Search This Blog

Wednesday, August 27, 2008

SHEYBKA REER SHAATIYO BADAN OO SHEEGTAY, SHIR GUDDOONKA SHIDO WADAYAALKA SOOMAALIYA OO DHAN..


Waxaa ah wax laga naxo wareysi uu dhowaan siiyey BBC da Xasan Daahir Aweys oo loo yaqaan ( Sheybka reer shaatiyo badan), sheybka mar wax laga weydiiyey sida uu u arko guud ahaan arimaha Soomaaliya, gaar ahaan heshiiska ay dhowaan magaalada Djibouti ku gaareen DFKMGS iyo Isbaheysiga dib uxoreynta?.


Wuxuu sheybku ku bilaabay hadalkiisii " marka hore waxaad ii ogolaataa inaan u tacsiyadeeyo dadkii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKMGS ku xasuuqeen deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Carbiska",

sheybku ma uusan xusan tacadiyaddii kale ee ka dhacey meelaha kale sida : Baladweyne, caasimada Soomaliya ee Muqdisho iyo Kismaayo iwm.


Sheybku mar uu ka jawaabaayay heshiiska dhowaan DFKMGS IYO isbaheysiga dib uxoreynta ku saxiixeen Jabuuti, wuxuu sheegay in uu meelaha ka maqlaayay in la saxiixey heshiis aan isaga iyo beeshiisuba ku qanacsaneyn, wuxuuna ku tilmaamay shaqsiyaadka Jabuuti ku saxiixey heshiiskaas la sheegaayo insaysan faham-saneyn hadafka dhowrka iyo tobanka sano taageerayaashiisu, ayagoo hadba shaati gashanaayay ay dhiigga shacabka Soomaliyeed u daadinaayeen.


Tala-xumada Sheybka, waxaa lagu xusuustaa sannadkii 2006kii, iyadoo Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ee uu hogaaminaayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo inta badan taladii dalka gacanta ku dhigey, shacabkii Soomaliyeedna 97% caleemen qoyn u ruxaayaan, lana helay ammaan iyo kala danbeyn Dawladnimo oo la la'aay dhowr iyo toban sano, ayaa nasiib darro Sheybka reer shaatiyo badan wuxuu sheegtay inuu yahay Guddoomiyaha Guddiga Golaha Shuurada ee Midowga Maxaakiimtii Islaamiga, is-magacaabidiisii Sheybka, dhowr saacadood ka dib waxaa soo baxey tobaneeyo (10) maqaal oo lagu naqdinaayo is-magacaabidiisii, maqaaladdaas waxaa ka mid ahay maqalkii ciwaankiisu ahay


" Xiisihii loo qabay xukunka xerta, xukun jaceylka Xasan Daahir Aweys ayaa xumeeyey iyo qaar kale".


Dhowr asbuuc ka dib is-magacaabidii Xasan Daahir Aweys iyo carrab-dheeriddii taliye maleeshiya beeleedkiisa ninka isku magacaabay General Yusuf Siyaad M Indhacadde, waxaan filaayaa in laga wada dheragsan yahay sidii uu u dummey shucaacii ifaafey ee MMIS, ka gadaal markii uu sheybku yiri Adduunka oo dhan ayaan ku xukumeynaa Diinta Islaamka iyo Yusuf Indhacaddeoo iclaamiyay inaay tobobo casho(7) ka dib aay madaxda Maxaakiimtu ku dukan-doonto magaalada Baydhabo oo xarun u aheyd DFKMGS, Maxaakiimtii waxay bilaabeen dagaalo aan qorsheysneyn, si xun ayaa dagaalkii loogu jebiyay Maxaakiimtii, waxaana laga dhigey mid haadey iyo mid heybshey, markii aay arintu xumaatay ee aay gaartay yaa Dooli iga dhiga ayuu Yusuf Indhacadde Xaj beenaad u aadey Suadi Arabia, arintiina waxay noqotay reer hebelow labada orod mid daaya.


Sheybka oo wakiil ka ah beeshiisa wuxuu taagan yahay, dhiggii shacabka Soomaliyeed ee la soo dadinaayay laga soo billaabo sanadkii 1991dii, cid aan aniga aheyn kuga shir tagi karto, runtii waxaa hadda moodaa inaay muuqanayso astaan muujinaysa in aay sheybka u rumoobi rabto riyo maalmeedkiisii ( day dream) waayoo R/W Nuur Cadde oo aad u nabad jecel ayaa hogaanka Xukuumaddiisa ku aaminay kuxigeenkiisa Axmed Abdisalaam Aden oo aay isku hadaf iyo heyb yihiin sheybka, ee Soomaliyey haddii aan Ilaahay xal kale keenin, ha loo digaar garoobo dagaaladdii sagaashameeyaddii 1990dii oo kale.


Sheybka reer shaatiga badan oo sheegtay shir guddoonka shido wadayaalka Soomaaliya oo dhan.


Warsaame


"Taliyaha Ciidamada Itoobiya sharci u ogolaanayo ma jiro inuu Gabar Soomaaliyeed oo uusan qabin gurigiisa ku xerto, Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soom

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb "M.Dheere" ayaa si kulul ugu hadlay fal ay shalay ciidamada Itoobiya ku kaxeeyeen Agaasimaha Waaxda Canshuuraha ee Gobolka Banaadir Haweeneyda lagu magacaabo Aamina Muuse xili ay ku sugneyd gudaha dekadda magaalada Muqdisho oo ay howlo canshuur aruurin ah ka watay.

Maxamed dheere ayaa sharci daro ku tilmaamay in xafiiska haweeneydaasi ay galaan ciidamada Itoobiya, isla markaana la geeyo guri uu degan yahay Taliyaha ugu sareeya ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, tasoo uu sheegay in xeerka Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida uu ka soo horjeedo in gabar Soomaaliyeed la kaxeysto oo guri ninkiisaa la geeyo.

"Taliyaha Ciidamada Itoobiya sharci u ogolaanayo inuu Gabar Soomaaliyeed oo uusan qabin in gurigiisa ku xerto, Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ma qabo"
ayuu yiri Maxamed Dheere Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in Dowladda Itoobiya ay dacwad u gudbinayaan si qaladkaasi dhacay loo saxo.

"Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Itoobiya waa nin Jaahil ah oo qoriga uu heysto aaminsan, laakiin Dowladda Itoobiya ayan jawaab ka sugeynaa"
ayuu sii raaciyay Maxamed Dheere oo si kulul wareysi u siiyay BBC-da, isagoo dhanka kale sheegay in dowladda Itoobiya ay leeyihiin xiriir wanaagsan balse aysan xiriir laheyn wax uu ku sheegay "nin Askari ah oo gabdhaheena gurigiisa geysanaya, mana dooneyo inaan sidiisa oo kale u dhaqmo".

Hadalkan ayaa yimid kadib markii shalay ciidamo ka socda Dowladda Itoobiy ay xafiiskeeda oo ku yaal Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Gobolka Banadir Aamina Muuse gudaha dekadda Muqdisho isla markaana ka kaxeysteen iyadoo la geeyay guriga uu Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Itoobiya ku leeyahay Sey Biyaano halkaasi oo mudo lagu hayey dabadeedna lagu amray ineysan qaadi karin wax canshuur, arintaasi oo Maxamed Dheere ka careysiisay wuxuuna sheegay in ciidamada Itoobiya shaqo ku laheyn howlaha maamulka Gobolka iyo Dowladda balse kaliya ay dalka u joogaan gacan siinta dhinaca ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Banaadir Post
Bupal yare#
banaadirpost@gmail.com

Madaxii UNHCR Muqdisho oo la sii daayey Mr.Xasan Keynaan: "Gurigeyga oo ku yaala Ceelasha Biyaha ayaa la iga afduubtay, wax dhibaato ahna la iima geys


Mr.Xasan Maxamed (Keynaan) oo ahaa madaxii Hey'adda Qaramada Midoobey ee Arrimaha Qaxootiga UNHCR ayaa gelinkii dambe ee shalay la sii daayay, isagoo faahfaahin ka bixiyay mudadii uu ku jiray gacanta kooxihii afduubtay, isagoona tilmaamay inaanay wax dhib ah u geysan oo ay aad u fiican tahay xaaladiisa nololeed iyo midiisa caafimaadba.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo Sarkaalkan ayaa sii deysmadiisa aan loo adeegsan wax madax furasho, waxaana wada hadalo ku aadan afduubkiisa ay dhex mareen Wakiilo ka socday Qaramada Midoobey iyo Kooxaha gacanta ku hayay.


Mar uu Saxaafada la hadlay ayuu sheegay Mr Xasan inuu caafimaad qabo, isla markaana ay Kooxihii Afduubka u heystay ay si wanaagsan ula dhaqmeen intii uu gacantooda ku jiray.


"Waxaa ley afduubtay 21-kii Bishii June, mudadaasna wax dhibaato ah lama kulmin, waxaa leyga afduubtay Deegaanka Ceelasha Biyaha oo aan ku sugnaa"ayuu yiri Sarkaalkan ka tirsan Qaramada Midoobey.Gacanta Kooxo Soomaali ah waxaa ku jira ilaa 9 ruux oo isugu jira Ajnabi iyo Soomaali, kuwaasoo ahaa sama falayaal u shaqeynayay Hey'ada kala duwan, waxaana wali gacanta Kooxo Dabley ah ku jiraan Labo nin oo ajnabi ah oo u kala dhashay Dalalka Britain, Kenya kuwaasoo ahaa qandaraaslayaal hey'adda Qaramada Midoobey ugu qaabilsan Dhinaca Beeraha ee FAO u shaqeynayay, isagoo sidoo kale mahad celin u jeediyay doorka ay sii deyntiisa ka geysatay madaxda Hay’adda UNHCR oo uu ka tirsan yahay...


Banaadir Post.

Majaango

Xamar(Somalia)

banaadirpost@gmail.com

YUUSUF GARAADKA BBCDA,DAAHIRKA MAXKAMADAHA, CABDIQAASIMKII CARTA IYO NUUR CADAHA DKMG AH?


Walaalayaa aragtida aan ka qabo raggaasi waa saas waxaana caddayn u ah,aan ugu horraysiiyo yuusufka bbcda kaasi waaba iska caddaan oo cid walbaaba waa ogtahay kuma jiro kuwa caddaynta loo raadinayo oo waa nin halgamaa beeshiisa ah waxaanna la yaabanahay in maraykanka iyo ingiriisku meel kale oo iyaga ka baxsan ay ka doondoonayaan argagixiso iyadoo uu madaxa bbcda yahay kan ugu weyn waxa loogu yeero alqaacida waxaanna qabaa inay la ogyihiin inu saas yahay.
Daahir aweys isna waa sidoo kaloo isagaaba yiri anaa guddoomiye u ah kaasina waa caadi waana kan ugu macquulsan waayo isagu bannaan buuna is dhigay oo waa hillaac biyihiisa caddaysey oo kaasi waa nin aragtidiisa u daacad ah.

Cabdiqaasim,ninkaani waaba uga horreeyey daahir argagixisada waxaaba u sii dheer waa ninkii soo allifey in soomaali loo qaybiyo 4 (afar iyo bar) isagoo dad ku duudsiyaya xuquuqdooda beeshiisana ugu raadinaya waxaysan xaq u lahayn,walina kama dhammaan taageerada uu siiyo ama u raadiyo sidii alqaacida dalkaan u qabsan lahayn beeshiisuna u ahaan lahayd beesha beelaha.

Raiisul wasaare nuur cadde waxaan qabaa inuu yahay mid kamid ah hoggamiyayaasha waaweyn oo ahaa intii xilka loo doortay ka hor dhuxul dambas huwan calaashaan is qarinayey haddana isagoo awood u helay uu iska rogey daahii markii uu yiri alqaaciido waa in heshiis lala galaa,taasoo kaliya maahan caddaynta loo hayaaye markii masuulkaas xilka loo dhiibayey dalka oo dhan waxaa gacanta ku hayey dfkg ah haddana waxay kusoo hartay maamulkeedu 3 ilaa 4 degmo oo xamarku taal taasoo uu iyadana suura galiyey maxamed dheere duqa magaalada muqdisho oo markii taas la ogaadeyna xilkii laga qaaday,marka waxa uu qabtay oo kaliyihi waa inuu argagixisada ku wareejiyey dalkii in lala xisaabtamo oo xilka laga qaado maxkamadna lasoo taaguu istaahilaa ee hadda ay jiraan wali dad wax yar oo waddaniyad ahi ku jirto dadka isku sheega inay baarlamaan yihiin waxaan ku boorin lahaa inay hawshaas meel adag ka istaagaan.

Madaxweyne mudane Cabdullaahi yuusuf waxaan oran lahaa mudane meeshaad maanta joogtaa waa buur qarkeed adiga ayaana halkaas is dhigay dadkoo dhanna waxay ku moodi jireen inaad tahay halgamaa birta calaliyey oo suu u booteeya kaga dhabayn kara markay joogto nabad diidka ee maahayn inaad ku wareega caddaysato alqaaciidada, Tusaale prof;xaqiiqdii wuxuu ahaa nin wixii uu helo meelaysta (qaata lacagta) laakiin maahayn argagixiso wuxuu ahaa halyey mudan in wax badan loo xeeriyo waayo wuxuu mowqif fog oo loo baahan yahay ka taagnaa la dirirka iyo inaysan waddanka waxba ka noqon alqaaciido waadna tabi doontaa ee haddii aad danaynayso inaad sii joogto muqdisho waxaan adiga iyo lataliyayaashaadaba ku boorin lahaa inaad garab istaagto mudane maxamed dheere oo ah ninka kaliya oo ku soo haray muqdisho oo ay ka go antahay inu meel adag ka istaago argagixisada iyo halgamayaasheeda ku xusan bilowga qoraalkaan. Madaxweyne Cabdullaahi iyo kismaayo, mudane madaxweyne magaalada kismaayo waa magaalada labaad ee waddanka soomaali doonka ah iska dhaaf soomaali diidka waqooyi,waxaa xaqiiq ah inaad dayacday magaaladaas oo ah mid aad muhim u ah taasoo dad badan aamin san yihiin inaad adigu siisay barre oo ah ninka ku xasuuqay dadkii u dhashay gobolkaas isla markaasna qaatay wixii khayraad yaalley oo dhacay oo diley oo kufsaday,baabi iyeyna waxaana iska cad inaad u dhaga nugushahay beesha gumaysatey kismaayo adigoo uga badashey kursi,taas waxaan kaa oran lahaa hadda ka hor ayaad dayacday kismaayo madaxweyne adoo inta barre u qabtay uga tagey, Madaxweyne yuusuf iyo Gen.Morgan ee magaalada kismaayo, waxaa iska cad in madaxweynuhu kismaayo gacanta halgamaagii weynaa ee markii laga kala cararay 1991dii oo maata xasuuqu jirey u dhaartay inusan ka tagin maatada kismaayo ka bixiyey isagoo diidanaa in masuul muuqdaa kasoo boxo qabiilka madaxweynaha kasoo jeedo uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu Gen.morgan uu uga saarilahaa siyaasadda meeshee ii soo dhoweysan lahaa isla markaasna soo dhoweystey barre iyo wax lamid ah meesha beesha daa uud ee kamid ah abgaal ay lahaayeen muuse suudi iyo cumar finishoo isku jifo hoose ah uuna raalli ku noqday madaxweynuhu sidaas marka waxaan ku talinlahaa si kismaayo u noqoto waxay ahayd dadkeeduna dulmiga uga boxo jaalle mudane maxadweyne waxaan kuusoo jeedin lahaa inaad ka ducaysato Genankii caad sharafta ka dishey.

Ilaahoow xaqaaga u hiilli..


Tuesday, August 26, 2008

AABIHII DAWLADDAAN A/LAHI YUSUF OO DAAQADDA LAGA TUURAY, IYO DEEGAANADA MUDULOOD OO DADKA LAGA DHEXEYN-SIIN RABO‏


Dawladi malaha saaxib joogto ah ee waxay leedahay dan toogto ah, sidaas waxaa mar qura wada yiri dhammaan dadka Soomaliyeed ee la socday Siyaasadda Soomaaliya afartii (4) sano ee la soo dhaafay, ka gadaal markii qalabka warbaahinta lagu shaaciyay in xilkii laga xayuubiyay Guddoomiyihii gobalka Banadir ahayna Duqa Magaalada Muqdishu Mohamed Omar Habeeb (M. Dheere).


Mohamed Cumar Habeeb ( M. Dheere) waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay Aabaha Dawladdaan Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Ahmed, sababta uu Aabe ugu yahay waa fara badan tahay, balse haddii aan mid iyo labo ka soo qaadano waxaa ka mid ah:
1. dhammaadkii 2004kii, Markii loo baahday shaqsi ka soo jeeda beelweynta Mudulood oo buuxin kara xil Ray'iisul waasaranimo (requirement of the vacant position) kana mid ah 275 Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliyeed ku meel gaarka ah, waa-tii uu Maxamed Dheere xildhibaanimadii uu ku wareejiyay Prof. Ali Mohamed Ghedi, R/W hore oo runtii Shacabka Soomaliyeed ka kasbaday sumcad fiican, ka dagaal markuu muujiyay firfricooni, wax qabad gudaha iyo dibadaba, iyo furfur-naasho uu ummadda Soomaliyeed u sinneey.
2. Dagaal Oogayaashii Muqdishu xilligaas ka talinaayay oo u diiday Dawladda Abdullahi Yuusuf inay soo degto Muqdishu, ayuu M. Dheere oo ka talinaayay gobalka Sh/Dh ee jowhar Dawladdii soo dejiray Jowhar, markaasay reer Jowhar ku soo dhoweeyeen Dowaladdii uu Abdullahi Yuusuf hoggaaminaayay shibirkii caanka ahaa:" dhalasho aan leysku dhowrin waa dhiggee dhulkaan Abgaal ku soo dhowow", sidaas ayuu M. Dheere ku yahay Aabaha Dawladdaan Yuusuf ee haddii uu xitaa Mohamed Dheere leeyahay dul-dulleelo yar yar iyo carrab dalab leh maxaa loogu dul-qaadan waayay duqu waa soo dadaalee?
Dhinaca kale, taas waxaa ka sii daran, guux hoosaad sheegaaya in loo danlee yahay deegaanadda Mudulood oo loo magacaabi rabo xilka ugu sarreeya ee gobalka Banadir shaqsi aan u dhalan deegaanka Muqdishu kana aan soo jeedin beelweynta Mudulood, iyadoo shaqsi ka soo jeeda beelweynta Mudulood uusan dhammaan deegaanada kale, ee Soomaliyeed ka qaban karin xil deegaan ee sow arrintu ma'aha hadalkii uu hadda ka hore ka digay Caaqil Xaaji Mohamoud Ali Jimale ( Koogaar), guddoomiyaha Guddigga Mudulood Waqooyiga Ameerika ( North America) oo ahaay " deegan-keyga lihi, deegaan-kaagana kula lihi", haddii uu dhab yahay in la fulin rabo fikirkaan bah dilayska ah, shaqsigii ka soo jeeda beelweynta Mudulood oo aan ka dhiidhin dhalad ma'aha.
Ugu danbeyntii, beelweynta Mudulood waxaay u caddeynaysaa R/W Nur Hassan Hussein ( Nur Cadde) inay beelweynta Mudulood taageersan tahay Dawladda FKMGS 97%, laakin looga baahan yahay Ray'iisul Wasaaraha in uuka digtoonaado qolada (group-ka) raba xaasaska Soomaliyeed ee uu ku qancin maagaayo Gabdhaha Soomaaliyeed.
MOhamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester,
MN.

Ciidamada Booliska Dowladda KMG ah oo u soo Bandhigay Saxaafadda Hub iyo waxyaabo, laga helay Iskuul ku yaala Xaafadda Buulo Xuubey Cajiib?????


Ciidamada Booliska G/Banaadir ayaa maalinimadii shalay baaritaano ay ku sameeyeen wadada B/Xuubey ee magaalada Muqdisho, waxay ku heleen Hub iyo waxyaabo qarxa mid ka mid ah goobaha waxbarashada oo ku yaala halkaasi ..


Sababtii ka dambeysay baaritaanada lagula dhaqaaqay wadada B/Xuubey ayaa ka dambeysay kaddib markii daqiiqado ka hor halkaasi uu ka dhacay qarax miino jidka la dhigay, taasi oo lala beegsaday mas'uul ka tirsan waaxda canshuuraha Garonka Diyaaradaha Aadan Cadde, hase yeeshee falkaasi cidna waxba kuma noqon.


Afhayeenka Ciidamada Booliska G/Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka heleen Dugsiga Al-Iimaan, wuxuuna Saxaafadda u soo bandhigay Hub iyo waxyaabo gacan ku sameys ah oo laga sameeyo Miinooyinka macmalka ah, wuxuuna Afhayeenka qirtay intaasi ku daray in ninka Miinada qaraxday hagayay uu soo galay Iskuulka, taasi oo uu sheegay afhayeenka in taasi ay xaqiijinayaan dadka ka dhow Iskuulkaasi.
"Waa nasiib darro in manta Iskuuladii loogu talagalay waxbarashada loo bedelo xero ciidan"
ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Booliska G/Banaadir C/llaahi Maxamed Bariise oo dhinaca kale sheegay inay ka shakiyeen, markii ay tageen Iskuulkaasi oo gebi ahaanba la faarujiyay.
Mohamed Deeq Xaaji
Xamar
Banaadir
banaadirpost@gmail.com

I am the man who told the United States there was al-Qaida in Somalia," says Qanyare. " Aug 25, 2008


I am the man who told the United States there was al-Qaida in Somalia," says Qanyare. " Aug 25, 2008Maxamed Qanyare Afrax "Odayaashii hore ee soomaaliyeed oo caabudi jiray waagii gumeystaha Talyaaniga waxay rumeysnaan jireen in jid waliba uu ku dhamaado ROMA Balse Aniga haatan Waxaan Aaminsanahay in jid waliba uu ku dhamaado Washinton. Aqri wareysi xiiso badan uu Maxamed Qanyare Siiyey Emily Meehan


Koshin Yare.
Xamar cade
Somalia.

XOOGAGGA IS BAHAYSIGA KA AMAR QAATA XASAN DAAHIR AWEYS OO QABSADAY MAGAALO MADAXDA JUBBADA HOOSE EE KISIMAAYO

Sida an aragnay kaddib dagaallo kulul oo ka socday Kisimaayo ilaa seddex maalmood, waxaa gacan ku haynta magaaladaas la wareegay maleeshooyinka al-shabaab, iyo kuwa maxkamadaha oo ka wada mid ah xoogagga isbahaysiga ka amar qaata Xasan Daahir Aweys, waxaa kale oo jira maleeshooyin kale oo la sheegayo inay yihiin kuwo u dhashay deegaanka oo ka qayb qaatay dagaallada lagu jebiyey ciidamada beesha horey u haysay maamulka magaalada Kisimaayo.
Ha yeeshee maleeshooyinka haddeer qabsaday magaalo madaxda gobolka Jubbada Hoose waxaa hoggaaminayey Xasan Turki oo sida la ogyahay ka mid ah gacan-yarayaasha ina Daahir Aweys.
Waxaa la yiri: "nabar ad sugaysay xanuun mooyaane naxtin ma laha" marka wa la filaayey in xoogagga mucaaradka ay weeraraan magaalada Kisimaayo, mar haddii xoogaggaas haadder wax qabsaday ay degeen tuulada Kamsuuma ee degmada Jamaama oo ah irridda looga galo magaalo madaxda Jubbaba Hoose, marka qabsashada magaalada Kisimaayo ma ahan inay dhaliso naxtin iyo la yaab midna.
Waxase wax lala yaabo noqotay sida dadka beelaha qaarkood ay u beddeleen mowqifkooda siyaasadeed, gaar ahaan dadka beelaha ku dhaw-dhaw madaxweynaha Jamhuuriyadda Cabdull-Allaahi Yusuf.
Waxaa la yiri: "qosolba mise qosolka waa hiillo" haddaba maalmaha ka horreyey dagaallada Kisimaayo ha yeeshe la dareensana inay dagaallo ka dhacayaan magaaladaas waxa jiray in websaadyada qaarkood sida all-Puntland iyo kuwo kale oo la yaqaan magaca beesha oo ay afhayeen u yihiin inay soo qori jireen qoraallo dhiirri gelin u aha mucaaradka dawladda fkmg oo u mindi afeysanayey weerarka magaalada Kisimaayo, haddana kaddib markay soo if baxday gacan-sarreynta xoogagga isbahaysiga mucaaradka, shabakada all-Puntland, iyo tan Carmooyn, waxay billaabeen inay qoraan in dagaallada ka bilowday magaalada Kisimaayo inay ka qayb qaadanayaan maleeshooyin u dhashay deegaanka Kisimaayo, waana la fahamsanyahay beesha ay tilmaamayaan inay u dhasheen maleeshooyinka la sheegayo inay ka garab dagaallamayeen al-shabaab iyo maxkamadaha si xoogaggaas mucaaradka ah ku qabsadaan magaalada Kisimaayo.
Maleeshooyinkaas all-Puntland ay tilmaameyso waxay u dhasheen isla beesha madaxweynaha Jamhuuriyadda A. Yusuf.
Waxaa lays weydiiyey: "ninka maxuu la taahaya ma ciddi hoosteeda laga haya mise ciil sokeeye aya haaya". Mid way jirta waana la ogyahay taasoo ah in beelaha gobollada Puntland iyo beelaha kale oo ay isku meel ka soo wada jeedaan ee gobolka Gedo inay eedo kala tirsanayaan, eedahaas oo ay sababo u ahayeen is-jiid-jiid badan iyo isku dhac hubeysan oo beelahaas ku dhex maray gobolka Jubbada Hoose oo la xiriiray gacan ku haynta maamulka gobolkaas, gaar ahaan maamulka magaalada Kisimaayo, ha yeeshee inkastoo ay jiraan eedahaas oo u la socdo ciil sokeeye, haddana waxaa caqliga ka baxsan, in beelaha gobollada Puntland oo u madaxweynaha Jamhuuriyadda ka dhashay inay gacan ku siiyaan mucaaradka dawladda ka soo horjeeda qabsashada magaalo madaxda gobolka Jubbada Hoose, oo sida la ogyahay ah gobol hal boole muhiimad weyn u leh jiritaanka dawlad kasta oo waddanka loo dhiso, isla markaasna khatar ku ah jiritaanka dawladda kasta oo dalka ka taliso mar haddii laga qabsado gobolkaas.
Hadda so'aasha caqli galka ah oo lays weydiinayo waxay tahay: "ma sii jiri karta dawladdaan fkmg oo beesha u ka dhashay madaxweynaheda ay la safatay mucaaradka?" Maxa yeelay waxaa la ogyahay in shaqsiyaadka ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo la fuliya hawlaha xasaasiga ah sida la taliyayalka, xoghaynta, iyo madaxda ilaalada gaarka ah inay u badanyahiin dad xigto mise la beel ah madaxweynaha, haddana waxaaba si toos ah loo sheegaya in shaqsiyaad ka tirsan xafiiska madaxweynaha inay ku lug leeyahiin talada hawl gelinta maleeshooyinka la sheegayo inay u dhasheen deegaanka kana qayb galay dagaallada u mucaaradka ku qabsaday Kisimaayo.
Haddii beelaha gobollada Puntland ka soo jeeda oo maleeshoyinkooda ay gacan ku siiyeen mucaaradka qabsashada magaalada Kisimaayo oo ay ku faraxsanyihiin magaalada Kisimaayo oo ka baxday gacanta beelaha ka soo jeeda gobolka Gedo, way qaldanyahiin, reer Puntlan waxaa ka batay ciil ay u qabeen reer Gedo, mana xisaabtamin beelaha reer Puntland. Maxaa yeelay kuwa qabsaday Kisimaayo waxay ka tala qaataan Xasan Daahir, sida la ogyahayno ninkaan ma kala jecla reer Gedo iyo reer Puntland, isku si ayu necebyahay, waxaana hubaal ah in Xasan Daahir uusan marna aaminaynin dad ka soo jeeda gobollada Puntland, xataa haddii ay gacan ku siiyeen qabsashada mgaalo madaxada Jubbada Hoose.
Teeda kale haddii xaalada gobolka Jubbada Hoose ay ku degto sida haddeer ay noqotay oo u mucaaradka qabsaday u suuragasho inay u negaato haysashada gobolkaas waxaa hubaal ah in dadka ka soo jeeda beelaha Puntland iyo Gedo in mustaqbalka ay isku si ay ugu adkaandoonto ku noolaashada gobolkaas Jubbada Hoose.
Midda kale waxaa xaqiiqo ah in qabsashada magaalada Kisimaayo oo ay qabsadeen xoogagga isbaheysiga mucaaradka ku ah dawladda fkmg in ay keenidoonto in xaaladda Soomaaliya ay gasho marxalad hor leh oo ka duwan marxaladahii horey oo u dalka soo maray. Kolleyba mucaaradka waxaa u soo bidhaamaysa rajo iyo guul.
Qabsashada dekadda iyo airboorka Kisimaayo waa guul weyn oo u mucaaradka helay xoogagga mucaaradka waxay ka baxayaan dhibaatadii ahayd hub garab ku qaadka iyo dhumaleysiga, haddeer Xasan Daahir wuxuu ka soo degsankara dekadda Kisimaayo wax alla wuxuu u baahanyahay si uu dagalladiisa u wato, oo u dawladda u rido, hub fudud iyo mid culusba, gaadiid kasta, mid dagaal iyo mid xamuulba.
Marka sida muuqata waxa mugdi si gelaya jiritaanka dawladdaan fkmg.
Cali Cumar: sablaale1@hotmail.com

Ururka Al-Shabaab ayaa laayey maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii jimcaha oo aay kula wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismayo.

Wararka ka imaanaya magaalada kismayo ayaa sheegaya in dagaalkii ugu danbeeyey ee ka dhacey cascaseey ilaa sarta saalax mokome iyo saraha ku teedsan oo aay ku jirto daarta xareed yaroow oo gabi ahaantood ku yaala dhanka magaalada looga baxo ee waqooyiga kismayo, lagu qabqabtay maxaabiis fara badan oo kasoo jeedo beesha sade markii looga itaalka roonaaday dagaalka magaalada looga saaray.
Wararka ayaa sheegay waliba ilaha lagu kalsoon yahay in maxaabiixtaas tirodoodu ka badan tahay labaatameeyo dhagta dhiiga loo darey laba iyo toban ka mid ah isla goortii gacanta lagu dhigay, iyo qaarkii kale aan laga warhayn waxa aay ku sugan yihiin nolol iyo geeri midna.
Arintaan ayaa noqonaysa mid dadka u fasirtaan in ururkaan diin meesha ku haynin, oo aay yihiin dad dadka laaya diin been ahna dadka ku qalda, iyagoo isugu jira beelo dana gaara leh, kuwo dhaqaalo doon ah, kuwa deegaan doon ah, kuwo xukun doon ah, kuwa aargoosi u socda iyo kuwo lagu shaqeeysto.
Xasuuqaan ayaa noqonaya kii labaad oo aay ku kacaan ururkaan oo aan la garanaynin waxa keenayo inuu dad islaam ah oo ashahaadanayo laayo diintuna ma qabto in dagaal sokeeye la galo iyo in la dilo qof islam intaba balse ururkaan ayaa wado ka dhigtay leenta umada soomaliyed, iyadoo aay arintoodu tahay "la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan" oo ka dhigan diinta sidaan doono ayaan u micneesaneeynaa, iyadoo aayadu tahay mid leh hal micno ama hal fasir waana masiibada hada taagan meesha aay ka timi aayadihii quraanka kariimka oo sidii la doono loo dhigo.
Anagabu hadaanu nahay wariyaayasha webka jammaame iyo dadka waxtarka uleh shacabka iyo jiritaankooda waanu cambaareynaynaa falka foosha xun ee uu geeystay ururka ka beensheegayo diinta iyo aayadaha quraanka kariimka ah.
Sidoo kale waxaanu leenahay umada soomaaliyeed maaha cadowga aad sheegi jirteen ee halaga waantoobo falalka waxashnimada ee lidiga ku ah jiritaanka umada kana baxsan binow aadanamida.
Kismayo Xafiiska Warqabadka ahmed93@hotmail.com

Shacabka Kismayo ayaa isu diyaarinaya qax xoog leh markii aay arkeen diyaaraha dagaalka oo joog hoose ku duulaya hawada kismayo.

Hawada kismayo ayaa waxaa soo camirey diyaaradaha dagaalka waliba kuwa qumaatiga u kaca iyo sidoo kale kuwa wax basaasa oo iyagu is wada, taasoo sabab u ah ineey ku dul wareegaan qabsadashada urur loo aqoonsan yahay argagixiso kuna jira liiska argagixisada caalamka.
Al-Shabaab oo ku jira liiska argigixisada caalamiga ah, ayaa qabsaday Jimcihii Magaalada Kismayo, iyagoo kala wareegay beesha sade inkastoo la ogaa ineey horseedi doonaan dhib leh oo baaxad weyn, kaasoo ka imaan kara dowladaha shisheeye oo daba jooga ururkaan.
Hogaamiyaasha ururkaan ayaa ah kuwa garmaqaatayaal aayna u cadahay hadafkooda oo kaliya, taasoo aay kaga soo horjeesteen heshiiskii jabuuti lagu gaaray oo dhigaye in la joojiyo colaadaha lagula jiro dowladaha shisheeye sida Ethopia IWM, balse taas waa aay ka talaabeen oo waxeey ku dareen mid Soomaalida dhexdeeda ah waxayna horseedeen in la galo dagaal beeleed, iyagoo sheegi jiray in aaysan beel eheen waxa aay ku socdaana tahay diin iyo ineey cadow dalka ka saarayaan, balse taas waxaa beeniyey dagaalka Kismayo oo lala galay beel soomaaliyeed oo aan lagu tuhunsaneen la shaqeyn xaga dowlada KMG iyo Ciidama Ethopia ee dalka ku sugan intaba.
Ugu danbeyn Magaalada kismayo iyo guud ahaan gobolada Jubooyinka ayaa dadkii daganaa diyaar u yihiin waqti xaadirkaan ineey qaxooti ku noqdaan xeryooyinka dalka kenya, sida Xagardheer, Ifo iyo Dhagaxleey taasoo aay kaga cararayaan gantaalada Cirka ee diyaaradahan la sheegayo iyo dabcan Taangiyada Ethopia oo laga yaabo in mardhow lagu amro ineey ka hortagaan ururkan Al-Shabaab oo Kismayo iyo nawaaxigeeda ku sugan.
Subaxdnimadii sabtida ayaa waxaa isugu yimid magaalada Kismayo Rooboow Abuu Mansuur, Xasan Turki, Ciise Qaasin, Indhacade, iyo rag kaloo fara badan oo dowlada Mareekanka ugu eedeesan argagixisnimo iyo ineey xiriir la leeyihiin urur weynaha Argagixisada qudbado ayeeyna ka jeediyeen beerta xuriyada oo ku taal bartamaha magaalada, taasi ayaana xoojisay in diyaaradahan soo camiraan hawada kismayo, iyagoo awalba lagu arki jiray saakow, Bu'aale, Jammaame, iyo meelo kale balse haatan aay u bateen dhanka kismayo iyagoo wali wada duulimaadyadii gobolka intiisa kale.
Lasoco Shabakada Jammaame oo aad indhaha ugu heysa xaaladaha jubbooyinka iyo waxa aay ku danbeyn doonaan.
Kismayo Xafiiska Warqabadka ahmed93@hotmail.com

Monday, August 25, 2008

Waaxda la dagaalanka argagixisada ee dalka Mareykanka iyo Ambasaaddor Ranneberger oo ka hadlay saameynta Al qaacida ay ku leedahay soomaaliya.{Abuu Ro


Waaxda dowladda Mareykanka ugu qaabilsan la dagaalanka iyo ka hortaga argagixisada ayaa sheegtay in ururka alqaacida uu saameyn aad u weyn ku leeyahay dalka Soomaaliya taasina ay tahay wax aan dahsoonayn.


Waaxda dowladda Mareykanka ugu qaabilsan la dagaalanka iyo ka hortaga argagixisada ayaa sheegtay in ururka alqaacida uu saameyn aad u weyn ku leeyahay dalka Soomaaliya taasina ay tahay wax aan dahsoonayn.

Waaxdu waxaa ay sheegtay in AL qaacida ay gaartay guushii ugu weyneyd muddo sanado ah taas oo ku aadan in ay bariga afrika ka hesho meel ay gabaadsato kuna abuurto Islaamiyiin mayal adag oo danaha AL qaacida ka fuliya.


Roobow Abuu mansuur oo ka mida hogaamiye yaasha maliishiyada shabaabka oo ku xiran alqaacida ayaa sheegay in ay iyaga xagooda macno weyn ka leedahay in ay gobalkan ka sameeyaan goobo ay dagalyahanka Alqaacida ku dhuumalayestaan kana howlgalaan.

"Al Qaeda waa hooyada jihaadka ka soconaya soomaaliya"ayuu yidhi Abuu Roobow oo si cad u sheegtay inta badan hogaamiye yashooda in lagusoo tababaray dalka Afaanistaan.Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya dalka Kenya Michael E. Ranneberger ayaa qiray in AL qacida ay saameyn ku leedhay Soomaaliya waxaase uu sheegay in saameynta Alqaacida ee soomaaliya ay hada tahay mid abuur ku jirta loona baahan yahay in si deg deg ah looga hortago.

"Waxaa jira astaamo muujinaya in shabaabka iyo AL qaacida uu ka dhexeeyo xiriir aad u weyn,waxaana ay shabaabku amarka ka qaataan AL qaacida"

ayuu mar kale yidhi safiirka Mareykanka ee

Kenya.xigashohttp://www.latimes.com/news/nationworld/world/la-fg-shabab25-2008aug25,0,1932841.story

Banaadir Post

Xamar

banaadirpost@gmail.com

Mustaqbalka xukuumada Nuur cadde oo mugdi kusii uruuraya, inta badan xildhibaanada qaranka oo muujiyay in aanay shaqadiisa la dhacsanayn (Faalo)


Inta badan dadka Soomaaliyeed waxaa ay aamisan yihiin in ra'isul wasaaraha jamhuuriyada Nuur cadde uu yahay ni dagan shaqsi ahaana wanaagsan,laakin dalka oo laga saaro waqtigan adag iyo kala daadsanaantiisa maamul ayan ahayn laba is keeni kara.


hada mustaqbalka xukuumada uu hogaamiyo ra'isulwasare Nuur cade waxaa uu yahay mid mugdi kusii ururaya waxaana aad loogu badinayaa in Nuur cadde uu yahay xidig sii dhacaya marka loo eego sida mudanayaasha baarlamanka ee awooda u leh in ay ridaan ay hadalkoda u badinayaan uguna diyaarka yihiin in uu meesha ka boxo,taas ayaana daliil cad u noqoneysa in Nuur cade xukuumadiisu ayan sii joogi doonin.


"Nuur cadde waa nin aad u macaan badan,laakin waqtigan iyo isagu ma ahan laba wada socon kara"sidaas waaxa hada ka hor laga hayaa xildhibaan Cali cabdulaahi cosoble oo hada ka mida raga sida weyn ugu ololeeya in Nuur Cade uu meesha ka boxo.


Waxaa dhanka kale Nuur Cade lagu eedeynayaa in wixii ka dambeeyay maalintii uu talada dalka la wareegay ay kooxaha dowladda kasoo hor jeeda is balaarin sameeyeen qabsadeena gobalo badan,isagoo diiday in talaabo adag laga qaado xiligan oo ay dowladda soomaaliya leedahay ciidan badan oo ku filan lehna tayo iyo qalab dagaal oo ku filan .


Waxaa kaloo uu Nuur cade ku dhaqaaqay in uu xaniinyaha ka siibo masuul kasta oo loo arkayay in uu adkeysan karo gacan ku heynta maamul ee deegaanka uu ka taliyo waxaana tusaale usoo qaadan karnaa guddoomiyihii gobalka Hiiraan Yuusuf Daba Geed oo markii xilka laga qaaday ay gobalka kusoo yaaceen maliishiyooyin islaamiyiin ah oo aad moodo in ay horay ugu sii diyaarsanaayeen in ay la wareegaan booska uu baneeyay daba Geed.


Hiiraan oo keliya ma ahan meelaha ay kooxaha dowladda kasoo hor jeeda isku balaariyeen walina dhibaatooyinka ka wadaan ee waxaa ka mida suuqa bakaaraha oo markii Nuur cade talada la wareegayay ku jiray gacanta dowladda federalka soomaaliya,kadibna uu Nuur cade sameeyay wax lagu sheegay Ilaalada suuqa laakin dhab ahaantii ah maliishiyada islaamiyiinta oo dhar uun loosoo xidhay.


Waxyaabahaas oo dhan oo is biirsday ayaa muujinaya sida uu Nuur cadde isugu qasay wax kasta dowlada soomaaliyana waaxaa la oran karaa waxaa uu u horseeday in ay dib u dhacdo dhowr sanadood wixii ay soo qabaneysay.


Arintu sidey doontaba ha ahaatee wax kasta waxaa ay isugusoo biyo shubanayaan cinwaanka faalada oo ah {Mustaqbalka xukuumada Nuur cadde oo mugdi kusii uruuraya inta badan xildhibaanada qaranka oo muujiyay in aanay shaqadiisa la dhacsanayn}.


Axmed Cabdisalaan Oo Ah Wasiirka Warfaafinta DFKGS Ayaa Loo Diiday In Uu Galo Magaalada Adis Ababa Ee Ay Ku Sugan Yihiin Madaxda Sarre Ee DFKGS.



Wasiirka Warfaafinta DFKGS isla markaana ah Ra'iisul Wasaare ku xigeenka seddexaad kana midka ahaa wafdigii DFKGS ooga qeyb galey shirkii dib u heshiinta lagu qabtey magaalada Jabuuti, ayaa waxay wararka ka imaanay Adis Ababa sheegayaan kolkii uu soo dhamaadey shirkii Jabuuti oo u soo ruqaansadey in uu yimaado magaalada Adis Ababa si uu ooga qeyb galo wada xaajoodka u dhaxeeyey madaxda sarre ee DFKGS ee ku saleysan ilaalinta iyo dhaqan gelinta dastuurka dalka Soomaaliya u yaala.
Wararku waxay sheegayaan, in Wasiirka kolkii uu ka soo degay garoonka diyaarada ee magaalada Adis Ababa ay hor istaageen in uu gudaha magaalada soo galo xubno ka kala socday Wasaarada Arrimaha Dibada iyo kooxda sir doonka dalka Ethiopia. Taasoo lagu amrey in uu sida oogu dhaqsaha badan dalka Ethiopia ooga baxo, isla markaasna aysan boos ooga banaaneyn in laga faa'ideysto is qab-qabsiga dastuuriga ahi ee hareereeyey DFKGS. Axmed Cabdisalaan ayaa arrintani waxay ku noqotay waji gabax hor leh oo soo wajahay, ka dib markii uu isu mooday xubin muhiim ah oo aan laga maarmin isla markaana xirriir dhow la leh dowlada Ethiopia. Wasiirka Warfaafinta ee DFKGS Axmed Cabdisalaan ayaa waxa uu ahaa shaqsiga sida aadka ah oogu dhow Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, isla markaana lagu tuhunsanaa in uu yahay ninka tallada guracan ee qar iska tuurka ahi siiyo Ra'iisul Wasaaraha. Wasiirka ayaa durbadiiba bilaabey in uu warar dacaayado xambaarsan ka sii daayo raadiyaha sida goonida uu isagu mulkiilaha ka yahay iyo boggooda Internetka warar sheegay in dowlada Ethiopia ay ku eedeysay in Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf uu yahay shaqsiga diidan in ay DFKGS hir gasho. Tasoo runtii fajiciso ku noqotay halka warkaas gafka xambaarsan uu ka keenay Wasiirku.Waxaase dhowaantan lagu wadaa in uu Wasiirku Axmed Cabdisalaan dalka dibadiisa isaga soo baxo, ka dib markii hanjabaado tiroo badan ay ooga yimaadeen xoogaga Al Shabaab oo ay isagu is xigaan.
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Thursday, August 21, 2008

Taliska Ciidanka Booliska oo soo dhoweeyay Ciidamada Isbaheysiga iyo kuwa Dowladda ee la isku dhafayo. .

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyed ayaa soo dhoweeyay heshiiskii dhowaan Magaalada Jabuuti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta, iyagoona sidoo kale soo dhoweeyay Tallaabada la isugu dhafayo Ciidamada Isbaheysiga iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyed Generaal Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo qodobka ka mid ah heshiiska lagu gaaray Jabuuti, kaasoo dhinacyada Ammaanka ee Labada dhinac ku saxiixeen in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Isbaheysiga Dib u Xoreynta la isku dhafo, marka ay baxaan Ciidamada Ethiopia, si ay amaanka u sugaan.

"Dhinaceen tallaabadaas waa soo dhoweynayaa, waana fulin doonaan, hadba waxa nala gudboon"ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.Genanka oo ku sugan Magaalada Jabuuti ayaa kaga qeyb galay shirkii dhex maray Dowladda iyo Isbaheysiga, isagoo markaasi ka mid ahaa Gudiga Ammaanka ee ka socday Dowladda Federaalka.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan Kooxo yar oo diidan heshiiska, wuxuuna tilmaamay in kooxahaas aanay u fadhin, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka fikiraan aayahooda.

Qodob ka mid ah Heshiiskii Dhinacayada Dowladda iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ku saxiixdeen Dalka Jabuuti ayaa dhigayay in Ciidamada labada dhinac la isku dhafo, taasoo ilaa iyo iminka aan la ogeyn sida la isku waajafin karo, xilli Kooxaha Kacdoonada wada iyo Ciidamada Dowladda ay ka dhaxeeyaan aragti kaliya, waxaa kaloo la ogeyn sida ay ku aqbali karaan Kooxaha kale ee ka soo horjeeda Dowladda, kuwaasoo horay u qaadacay Heshiiskii Jabuuti.

Banaadirpost
banaadirpost@gmail.com

Prof Geedi ma hilmaamin Moqdisho, Halyeey Soomaaliyeed


Tan iyo markii ey burburtay dowladdii dhexe ee Somaliya sanadii 1991 ayaa waxaa soo wajahay dalka Somaliya mudo 16-sano siyaasad qalafsan oo ey hogaanka u hayeen dad qaran diid ah kuwasoo u horseeday shacabka Somaliyeed burbur, dowlad la`aan, nidaam darro, fowdo aan dhamaad la heyn iyo qaranimo luntay.


Hadaba mudadan lix iyo tobanka sano ayaa waxaa dhacday in ninba ninka uu ka awooda roon yahay ku tunto, wax ala wixii ka hor yimaadana xalaal iyo xaaraana afka u dhigto taasoo caado la noqotay qolyaha qaran diidka ah ee xaaraanta ku haystay shacabka Somaliyeed amaba u xayirnaayeen mudada lix iyo tobanka sano.

Si kastaba ha ahaatee qolyahan ayaa ku heshiiyay majaxaabinta iyo burburinta dowlad kasta oo lasoo dhiso maadaama eysan iyaga wax dan ah ugu jrin, taasna waxaa cadeyn kuugu filan oo kaliya oo ey burburiyeen dowladdii Cali Mahdi iyo tii C/qaasin Salaad, waxaa intaas dheer in dadaal kasta oo xalka Somaliya lagu raadinayo ey hor istaagayeen qolyahan.

Qolyahan qarandiidka ah ayaa waxa ey ka kooban yihiin Ganacsato xaaraan iyo dhiigga shacabka ku taajiray, kuwa ku qaraabta diinta iyo kuwo iyagu haysta hanti eysan laheyn ama dagan sida quryo eynan laheyn oo kuligood hadii ey dolwladi timaado xisaabtu iyagu ku horeyn doonto.

Lix iyo toban sano ka dib marki ey lacageysteen oo ey hub fiican iyo awood yeesheen eyey waxa ey ogaadeen qolyahan in shacabkii Somaliyeed ey hurdada ka keceen oo ey dadnta ku qasabtay qolyahan in ey badalaan majaxaabinta qaawan oo ey ku hayaan dowlad kasta oo lasoo dhiso, waxa eyna badaleen siyaasadooda.

Sanadii 2004 ayaa waxaa lagu soo dhisay dalka Kenya dowladda federlka waxa eyna eheyd sida la sheegay dowladii 14-aad ee Somaliya loo soo dhiso mudadii 16-sano, waxaana sidoo kale dhacday in qolyahan ku sugaan dowladda federalka caasimadda si ey hadana u majaxaabiyaan sidii ey kuu horaba u galeen oo ey u shaqeyn waayeen daraadood.

Qolyahan oo ahaa kuwii qaska, dilalka, isbarooyinka iyo fowdada ka waday K/Somaliya ayaa abaabulay dhisidda urur ama dalad ey ku gabadaan iyagoo isla markaana isticmaalaya magac diineed sida Maxkamado Midoobay, al-shabaab iyo wax la mid ah markii ey dowladdu sheekaada ku fahantay oo ey ogaatay in ey Muqdisho ku sugayaan qolyaha qaran diidka, waxaana dhisidda urarkan uu kusoo beegmay xilli dowladda federalka ka caga jiideysay usoo guuridda caasimadda.

Wax la joogaba oo ey dowladuna diidan tahay in ey caasimadda timaado ayaa waxaa dhacday in qolyahay ey sameystaan ururkii Maxkamadaha Islaamka oo runtii ahaa shaar ey kusoo hanan karaan taageerada iyo quluubta shacabka, laakiin nasiib darro waxaa shacabka ka hoos baxday oo ey iloobeen in ey dib u raacaan taariikhda shakhsiyaadka ka danbeeya daladda Mixodga Maxkamadaha.

Waxaa xusid mudan oo in la is xusuusiyo u baahan in ku dhaqanka shareecada iyo Maxkamad Islaami ah ey bilowdeen ka hor inta eynan qolyaha qaran diidka ah eysan xadin naqshadda, iyadoo Maxkamadii ugu horeysay oo shareecada sida saxa ah ugu dhaqanta ka hirgahsy carada ey dagaan beelweynta abgaa ee markaas xudun u eheyd degmada Kaaraan oo uu joogay Sheekh Cali Dheere oo isagu ah nin aas-aasay magaca Maxkamad Islaami sanadii 1996 si ey dadka ugu kala badbaadaan.

Hadaba hogaankii Sheekh Cali Dheere ee Maxkamadaha Islaamka saxda ah ma uusan noqon mid nagaada waxaana sabab u haa burburkeeda oo ka danbeeyay qolyaha qaran diidka ah oo aanu soo sheegnay kuwaasoo sabab uga dhigay burburka ey u geysteen Maxkamadaha Sheekh Cali Dheere mid hor istaagay howlohooda dhiig jaqidda shacabka.

Hadaan dib ugu laabano dhinaca dowladda federalka iyo qolyaha qarandiidka ag ayaa waxaa dhacday si eysan u dhicin majaxaabintaas waxa ey dowladdu doorbiday in ey kusii shaqeyso magaalooyin kale sida magaalada Jowhar iyo Baydhabo, waxaana qolooyinka qaran diidka ahi iyana bilaabeen in ey badalaan naqshadda oo ey dib usoo nooleeyaan Maxkamado Islaami ah oo ey runtii u arkeen dhinaca kaliya ee laga mari karo shacabka oo ah dad aad ugu nugul dhinaca diinta isla markaana dhibaatada ka saara.

Heshiiska ey gaareen qolyaha qaran diidka ah oo isugu jiray Ganacsato qaarkood dakado xaaraan ku haystay sida dekedda Ceelmacaan, wiilal yar-yar oo isugu yeeray wadaado la baxay Al-shabaab oo aan ognahay runtii heerka ey diinta ka gaarsiisan yihiin eyna aad u liidato, siyaasiyiin qaarkood madax kasoo noqday dalka laakiin u socon weysay balse beel ahaan ku bohoobay iyo kooxo iyagu haysta hantida qaranka kana beecmushtara ayaa waxa uu ahaa in si ey u majaxaabiyaan dowladda federalaka ey qaska ka daayaan caasimadda maleshiyaadka iyo hubkoodu isu geeyaan dabadeed dagaal ku qaadaan qaarka diidan qorshohooda oo ey ka sifeeyaan magaalada.

Sidi ey qorsheysteen ayaa dhacday waxa eyna magaalada ka saareen intii aanan ku fikirka eheyn, marki ey magaalada isugu soo hareen intii isku qorshaha eheyd waxa eyna joojiyeen isbaarooyinkii, boobkii iyo falalkii amni xumada oo ey ku hayeen caasimadda sidaasna ey ku marin habaabiyeen shacabka reer Muqdisho dabadeedna ku hanteen taageerada inta wax saas ah aan garan iyo dabcan taageerada beelaha ey kasoo jeedaan.

Hadaba geesiyaasha ey taariikhda xusi doonto sida madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo ra`iisal wasaare Cali Geedi ayaa ka dhiidhiyay una adkeysan waayay dhibaatada ey shacabkoodu mudada lix iyo tobanka sano, waxeyna geed gaaban iyo mid dheerna u fuuleen in ey ka saaraan qaxarka shacabka waxa eyna badalkeeda ka heleen qolooyinka qaran diidka isku day dil oo labaduba lala beegsaday falal argagixisnimo oo loo adeegsay gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa si looga taqluuso iyaga loona waayo wax ka hadlaya soo celinta qaranka iyo nidaam dowlad.

Waxaa dhacday iyadoo sheekadu sidaas tahay eyna dowladdu ka fadhiyi la`dahay magaaladi ey joogtay ee Baydhabo iyagoo kaa shanaya hub iyo ciidamo ajaanib ah oo ka kala yimid Eritrea iyo wadamo carbeed in ey ku weeraraan dowladda Baydhabo oo ey dowladuna ka fursan weysay in ey u yeerato ciidami Itobian ah maadama uu halis galay amnigooda, iyo xukuumadda Itobia oo iyana ey ugu hanjabeen qolyahan qaran diidka ah in ry ku weerarayaan xaruntooda Addis Abeba oo ah caasimadda dalka Itobia.

Hadaba ma ogtahay sababta loo ugaarsanayo ra`iisal wasaare Cali Geedi iyo cida Ugaarsaneysa?

Sheekada Prof. Cali Maxamed Geedi iyo cida ka danbeysa falalka isku dayga dilkiisa ayaa ah mid iska cad oo ey maleegaan qolyaha qaran diidka oo u badan hal beel oo iyagu sheegay in dowlad eynan iyaga hogaanka u haynin eysan ka shaqeyn doonin dalka Somaliya, waxaana ogsoonahay in ey dhow jeer dalbadeen qolyahan in jagada ra`iisal wasaare Geedi iyaga lagu badalo marki ey u shaqeyn waayay shaarkii "Maxkamadaha Islaamka".

Waxaa kaloo jirta in qolyahan eysan marnaba raali ka eheyn in nin kasoo jeeda beesha Abgaal oo meel sare gaara ama qabta jago sare haduusan aheyn mid ey iygu kuu soo doorin sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo kuwa la mid ah, waana caado lagu yaqaan in ey caayaan ama gaaleysiiyaan nin aan iyaga kasoo jeedin ama kuu soo doorin.

Waxaa kaloo jirta in mooshinkii hada ka hor lasoo hor dhigay barlamaanka ee jagada looga qaadi lahaa Prof. Geedi ey qolyahan ka danbeeyeen si marki la rido isaga ey iyaga ula wareegaan jagadaas oo ey ku sheegeen haduuba nin Hawiye qabanayo jagadan sare uu iyaga noqdaa eysan eheyn wax soconeynin.

Waagii dowladii Cali Mahdi waxa lagu eedeeyey in uu Daarood dabada ka wado, tan hadeer ee Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa markii albaab walba isa soo xiray ey ku eedeynayaan qolyahan in uu daarood iyo Itobian iswata dhulkii hawiyaha soo galiyay sidaas darteedna uu lafihiisa ku qamaarayo.

Hadaba dowladda PROF CALI GEEDI waa mid taariikhda xusi doonta oo dowlad la`aanta iyo qaxarka ka saarta Somaliya, waxaana leenahay Geedi iyo xukuumadiisa dabcan soo celinta qaranimo luntay mudo 16-sano ka hor ma sahlana sababtoo ah waxaad cunaha qabaneysaan dad ama kooxo miciyo ka taagtay shacabka jaqayana dhiigooda 16-sano, marka u dulqaata khatar kasta oo idin soo wajahda maadaama ey gabaabsi tahay hadeer.

Mas markii madaxa laga dilo qaarka danbe ayaa nuux-nuuxsada, taasoo micneheedu tahay in qolyaha qaran diidka ey gabaabsi yihiin, idinkana aad sharaf iyo sumcad ku yeelan doontaan shacabka Somaliyeed iyo taariikhdiisa.
Mohamed Deeq Xaaji.
Banaadirpost
banaadirpost@gmail.com

Mustaqbalkii Kubadda kolayga Soomaaliya xidigaha Minassota MPLS oo cashar siiyay kooxda London



Xidigaha kooxda kubadda koleyga Soomaalida Minassota MPLS ( USA) ayaa ciyaar aad u xiisa badnayd kala hor yimid kooxda kubadda koleyga London shalayto garoonka London City Acadamy oo ku yaal galbeedka magaalada London xaafada Herlesden, koobka Somali Basketball Tournament Week London 2008.

Ciyaartaan oo ahayd mid ay sugayaan dadka intiisa badan, ayaa hadana garoonka meel laga fariisto ma lahayn intii aysanba bilaabanin ciyaarta, taas oo aad ka garan karto in xiisa gaar ah ay u lahayd daawashadeeda dadwaynaha Soomaaliyeed ee u soo daawasho tagi jirey tartamadaan ka socda Galbeedka magaalada London.

Kooxda kubadda koleyga Minassota ayaa ah koox diyaar garoow adag u soo gashay tartankaan ka socda magaalada London, markaa eegto sida ay ugu diyaarsan yihiin xag walbo, hadii ay ahaan lahayd ciyaartooydooda, maamulkooda iyo isku xirnaanta ku muuqato iyo aqlaaqdaba.

Kooxdatan ayaa soo jiidatey taageerayaal badan oo markii hore is lahaa toloow kooxdee taageeri doontaa?, kadib markii ay soo bandhigeen 3-dii ciyaar ee hore ciyaar aad farsamadeeda u sareyso dadwaynaha ay u boogeen.

Kooxda London ayaa iyana ku biloowday koobkan dardar iyo guulo is daba joog ah, taas oo dad badani ay saadalinayeen in ciyaarta kooxaha London iyo Minassota ay dhaxmari doonto ciyaar aad u wanaagsan.

Dadwaynaha Soomaaliyeed ayaa moodaa inay ku soo balameen ciyaartaan, qaar badan ayaa fasax u soo qaatey inay daawadan galabta ciyaarta si aysan uga baaqanin.

Soomaalidu hadal waa soo koobtey oo waxayna yiraahdeen ‘’fardo lays ku haayo maxaa layskuga/ layskaga faanin’’

MINASSOTA V LONDON

Ciyaartiina waxay bilaabatey saacadu markii ahayd 19:30 fiidnimo saacada London,ciyaartana markaan waxaa dhax dhaxaadinayey garsoorayaal ajanabi ah oo aqoon iyo feejignaan u leh qabashada tartankaan oo kale, si aysanba u dhicin marmarsiinyo ama garsooraha la jirey koox heblaayo.

Kooxda Minassota ayaa ku biloowday dardar iyo weerar degdeg ah, kadib markii ciyaaryahanka qaranka Soomaaliya u soo dheelay ciyaarihii Morroco dhamaadkii June 08, sitana Numberka 18 Ahmed uu shabaqa kooxda London ku hubsaday si xirfadaysan ilaa 4(3 point), taas oo garoonka dhan ruxday qaylo iyo sawaxan, kooxda London ayaa waxaa ku dhacay inay is waayan koox ahaan, hasayeeshe kabtanka kooxda London ciyaaryahanka sita numberka 12-aad ayaa isla markiiba dalbaday Time out ( Ciyaarta in loo hakiyo) si uu kooxdiisa u dajiyo talooyina u soo qaatan madaama dharbaaxooyin lagu boobsiiyay.

Kooxda kubadda koleyga Minassota Mpls ( USA), waxaa macalimiin u ah isla markaana gacanta ku haya macalimiin qibrad isboorti iyo waayo aragnimo u leh sida loo diyaariyo kooxaha kubadda koleyga da’yarta, kuwaas oo iyagaba laftooda soo ahaa xidigihii xulka Qaranka Soomaaliya ka hor burburkii dalkeena Soomaaliya 1991:

Macalin Ahmed Dahir, Macalin AbdulQadir Haji Dahir’’Shiikha’’, Macalin AbdulKadir Madaxeey, Macalin Idiris Sulayman, waxaana kale oo la socday kooxdan oo garab taagnaa Xidigii kooxda Jeenyo iyo Qaranka Soomaaliya Abdi Xalwo, Macalin Giftin, Saleban Salay, Liiban Dahir, Sicid Dhere iyo Bashir Doob.

Ciyaartii ayaa dib u bilaabatey dadwaynihiina kuligood waxay si xamaasad leh ugu kala qaybsameen ciyaarta madaama ciyaarta ay isku badashay mid kulul, qaar badan oo markii hore u sacabatumaayey kooxda Minassota oo lahaa USA, USA, USA markii ay goalasha ka dhalinayeen dhigooda Kooxda London ayaa waxaa i ag taagnaa macalin John intuu qoslay ayuu i yiri Soomaalidan hada USA USA ku haya hadhoow USA ha dhacdo ayay oranayaan hadii ay banaanka garoonka uga baxaan, taas oo ula jeeday qalbi xaarnaanta Soomaalida, ana waxaan ugu jawaabay hadii Amerikaanka madaxdooda arki lahaayeen dhalinyaradan Soomaaliyeed ee magacooda sare u qaaday way ku soo dhawayn lahaayeen magaalada Minassota hadii ay ku laabtan iyagoo koobka sita cajalada maanta la tuso, waayo waa fariin wanaagsan oo muujinaysa in cayaaraha dadka isku soo dhaweynayaan kala fikirka ah.

Ciyaartii ayaa is badashay kadib markii kooxda London ay dib isku soo abaabuleen, dadkii garoonka joogayna way kala qaybsameen madaama lagu ciyaarayey magaaladooda London qaar baa dhiiga ku korey bilaabayna inay durbaano u tumaan kooxda London si ay niyada ugu dhisaan, halka taageerayaashi jeclaystey ciyaar wanaaga iyo aqlaaqada kooxda Minassota ayaa sii laba laabeen taageeradii ay taageerayeen kooxda Mustaqbalka, inkastoo maamulka garoonka uu adkeeyay nabadgalyada kadib markii sawaxankii iyo qayladii garoonka ay badatey, balse asluub wanaag ayay muujiyeen dadkii tirada badnaa ee ka soo qayb galay ciyaarta ee lahaa rag iyo haween, caruur iyo ciroole.

Qaybtii labaad ciyaarta ayaa si wanaagsan looga tagey kooxda London oo aad moodo inysan lahayn wax maamul hogaamiya ama saxa, madaama kabtanka kooxda Abdull Mohamud Afrax uu qayb ka ahaa ciyaartooyda garoonka ku jirtey ee baratamaysay, halka macalimiinta tayada leh kooxda Minassota ay ka muuqatey deganaan iyo isku kalsoonaan aad u sareysa, taas oo u saamaxday inay kooxda kubadda koleyga Minassota MPLS(USA) guusha ku raacdo 100 dhibcood halka kooxda London ay dhaliyeen 61 dhibcood oo qura, iyagoo xaafadooda jooga taas oo aad ka garan karto farqiga u dhaxeeyay labada kooxood, hadii ay ahaan lahayd xaga maamulka iyo isku xirnaanta ciyaartooydaba.

Macalinka kooxda Ahmed Dahir xidigii Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Horseed ama ENC ayaan waxaan su’aalay waxa uu caawa dareemayo madaama aysan jirin cid koobka ka xigta kooxdooda , waxana u yiri run ahaantii anaga halakan waxaan u nimid inaa koobka qaadno dadwaynaha tusno ciyaar wanaagsan, kooxdatan tababar dheer ayaan soo galinay aniga iyo saaxiibadayda kale ee caawa garoonka jooga, sharaf bayna noo tahay inaan aragno dhalinyaradan oo qaarkood jiraan 14 sano inay ku guulaystaan koobkan .

Mohamed Buuwe marti sooraha kowaad bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee magaalada London ahna taageera isboorti iyo Alfanaan Abti ayaa heeso Soomaali ah ugu luuqeenayay dadkii ka soo qayb galay daawashada ciyaaraha iyo ciyaartooydii kooxda Minassota, iyadoo garoonka uu hal mar isku badalay meel ay si weyn ugu caweeynayaan saqiir ilaa kabiir, iyadoo oo qof walba oo joogay habeenkaas garoonka uu dib u jaleecsaday garoonkii Luujino ee ku yaalay xaafada Abdi Azix ee magaalada Muqadisho iyo barisamaadkii dalkeena oo nabad ahaa.

Gabagagabadiina waxaa garoonka dhaxdiisa la isaga qaaday sawiro xasuusa ah dhamaan dadkii ka soo qayb galay daawashada ciyaarta iyagoo wajiyadooda ka muuqato farxad iyo is jacayl ayay u kala dareeren xaafadaha ay ka kala yimaadeen London iyo nawaaxigeeda.

Hadaba warbixinta dheer ee aan ka soo qorey ciyaartan oo run ahaantii ah mid dhab ah, waxaan umadda Soomaaliyeed ugu bishaareynayaa in mustaqbalkii kubadda koleyga Soomaaliya ama ka matali lahaa dalkeena garoomada caalamiga in ay ku guulaysteen koobkii Somali Basketbal Tournament Week London 2008.

Kooxda kubadda koleyga Minassota MPLS(USA)
5. SHARMAKE KHALIF 9. AHMED NUR
6. YASIN JAMA 10. KHALID HUSSEIN
8. ABDULAHI DALMAR 11. DA’UD MOHAMED
15. ABDULKARIM DALMAR
17. GULED ABDIRAHMAN(AMAAN)
18. AHMED ELMI

W/D: Yusuf Yusuf
Secretary General of SSPA & Sports Editor
mrsomalia@hotmail.com

London...England.

Banaadirpost.
banaadirpost@gmail.com




Taariikh nololeedka caalimkii weynaa Sheekh Axmed Sh. Max'ud (Sh.ABBA) oo dhowaan lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi ee magaalada Muqdisho


Allaha u naxariistee Sheekh Abba wuxuu ku dhashay Degmada X/Weyne ee magaalada Muqdisho sanadka markuu ahaa 1936kii, wuxuu ku soo barbaaray waxna ku soo bartay Beytu-Sacaada oo ku yaala xaafadda Koodka, Sheekhu waligiis uma doonan dibadda sida awogiis Sheekh Suufi oo kale.
Aabihii wuxuu dhintay isagoo yar, kaddib waxa gacanta ku soo qabtay awowgiis Sheekh Maxamuud Sh. C/raxmaan (Dabiye). macallinkiisa Qur'aanka wuxuu ahaa macallin Yuusuf Nuur Fiqi Cali (Ashaashi) waxaana u dhameystiray Macallin Xeydar (Reer Faqi), kaddibna wuxuu guda galay barashada culuunta noocyadiisa kala duwan sida aadaabta, Fiqhiga, Tafsiirka, Axaadiista, Tasawufka, Dhibiga, Falagga iyo Ansaabta.
Sheekha wuxuu ahaa nin aad ugu xeel dheer taariikhda Islaamka iyo taariikhda umadaha kale iyo tan Soomaalida, sida darteed Soomaalidu waxay ka dhigteen marjaca ugu horeeya ee lagu kalsoonaan karo.Sheekha isagoo aad u yar wuxuu bartay cilmiga Dhibiga, Asaabta, Falaga iyo Taariikhda, waxaana Sheekh u ahaa Awowgiis Sheekh Maxamuud (Dabiye) kuna siiyay ijaaso cilmigaas.
Waxaa kaloo ka mid ah Mashaa'iqdiisa Sheekh C/Majiid Sh. Maxamed Sheekh Suufi (Sheekh Cadde), wuxuuna ka bartay Naxwaha, Sarfiga, Balaaqada, Mandhiga, Caqiidada, Fiqhiga, Tafsiirka, Axaadiithta iyo Tasawufka, wuxuu kaloo lahaa Mashaa'iq kale oo fara badan oo ay ka mid yihiin:-1. Sheekh Cumar (Reer Shiikhaal Ow Xasan)2. Sheekh Maxamed Sh. Muxuyaddiin Macallim Mukaram3. Sheekh Abiikar Sh. Muxuyaddiin Macallim Mukaram4. Shariif Xuseen Cumar Caskar5. Sheekh Khaliif Faarax Nuur6. Sheekh Munye7. Sheekh Yuusuf Reer Qudub8. Sheekh Axmed Muxudiin Baafadal9. Sheekh Maxamuud C/Mutajali (Khaliifatu Azhar Ugana Sheekh ahaa ijaasada Naqshabandiya.10. Sayid Calawi Maaliki oo ijaaso ku siiyay akhrinta Axaadiithta.Magacyada Mashaa'iqdan waa intii aan anaga ka soo qornay Sheekha afkiisa intuu noolaa.Culuunta uu Sheekh Abba akhriyay waxaa ka mid ah:1. Tafsiir Dallaaleyn Maca Ruuxu Bayaan2. Axaadiithta sida Riyaadu Saalixiin, Saxiixul Buqaari, Jaamicu saqiir iyo Majmacu Zawaa'id.3. Luqadaha sida Ajruumiya, Camriidh, Sarfiga, Balaaqada, Mandhiqa.4. Fiqhiga sida Minhaajka.5. Cilmiga Tasawufka.6. Cilmiga Mawaaqiitu salaad ee Soomaaliya oo looga adimo wakhtiga Salaadda ee masaajidada Muqdisho.Sheekhu wuxuu leeyahay Maktabad marjac u ah culumada Soomaaliyeed.Karaamaadkiisa iyo sifaadkiisa oo aan la soo koobi karin iyo taariikh nololeedkiisa oo faahfaahsan wuxuu ku soo baxayaa Kutubka Kashfu Siril Mukhaba fii Tarjumadii Sheekh Abba oo uu qoray Talmiidka Sheekh Abba oo ah Sheekh Axmed Cusmaan Maxamed (Sheekh Axmed Muniir).
aduunyo5@yahoo.com
Maxamuud XAsan Cumar
Muqdisho somaliya
002521/5506210
Muqdisho somaliya

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo caawa shir jaraa'id qadka taleefanka ugu qabtay warbaahinta ayaa ku dhaartay dagaal

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo caawa shir jaraa'id qadka taleefanka ugu qabtay warbaahinta ayaa ku dhaartay dagaalka Somaliya ka socda in uusan jogsan doonin inta dalkan shareecada uga xukumaayo.

Abuu Mansuur waxaa kale oo uu sheegay in kooxihii ka qeyb galay heshiiska Jabuuti ay yihiin dembiilayaal, maadaama au la fariisteen kuwo shacabka dembiyo ka galay sida Cabdi Qeybdiid iyo Darwiish.Afhayeenka Shabaabka waxaa uu hoosta ka xariiqay in xabad aysan ka joojin karin dad hotello ku sheekaysayo dalk somaaliya ,waxaana uu sheegaynaa kuwaasi in aynafaftooda ay been u sheegayan marka ay arrimahaasi isu shegayaan .

Afhayeenka Al-Shabaab sidoo kale mar uu soo hadal qaaday dagaal saaka ay ku qaadeen xoogaga Al-Shabaab isgoyska KM4 ayaa farta ku goday in ay waxyeello gaarsiiyeen ciidmaada Amisom ee halkaasi ay kula dagaalameen.

Dagaaliyahanada Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay laba jibaaray dagaalada iyo howlgalladooda ka dhanka ah dawladda iyo Itoobiyaanka iyo sidoo kale ciidamada shisheeyaha dalka ku sugan.Sheekh Abu Mansuur waxaa sidoo kale uu shirkaasi jaraa'id kaga hadlay xiisado maanta Al-Shabab iyo maleeshiyaad beeleed ku dhexmaray magaalada Kismaayo,waxaana uu adkeeyay in ay ka hortageen kooxahasi ayna sii wadi doonaan howlaha burcad sifeynta ee Shabaabku ay ka wadaan Jubbooyinka.
Banaadirpost
banaadirpost@gmail.com

Wednesday, August 20, 2008

CAR YAA UJEEDADA KOOXDA INDHA-CADDE II CADDEEYA???? -


Waxaan beryahan maqlaa Yuusuf Indha-cadde oo ku celcelinaya 'cidaan anaga ahayni ma jirto', waa jihaadeynaa oo aqbali meyno wax ka yar in Diinta islaamka dalka lagu xukumo.


Haddiiba ay taasi run ka tahay waa wax fiican, yaase su'aashan iiga jawaabi kara?, dhowr sanadood oo uu ku amar ku taagleynayey gobolka Shabeelaha Hoose maalinba ha noqotee ma maqasheen xukun Islaami ah oo qof dambi galay lagu fuliyey, garsoor Islaami ah oo deegaankaas wali laga dhisay yaa arkay?.

Kasow dhibtaada dadka deegaankaas ay ku qabeen maamulkiiindha-cadde, waxaa jiray foolxumo badan oo deegaankaas ka jirtay sida in laga sameyey beero daroogada Xashiish-ka loo yaqaan lagu abuuro oo uu dabcan maamulkiisu ogaa jiritaankooda waxna lagama qaban.

Waxaan markaas isweydiyey ma jirin maalin hirgalinta shareecada Islaamka ay uga fududeed maalintaas ee muxuu u sameyn waayey maadaama uu gobolkaasi ahaa mid gacantiisa ku jiray oo aaney la wadaagin qabqablayaal dagaal oo kale...mise wuxuu
mabaa'didaan islaamiga ah qaatay markii ay maxkamaduhu ka awood roonaadeen saaxibadiis Muuse suudi..Qanyare iyo kuwii kale ee la midka ahaa.

Yuusuf Indha-cadde, dadka Soomalidu uma yaqaan Shakhsi diineed oo waxay xasuustaan hadaladiisa qabyaaladeysan ee uu waligiis jeedin jiray ilaa heer uu gaaray inuu xitaa qabiil kale sheegto..waxaan xasuustaa sanadkii 2004-tii mar uu garab milatari siinayey koox ka mid ahayd jabhaddii Raxanweynta ee RRA garabkii Xaabsade oo Baydhabo qabsaday in BBC-du weydiisay waxa isaga ka galay arrimaha gobolada Bay iyo Bakool oo aysan beeshiisu dagin inuu yiri, "walaalow hadde anigu inaan nin Digil iyo Mirifle ah ahay sow ma ogid".

Yaab badanaa!!, sanadkii 2006-da oo ay muqdisho ku hardamayeen Isbaheysigii sharta ee argagixiso la dirirka ayaan markale dhageystay Qanyare oo leh "aragagixisada ay magangaliyaan Xasan Daahir..Abuukar Cumar Caddaan iyo Indhacadde ayaan rabnaa inaan dalka ka saarno" iyo Indhacadde oo ka jawaabaya misna leh,"Qanyare waa nin Murusade ah ana Nin Ceyr ah ayaan ahay... waxaan hayana igama soo dooni karo".

Ufiirso waa intii uu socday dagaalki Argagixiso la dirirka iyo maxkamadaha uu Indhacadde madaxdeeda sare ka mid noqon doono maalmo yar ka dib,marka uu Qabiil ku faanaayo...ma ogi ma wuxuu hanuunay intii uu maxkamadaha ka mid ahaa mise wali wuxuu wadaa ujeedooyinka meel loo raaco la garan waayey ee ay leeyihiin kooxo soomaalida ka mid ah oo uu ku jiro.

Hadalada laga xishoodo ee Indha-cadde astaanta u ah waxaa ka mid ah inuu isugu yeero nin wax kasta ay isaga ka go'aan oo dadka kale ee howsha lawadaagana aysan waxba ahayn, xusuuso markale Shirkii Asmara Isbaheysigii lagu dhisay ayey kooxda Al-shabab iska diideen ka mid ahaanshihiisa iyo mabaa'diisa intaba inkastoo markaas lagu wareeray cidda Al-shabab hogaamisa ama u hadashada,waloow uu markii dambe hadlay Sheekh Mukhtaar Robow 'Abuu mansuur' oo sheegay inaysan iyagu shaqo ku lahayn Ururkaas oo ay isugu tageen wax ay ku tilmaameen Culimo iyo Cilmaaniyiin, dabadeed Indha-cadde haka jawaabo hadalkaas oo ha yiraahdo "ninkaas anigu ma aqaan,Shabaab anigaa ah..Maxkamado aniga ah..Isbaheysigana anigaa ah".

Ninka uu leeyahay ma aqaan, waa isaga ku xigeenkiisii maxkamadaha islaamiga ah, wuuna yaqaanaahe wuu yasayaa ileyn cidaan isaga ahayni waxba maahee, Magac-bixintuse ma iga qalloocatay haddii aan Sheekhul kulli ugu yeero Yuusuf max'ed siyaad.?. Wareysigii ugu dambeeyey ee lala yeesho ayaan dhageystay ee uu uga hadlay heshiiskii Jabuuti,hadalada ay Bulshadu ku miisaameen garashada Siyaasadeed ee Indha-cadde inta ay gaarsiinsantahay ayaa markan banaanka yimid markii uu yiri,"Sheekh Shariif meesha waa loo dhiibtay,wax uu saxiixi karo iyo ciduu matalana ma jirto..xabad ma joojin karo oo muqaawadu waa mideysantahay aniga oo xoghayihii difaaca ah ayaana madax u ah".mase caddeyn cidda Shariifka u far-jaawisa ee uu adeegaha u yahay.cajiib!, hadii uu isagu muqaawada madax u yahay sow isagana Madax looma aha?.

Hadiise uu madaxdiisa ku caasiyo siduu rabaa inuu isna madax ku noqdo..dadka aan xog-ogaalka ahayn ayuu ku qaldayaa inuu howsha oo dhan isagu hayee,waxaan hubaa inuusan muqaawada dhaxdooda ka ahayn sida uu isagu isku ekeysiisanayo dadka
qaarkiisna u heystaan,ciduu hoggaamiyo iskaba daaye.
Aanse dadka u bayaanshee muqaawada gudaha horta yaa hogaamiya..kama hadlayo Al-shabab oo falaagonimadiisu caddahay oo kale waxaanse ka hadlayaa Maxkamadaha Islaamiga ee gudaha ka dagaalanta, aan qaarkood ka xuso hoggaanka muqaawada: Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar, ku xigeenka Sheekh Shariif, waa madaxa ugu sarreeya muqaawamada gudaha, Sheekh Max'uud Ibraahim Suuley waa afhayeenkooda, Sheekh Xasan Max'uud (Sh.Xasan dheere) waa ninka u qaabilsan Gobolada Banaadir, Shabelaha dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, Cabdiraxiim Ciise Caddow oo dhanka dagaalka uga hadla iyo xubin kale oo dhanka milatariga u
qaabilsan oo aanan rabin inaan sheego sababo jira owgood iyo Rag kaloo farabadan.
Ragaas aan sheegayo ayaa muqaawada gudaha qaabilsan siyaasad, milatari iyo dhaqaale ahaanba,waana Ragga Sheekh Shariif sida tooska ah ugu xiran oo uu toos ugu gudbiyo dhaqaalaha dibadaha laga helo ee howsha oo dhani ku socoto.Markaas Indha-cade intuu ka dagaalamaa oo ay ciidamadiisu joogaan...tiro aan sidaas u badneyn oo beeshiisa ah ayaa in muddo ah dagaalka wax uga jirtay iyagiina intoodi badneyd Aadan Ceyrow, Alle ha u naxariistee ayey raaceen, qaarkoodna muqaawada muqdisho ka dagaalanta ee Ragga aan sheegay hogaamiyaan ayey ku jiraan.
Indha-cade wuxuu iska dhigay nin xabad-joojin la gaaraa ay isaga ku xirantahay, sida uu sheegayna Shariif-ka meesha waa loo dhiibtay oo wax uu hayo ma jirto..mase la isweydiiyey deegaanka uu Indha-cadde joogo uuna deegaan ahaan kasoo jeedo ee Galguduud, degmooyinka Dhuuso-mareeb, Guriceel iyo Matabaan oo Hiiraan raacsan intaba dagaal kama jiro,madaxdii ay Dowladda Cabdulaahi Yuusuf u magacowdayna waa joogaan oo meesha lagama eryin, Gobolka Sh/hoose oo uu ka talin jirayna waxaa ka taliya maamulka Dowladda KMG tiiyo ay waliba madaxdiisa ku jiraan kaaliyeyaashiisii hore, muqaawada Indha-cadde madaxa u yahayna xabad kama ridaan!!, Magaalada Marka oo Qabashadeedu muhiim u tahay Mucaaradkana looma socdo, sabab?saaxibadiis oo dowladda ciidanka Itoobiya dalka keentay ka tirsan ayaa maamula, waana meesha uu rabo Indha-cadde inuu markale ka taliyo haddii uu ku guuleysto fulinta ujeedooyinka aaney cidi wali garan ee uu garwadeenka ka yahay, waxayse dadka qaarkiis aaminsanyihiin in geeddiga lagu jiro halka in lagu furo la rabo ay tahay rabtii fowdada, nabad-la'aanta iyo maamul-nacaybka ee ay Soomalida qaarkeed ku caan-baxeen ridistii Xukuumaddii Milatariga ka dib 1991-dii, laakiin Sheekh shariifka uu leeyahay waxba ma hayo deegaanka uu kasoo jeedo ee Shabelaha dhexe iyo galguduud bari, sida degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad ma jirto hal degmo oo cid Dowladda ka tirsani joogto, muqaawada ayaana ka tilisa.
Markaas aan isweydiino meesha uu Indhacadde ka dagaalamo waa xagee?, aawayse xoogga uu ku faanayo ee hor-istaagi doona haddiiba uu hirgalo heshiiska jabuuti lagu gaaray ee saldhigiisu yahay in Itoobiya dalka laga saaro 120 maalmood gudahood mise wuxuu iska sheegan doonaa hogaaminta dagaalka caalamiga ah ee ay Alshabab wadi doonaanaan muddo aan la ogeyn inta ay qaadan doonto.

Al-shabaab iyo Indhacadde kooxdiisu isku mabaa'di maahan waxayna u yaqaanan inuu yahay qabqable dagaal marka dib loo xasuusto soo jeedintii Aadan Ceyrow ee ahayd inuu indhacadde hubka ka dhigo maalmihii Muuse suudi, Qanyare, Bashiir Raage iyo Botaan Ciise hubka laga dhigaayey,laakiin ay taas ka diideen Sheekh shariif iyo Sheekh Xasan Daahir.

Kooxda Alshabaab, hadafkoodu waa cadyahay oo waxay dagaal kula jiraan inta aan Diinta Islaamka heysan ee dunida joogta, dagaalkana ma joojinayaan xataa hadii ciidamada itoobiya dalka ka baxaan, sida uu caddeeyey Abuu mansuur oo afhayeen u ah, ujeedadooduna waa ka fogtahay inay Soomaliya dowlad Islaami ah ka dhisaan oo waxay ku haminayaan inay adduunka oo dhan dadka jooga muslimiyaan, waase Riyo wanaagsan oo dariiqii ay ku rumoobi lahayd aysan hadda ku taagneyn.
Dhab ahaan kooxdani meelo kale ayey la heystaan oo ma jirto cid og madaxdooda rasmiga ah..hogaamiyahooda cidi ma taqaan, waxa kaliya ee la ogyahay iney Amirkooda ugu yeeraan Nin ay ku magacaabaan Sheekh Mukhtaar Abuu zubeyr oo cod afcaribi ah soo duuba sida aan ka dhageystay bogga ay Internet ka ku leeyihiin markaas iyaga arrintoodu waa naga fogtahay waa maxayse ujeedada dhabta ee Indha-cade iyo kooxdiisu?, (kooxdiisa ulama jeedo Qabiilkiisa), Soomaali badankeed ma aaminsana in Indhacadde Diin u dagaalamayo oo taas lagama dhaadhicin karo,laakiin in Itoobiya dalka laga saaro ayuu u dagaalamayey markii hore waa macquul haddase waa diiday hadii la yiri nabad halagu saaro..'xoogbey kusoo gashaye xoog ayaa looga saaraa na' waa aragtida ay wada qaateen Sheekh Xasan Daahir iyo Sheekh Xasan Turki oo uu Mareykanku doonayo dilkooda ama soo qabashadooda,kuwaasna ujeedka dagaalkoodu waa cadyahay oo waxay difaac uga jiraan cidkastoo in dalkaan Dowlad loo dhiso oo nabad lagusoo dabbaalo dooneysa, ileyn iyaga dani uguma jirto oo waxay rabaan meeley ku dhuuntaan oo maamul aysan iyagu wax ka ogeyni ka dhalan ama deegaanno qabaa'illo xukumaan oo lagu dhax dhuunto.

Haddiise dhan kale laga eegana heshiis ayaa dantoodu ku jirtaa oo ugu yaraan waxaa laga hadli kari lahaa sida mustaqbalkooda laga yeelayo markaasoo ay ilatahay in laysla garan lahaa inay dalkooda nabad ku joogaa oo ugaarsiga laga daayo
iyana ay iska daayaan waxa loo heysto, hadiiba ay jirto.

Indha-cadde muxuu rabaa...inuu isagu madax noqdo..in beeshiisu hoggaanka dalka qabato...mayee fowdada iyo maamul la'aanta ayuu rabaa si uu markale Gobol uusan u dhalan xoog ugu heysto...tiisa uma hadlayee cajalad kale ayaa ka dhex hadleysa...mayee sidaas ayuu rabaa.. ayey ka badin waayeen dad badan oo aan la sheekeystay.

Laba Sheekh Xasan iyo Alshabaab oo ay soo barbaariyeen waxay dab iyo bansiin yihiin meeshii Mareykan soo galo, si dadban ama toos ah, waxay sida Itoobiya oo kale cadow la yihiin ciidan kasocda Qaramada Midoobay oo ay kusoo halqabsadaan dhibaatada ciidan shisheeye keenisteedu leedahay dagaalkii 1993-dii dhax maray Milishiyadii Jen.Caydiid iyo xoogaga Al-itixaad oo dhinac ahaa iyo US/UNOSOM khasaarihii ka dhashay iyo dadkii badnaa ee ku nafwaayey, qiilka ay u sameynayaan na waa kaas.

Itoobiya in dagaal kaliya lagu bixiyo ayey ku andacoonayaan..mase sheegayaan waxa diidaya in wadahadal lagu bixiyo iyadoo aaney wiilal qaali ah nooga dhiman. taas haba iska diidaane dagaalna kaligood kuma bixin karaan...Ciidan caalami ah ma rabaan oo waa Ajnabi,xataa haddii Dalalka Muslimka ah laga keenayo, wax dadka u cuntama oo taas baddalkeeda dalkan lagu xasiliyana ma hayaan..sida muuqatana ujeedkoodu intaas oo dhan maba ma aha ee wax kaloo u qarsoon ayaa jira..yaase yaqaan?.
Haddii la yiri Xabashi ha baxdo oo badalkoodi hala keeno kuwo caalamka ka socdo si loo badbaadiyo dadka dhibaatadadu ku heysato gudaha iyo hareeraha Muqdisho oo xilina Qorraxi heyso..xilli qabow haayo..xilli kalena roob darani ku dul da'ayo maxaa loo diidaa??,Ishooduse ma qabato miyaa duruufaha kala daran ee dadkaas heysata?..hooyada agoonta ku dhex heysa waab yar oo biyo dhex-ceegaagaan, waayeel gaajo darteed indhihii god sii galeen..umusha naaskeedii caano beelay ee banaanyada ku dayacan, noloshooduna ku tiirsantahay gargaarka caalamiga ah.
Malaheyga, waxa loo dagaalamayo maba ahan danta Dadka iyo Dalka
ee tan shakhsiga ah ayaa ka ka horreysa waxaas oo dhan, si dadkaasi guryahoodi ay dib ugu laabtaan marka laga saaro ciidanka cadowga Itoobiya ee ka barakiciyey, lana helo kuwo kale oo aan madaafiic culus,Tank iyo Pm, ku garaaci doonin xaafadaha iyo Suuqyada dadku ku badanyahay, gargaarka dadka tabaaleysan loo wadana ka dhiciya tuugada maxaa loo diidayaa...haddii aaney dano kaloo naga qarsooni meesha ku jirin?.

Ugu dambeyntii waxkasto diidnay Xal maahe keena wax dadkan iyo dalkoodaba dani ugu jirto ama diida koley Duul kalaad dano wadaagtaane.

Waxaa Qoray:
Qaasim Cabdulle Xuseen (Nero

Maxaa ka qaldan Shirka Jabuuti ka socda Jabuuti?

Qof walba oo Soomaali ah waxaa waajib ku ah in uu ogaado shirarka ka socda dalka Jabuuti waxa uu ku saabsan yahay iyo cida ka dambaysa.
Waxaa kaloo waajib ah in ay ummada Soomaaliyeed is waydiiso heshiiskaan cida galaysa ma dowlada iyo mucaaradkaa mise mucaaradka dowladda oo qora ayaa ku heshiinaya Ilayn dowladdii Nuur Cade weydhacday mudo labo asbuuc laga joogo marka la eego dastuurka dalka u dagsan.
Hadaba aynu cabirno in uu shirkaani mira dhal ma noqon doonaa iyo in kale.
Aynu ka bilowno shaqsiyaadka shirka ka qayb galaya iyo ajendaha shirka.
Madaxda shirka hogaaminaysa:
Ahmed Abdisalaam (Mucaarad shaatiga dowladda gishan)
Abdulraxman Abdishakuur (Mucaarad ka socda ICU)
Waxaan ognahay in ay dowladii Nur Cade ay is casishay oo lagu kala tagay.
Marka waxaa halkaa ka cad in Ahmed Abdisalaam uu ka mid yahay raga mucaaradka ah ee shaatiga dowladda gishan.
Ummada Soomaliyeed aad bay uga dharagsan tahay in labada Nin ay isku beel yihiin.
Taas oo lid ku ah awood qaybsigii ku qeexnaa Axdiga Kumeel Gaarka ah ee loo yiqiinay 4.5.
Waxaa kaloo aynu ognahay in beesha ayka dhasheen laba Nin oo ayagu isku magacaabay in ay matalaan shacabka Soomaaliyeed ay rabaan in ay Toban Shaati oo kala duwan shirarka la tagaan.
Sida USC, ICU, AIA, ARS, IRS, NGO, Al shabaab, Al Islaax, Alshaatiga dowladda, shaatiga mucaaradka, shaatiga Qabiilka, shaatiga Civil Society, Refugee/Victim, Chamber of commerce, Shaatiga warbaahinta, kuqabso qadimaysid, Aqoon yahan, iyo kuwo kale oo la abuuri doono haddii loo arko in wax lagu heli karo.
Ajendaha Shirka Jabuuti:
In caalamka aqonsado mucaaradka, in layska horkeeno madaxda dowladda, si loo wiiqo midnimada dowladda.
In dhaqaalaha caalamka bixiyo bar lasiiyo mucaaradka oo ay dib isugu abaabulaan.
In kuraasta dowladda bar lasiiyo mucaaradka, ugu dambayntii in la marin habaabiyo Axdiga ku meel gaarka ah.
Laguna badalo axdi cusub oo ku salaysan sadbuursi iyo boqolshaati gashi.
Ugu dambayntii shirkaan lama oran karo Soomaali ayaa ku heshiinaysa balse wuxuu u muuqdaa mid ay mucaaradka ku afduubteen dib u heshiisiinta qaranka ayna horseedi karto burbur hor leh.
Somali Good Governance Coalition somgogov@yahoo.com

Xaaladda Soomaaliya xaggey ka qalloocantahay(Q1).

Sida la caadeystey maqalka fashilaadda heshiisyada lagu gaaro shirarka ka dhaco Soomaalida dhexdeeda, taasi oo soo billaabatey tan iyo intii ay burburtey dowladdii dhexe 1990kii, ilaa iyo maanta.
Hase yeeshee waxaa is weydiin leh maxaa u sabab ah, fashilaadda ku dhacda heshiisyada ay gaaraan Soomaalida?
Xalka la doonaayo in laga gaaro Soomaaliya ayaa waxay tahay in la helo dowlad dhaxe ee caadil ah, taasi darteed baahidaa ayaa keenta in mar walbo la qabto shir, lagu magacaabo hadba meesha lagu qabto amase lagu magacaabo dib u heshiissin Soomaaliyeed.
Shirarkaasi ayaa u dhamaada heer hal bacaad lagu lisey, haddaba jawaabta so'aasha kor ku qoran maxay tahay?.
Sababta ay shirarka u fashilaan ayaa ah:-
-Run sheegid la'aan,dhex taalla kuwa heshiiska gelaaya v soomaalidu marka hore .
- Ragga heshiiska gelaaya oo ah dad sida badan hal dhan kasoo jeedo oo aan matali karin Soomaalida oo idil iyo weliba kuwa ay kasoo woda jeedaan. - Heshiisyayaalka oo fulinaaya qaarkood dano dowlado shisheeyey.
Arrinta Soomaalida ayaa waxay ka qalloocantahay xagga hoggaanka kuwaasi oo ah kuwa keli dantooda kuwa ka hor mariyo mar walba , oo aan danta dadka iyo dalka midna aan fiirin.
Waxaa laga yaabaa inuu hadalkeyga dhedhekiisu qaar dhibaayo , hase yeeshee waxaan hubaa inuu qaa badani igu raacayaa,waa haddii runta la doonaayo.
Haddaba dalka Soomaaliya waa dal baaxad weyn leh, laga soo billaabo xuduudka Jebuuti ilaa iyo xuduudka Ethiopia iyo Kenya,oo iintaba ay ka burburtey dowladdii dhaxe, hase yeeshee daneystayaal ayaa la wareegey ka dhisidda maamullo yeryer oo aan muuqaal lahayn.
Taasi waxay dalka ka qaaddey qiimahii weynaa ee uu lahaa, ayada oo runtii edda dusha looga tuuro fara gelin shisheeye, ayaa haddana waxaa u woda sabab ahaa , una u sabab ah tan iyo hadda, kuwa daneystayaal ah, oo dalka kala burburiyey, haddana ku wodo.
Dhibaatada runta ahna waxay ka taagan tahay keli gobolka banaadir , oo marba intii ka soo bato oo gaara gobollada ku hareereysan sida Hiiraan, Shabeelalda Dhexe, tan hoose jubbooyinka iyo Bay iyo Bakool.
Haddaba waxay dhibaatada ka taagantahay, Soomaalida oo aan weli garan halka ay ka bugto, iyo cudurka haaya!!
Waa in marka hore la ogaada xanuunku waxa uu yahay, kaasi oo ah dalka dhibaatadiisa waa magaalada Moqdisho , xalkeedana ilaa iyo hadda la ma haayo, waayo dagaal iyo dhiig keli waxuu kordhinayaa, amase ka dhalankaro waa dhiig iyo Dil, haddaba haddii loo fekero, waxaa inoo soo baxaayo dhowr so'aalood, haddii jawaab loo helana , xalka Soomaaliya waa la gaari karaa, haddiise runta looga jawaabi waayo waa in la ogaadaa inay arrinta Soomaaliya ay hlkaasi ka qalloocantahay!!
Xamar oo keli maxuu dagaalka ooga socdaa?, yaa dagaalka ka woda? Kuwa ka woda maxay dagaalka ooga wodaan Xamar, oo ah caasimaddii dalka?yaa dank u qaba in xamar uu dagaalka ka socodo? Dowlad kastaa ee timaadaa, ma sidaan ayay xamar oogu dagaallimidoontaa , mise waa la heli doonaa in xamar xal loo helo?
Runtii so'aalladaa is daba joogga ah jawaabtooda ayaa waxay ku soo koobaneysaa, xamar oo ahayd caasimaddii dalka Soomaaliya waagii ay dhisneyd dowlad dhaxey ayaa manta u baahan in xal loo helo!!
Xalka waxuu ku jiraa in caasimad kale dalka loo dhiso , inkastoo la ogyahay kuwa dagaalka ka wodo manta Xamar aysan oggolaandoonin in caasimadda laga wareejiyo, hase yeeshee waxaa loo baahanyahay sidii dalkaani dadkiisa loo badbaadiyo waa in caasimadda Xamar laga beddelo , xamarna laga dhigo caasimad dhaqaale oo keli , wewliba taasi oo haddii dan la bido lafteeda laga beddelo.
Arrintaani waxay ku xirantahay beesha hawiye oo aan ayada isu oggolaan nolol , dadkana u oggolaan nolol, saa darteed Soomaalidu waa inay ka tashataa halkii caasimad laga dhigi lahaa, oo aan ahayn xamar iyo meelo ay degganyihiin beesha Hawiye.
Waayo tan iyo waagi xurriyadda la qaatey ilaa iyo manta gobollada dhexe kama soo jiraan nabad iyo amaan, ilaa iyo waagi xurriyadda ayaa gaadiidka dhex mara gobolladooda lagu dhaafinjirey dhinac walba ayada oo gawaari dowladeed ay ilaalinayaan, taasi oo laga ilaalin jirey mooryaanta hawiye.
Arrintaani oo aan ahayn meel ka dhac hase yeeshee odeyda da' lexdamaad iyo todobaatanaad waa ay woda ogyihiin, dhibaatadaasi inay ka jiri jirtey gobollada dhexe.
Haddaba dalka waxa dhibaatad ka woda waa hawiye , ee laba inay hawiye is qabtaan oo ay danta la wadaagaan soomaalida oo idil, amase ay Soomaalidu ka tashato .
Xalka Xamar waxuu ku jiraa gacanta hawiye,in kastoo la woda ogyahay inay yihiin dad ku can baxey khilaaf ha lagu aqoonsadee!!
Haddana xalka qalloocan waxuu ka toosaya dhanka Hawiye oo runta isu sheega, kana waantoobaa, 100 hoggaamiye kooxoodka ay marba shaar usoo gashanayaan.
Xaayle Eemaan Suufow Xaayle278@hotmail.com

XASAN DAAHIR IYO AFARWARKI SIDEY U ARKAAN SHIRKA KA SOCDA DALKA JIBUUTI.

Taariikhda 15ka Agoosto, sidii ballanka aha waxaa magaalada Jibuuti ka furmay qaybti labaad ee shirki dibuheshiisiinta Soomaaliya, shirkaan waxa la rajeynaya in labada dhinac oo kala ah dawladda iyo mucaaradka ay ku wada saxiixaan meel marinta go'aannadii laga soo saaray qaybtii kowaad ee isla shirkaan oo kal hore lagu qabtay Jibuuti.
Waxaa laga rajo qaba in shirka haddeer ka socda magaalo madaxda dalka Jibuuti, inay ka soo baxaan talooyin meel mar ka dhiga go'aannadii ka soo baxay shirki midkaan ka horreyey, ha yeeshee ma muuqato in rajadaas ay noqonayso mid dhaboowda. Waa suragal in xubnaha labada dhinac oo isku hor fadhiya gogosha ku fidsan Jibuuti inay wada saxiixaan dokumenti xambaarsan qoraallo muhiim ah oo aqriskooda iyo dheegeysigooda loo wada sacab-tumo lagana soo jeediyo bogaadin baahsan. Lakiin waxa durba soo ifbaxaya inay adkaandoonto hirgelinta inta ku xusan dokumentigaas laysku raacayo in labada dhinac ay wada saxiixaan.
Arrinta kowaad ee dibuheshiinta ahna tan ugu muhiimsan waa xabbad joojin guud oo loola jeedo joojinta dagaallada dalka laga wado, marka haddii la waayo xabbad joojin oo aysan dagaallada joogsanin ma jiri karto dibuheshiisiin. Haddaba sida la ogsoonyahay, dagaalladaan ku baahay badi ahaan gobollada Soomaaliya waxaa hoggaaminaya hal shaqsi, kaasoo ah Xasan Daahir Aweys, sida la arkayana ninkaan dagaaallada wada waa ka maqanyahay shirka maalmahaan ka socda Jibuuti, wuxuuna horey u caddeeye ina Daahir inuusan aqoonsanayn dawladda fkmg ee Soomaaliya kana qayb galaynin shir la xiriira wada xaajood lala gala dawladdaan wuxuuna si gaar ah u sheegay inuusan oggolanaynin wixii ka soo baxa shirka Jibuuti.
Dhinaca kale kuwa uga qayb galaya magaca mucaaradka shirka Jibuuti ha yeeshee ah hal garab oo ka mid ah, mucaaradka ma laha awood ay ku xakameeyaan dagaallada waddanka ka socda. Marka waa sababtaas midda keneysa inay waxba ka suuroobin rajada laga qabo inay hirkasho dibuheshiisiin laga soo go'aamiyey shirkaan ka socda Jibuuti, mar haddii goobta ay ku fidsantahay gogosha shirka ka maqanyahay shaqsigii sida tooska ah hogaaminaya dagaallada la rabo in la joojiyo.
Waxase jira arrimo dhalinaya so'aalo, sida mowqifka ra'isalwasaaraha Nuur Cadde oo muujinaya inuu ku kalsoonyahay hirgelinta dibusheshiisin ka soo baxda shirka Jibuuti. So'aasha ugu muhimsan oo lays weydiinayo waxaa weye: maddaama shaqsiga keli oo joojin kara dagaalladaan socda u yahay Xasan Daahir, marka Nuur Cadde, ma xiriir hoose oo sir ah ayu la yeeshay Xasan, sidaasna ay ku gaareen heshiis la xiriira joojinta colaadda iyo dagaallada,si loo hirgeliyo dibuheshiisiinta?
Haddii arrinta ay tahay sidaas kor ku xusan waa mid wanaagsan, waxaana jirta rajo laga qabikaro in la helo dibuheshiisiin hirgesha, waxase haddana soo baxayso so'aasha kale oo ah: xubnaha garabka mucaaradka oo u hoggaaminayo ina Daahir maxay weli uga maqanyahiin madasha u shirka dibuheshiisiinta ka socdo? iyo Xasan Daahir ma aqbalidoona oo ma xurmeyndoona, go'aamo ay soo saareen kuwi asiga ay isku ballan fureen oo uga soo tegay xaruntii Casmara?. Haddaba way adagtahay si so'aashaan dambe ay jawaabteeda ku noqoto "haa".
Ninkaan Xasan Dahir oo ah shaqsiga carqalaynta ku haya dibuheshiisiin ka hirgasha Soomaaliya, asigana waxa hor taal carqalad walwal iyo cabsi ku haysa oo ka hor taagan inuu shaqsi ahaan si xor ah u dhaqdhaqaaqo, ku aado safarro dibedda ah, mise gudaha Soomaaliya ku socdaalo, kuna kormeero goobaha ay ka socdaan dagaallada u asiga huriyey, marka carqaladda hor tal ina Daahir waa argaggaxisanimada asiga lagu sifeeyey iyo magaciisa oo lagu daray liiska argaggixisada caalamka. Sidaas daraadeeda waxaa suuragal ah in ra'iisalwasare Nuur Cadde u ka ballan qaaday Xasan Daahir inu gacan ku siinayo sidii asiga magaciisa looga saari lahaa liiska argaggixisada caalamka.
Middaan ka saaridda liiska madow waa arrin suuragal ka dhigi karta in Xasan Daahir uu talo ka dhageysto Nuur Cadde si u uga baxo liiska argaggixisada, ha yeeshee taas ka sokow haddii u Xasan joojiyo dagaallada asigoo aqbalaya talooyinka ra'iisalwasaraha, kaddib markii (mise haddiiba) magaciisa laga saaro liiska madow, muxuu helaya oo u Nuur Cadde ballanqaadikara oo u ina Daahirna ku qanci kara? Jawaabta waa: "waxba" ma jiraan wax u ra'iisalwasaraha ballan-qaadikaro oo Xasan qanciya maxaa yeelay arrinta keli oo u Xasan Daahir ku qancayo waa asigoo helaya madaxweynenimo, taasna mahan mid uu ballan-qaadikaro wasiirka kowaad, marka kalsoonida u muujinayo Nuur Cadde oo la xiriirta rajada uu ka qabo in shirka Jibuuti ay ka soo baxdo dibuheshiisiin dhab ah oo hirgasha, rajadaas waxay u ektahay toobin lagu hayo laf iska cad.
Dhinaca kale waxaa jirta arrin ka si wada culus inta an kor ku xusnay oo la xiriirta hab dhaqanka Xasan Daahir. Soomaalida waxay tiraahda: "hal libaax arkayso ma godlato", ina Daahir Aweys waxaa tabataagan madaxweynaha Eritreya, Afawarki oo an dooneynin in Soomaalida heshiiso oo ay is afgarato, si ay uga maarmaan ciidamo shisheeye, gaar ahaan Eritreya waxaa danteeda ah in ciidamada Etiyobiya aysan ka baxin Soomaaliya, sidaas daraadeeda Afawarki wuxuu qorsheeye kuna dadaalaya inuu carqaleeyo dibuheshiisiin ka hirgasha Soomaaliya marka wuxuu si xoojinaya fowdada, colaadda iyo dagaallada ka socda Soomaaliya gudaheeda si an looga maarmin joogitaanka ciidamada Etiyobiya, marka madaxweynaha Eritreya si u hirgeliyo qorshahiisa ku aaddan carqaleynta dibuheshiisiin ka dhalata dalkaan wuxuu u adeegsanaya ina Daahir iyo kuwa u hoggaaminayo.
Haddaba Xasan Daahir, dan uma ah dibuheshiisiin Soomaaliya ka dhalata, ninkaan waxaa u dan ah inu xokun xoog ku qabsado, marka haddii aysan u suurrobin in dagaalladaan u wado inu ku qabsado xukunka dalka Soomaaliya, wuxuu tefaxeedsanyahay inu fuliyo qorshaha u wato madaxweynaha Eritreya oo ah is hor taagidda dibuheshiisiin kasta oo loo soo abaabulo Ummadda Soomaaliyeed.
Cali Cumar: sablaale1@hotmail.com

Maxamed Siyaad:- "Ma jiro dal iga danbeyn doona!"


Horraantii sagaalshameeyadii ayay ahayd markii ay dagaalada arxan darada ahi kabilowdeen magaalada Muqdisho gaar ahaan iyo guud ahaan dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia kaasoo looga jeeday in lagu inqilaabo rajiimkii ka arimin jiray dalka xiligaasi ee Siyaad Barre.


Sida muuqata haba yaraatee may jirin wax strategy ah oo udiyaarsanaa kooxihii xiligaa xiisaha iyo kalgacaylka dagaal uqabay inay afganbiyaan Siyaad Barre kadib marka uu rajiimku kursiga baneeyo si loo badbaadiyo dagaalka inuu dalka kasii socdo, laakin arrintu waxay umuuqatay inay salka kuhaysay nidaam qabyaaladeed iyo weliba laab lakac ahaa aynu isdhaafino Siyaad Barre kahor intaynaan kafikirin danaha umadda Somaliyeed iyo maatada beri mageydada ah.
“Majiro dal iga dambayn doona” , waa odhaah lagu xasuusan karo Siyaad Bare markii uu dalka kategay sida laga soo weriyay dad badan oo xiligaa udhuun daloolay waxyaabihii dalka kadhacayay iyo saadaasha foolxumadii kazoo socotay afganbiga kadib kaasoo aynu manta dhex maquuranayno.
Shaki kuma jiro runtii in dagaaladii sokeeye ee dalka kadhacay ay gacan wayn kagaysteen quwado shisheeye oo dano gaar ah kalahaa dalka Somalia kuwaasoo u arkayay wiiqid iyo burburin lagu sameeyo nidaamkii xukuumiga ahaa ee dalka kajiray inuu miftaax unoqon doono in la hor istaago himiladii Somalia ee ahayd in lasameeyo Somali wayn ama shanta somaliyeed oo meel la iskugu keeno iyo weliba dano kale oo gaar ah.
Wax garadkii somalida ee xiligaa wax kubartay cashuurta laga qaado muruqmaalka Somalia iyo weliba maatida kale, diplomacy iinta xiligaa Somalia ujoogay debedaha, militeryga iyo saraakiisha sar sare ee kale ee dalka umay muuqan waxa iman kara ee kadambayn doona afganbiga Siyaad Barre ee cid waliba waxay uqabyaaladaysay ciddii ay isku reerka iyo qabiilka ahaayeen kuwaasoo si indhoolenima ah kuraacay.
Inkastoo ay waxaasi oo dhami jireen laba daraadle waxaa muuqatay in goboladii waqooyi galbeed Somalia (Ex British Somaliland protectorate) arrintani ay kafaa’iidaysteen, waxaana ii muuqata inkastoo aan berigaa aad uyaraa in haddana uu jiray qorshe nidaamsan oo ay SNM kudagaalamaysay marka loo eego kii SSDF iyo kii USC kaasoo gundhigiisu ahaa inay timaado xaalad iyo jawi looga gudbi karo nidaamkii hore ee dalka katalin jiray iyo weliba dagaalo faraha la iskaga gubto oo la isku huleelo.Qabsashadii Hargeisa iyo Burco kadib waxaa laqabtay shir beeleed ay iskugu yimaadeen beelaha dega Awdal, Sool iyo weliba beelaha kale ee waqooyi galbeed Somalia si looga arrinsado waxa dhacay.
Waxaan odhan karaa caqliga iyo maskaxda wax garadkii iyo waayeelkii kushiray Burco wuxuu si fiican uga fikiray maxsuulka kazoo bixi kara haddii aanu imanin tanaasul iyo weliba in danaha shacbiga laga horeeysiiyo tan khaaska ah, waxaana la unkay Jamhuuriyaddii Somaliland taasoo aan aaminsanahay inay dhabaha ujeexday nidaam degan iyo nolol wanaagsan iyo hab dimoqraadiyadeed oo ay ku tamatucaan dadaka kunool goboladaasi.
Runtii waxaan shaki kujirin inay jireen siyaasiyiin badan iyo halagamayaal fara badan oo hunguri kahayay inay sutida uqabtaan nidaamka Somaliland kuwaasoo qaarkoodna in muddo ah kujiray xabsiyadii rajiimkii hore in mudda ahna dagaalo jabhadayn ah kaga soo horjeeday, hase ahaatee tanaasul iyo danta shacabka oo latex geliyay ayay ku samaysan tay Somaliland oo isku magacawday jamhuuriyad gooni iskaga taagtay somalida inteeda kale ee la israaciyay sanadkii 1960 kii.
Run ahaantii himiladii iyo yididiiladii ay shacbigaa lahaayeen ayaa rumowday taasoo dhalisay inay qurba jooga dalka kusoo nqodaan oo ay maalgashadaan oo ay isla markaana gaadhaan ilaa heer dastuur laqoro, afti loo qaado, ladoorto maamul iyo barlamaan iyo golayaal degaan oo xor ah oo kayimiday axsaab mucaarad iyo muxaafid iskugu jiray oo kutartamay saaxadda siyaasadda ayadoo ay goob jog kayihiin goob joogayaal caalami ah.
Waxaa faraxad iyo rayn rayn mudan inaanay kadhicin gobolada Somaliland isku magacaabay wax dagaal ah oo qabiil, qolo qolo iyo qurun kushaqa leh kadib asaaskii Somaliland iyo in waayeelka uu ka arimin jiray isu tanaasul siinta iyo isu dulqaadka siyaasiinta markastoo ay timaado xaalad adag oo dalka iyo dadka khal khal gelin kartay.
Dhanka gobolada waqooyi bari markaan usoo jaleeco, inkastoo ay in badan kadambeeyeen gobolada waqooyi galbeed laba daraadle waxay qaadeen talaabooyin wax ku ool ah oo lagu garawsaday danaha dadka iyo deegaanka kaasoo ahaa in la unkay nidaam goboleed lagu sheegay Puntland state kaasoo loo sameeyay barlamaan qabali ah iyo weliba axdi qarameed iyo weliba nidaam xukuumi oo beel kusalaysan.
Inkastoo uu jiro farqi wayn oo udhaxeeya labada maamul ee Somaliland iyo Puntland dhanka haykalka dowladnimo iyo weliba horumaradii lagu talaabsaday xukumad ahaan iyo dowladnimo iyo weliba in Puntland ay kadhaceen dagaalo kusalaysan is qab qabsigii Abdilahi Yusuf iyo Jama Ali Jama iyo weliba kii kadambeeyay ee Ade Muse laba daraadle waxaan odhan karaa in shacbiga kunool gobolada waqooyi bari ee Somalia aad iyo aad inay udhaamaan somalida kunool koonfurta iyo badhtamaha Somalia dhanka amniga, horumarka iyo nidaamka siyaasiga ah.Dhanka koonfurta markaan usoo jaleeco, waxaa dhawr iyo toban shir loo qabtay kooxo budhcad ah oo kala googooyay magaaladii Muqdisho oo xurmada iyo karaamada mudnayd kuwaasoo midba daabiyad yar ka ootay kuna soo rogay hab qabqable dagaalnimo salka kuhaya dano gaar ah iyo jaahilnimo ugaysatay taasoo kayaabisay caalamka kale.
Dhawr iyo tobankaa shir waxaan kaxasuusan karaa kuwii kadhacay Sowdare iyo kii Qaahira iyo kuwii kadambeeyay ee kale kuwaasoo ujeedadeedu ahayd in hal qabiil oo Somalia rogay baabi’iyay oo kolba magic lasoo baxay lagu heshiisiiyo oo la isku tanaasulsiiyo loona sameeyo nidaam ay kumidaysan yihiin oo ayaga udhaxeeya.
Waxaa layaab mudnaa in nin waliba oo qabiilkaa kasocda uu uhanqal taagayay inuu asaga noqdo madaxweynaha Somalia xukuma, waxaase su’aal ahayd miyuu uqalmayay? Runtii waa maya waayo dhamaantooda maleh background ama taariikh aqooneed ayadoo la ogsoon yahay inay badankoodu ahaayeen darawalo iyo qaar kaganacsan jiray mukhaadaraadka oo mar qudha hab beeleed kuhelay hub iyo rasaas aan loogu aaba yeelayn umadda kuwaasoo laga soo gurtay quwado aanay danta ugu jirin xasilooni lagu soo dabaalo Somalia.
Halkaa qabiil oo Somalia madaxeeda miji urogay ayaa sababay in kumanaan iyo kumanaan iyo kumanaan kun oo Somali ah ay kudhintaan Muqdisho iyo koonfurta iyo badhtamaha Somalia ayagoo kudhimanaya dagaalo aan micne lahayn lana sharxi Karin ujeedada kadambaysay, halka kumanaan kale udhinteen gaajo iyo haraad kadib markii laga bili liqaystay hayntoodii iyo wixii faraqabsi ay gacanta kuhaysteen, boqolaal kun oo kalena inta dalka laga barakiciyay ayay ku le’deen badaha Mediterranean iyo badda cas ayagoo dalka uga cararaya dowlado shisheeye iyo ayadoo kumanaan kale uu yeygu kucunay saxaraha udhaxeeya Libya iyo Sudan.Dowladihii caalamka waa ay kayaabeen falalkii arxan darada ahaa ee kadhacayay Somaliya min horaantii sagaalshameeyadii ilaa iyo waqtigan xaadirka ah taasoo la isweydiiyay su’aal ahayd tolow dadkani miyaanay dalkaba udhalan mise waa dad loo soo dhoofiyay dalka oo aanay dani kalahayn kufsiga iyo dhaca maatada iyo kumanaanka carruur ee agoontoobay iyo kuwa dibjir iyo darbi jiifka mustaqbal unoqday.Waxaan tusaale usoo qaadanayaa shirkii Carta kadhacay kaasoo si xilkasnimo iyo daacadnimo uu usoo agaasimay madaxweynihii Jabuuti Ismail Omer Guelle waqti yar kadib markii uu dalkiisa lawareegay kursigiisa.
Wax kastoo la is odhan karo waa ay qancin karaan somalida waa lasameeyay walaw ay labada maamul ee Somaliland iyo Puntlandba qaadaceen shirkaasi, runtiina waxaa la odhan karaa marka loo eego baahida dawladnimo ee kajirtay koonfurta iyo badhtamaha Somalia kamay jirin labadaa maamul maadaama ay ayagu isku tashadeen oo ay dhisteen nidaam dowladeed oo la macaamili kara maxsuulka shirkaasi.
Laakin nasiib daro qab qablayaasha dhiiga kumaydhan jiray ee Somalia iyo Muqdisho may garawsan baahida umaddooda iyo in kursigii ay u ooyayeen intii mudda ah lagu macsuumay ayaga oo lasiiyay kursiga madaxweynaha laakin waxay markiiba kudhaarteen inay ka hor iman doonaan ayagoo danta umadda uga waynayd tan quwado shisheeye ayaga uyeedhin jiray una sheegi jiray inaanay dowladda katimiday Carta dani ugu jirin ayagana hub iskugu soo dhiibi jirtay dhexdooda taasoo dowladdii Carta ee TNG kadhigtay mid hodheel ku go’doonsan dakhligii ay kaheshay duwalka carabta iyo Islamka na lagu kala qaybsaday hodheelada Muqdisho ee Ramadan lagana dhistay aqalo iyo meherado waawayn oo ganacsi ilaa ay isku dhacaan labadii mas’uul ee xiligaa ugu sareeyay dowladda ee prime minister ka iyo president aha taasoo ay furtay wado kale oo ayaga dhexdooda banaysay inay kolba xilalka iska qaadaan oo mid kale umagacaabaan.Waxaa kadambeeyay shirkii Embegathi oo lagu soo dhisay dowlada TFG da. Waxaa layaab mudan in ayadoo lasaxeexay heshiisyo badan oo weliba wax ku ool ah oo loo dhaartay oo misana aan waxba kazoo bixin lana tix gelin haba yaraatee. Ragga ayaga dartooda dastuurka wax kabedel loogu sameeyay si ay ugu suuragasho inay helaan mansab maadaama aanay lahayn qualifications kii ayay hadana bilaabeen inay kala qoqobaan dalka ayagoo mar kale kudhaartay xamar inaanay dowladi cagta soo dhigi kari midnimana muujiyay ayaga dhexdooda taasoo laga la’aa kahor shirkaasi inay midoobaan oo samaystaan nidaam dowli ah ama ay ogolaadaanba kan lagu soo sameeyay shirarka debedda ah.
Inkastoo ay dowladda dhexdeeda heshiisay markii dambe oo ay Baidoa kadhigteen xarun haddana waxaa dhacday qab qablayaasha dhiigiya cabka ahaa inaanay danta ugu jirin inay dowladda horay utalaabsato maadaama ay dantooda bur burayso, waxayna mashruuc kazoo qaateen CIA da maraykanka kaasoo ahaa in malaayiin doolar lagu bedesho in la iibiyo wadaadada iyo xag jirka somaaliyeed oo qaarkooda inta kurka laga jaray loo dhoofiyay wadamada qaska kuhayay Somalia iyo weliba in haraadiga suntan nuclear ka lagu aaso xeebaha Somalia iyo inay sii socdaan colaadaha iyo gaajada dalka kajiray ee Somalia.Waxaa samaysmay nidaam kale oo sheegtay inuu yahay nidaam islaami ah oo yidhi waxaan khilaafad kasamaynaynaa dalka kaasoo ay isku urursadeen wadaado kazoo jeeda qabiilka rogay Somalia oo kursi doon iyo qabiilaysi wata, kuwo masaakiin ah oo daacad ka ahaa dalka inuu kusoo noqdo oo lagu soo dabaalo shareecada iyo weliba kuwo lashaqaysanayay CIA da maraykanka hadana katirsanaa maxaakiimta. Kala afkaar duwanaanshaha qolooyinkaasi, nidaam isku xidha oo xoog badan oo aanu dhexdooda kajirin iyo weliba danaha shakhsiyadeed ee gaarka ahaa ee ay wateen oo kitaabka Quraanka laga dhiganayay mid lagu adeegto iyo weliba aqoon xumida dhanka cilmiga siyaasadda iyo maadiga ee dadkaa haysatay.
Iyo weliba quwada iyo xarakaatki Islamiga ahaa ee joogay wadanada debedda ayaa uhorseeday inay lumiyaan jaanis uu inbadan maqnaa kaasoo si il bidhiqsi ah ayaga kudhaafay kadib markii uu kitaabku noqday wax la iska sheegto oo sheekhii odhanayay kitaabka aanu raacno oo hadhaw hadana CIA da macluumaadka ugu gudbinayay telephone ama text message ama GPS iyo weliba in qabyaaladdu ay noqotay wax kasareeya masiirka iyo danta umadda ee loogu dhaartay fagaarayaasha in loo adeegi doono.
Dagaalo aanay qorshaysnayn oo iska soco uun ah ayaa laga soo qaaday min Muqdisho ilaa Bandiiradleey iyo weliba duleedka Baydhabo iyadoo lakhasiray fursado xiligaa banaanaa oo dowlada TFG lagula heshiin karay oo power sharing lagula samayn karay magaalada muqdishana amaankeeda lagu hanan karay.
Waxaa dhacday in ayadoon loo samayn maamul ugaar ah gobolka banaadir lagu dhawaaqo maxkamad baanu kafurnay Jawhar iyo Baladweyne iyo shacabkaa noo yeedhay ayadoo aanay jirin strategy dagaal oo midaysan oo qorshaysan oo lagu duuli karo laguna hanan karo guusha lagaadhay. Waxaa lagu adeegtay kitaabka Quraanka taasoo Ilaahay kusaliday inay hoos galaan gumaad iyo xasuuq loogu gaysto goobihii ay joogeen ee duleedka Baydhabo iyo gobolada dhexe kadib markii ay hadh cad saxaafadda kayidhaahdeen waxaanu qabsanaynaa geeska Africa kaasoo ahaa dhambaal loo dirayay CIA da si dadban inay ku aqoonsato jaanis uga banana Somalia oo ay uga qiil samaysan karto dagaal lagu soo qaado iyo qabsasho dalka laqabsado.Waxaa layaab leh in arday badan oo iskuulada dhigan jirtay oo masaakiin ahaa loo diray jiidda dagaalka lagana dhaadhiciyay xabashi baa kuqabsanaysa oo kaadhigaysa Christian kuwaasoo markii lajabay looga yimi goobaha dagaalka ama dhaawacooda latuuray aydoo la leeyahay ma aha kuwii aanu isku qabiilka ahayn, shakina kuma jiro nabsigii kitaabka inuu soo baxay.Maanta majirto maalin uga xun shacabka somaaliyeed marka loo eego wixii lasoo maray nus qarnigii udambeeyay ee lasoo maray.
Waxay kooxaha dagaalka sheeganayaan inay jihad kujiraan ayagoo laynaya maati aan waxba galabsan, waxay gawracayaan dad iskood ushaqaysanaya, waxay rasas oodda uga qaadayaan inay laayaan ayagoo waji xidhan haween masaakiina oo shaqaysanaya.Tolow jihaadku makaasaa mise waa kii uu suubanuhu uu dhabaha uxaadhay ee dalacsiiyay Abuu dujaana, Ali bin Abii daalib iyo weliba Khaalid bin walid iyo ragii raga ahaa, mise waa qabyaalad salka kuhaysa ama waynu isla jabaynaa ama waa in dowladda naloo dhiibaa.
Waxaa layaab leh in dad qurba jog ah ah oo aanay joogin dalka iyo dhibta kataagan ay fund garaynayaa dhibaatada kajirta dalka ee lagu baabi’inayo umadda somaaliyeed ee waliba dadka danyarta lagu bartilmaameedsanayo ayadoo loo adeegsanayo saxaafadda in muqaawamada noocaa udhaqanta lagu soo shaac saaro laguna xayaysiiyo isla markaana lagu maalgeliyo, waxaa kaloo layaab leh in jihaadku noqday wax la iska sheegto oo qoba wuxuu doono uqaato ayadoo hal hays noqotay ALAAHU AKBAR ama ALAA wayn.Waxaan maqaalgaygani kusoo gebagabaynayaa baaq aan udirayo dhalinyarada somaaliyeed.
Waxaan leeyahay dhalinyarda ayagaa ah resource kii lahaa dalkani bur buray, ayagaa ah kuwii beritole maamuli lahaa, ayagaa kuwaayaya mustaqbalkooda ayagaa ah kuwii ama nabadda keeni lahaa ama colaada sii hurin lahaa. Dagaalada kakala socda ee udhaxeeya labada dhinac ee jihad sheegadka iyo dowladnimo sheegadka ah waxaa wada oo qaadaya waa dhalinyaro, madaxda dagaalka ama waxay coffee ku cabayaan Asmara ama Djibouti ama madaxtooyada Ethiopia iyo tan Muqudisho, cida dhimanaysa ee front line ka taagani waa dhalinyarada, cida loo dan leeyahay ee focus ka saarani waa dhalinyarada cidda labaatan sanadood bilaa dowlad ahayd ee laga baabiyay mustaqbalkooda waa dhalinyarada cidda loo dan leeyahay in lacidhib tiro waa dhalinyarada.
sidaa awgeed dhalinyarda haka fikiraan dagaalka loo adeegsanayo kaasoo ujeedadiisu ay tahay:
1- In dalka weligii sidaan sii ahaado si aan kooxaha xasuuqa gaysta dhankay doonaan haka tirsanaadaane hadhaw loo soo taagin maxkamad markay timaado dowladnimo sida kadhacday Rwanda, Liberia, Sera Leone iyo weliba Yugoslavia weligeedna sidaa la ahaado.
2-In loo shaqeeyo ajaanibka aanay danta ugu jirin dalka inuu dowlad la’aan ahaado si aanay mar kale Somalia awood ugu yeelan inay kor usoo kacdo oo ay kusoo biirto dhigeeda kale ee caalamka horumarna samayso.
3-In lasii joogteeyo in dalka uu xarun gabaad usii ahaado firxadka aragagaxisada caalamka iyo weliba kooxaha wata danaha gaarka ah ee lagu sheegto jihad.
4-In dalka uu ahaado meel lagu aaso suntan nucearla isla markaana laga fadhataysto wixi resources ahaa ee uu lahaa.
Waxaa tusaale uga filan dhalinyarada kharajkii uu Maraykanka kubixiyay dilkii loo geystay Adan Hashi Aidhow oo ahaa nin dhalinyara ah oo somaliyeed walaw uu kujiray falal dagaal oo jihad lagu sheego.
Malaayiin doolar ayaa lasheegay inay kubaxday dilka ninkaasi oo loo arkayay inuu xambaarsanaa maskax dhalinyaranimo oo lagu agaasmi karo isbedel iyo weliba in lagu maamuli karo qadiyad.
Waxaad ufiirsataa waxa ay hay’adaha caalamku ay focus ka usaarayaan inay fadhataystaan maskaxda dhalinyarada oo inta workshop loo qabto laga ururinayo afkaartooda taasoo ah in uu jiro bililiqaysi la bililiqaysanayo garaadka maskaxda dhalinyara.
Waxaan leeyahay dhalinyarada dantooda hagartaan oo xabadda ay kuridayaan maatida hakula soo jeestaan kuwa ayaga diraya hana waydiyaan waxa ayaga uga dan ah inay weligood kujiraan xaaladdani dagaal.
Waxaan kacodsanayaa dhalinyarda inay qaadaan mudaaharaadyo waawayn oo looga soo horjeedo dhamaan dhibta loo gaysanayo umadda iyo biri magaydada maatida ah.Dhalinyarada waxaan leeyahay waxaad dagaal kula jirtaan kooxaha idinka idin diraya ee ama dowladnimo ama jihad idinku diraya, waxaad dagaal kula jirtaan quwado waawayn oo caalamka jooga waxaad dagaal kula jirtaan ururo iyo hay’ado caalami ah, waxaan idinka codsanayaa inaad joojisaan xabadda aad ku ridaysaan umadda taasoo wax xal ah keeni wayday tan iyo 1990.
Hussein Y. Hassan