddoomiyaha ayaa Dhanka kale waxa uu sheegay in dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho Uu ganacsatada iyo hay’adaha ugu baaqayo in ay gargaar la soo gaaraan dadkaasi barakacayaasha ah ee ku dhaqan duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku haysato xaalado nololeed oo aad u liidata.

Banaadir Post

WASIIRKA AMNIGA KENYA "XILDHIBAANNADA SOOMAALIDA MAXAY DALKEENNA KA QABANAYAAN MEEY DALKOODA AADAAN OO DADKOODA AY XILKA U HAYAAN U SHAQEEYAAN"


"Xildhibaanada iyo Saraakiisha ciidamada ee Soomalida maxay Kenya ka hayaan aaway Dalkii ay Mas'uuliyaddiisa hayeen ha aadaan dalkooda ha u shaqeeyaan" Hadalkaa waxaa si kulul u yiri Gourge Seitoti oo ah Wasiirka Amniga Dowladda Kenya mar wax laga weeydiiyey Xildhibaannada iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee ay Hoteelladooda ka qafaasheen.
Waxa uu Mr Seitoti qiray in ay heleen warqad ashtako ah oo kaga timid Safaaradda Soomaliya ee Kenya ayna ka aqbaleen in aanay ku xadgudbin xildhibaanada Soomalida ee wata Aqoonsiga Siyaasadeed ee Dalkooda Haseyeeshee waxa uu Wasiirku sheegay in Kenya ay ka go'antahay in ay Xildhibaannadaas ku Dardargelyaan in ay Dadkooda u shaqeeyaan intii ay Kenya Hoteelladeeda iska jiifi lahayeen.

Dhinaca kale Gourge Seitoti ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee hawlgalka uu yahay in Polic-ka Kenya ay soo qabtaan xubno ay ku tuhmayaan in ay xiriir la leeyihiin AlShabaab sida uu hadalka u dhigay.

"Waa gabagabo howshii aan qaban lahayn, baaritaan ayaana ku haynaa dadkii aan qabanay oo dhan"





Banaadir Post