Search This Blog

Friday, July 25, 2008

Oday 70-jir ah oo qiso la yaab leh ku qabsatay Muqdisho


(QISO DHAB AH) Oday Soomaaliyeed oo ay da'diisu kor u sii dhaafeysay 70-sano,markaasna si ku-meel gaar ah u degganaa Gobollada Jubbooyinka,ayaa ku fekeray: in uu soo xajiyo,soona booqdo dhulka barakeysan ee Maka iyo Madiina.

Odaygii ayaa shiriyay Caruurtiisii iyo labadiisii Haween; wuxuuna ku yiri:- "Anigu waxaan u socdaalayaa Beytkii Allah, oo waan soo xajiyayaa,waxaana aan sii socodkayga marayaa Muqdisha. Waxaan eegayaa xaaladda Aqalkeennii aannu dagaallada sokeeye awgood uga soo cararnay.Nabadey,Garabkiinnana Allaha galo".

Aroortii dambe ayuu Odaygii soo galay Safar,habeen uu soo dhaxay ka-dibna wuxuu soo gaaray Muqdisha. Toos ayuu u soo abbaaray Aqalkiisii uu 9-sano ka-hor ka qaxay,wuxuuna soo ag-istaagay Albaabka Guriga,isaga oo Caruur meesha ku hor-ciyaareysay ka codsaday in ay ugu yeeraan waayeelka Guriga.

Caruurtii ayaa dib u gashay guriga,waxayna u yeereen oo dibadda u soo baxday hooyadood oo markaas ahayd reerkii degganaa aqalka; ninkeeduna wuxuu isaga maqnaa hawlihiisa gaarka u ahaa.

Haweeneydii ayaa ku tiri Odaygii:-"Adeer,yaad rabtay,maxaadse doonaysay oo uu muraadkaagu ahaa"?!!. Odaygii ayaa wuxuu ku jawaabay,oo yiri:-"Maandhaay,waxaan ahaa Odaygii lahaa Gurigan,haddase taas umaba socdee,waxaan rabay oo kaliya, in aan ogaado cidda deggan aqalka,la sii dardaarmo,oo weliba ugu duceeyo sii ilaalinta aqalka".

Gabadhii oo horena isku sii lahaysiisay Aqalka,kana sii carootay hadalka Odayga,ayaa inta ay faruurya-qaniinsatay,go'aansatay in ay khaarajiso Odayga,si ay u soo af-jarto inuu dib dambaba u sheegto aqalka.

Haweeneydii ayaa Gambar dibadda u soo dhigtay Odayga,waxayna ku tiri:-"Adeer arrimaha Aqalka waannu ka sheekaysanaynaaye, Gambarkan ku fariiso, oo igu sii sug Geedkan hoostiisa, inta aan ka soo laabanayo Xaafad halkan ah,oo aan muraad u leeyahay".

Odayga oo run mooday hadalka Haweeneyda ayaa iska hoos-fariistay Geedkii weynaa ee ku hor-yiil aqalka.

Haweeneydiina, inta ay degdeg u qaadatay Garbasaarkeedii(Hagoog) ayay Xaafadda sii gashay.Waxay Haweeneydii u tagtay koox Mooryaan ah oo ay isku-heyb ahaayeen,Xaafaddana ka ag-dhowaa. Waxay ugu habar-wacatay oo ka codsatay in ay dhaqaaqaan oo toogasho ku dilaan Ninka Aqalkeeda hor-fadhiya.

Daqiiqado gudahood ayuu Odaygii galay Musqusha(Suuliga) Aqalka,si uu u soo muraad-qunsado,isla daqiiqadahaas ayaa waxaa aqalka soo gaaray ninkii qabay Haweeneyda,wuxuuna is-yiri:- "Inta aadan aqalka galin, sii naso oo ku sii fariiso gambarkan aqalka hortiisa yaalla".

Ninkii oo ku fadhiya Gambarka,hoosna u foorara,ayaa waxaa meel dhowr tallaabo u jirtay,iyagoon hubsan ka soo toogtay Mooryaantii ay Naagtiisu soo dirtay,isku heybtana wada ahayeen.Ninkii ayaan naftaba dhulka la dhicin oo geeriyooday.

Odaygii Suuliga ku jiray, ee dabinta loo dhigayay,inta uu maqlay rasaasta iyo tacshiiradda ka hor-dhacaysa guriga ayuu deg-deg u soo baxay,cagahana wax uga deyay oo lafihiisa la baxsaday.

Soomaalida ayaa tiraahda:-"God sireed ha qodin,haddaad qoddidna ha dheereyn, ku-dhici doontidaa ma ogide".Islaantii ayaa dib u soo laabatay,waana ay maqlaysay Rasaasta dhacaysa,waxayna aaminsaneyd in laga takhalusay Odaygii Geedka hoos-fadhiyay.

Laakin,waxaa kedis iyo fajac ku noqday oo ay soo kor-joogsatay Meydkii Ninkeeda iyadoo ay caruurteediina ku dul-barooranayaan...!!Waxaa la yiri:-Diin (Diidiin) ayaa lagu war-geliyay in ay Habar-dugaag iyo Haad oo dhammi u showreen. Wuxuuna yiri Diinkii: "-Halkii la iigu tashanayay sow Allah ma joogin". Halkii ay Haweeneyda dhagar-qabtada ah iyo Mooryaantu ugu tashanayeen Odayga Musaafurka ah, sow Allah ma joogin..!!.

Haa waa uu joogay,wuuna ka jawaabay Allaha boqorka ah ee aan cidna dulmayn.Waxay Soomaalidu tiraahdaa:-"Sir ma qabe Allaa u sahan ah". "Nin ku siray wax kuu sheeg"."Sir ma qabe Saab baa biyo u celiya" .Waxaa kale oo ay Awoowayaasheen nooga tageen murti ah:- "Wanka macasha weyni, ilaa la bireeyo (qalo), Indhihiisu ma arkaan Xiddigaha".

Wataa Haweeneydii dabinta qooleysay Saaratay Asaayda,gacmaheedana ku agoonteysay Ubadkeeda. Rasaastii eheladeedana ku toogatay Ninkeeda iyo Caruurteeda Aabbahood..

WD/Cismaan Cumar Cabdulle (Cismaaney) osmanhilowle@hotmail.com ....

Banaadir Post