Search This Blog

Tuesday, November 18, 2008

Qabyaaladdu ma u danba qabiilka?

Horta, intaanan ka jawaabin su’aashaan, bal aan qeexo waxaaan ula jeedo qabiil iyo qabyaalad. Qabiil ama reer, ama jilib, ama jifi iwm, waa koox bulshada ka mid ah oo ku wada abtirsata hal ab ama oday. Qabyaalad waa markii wax lagu maamulo habka qabiilka oo dadka lgu kala takooro qabiil daradiis, qof wax lagu siiyo, qofna wax lagu yeelo.

Qeexiddaas ka dib, aan u gudbo dulucda maqaalkayga. Awalan, waxaan u arkaa wax fiican in qofku uu qabiilkiisa jeclaado, uuna la jeclaado horumar, barwaaqo iyo baraare. Waxaan sidoo kale u arkaa wax fiican in qofku ka shaqeeyo danaha qabiilkiisa. Haddaba, waxaa habboon in la isweeydiiyo, maxaa u dan ah qabiilkaaga? Jawaabtu waa sahal siday ila tahay. Waxaa u dan ah in qof kasta oo ka tirsan qabiilka uu helo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha qof banii’aadam ah sida nabadgelyo, waxbarasho, caafimaad, meherad uu ka xoogsado, hoy, biyo, nal, bay’ad nadiif ah oo bilicsan, xorriyad, xuquuql insaan iwm. Su’aasha taas ku xigta waxay tahay, haddii la adeegsado qabyaalad, ma la garsiin karaa xubnaha qabiilka nolo heer sare ah oo u qalanta qof banii’aadam ah? Waxaan isku dayaya inaan kaga jawaabo su’aashaas qaybahaan soo socda:

Ma loo daneeyaa qabiilka mise waa lagu daneeystaa?
Waxaan ognahay in mar kasta oo gole wasiiradeed la dhisayo in badanaaba dadku ka fiiriyaan in magaca qabiilkoodu ka muuqdo liiska wasiirada. La isma weeydiiyo qofkaasi muxuu u qaban karaa qabiilkiisa ama bulshadaba. Waxay noqotay caado aan la dhaafi karin in qabiil kasta uu suntado wasiir wasaarad nafac leh hoos timaado sida Wasiirka maaliyadda, kan saliidda, kan khayraadka badda iwm. Nasiibdarro, hadda sharcibaaba la dhigay in xubnaha xukuumadda iyo jagooyinka waaweeyn lagu qaybsado habka 4 qabiil iyo bar.

Qofka magaca qabiilka wax ku doonaya, kuna soo baxa, waxaan dhihi karaa 90% waa qabqable ku takhasususay ficiltanka qabiilka, waaya-arag ku ah guubaaba iyo dagaalka sokeeye, aragtidiisu ku kooban tahay reerkiisa oo keliya, aan muraadna ka lahayn maamulka dawliga ah, hadafkiisuna yahay inuuu waxun hanti ah ka xoqxoqdo meeshaas Waa mid aayan xisaabta ugu jirin horumar dhaqale iyo adeeg bulsho, isu haysta inuu sharciga sareeyo, waayo wuxuu aaminsan yahay inuu jagada ku helay, kuna haysto cududda qabiilkiisa. Qafkaas waxaa barbardhigtaa qof lagu soo xulay kartidiisa, waayo-arganimadiisa, daacadnimadiisa, hawlkarnimasiisa iyo aqoontiisa qoladuu iyo qabiilkuu rabo ha ahadee. Markaas waxaad isweydiisa, yaa danaha qabiilkaaga u roon ma midka magaca qabiilkaaga ku qaraabanya oo aan waxba kuugu ooleyn, mise midka aqoonta leh oo curin kara fikrado iyo qorshayaal wax loogu qabanayo bulshada oo qabiilkaagu ka mid yahay. Dabcan midkan dambe ayaa dan iyo faa’iido ugu jirta qabiilkaaga.

Haddaan mitaal kale soo qaadanno, waxaan aragnaa in mar kasta oo la dhisayo dawlad hoose, in qabiil ama jilib uu ku dhago mansabka Duqa magaalada, iyagoo ku andacoonaya inay u badan yihiin deegaanka inkastoo aan Soomaalida la tirakoobin. Sidaan ka warqabno, magaalooyinka waaweeyn ee Soomaaliya waa kuwo dhibaatoyin farabadani ay hadda la soo darseen. Waa magaalooyin si qaabdarro ah oo isku-raran ah u ballaaraty, aan lahayn adeeg bulsho, ay ka jiraan gaajo iyo shaqo la’aan, ay mar kasta ka dillaacaan cudurada faafa, aan lahayn waddooyin gawaaridu maraan iyo hab qashinka looga guro oo weliba ammaakoodu halis ku jiro. Caqliga saliimka ahi wuxuu ku talin lahaa in magaalada noocaas oo kale loo doorta Duq-magaalo oo lagu soo xulay waayo-aragnimadiisa, kartidiisa, akhlaaqdiisa, farsamadiisa, iyo aqoontiisa xagga maamulka iyo jaangooynta magaalooyinka, cidduu iyo qoladuu rabo ha noqdee. Taasi ma dhacdee, waxaa la magacaabaa ama is-magacaaba qabqable magac qabiil ku duulaya oo aan cidna u abaayaleeyn. Markaas waxaad isweeydiinaysaa, qabiilkaan deegaanka sheeganyey ma dhisayeen magaaladooda mise waa duminayeen.
Maya, qabyaaladdu dan uma aha qabiilka
Horey waxaan u niri danta qabiilka waxaa cabbir u ah waxqabad ku aadan mashaariic horumarineed oo nolosha bulshada bila sida dugsiyo, cisbitaalo, ceelal dadka iyo xooluhu ka cabbaan, fursado shaqo, guriyeyn, warshadeyn, xorriyad, ammaan iyo xasilooni. Hawshaas qofkii wax kaaga qaban kara ayaa kula tol ah oo kuu dan ah qoladuu rabo ha ahaade xitaa ajnabi. Dhanka kale, qofkii aan ceel ku qodayn, oo dugsi kuu dhisayn, oo isbitaal ku fureyn oo ammaan aan kuu sugeyn, kaas ayaa shisheeye kuu ah oo danaha qabiilkaaga ka soo horjeeda waloow aad magac wadaagtaan.

Waxaa la yaab leh, dadku markay maareeynayaan danahooda gaarka ah waa xisaabtamaan. Qofna ma oggola inuu dukaankiisa u dhiibto qof ay isku reer yihiin oo tuuga ah illeyn waa xadayaaye, qofna ma oggola inuu raaco baabuur uu wado ina adeerkiis oo aan weligiis darawalnimo baran, illeyn shilbuu galinayaaye, qofna ma oggola inuu walaakiis oo aan takhtar ahayn yiraahdo i qal illeyn waa dilayaaye. Waa yaabe, maxaa sidaas oo kale loogu xisaabtami waayey markii arrintu taagan tahay danta guud iyo maamulka dawliga ah.

Gabagabadii, ujeedada maqaalkaani ma ahayn inaa kaga faaloodo dhibaatooyinka faraha badan ee qabyaaladdu keento oo waxaa hadal dhammeeyey Allaha u naxariiste abwaan Abdullaahi Sultaan Timacadde markuu yiri: “Dugsi ma leh qabyaladi waxay dumis mooyaane”. Ujeedadaydu waxay ahayd oo keliya baraarujin in haddii jagooyinka dawladda lagu qaybiyo hab qabyaaladeed oo aan la firin mudnaan (merit) waxaa halkaas ku dulman waa qabiilkaaga iyo bulshdoo idilba oo aan helayn daryeelkay mudnaayeen. Ma magac qabiil oo lagugu dulleysto ayaad rabtaa mise maamul toosan lagugu daryeelo.

W.Q. Mohamed Dalmar

Nabad diidku waa dawlad diid!!

Nabadda waxaa diidan inta ka cabsanaysa dowladnimada oo aan rabin cadaaladda iyo sinaanta muwaadiniinta, sadbusina dhaqan ka dhigatay. Waxaa diidan inta aan rajo ka lahayn in la soo doorto oo “xoog” inay wax ku xukunto rabta. Waxaa kale oo diidan wax magarato qoryo loo dhiibay oo loo adeegsanayo burburinta qaranimada iyo diinta!

Sida la ogyahay Jabhadihii lagu soo sameeyay, laguna soo howlgeliyay iney dumiyaan dowaldii Somaaliyeed waxey u adeegayeen istrateejiyada dowladda Itoobiya oo sheegtay iney hore u qorsheysay burburinta iyo kale qaybinta Soomaaliya. fadlan si fiican u aqri websitka

http://www.mfa.gov.et/Foreign_Policy_And_Relation/Relations_With_Horn_Africa_Somalia.php. Fikirka Jabhadaha waxaa sal ka ah qabyallad hubaysan oo aan laga xishooneyn. Waxa kale oo sidaas oo kale u dhaqmay dowladii qaranka oo la mooday inay isku badashay goob ay leeyihiin beello gaar ah. Qabyaalladii laga xishoon jiray ilkaheedii ayaa banaanka la soo dhigay. Sheekadii habeenka ayaa maallintii isku bedashay. Waxaa fikirkeeni ka badin waayay “yaa tolaheey! waa wareey!!” oo ay aqrinayaan Jeneraallo iyo doktooro loo soo carbiyay dowladnimada iyo qaranimada. Weli waa joogaan kuwa firkiikaas uraya (qurunka ah) kasii wada dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Dawladii Soomaaliyeed iyo qaranimadeenii waa la jajabsaday, waxaana boqol sanno ka badan wixii Soomaaliya lahayd loo beec geeyay sayladaha caalamka. Ruuxii aan tol laheynow ba’a! Sidaas ayaa xaalka la gaarsiiyay. Soomaaligii aan ka dhalan reer hubeysan, ruuxii Soomaali noqday oo beel aan shaqo ku darsan, ruuxii Alle ka cabsi u gaysay inuu fitnada ka fogaado, waxay noqdeen dhibanayaal (victims), waxaana laga dhigtay la haystayaal (hostages).


Muddo dabadeed, Soomaalidii waa kala qaxday, reerba meel ayuu ku ururay, ugu dambeyntii, safarkii qixitaanka meel ayaa lagu furay. Intii dibadda u firxatay waxay kaalmeysay intii gudaha ku go’doontay. Waxaa bilaabatay marxalad cusub oo wajiga biyo la marsaday, dibna loo tashaday. Meelo badan waxaa laga sameeyay nabad iyo maamuul, meelo kalena weli waa la caaboonyahay (lama daalin) oo waa dagaal ujoog. Hadaba, waxaa iswaydiin u baahan maxaa goboladda qaar nabad uga dhacday, kuwa kalena nabad looga keeni waayay?

Waxaa nabad laga waayay intii Jabhadda USC sheegatay inay ka taliso iyo intii ay luga fidsatay. Waxay ka bilaabataa koonfurta Gaalkacyo waxayna ku luga fidsataa ilaa Raas kambooni, waa inta sanadahaan loo bixiyay koonfurta Somaaliya. Waa Soomaaliya inteeda kale marka laga reebo Puntland iyo Somaliland. Hadaba waa maxaa jinka halkaan degay iyo kheyrka meelaha kale laga helay? Ma reeraha degan ayaa kala fiican? Max wax kale ayaa jira? Ma rabo inaan ku meereysto sheekooyinka ah waxaa ku taalla caasimadda, khayraad badan ayaa la isku haystaa (resources) iyo waxyaabaha la dhihi karo waa cudur-daar (apologetic). Dhabtii, waxa la dhihi karaa arinku shacbi ma aha oo shacbi kasta nabad iyo nolol waa rabaa. Laakiin, waxaa halkaas ku tallo xumaystay, jin la yihaado (USC) oo shaqo ka dhigtay: ihorkici maysid, ku horkici maayo, kala hari-mayno! Sow ha la isbar-bar yaaco ma aha!! Hadaba sidaas dowlad ma ku imaaneysaa? Gobolladda kale ee dalku waxay ka xoroobeen Jabhadihii, Soomaaliland waxay dhisantay markii Jabhadda SNM meesha laga saaray oo talada loo dhiibay Guurtida. Puntland waxay hagaagtay markii SSDF meesha laga saaray oo hawsha Issamada lagu wareejiyay. Labadaas meelood waxaa loo noqday dhaqankii si nabad loo keeno, maamulna loo bilaabo.

Magaalada Xamar iyo inta la xiriirta, Jabhadihii ayaa qurunsaday. Jabhadahaasu waa kale adkaan waayeen, ayagana waa laga adkaan waayay! Maxaa yeelay waxaa kobcinaayay oo gacan buuxda siinayay bulshada caalamka (international community) iyo dawladii soo barbaarisay–Itoobiya. Waxaa loo diidday aqoonyahaanada Somaaliyeed muddo 10 sano ka badan wax talo ah in laga dhagaysto. Dalkii waxaa gacanta loo galiyay madaxda Jabhadaha, inta kalena waxaa lagu yiri ku daba fayla jabhada reerkiina. Waxaa Jabhadaha loo dhigay karbedka casaanka ah (red carpet), waxaa lagu yiri waxaad tihiin hogaamiyeyaal siyaasadeed, waxaa loo qabtay shirar aan kale go’laheyn, waxaa laga saxiixay in ka badan 12 heshiis. Haseyeeshee, waxba kama soo naaso cadaan!! Maxaa yeelay, shirarkaasu waxay ahaayeen maaweello ee dhabba ma ahayn!!! Waxay ahaayeen jilid la rabay in Somaaliya lagu dilo, laguna qaybiyo, laakiin waa dhiman la’dahay oo Ilaahey sida ma qadarin. Khayr badan oo aan umuuqan ajnabiga ayaa ku kaydsan, waxaana lala yaabay horumarka ay ka gaareen ganacsiga, tacliinta, bulshada Rayidka ah, isgaarsiinta iwm. Jabhaduhu waxay ahaayeen been la dhoodhoobay. Kuma dhisnayn beel oo dhaqanka beeshaas lagu xisaabin karo, kamana talinayn madaxda runta ah ee beeshu. Jabhaduhu ma ahayn xisbi siyaasi ah oo laga noqon karo xubin oo dadkeedu tirsanyahay, lehna nidaam ay ku wada shaqeeyaan. Jabhaduhu waxay ahaayeen wiiro-wiiro, horjooge maleeshiyeed dadka booba, kana cabsan dhiig daadinta, madaxoodana ayan ku jirin qaranimo iyo dan guud. Meeshii laga waayo ayaa maamul samaysay, meeshii ay joogaan balaayo ayaa fadhiisatay.

Wax lagu magacaabi karo shir Soomaaliyeed oo heer qaran, wuxuu la bilowday Shirkii Carta ee Jabuuti lagu qabtay 2000, asiguna ceebo badan waa lahaa. Laakiin, waxaa la dhihi karaa wuxuu Soomaaliya u gudbiyay marxalad cusub oo waxaa laga gudbay Jahbadaha, la dhiiri galiyay bulshda rayidka ah, dowlad qaran oo la ictirafay ayaa lagu dhisay. Laakiin nidaamkii Carta lagu dhisay waa la wiiqay, kuwii madaxda ka noqdayna waa iswiiqeen. Itoobiya iyo Maraykanka ayaa sal u ahaa wiiqidda, Jabhadaha ayaa loo adeegsaday. Nasiib daro, waxay ku soo beegantay 9/11 iyo wayrixii iyo caradii Maraykanka iyo bilowgii la dagaalanka argagixisada. Waxaa mar kale soo xoogastay Jabhadihii iyo Itoobiya, waa tii la qabtay shirkii Kenya (2002-2004), waxaa ka soo baxay nidaam xukun oo laga min-guuriyay kii Carte, laakiin madaxda Jabhaduhu hor boodayaan. Waxaa lagu go’aamiyay in Jabhaduhu soo xulaan xubnaha baarlamaanka!! Nin xoog leh xaajo u tuuday! Nin la rabaa reyn badana anba reedda waa ka rogee!! Oo micnaheedu yahay (fiicanaa nin la rabo aniguba waan agtaagnaaye). Sida la wada ogyahay, xaalka dowaldii lagu soo dhisay Kenya waxaa lagu sifayn karaa: khilaaf aan istaagayn; dagaal aan dhamaanayn; shaqo dawlo oo aan la qabanayn; xoollaha oo la iska boobayo; baarlamaan iska cayaaraya oo maalinba ku boodaya mid ka mid ah madaxda dowladda, kana siib kana saar kaliya ka shaqeeya; madaxwayne iyo ra’isulwasaare khilaaf u joog ah oo haddii ay isqabtaan, Itoobiya heshiisiin u aadaya; Walle waa wax lala yaabo!!

Waxaa intaas la jira, imaanshihii midowga maxkamadaha, kacaankii dadwaynaha iyo jabhadii cusbayd ee lagu dhawaaqay oo culumadu hogaaminaysay. Hiilladii dadwaynaha oo lagu bixiyay Jabhadihii, sooma kordhin dhismo maamul iyo nidaaan xukun hawl-gal ah. Xukunku aqoon ayuu rabaa, dadka oo laga qayb galiyo ayuu rabaa, inaan xoog lagu qaadan ayuu rabaa. Hasa yeeshee, wixii dhacay ka sheekayn uma baahna, nabadii waa tii la diiday, dagaal ayaa jilibka loo laabay, Jabkii la ogaa ayaa ka dhacay, yaa ka ma’suul ah la isma weydiin. Sidii Jabhadihii oo kale, xisaabtan lama ogola, hore ha loo socdo waaye taladu. Waxaa si khaldan loo adeegsaday Islaamka, wadaninimada iyo qabiilka si wada jir ah ama kala jir ah, waxaana la adeegsanayay war baahinta si heer sare ah oo lagu marin habaabin karo dadka.

Waxaa dib loo abaabulay Jabhadii la magac baxday “dib-xureynta Somaliya” oo lagu asaasay Asmara. Waxaa Somaaliya mar kale gashay af libaax. Faragelintii Itoobiya waxaa ku soo biirtay faragalinta Eriteriya. Waxaa la galay dagaal labo dowlad u dhexeeya oo “dhiigga Somaaliyeed” lagu daadinayo si raqiis ah, laguna wiiqayo dowaldnimadeeda. Dhexdeena, waxaa ka bilaabatay isgaalaysiinta iyo iscolladinta xoogagii shalay inta kale kula dagaalamay magaca Islaamka. Qaar ayaa nabadda qaatay, kuwa kalena waxay welli wadaan dagaal. Waxaa bilaabatay cabsi ah amay ku socota heerkii USC-dii hore!! Kale qaybsanaantii hore iyo dagaallo faraha looga gubto!! Heshiiskii ugu dambeeyay ee Jabuuti, wuxuu ahaa “caano daatay dabadooda la qabtaa!” wuxuu ahaa rajo cusub oo nabadeed, waxaa ubaahan dadkeyna geedaha hoostooda quban, kuwa baduhu liqayaan, kuwa xabaddu aftar dhinac uga socoto, kuwa gaajada baarka dhulka ugu haya, waxaa ubaahan badbaadinta qaranimadeyna iyo jiritaankeynna. Waxaa martigalisay dowladda DJabuti oo looga bartay wanaag iyo Soomaali jacayl. Waxaa xoog saaray madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle iyo raggisii nabadda ku caanka baxay, waxaa lagu heshiiyay in Itoobiya dalka ka baxdo, ayaduna waa aqbashay, mudaduna waa gaabantahay. Dabadeed, waxaa la damacsanyahay in la nabadoobo, doorasho xalaal ah dalka laga diyaariyo dhamaadka 2009.

Waddada la hayo waa muuqataa, waxaa soo socota waqti aan xoog wax lagu xukumayn, wadaad ayaan ahay aan wax lagu xukumayn, reer hebel ayaan wakiil u ahay aan wax lagu xukumayn, Itoobiya ayaa I wadata aan wax lagu xukumayn. Waxaa soo socota waqti aan Islaamka hoos loo fiirineyn, dadku simanyahay, shirko ku yahay diinta, dalka iyo dawaldnimada. Waxaa wax lagu xukumaa waa dadkayga ayaa I soo doortay, danta dalkayga ayaan ka shaqaynayaa, dhaqanka Islaamka ayaan kobcinaya, nabada gobolka ayaan horseedayaa iyo iskaashiga caalamiga ayaan doonayaa. Waa taas wadada Soomaaliyeed ee dawladnimada, nolosha iyo nabadu, waa taas tubta toosan ee Islaamka. Hadaba yaa diidan nabadaas? waxaa diidan inta ka cabsanaysa dowladnimada oo aan rabin cadaaladda iyo sinaanta muwaadiniinta, sadbusina dhaqan ka dhigatay. Waxaa diidan inta aan rajo ka lahayn in la soo doorto oo “xoog” inay wax ku xukunto rabta. Waxaa kale oo diidan wax magarato qoryo loo dhiibay oo loo adeegsanayo burburinta qaranimada iyo diinta!!
[1] Cabdiraxman Baadiyow waa aqoonyahaan ka mid ah madaxda Xarakada Islaax, isla markaasna madax u ah Boorka Jaamicadda Muqdisho. Waxaad kala xiriir kartaa Email:


abduraxmanba@yahoo.com