Search This Blog

Tuesday, January 19, 2010

Xisbul-Islaam oo Iclaamiyey in ay dib u howlgelinayaan Dekedda Ceelmacaan Iyo Airaboorka Cisaleey!!.


Guddoomiyaha Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee deegaanka Ceel Macaan ee duleedka Waqooyi ee Magaalada Muqisho Sheekh Yuusuf Aadan C/kariin oo maanta u warramayay Idaacadaha Muqdisho qaarkood ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda Garoonka Diyaaradaha Cisileey iyo Dekadda Ceel Macaan, Waxana uu Gudoomiyuhu sheegay in maalmaha soo socda Haddii Alle idmo ay dib u howlgalinayaan Garoonka Diyaaradaha ee Cisileey iyo weliba Dekadda Ceel Macaan ee duleedka magaalada Muqdisho isagoo sheegay in la xiliyay qilaafkii u dhaxeeyay Mas’uuliyiin katirsan Ururka Xisbul Islaam kaasi oo ku aadanaa furitaanka Garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda Macmalka ah ee Ceel Macaan.



Guddoomiyaha ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay ka soo degsadaan Dekadda maciishadaha ay ka keensadaan dalka Dibadiisa isagoona Shirkadaha Diyaaradaha ugu baaqay in duulimaadyadooda ay ka Billaabi karaan Garoonka Diyaaradaha ee Cisileey.

Guddoomiyaha ayaa Dhanka kale waxa uu sheegay in dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho Uu ganacsatada iyo hay’adaha ugu baaqayo in ay gargaar la soo gaaraan dadkaasi barakacayaasha ah ee ku dhaqan duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku haysato xaalado nololeed oo aad u liidata.

Banaadir Post