Search This Blog

Saturday, June 28, 2008

C/fitaax Shaaweey"cidii aan kuqabano hub sharci daro ah talaabo ayee ku qaadeysaa DF"





Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in ay talaabo ka qaadayaan cidii lagu arka iyadoo lacag Sharci daro ah ka qaadeysa dadka iyo gaadiidka kala duwan ee isticmaala qeybo ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho.


Guddomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey oo u waramayay Saxaafada ayaa waxa uu sheegay in ay talaabo ka qaadayaan cidii qaadeysa lacag aan sharci aheyn xili ay soo badanayaan kooxo ku libisan dareyska Ciidamada dowlada KMG oo gaadidka iyo dadka ka qaadaya lacag aan sharci aheyn.


C/fitaax Shaaweey ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay in ay soo sheegaan cidii ay arkaan iyadoo qaadeysa lacag aan sharci aheyn islamar ahaantaana talaabo ayaan ka qaadaynaa ayuu yiri C/fitaax Shaawey ,waxaana jirta in gadiidka xamuulka iyo kuwa Bl-ka ay ka cabanayaan kooxo ku libisan dareyska ciidamada dowlada KMG oo ka qaadaya lacag aan sharci aheyn.


Hadalka ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili Shalay xoogaga Alshabaab ay Weerar Culus ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG ee ku sugnaa Contorol lagu magacaabo Sarkuusta oo ku dhaw Xerada Asluubta oo fariisin u ah Ciidamada Ethiopia,waxanaa dagaalkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac halkaasi oo gaadiidka isticmaala wadadasi looga qaadi jiray Lacago canshuuro ah.


Banaadir Post

Xamar cade.

Xawaaladda Mustaqbal oo Al-Shabaab ugu deeqday konton kun oo dollar.

















Waxaa yaab leh kuwa wax xawila iney dhiibaan lacagaha dadka Soomaaliyeed lagu gumaado, waxaa kaloo yab leh, in lacagtaas lagu gumado Aqoonyahan, Culimo u diin, kuwa u shaqeeya dowlada federaalka,Booliskii Qaranka Soomaliyeed ee waaya araga ahaa, sida odayaashii doraad Dayniile lagu diley,oo ay Soomaalida inta nadiifka ahi la yaabtey.

Waxaa kaloo lacagaahaas dhiiba, Kuwa Isgaarsiinta, Shirkadaha Diyaaradaha, iyo Ganacsato caan ah oo aad looga yaqaan somalia Sanadihii dagaalka ka jirey Somalia.

CSI.
london

Al-Shabaab oo waxyaabo lala yaabay bilaabay geeridii Adan Ceyroow kadib




Xoogaga Al-Shabaab ayaa gudaha Soomaaliya ka bilaabay afduubyo ay ku bartilmaameedsanayaan Samafalayaal isugu jira Somali iyo ajnabi.


Samafalayaasha u afduubaan Xarakadda Al-Shabaab oo laga xusi karo madaxa Hay'ada UNHCR Muqdisho Mudane Maxamed Xasan Cali (Keynaan) iyo sedex kale oo u kala dhashay dalalka Ingiriiska,Talyaniga iyo Kenya ayey sii deyntooda ku xireen madax furasha qofkiiba dhan Nus Milyan dollar.


Gulluf la doonayay in lagu sii daayo Samafal Soomaaliga ee lagu magacaabo Keynaan ayaa lagu guuldareystay ka gadaal markii uu Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Maansuur) ku xiray sharuud lacageed sida ay Waagacusub u sheegeen ila wareedyo kala duwan.


"Halku dhigii Al-Shabaab wuxuu ahaa:- XABSI MALEH XABAAL MOOYEE' laakiin tan iyo markii uu geeriyooday hogaamiyahoodii Aadan Xaashi Ceyroow waxaa isbedelay halku dhigii oo hada u muuqdo"XUSHMAD MALEH XOOLO MOOYEE"sidaasna waxaan ku cabiray afduubyada,boobka iyo falalka u dhigma ee ay ku kacayaan"ayuu yiri mid ka mida culumaa'udiinka Soomaaliyeed oo magaciisa qariyay.


"Kooxaha Al-Shabaab ee samafalayaasha afduubka ku heystay waxaa la leeyahay waa qaar ka falaagoobay halka warar kalena ay leeyihiin,waxaa wajahday dhaqaale daro,wayna ku adkaatay inay dagaalada sii wadaan sidaas ayey u bartilmaameedsanayaan samafalayaasha"ayuu yiri aqoonyahan ku sugan Muqdisho oo xaalad amaan isu qariyay.


Al-Shabaab waxaa hore loogu yaqiin go-aan qaadasho khaarijin qofkii ay ka shakiyaan hasse yeeshee waxay todobaadyadii la soo dhaafay bilaabeen falal lala yaabo oo ku beegan geeridii Macalinkoodii Aadan Xaashi Ceyroow,allaha u naxariistee.


Tilaabooyinka Afduub ee garabka Mukhtaar Rooboow Cali ku doonayaan madax furasho laga siiyo Maxamed Keynaan iyo ajnabiyiinta kale waxay sabab kaga dhigeen dhaqaalo daro.


Hogaamiyeyaasha Al-Shabaab waxay 30 Maalmood ka hor dalbadeen taageero dhaqaale oo ay weydiisteen Shirkadaha Soomaaliya sida Xawaaladaha,Isgaarsiinta iyo ganacsiga guud,waxaana qaarkood ka biyo diidayaan inay bixiyaan dhaqaalaha laga doonayo waloow ay mar walbana qabaan cabsi la xiriirto,tilaabada ka dhalan karta hadii ay laalaan codsiyada horyaal.



Banaadir Post.

London

Uk

Dowladda federalka oo jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray AL-QAACIDA




Afhayeenkan oo lagu magacaabo Abuu Yaxya Al-liibi, ayaa hadalkaasi ku sheegay Cajallad codeed la soo dhigay barta Internet-ka ee Al-qaacida leedahay, wuxuuna sheegay inaan la aqoonsan doonin Heshiiskii Nabadda ee ay DFKMGS iyo xubno ka tirsan Hoggaanka Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia ay bishan June 9-dii ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti.


Abuu Yaxya Al-liibi, waxa uu farriintiisa kula hadlay Kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda DFKMGS iyo Ciiddamadda Ethiopianka inay sii kordhiyaan dagaalkooda, isla markaana aanay aqoonsanin Natiijadda Heshiiskii Jabuuti.


Haddaba, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFKMGS, Cali Jaamac Axmed, ayaa si kulul u naqdiyey baaqii Mas\'uulkaasi ka tirsan Ururka Al-qaacida, wuxuuna sheegay inuu hadalkaasi muujinayo sida ay Al-qaacida uga soo horjeedo Heshiiska Nabada ee ay DFKMGS iyo Isbahaysiga ARS gaareen, kaasi oo ay QM ka soo shaqeysay.

Wasiirka oo haatan booqasho ku jooga dalka Masar, waxa uu carrabka ku dhuftay inay jiraan xubno taabacsan Ururka Al-qaacida oo ku sugan yihiin gudaha daka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna tilmaamay inay Canaasiirtaasi mas'uul ka yihiin qalalaasaha iyo colaadaha ka aloosan dalka Somalia.


Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu tilmaamay inay Kooxaha taabacsan Al-qaacida carqalladayn joogto ah ku hayaan isku-day kasta oo ay Beesha Caalamka ku doonayaan sidii lagu xaqiijin lahaa Ammaanka iyo Nabadda dalka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna ku tilmaamay Kooxdaasi kuwo aan kheyr la doonaynin Somalia.
Banaadir Post
Brusels,

Xaraan ku naxayaasha ka faa'ideystay dagaalada sokeeye, bililiqeystayna hantidii umada Somaliyeed.

Burburkii iyo bililiqadii hantida yare ee maantay dalka taal inta haysata badi waa dagaal ku taajir ama xaraan kunax, loona yaqaan ganacsato , kasoo aan inaba laheen dareen qaranimo, dawladnimana hadalkeeda daa.

Xaraan kunaxayashaas waa kuwa hortaagan in markale dib lo arko Haybadii iyo sharaftii umada Somaliyeed lagu yiqiinay, ayagoo xirfad ka dhigtay dhulkaan bur buray sidii dhaqqalo aay oga sameysan lahaayeen.

Xaraan ku naxayaashaas loogu yeero Ganacsato waa kuwa ku howlan dabar gooynta dhirtii nolosha umada Somaliyeed asaaska u ahayd, waa kuwa ku howlan dhoofinta wixii ka haray ugaadha iyo xoolah dhiddiga ah, waa kuwa ku howlan qiima tirka shilinka Somaliga ayagoo kensada lacag been –abuur ah oo lagu dhibaatenayo Shacabka Somaliyeed.

Xirfada xaraan ku naxayaashas waxaa kaloo ka mid ah dadkii oo lagu sumaynyo dawooyin dhacay iyo cunto waqtigeedi dhaftay oo dhacday isla mrkaasna ay tahay in la daadiyo.

Hadaba xaraan ku naxayaashaas ku taajirtay bililiqada iyo sharci la’aanta waxay la tahay in ay dantoodu ku jirto dowladla’aanta iyo dal ay keligood hantilayaal ka yihiin, ciday doonaana kharajiyaan waa sababta ragaas aanu soo sheegnay ugu howlan yihiin fidmada iyo ka hortagga Dowladnimo ineey abid soo noqto, Adeegsanayana hantidii ay xaaraanta iyo boobka ku heleen.

Banaadir Post.
Xamar Cade.

Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Masar




Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Somalia Md. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda dalka Masar.


Socdaalka Madaxweynaha oo ku wajahan dalka Masar ayaa waxaa ay horay u sii marayeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo la filayo in beri ay gaaraan magaalada loo dalxiis tago ee Sharma Khiikh oo ka socda shirka madaxda dalalka Afrika oo la filayo in arrimaha ugu horeeya ee looga hadlayo ay kow ka tahay arrimaha dalka Soomaaliya.


Markii ay gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa si diiran halkaasi ugu soo dhoweeyay saraakiil sare oo ka tirsan Madaxtooyadda dalka Kenya iyo safaaradda Soomaaliya ee Kenya.


Sidoo kale warar kale oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in marka uu soo xermo shirka madaxda Afrika uu Madaxweynaha tegi doono Boqortooyadda Sacuudi Carabiya halkaasi oo la filayo in 30-ka bisha isugu tagaan xubnaha heshiiska ku saxiixay dalka Jabuuti.


Ka hor inta uusan Madaxweynaha ka ambabixin garoonka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay amaanka wadooyinka soo gala garoonka waxaana amaanka wadooyinkaasi sugayey ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo xayiray isu socodka dadka iyo gaadiidka, mana dhicin wax ka horyimid......
Banaadir Post.
Xamar Cade.