Search This Blog

Wednesday, August 20, 2008

Maxamed Siyaad:- "Ma jiro dal iga danbeyn doona!"


Horraantii sagaalshameeyadii ayay ahayd markii ay dagaalada arxan darada ahi kabilowdeen magaalada Muqdisho gaar ahaan iyo guud ahaan dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia kaasoo looga jeeday in lagu inqilaabo rajiimkii ka arimin jiray dalka xiligaasi ee Siyaad Barre.


Sida muuqata haba yaraatee may jirin wax strategy ah oo udiyaarsanaa kooxihii xiligaa xiisaha iyo kalgacaylka dagaal uqabay inay afganbiyaan Siyaad Barre kadib marka uu rajiimku kursiga baneeyo si loo badbaadiyo dagaalka inuu dalka kasii socdo, laakin arrintu waxay umuuqatay inay salka kuhaysay nidaam qabyaaladeed iyo weliba laab lakac ahaa aynu isdhaafino Siyaad Barre kahor intaynaan kafikirin danaha umadda Somaliyeed iyo maatada beri mageydada ah.
“Majiro dal iga dambayn doona” , waa odhaah lagu xasuusan karo Siyaad Bare markii uu dalka kategay sida laga soo weriyay dad badan oo xiligaa udhuun daloolay waxyaabihii dalka kadhacayay iyo saadaasha foolxumadii kazoo socotay afganbiga kadib kaasoo aynu manta dhex maquuranayno.
Shaki kuma jiro runtii in dagaaladii sokeeye ee dalka kadhacay ay gacan wayn kagaysteen quwado shisheeye oo dano gaar ah kalahaa dalka Somalia kuwaasoo u arkayay wiiqid iyo burburin lagu sameeyo nidaamkii xukuumiga ahaa ee dalka kajiray inuu miftaax unoqon doono in la hor istaago himiladii Somalia ee ahayd in lasameeyo Somali wayn ama shanta somaliyeed oo meel la iskugu keeno iyo weliba dano kale oo gaar ah.
Wax garadkii somalida ee xiligaa wax kubartay cashuurta laga qaado muruqmaalka Somalia iyo weliba maatida kale, diplomacy iinta xiligaa Somalia ujoogay debedaha, militeryga iyo saraakiisha sar sare ee kale ee dalka umay muuqan waxa iman kara ee kadambayn doona afganbiga Siyaad Barre ee cid waliba waxay uqabyaaladaysay ciddii ay isku reerka iyo qabiilka ahaayeen kuwaasoo si indhoolenima ah kuraacay.
Inkastoo ay waxaasi oo dhami jireen laba daraadle waxaa muuqatay in goboladii waqooyi galbeed Somalia (Ex British Somaliland protectorate) arrintani ay kafaa’iidaysteen, waxaana ii muuqata inkastoo aan berigaa aad uyaraa in haddana uu jiray qorshe nidaamsan oo ay SNM kudagaalamaysay marka loo eego kii SSDF iyo kii USC kaasoo gundhigiisu ahaa inay timaado xaalad iyo jawi looga gudbi karo nidaamkii hore ee dalka katalin jiray iyo weliba dagaalo faraha la iskaga gubto oo la isku huleelo.Qabsashadii Hargeisa iyo Burco kadib waxaa laqabtay shir beeleed ay iskugu yimaadeen beelaha dega Awdal, Sool iyo weliba beelaha kale ee waqooyi galbeed Somalia si looga arrinsado waxa dhacay.
Waxaan odhan karaa caqliga iyo maskaxda wax garadkii iyo waayeelkii kushiray Burco wuxuu si fiican uga fikiray maxsuulka kazoo bixi kara haddii aanu imanin tanaasul iyo weliba in danaha shacbiga laga horeeysiiyo tan khaaska ah, waxaana la unkay Jamhuuriyaddii Somaliland taasoo aan aaminsanahay inay dhabaha ujeexday nidaam degan iyo nolol wanaagsan iyo hab dimoqraadiyadeed oo ay ku tamatucaan dadaka kunool goboladaasi.
Runtii waxaan shaki kujirin inay jireen siyaasiyiin badan iyo halagamayaal fara badan oo hunguri kahayay inay sutida uqabtaan nidaamka Somaliland kuwaasoo qaarkoodna in muddo ah kujiray xabsiyadii rajiimkii hore in mudda ahna dagaalo jabhadayn ah kaga soo horjeeday, hase ahaatee tanaasul iyo danta shacabka oo latex geliyay ayay ku samaysan tay Somaliland oo isku magacawday jamhuuriyad gooni iskaga taagtay somalida inteeda kale ee la israaciyay sanadkii 1960 kii.
Run ahaantii himiladii iyo yididiiladii ay shacbigaa lahaayeen ayaa rumowday taasoo dhalisay inay qurba jooga dalka kusoo nqodaan oo ay maalgashadaan oo ay isla markaana gaadhaan ilaa heer dastuur laqoro, afti loo qaado, ladoorto maamul iyo barlamaan iyo golayaal degaan oo xor ah oo kayimiday axsaab mucaarad iyo muxaafid iskugu jiray oo kutartamay saaxadda siyaasadda ayadoo ay goob jog kayihiin goob joogayaal caalami ah.
Waxaa faraxad iyo rayn rayn mudan inaanay kadhicin gobolada Somaliland isku magacaabay wax dagaal ah oo qabiil, qolo qolo iyo qurun kushaqa leh kadib asaaskii Somaliland iyo in waayeelka uu ka arimin jiray isu tanaasul siinta iyo isu dulqaadka siyaasiinta markastoo ay timaado xaalad adag oo dalka iyo dadka khal khal gelin kartay.
Dhanka gobolada waqooyi bari markaan usoo jaleeco, inkastoo ay in badan kadambeeyeen gobolada waqooyi galbeed laba daraadle waxay qaadeen talaabooyin wax ku ool ah oo lagu garawsaday danaha dadka iyo deegaanka kaasoo ahaa in la unkay nidaam goboleed lagu sheegay Puntland state kaasoo loo sameeyay barlamaan qabali ah iyo weliba axdi qarameed iyo weliba nidaam xukuumi oo beel kusalaysan.
Inkastoo uu jiro farqi wayn oo udhaxeeya labada maamul ee Somaliland iyo Puntland dhanka haykalka dowladnimo iyo weliba horumaradii lagu talaabsaday xukumad ahaan iyo dowladnimo iyo weliba in Puntland ay kadhaceen dagaalo kusalaysan is qab qabsigii Abdilahi Yusuf iyo Jama Ali Jama iyo weliba kii kadambeeyay ee Ade Muse laba daraadle waxaan odhan karaa in shacbiga kunool gobolada waqooyi bari ee Somalia aad iyo aad inay udhaamaan somalida kunool koonfurta iyo badhtamaha Somalia dhanka amniga, horumarka iyo nidaamka siyaasiga ah.Dhanka koonfurta markaan usoo jaleeco, waxaa dhawr iyo toban shir loo qabtay kooxo budhcad ah oo kala googooyay magaaladii Muqdisho oo xurmada iyo karaamada mudnayd kuwaasoo midba daabiyad yar ka ootay kuna soo rogay hab qabqable dagaalnimo salka kuhaya dano gaar ah iyo jaahilnimo ugaysatay taasoo kayaabisay caalamka kale.
Dhawr iyo tobankaa shir waxaan kaxasuusan karaa kuwii kadhacay Sowdare iyo kii Qaahira iyo kuwii kadambeeyay ee kale kuwaasoo ujeedadeedu ahayd in hal qabiil oo Somalia rogay baabi’iyay oo kolba magic lasoo baxay lagu heshiisiiyo oo la isku tanaasulsiiyo loona sameeyo nidaam ay kumidaysan yihiin oo ayaga udhaxeeya.
Waxaa layaab mudnaa in nin waliba oo qabiilkaa kasocda uu uhanqal taagayay inuu asaga noqdo madaxweynaha Somalia xukuma, waxaase su’aal ahayd miyuu uqalmayay? Runtii waa maya waayo dhamaantooda maleh background ama taariikh aqooneed ayadoo la ogsoon yahay inay badankoodu ahaayeen darawalo iyo qaar kaganacsan jiray mukhaadaraadka oo mar qudha hab beeleed kuhelay hub iyo rasaas aan loogu aaba yeelayn umadda kuwaasoo laga soo gurtay quwado aanay danta ugu jirin xasilooni lagu soo dabaalo Somalia.
Halkaa qabiil oo Somalia madaxeeda miji urogay ayaa sababay in kumanaan iyo kumanaan iyo kumanaan kun oo Somali ah ay kudhintaan Muqdisho iyo koonfurta iyo badhtamaha Somalia ayagoo kudhimanaya dagaalo aan micne lahayn lana sharxi Karin ujeedada kadambaysay, halka kumanaan kale udhinteen gaajo iyo haraad kadib markii laga bili liqaystay hayntoodii iyo wixii faraqabsi ay gacanta kuhaysteen, boqolaal kun oo kalena inta dalka laga barakiciyay ayay ku le’deen badaha Mediterranean iyo badda cas ayagoo dalka uga cararaya dowlado shisheeye iyo ayadoo kumanaan kale uu yeygu kucunay saxaraha udhaxeeya Libya iyo Sudan.Dowladihii caalamka waa ay kayaabeen falalkii arxan darada ahaa ee kadhacayay Somaliya min horaantii sagaalshameeyadii ilaa iyo waqtigan xaadirka ah taasoo la isweydiiyay su’aal ahayd tolow dadkani miyaanay dalkaba udhalan mise waa dad loo soo dhoofiyay dalka oo aanay dani kalahayn kufsiga iyo dhaca maatada iyo kumanaanka carruur ee agoontoobay iyo kuwa dibjir iyo darbi jiifka mustaqbal unoqday.Waxaan tusaale usoo qaadanayaa shirkii Carta kadhacay kaasoo si xilkasnimo iyo daacadnimo uu usoo agaasimay madaxweynihii Jabuuti Ismail Omer Guelle waqti yar kadib markii uu dalkiisa lawareegay kursigiisa.
Wax kastoo la is odhan karo waa ay qancin karaan somalida waa lasameeyay walaw ay labada maamul ee Somaliland iyo Puntlandba qaadaceen shirkaasi, runtiina waxaa la odhan karaa marka loo eego baahida dawladnimo ee kajirtay koonfurta iyo badhtamaha Somalia kamay jirin labadaa maamul maadaama ay ayagu isku tashadeen oo ay dhisteen nidaam dowladeed oo la macaamili kara maxsuulka shirkaasi.
Laakin nasiib daro qab qablayaasha dhiiga kumaydhan jiray ee Somalia iyo Muqdisho may garawsan baahida umaddooda iyo in kursigii ay u ooyayeen intii mudda ah lagu macsuumay ayaga oo lasiiyay kursiga madaxweynaha laakin waxay markiiba kudhaarteen inay ka hor iman doonaan ayagoo danta umadda uga waynayd tan quwado shisheeye ayaga uyeedhin jiray una sheegi jiray inaanay dowladda katimiday Carta dani ugu jirin ayagana hub iskugu soo dhiibi jirtay dhexdooda taasoo dowladdii Carta ee TNG kadhigtay mid hodheel ku go’doonsan dakhligii ay kaheshay duwalka carabta iyo Islamka na lagu kala qaybsaday hodheelada Muqdisho ee Ramadan lagana dhistay aqalo iyo meherado waawayn oo ganacsi ilaa ay isku dhacaan labadii mas’uul ee xiligaa ugu sareeyay dowladda ee prime minister ka iyo president aha taasoo ay furtay wado kale oo ayaga dhexdooda banaysay inay kolba xilalka iska qaadaan oo mid kale umagacaabaan.Waxaa kadambeeyay shirkii Embegathi oo lagu soo dhisay dowlada TFG da. Waxaa layaab mudan in ayadoo lasaxeexay heshiisyo badan oo weliba wax ku ool ah oo loo dhaartay oo misana aan waxba kazoo bixin lana tix gelin haba yaraatee. Ragga ayaga dartooda dastuurka wax kabedel loogu sameeyay si ay ugu suuragasho inay helaan mansab maadaama aanay lahayn qualifications kii ayay hadana bilaabeen inay kala qoqobaan dalka ayagoo mar kale kudhaartay xamar inaanay dowladi cagta soo dhigi kari midnimana muujiyay ayaga dhexdooda taasoo laga la’aa kahor shirkaasi inay midoobaan oo samaystaan nidaam dowli ah ama ay ogolaadaanba kan lagu soo sameeyay shirarka debedda ah.
Inkastoo ay dowladda dhexdeeda heshiisay markii dambe oo ay Baidoa kadhigteen xarun haddana waxaa dhacday qab qablayaasha dhiigiya cabka ahaa inaanay danta ugu jirin inay dowladda horay utalaabsato maadaama ay dantooda bur burayso, waxayna mashruuc kazoo qaateen CIA da maraykanka kaasoo ahaa in malaayiin doolar lagu bedesho in la iibiyo wadaadada iyo xag jirka somaaliyeed oo qaarkooda inta kurka laga jaray loo dhoofiyay wadamada qaska kuhayay Somalia iyo weliba in haraadiga suntan nuclear ka lagu aaso xeebaha Somalia iyo inay sii socdaan colaadaha iyo gaajada dalka kajiray ee Somalia.Waxaa samaysmay nidaam kale oo sheegtay inuu yahay nidaam islaami ah oo yidhi waxaan khilaafad kasamaynaynaa dalka kaasoo ay isku urursadeen wadaado kazoo jeeda qabiilka rogay Somalia oo kursi doon iyo qabiilaysi wata, kuwo masaakiin ah oo daacad ka ahaa dalka inuu kusoo noqdo oo lagu soo dabaalo shareecada iyo weliba kuwo lashaqaysanayay CIA da maraykanka hadana katirsanaa maxaakiimta. Kala afkaar duwanaanshaha qolooyinkaasi, nidaam isku xidha oo xoog badan oo aanu dhexdooda kajirin iyo weliba danaha shakhsiyadeed ee gaarka ahaa ee ay wateen oo kitaabka Quraanka laga dhiganayay mid lagu adeegto iyo weliba aqoon xumida dhanka cilmiga siyaasadda iyo maadiga ee dadkaa haysatay.
Iyo weliba quwada iyo xarakaatki Islamiga ahaa ee joogay wadanada debedda ayaa uhorseeday inay lumiyaan jaanis uu inbadan maqnaa kaasoo si il bidhiqsi ah ayaga kudhaafay kadib markii uu kitaabku noqday wax la iska sheegto oo sheekhii odhanayay kitaabka aanu raacno oo hadhaw hadana CIA da macluumaadka ugu gudbinayay telephone ama text message ama GPS iyo weliba in qabyaaladdu ay noqotay wax kasareeya masiirka iyo danta umadda ee loogu dhaartay fagaarayaasha in loo adeegi doono.
Dagaalo aanay qorshaysnayn oo iska soco uun ah ayaa laga soo qaaday min Muqdisho ilaa Bandiiradleey iyo weliba duleedka Baydhabo iyadoo lakhasiray fursado xiligaa banaanaa oo dowlada TFG lagula heshiin karay oo power sharing lagula samayn karay magaalada muqdishana amaankeeda lagu hanan karay.
Waxaa dhacday in ayadoon loo samayn maamul ugaar ah gobolka banaadir lagu dhawaaqo maxkamad baanu kafurnay Jawhar iyo Baladweyne iyo shacabkaa noo yeedhay ayadoo aanay jirin strategy dagaal oo midaysan oo qorshaysan oo lagu duuli karo laguna hanan karo guusha lagaadhay. Waxaa lagu adeegtay kitaabka Quraanka taasoo Ilaahay kusaliday inay hoos galaan gumaad iyo xasuuq loogu gaysto goobihii ay joogeen ee duleedka Baydhabo iyo gobolada dhexe kadib markii ay hadh cad saxaafadda kayidhaahdeen waxaanu qabsanaynaa geeska Africa kaasoo ahaa dhambaal loo dirayay CIA da si dadban inay ku aqoonsato jaanis uga banana Somalia oo ay uga qiil samaysan karto dagaal lagu soo qaado iyo qabsasho dalka laqabsado.Waxaa layaab leh in arday badan oo iskuulada dhigan jirtay oo masaakiin ahaa loo diray jiidda dagaalka lagana dhaadhiciyay xabashi baa kuqabsanaysa oo kaadhigaysa Christian kuwaasoo markii lajabay looga yimi goobaha dagaalka ama dhaawacooda latuuray aydoo la leeyahay ma aha kuwii aanu isku qabiilka ahayn, shakina kuma jiro nabsigii kitaabka inuu soo baxay.Maanta majirto maalin uga xun shacabka somaaliyeed marka loo eego wixii lasoo maray nus qarnigii udambeeyay ee lasoo maray.
Waxay kooxaha dagaalka sheeganayaan inay jihad kujiraan ayagoo laynaya maati aan waxba galabsan, waxay gawracayaan dad iskood ushaqaysanaya, waxay rasas oodda uga qaadayaan inay laayaan ayagoo waji xidhan haween masaakiina oo shaqaysanaya.Tolow jihaadku makaasaa mise waa kii uu suubanuhu uu dhabaha uxaadhay ee dalacsiiyay Abuu dujaana, Ali bin Abii daalib iyo weliba Khaalid bin walid iyo ragii raga ahaa, mise waa qabyaalad salka kuhaysa ama waynu isla jabaynaa ama waa in dowladda naloo dhiibaa.
Waxaa layaab leh in dad qurba jog ah ah oo aanay joogin dalka iyo dhibta kataagan ay fund garaynayaa dhibaatada kajirta dalka ee lagu baabi’inayo umadda somaaliyeed ee waliba dadka danyarta lagu bartilmaameedsanayo ayadoo loo adeegsanayo saxaafadda in muqaawamada noocaa udhaqanta lagu soo shaac saaro laguna xayaysiiyo isla markaana lagu maalgeliyo, waxaa kaloo layaab leh in jihaadku noqday wax la iska sheegto oo qoba wuxuu doono uqaato ayadoo hal hays noqotay ALAAHU AKBAR ama ALAA wayn.Waxaan maqaalgaygani kusoo gebagabaynayaa baaq aan udirayo dhalinyarada somaaliyeed.
Waxaan leeyahay dhalinyarda ayagaa ah resource kii lahaa dalkani bur buray, ayagaa ah kuwii beritole maamuli lahaa, ayagaa kuwaayaya mustaqbalkooda ayagaa ah kuwii ama nabadda keeni lahaa ama colaada sii hurin lahaa. Dagaalada kakala socda ee udhaxeeya labada dhinac ee jihad sheegadka iyo dowladnimo sheegadka ah waxaa wada oo qaadaya waa dhalinyaro, madaxda dagaalka ama waxay coffee ku cabayaan Asmara ama Djibouti ama madaxtooyada Ethiopia iyo tan Muqudisho, cida dhimanaysa ee front line ka taagani waa dhalinyarada, cida loo dan leeyahay ee focus ka saarani waa dhalinyarada cidda labaatan sanadood bilaa dowlad ahayd ee laga baabiyay mustaqbalkooda waa dhalinyarada cidda loo dan leeyahay in lacidhib tiro waa dhalinyarada.
sidaa awgeed dhalinyarda haka fikiraan dagaalka loo adeegsanayo kaasoo ujeedadiisu ay tahay:
1- In dalka weligii sidaan sii ahaado si aan kooxaha xasuuqa gaysta dhankay doonaan haka tirsanaadaane hadhaw loo soo taagin maxkamad markay timaado dowladnimo sida kadhacday Rwanda, Liberia, Sera Leone iyo weliba Yugoslavia weligeedna sidaa la ahaado.
2-In loo shaqeeyo ajaanibka aanay danta ugu jirin dalka inuu dowlad la’aan ahaado si aanay mar kale Somalia awood ugu yeelan inay kor usoo kacdo oo ay kusoo biirto dhigeeda kale ee caalamka horumarna samayso.
3-In lasii joogteeyo in dalka uu xarun gabaad usii ahaado firxadka aragagaxisada caalamka iyo weliba kooxaha wata danaha gaarka ah ee lagu sheegto jihad.
4-In dalka uu ahaado meel lagu aaso suntan nucearla isla markaana laga fadhataysto wixi resources ahaa ee uu lahaa.
Waxaa tusaale uga filan dhalinyarada kharajkii uu Maraykanka kubixiyay dilkii loo geystay Adan Hashi Aidhow oo ahaa nin dhalinyara ah oo somaliyeed walaw uu kujiray falal dagaal oo jihad lagu sheego.
Malaayiin doolar ayaa lasheegay inay kubaxday dilka ninkaasi oo loo arkayay inuu xambaarsanaa maskax dhalinyaranimo oo lagu agaasmi karo isbedel iyo weliba in lagu maamuli karo qadiyad.
Waxaad ufiirsataa waxa ay hay’adaha caalamku ay focus ka usaarayaan inay fadhataystaan maskaxda dhalinyarada oo inta workshop loo qabto laga ururinayo afkaartooda taasoo ah in uu jiro bililiqaysi la bililiqaysanayo garaadka maskaxda dhalinyara.
Waxaan leeyahay dhalinyarada dantooda hagartaan oo xabadda ay kuridayaan maatida hakula soo jeestaan kuwa ayaga diraya hana waydiyaan waxa ayaga uga dan ah inay weligood kujiraan xaaladdani dagaal.
Waxaan kacodsanayaa dhalinyarda inay qaadaan mudaaharaadyo waawayn oo looga soo horjeedo dhamaan dhibta loo gaysanayo umadda iyo biri magaydada maatida ah.Dhalinyarada waxaan leeyahay waxaad dagaal kula jirtaan kooxaha idinka idin diraya ee ama dowladnimo ama jihad idinku diraya, waxaad dagaal kula jirtaan quwado waawayn oo caalamka jooga waxaad dagaal kula jirtaan ururo iyo hay’ado caalami ah, waxaan idinka codsanayaa inaad joojisaan xabadda aad ku ridaysaan umadda taasoo wax xal ah keeni wayday tan iyo 1990.
Hussein Y. Hassan