Search This Blog

Saturday, June 21, 2008

Ku dhawaad boqol Sarkaal oo laga xulay Saldhigyada Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu tababar muddo





Wasiirka Arrimaha Gudaha Uganda Dr. Ruhakana Rugunda ayaa Isniintii aynu ka soo gudubnay waxaa uu furay tababarka ay qaadanayaan Saraakiisha Soomaaliyeed ee ka socda Saldhigyada Booliska Soomaaliya, iyadoo uu Saraakiisha Soomaaliyeedna kula dardaarmay in waxyaabaha ay bartaan ay uga faa’iideeyaan saraakiisha kale ee aan iyagu fursadda u helin inay tababarka qaataan.


Tababarkan oo ka furmay Hotelka Jokas oo ku yaala Magaalada Bweyogerere oo u dhow Caasimadda Uganda ee Kampala ayaa waxaa maalgelineysa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta Barnaamijyada ee UNDP, iyadoo ay casharro ka dhigayaan Khubarro aqoon u leh Arrimaha Booliska.


Saraakiisha ka socda Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa la barayaa maareynta dembiyada, anshax wanaagga, is-dhexgalka, diiwaangelinta dembiyada iyo dabagalka dembiyada.


Tababarkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamada Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Booliska ay dhibaatooyin ka tirsanayaan Dadka shacabka ah ee ku sugan meelaha ay ka howlgalaan, iyadoo waxyaabaha lagu eedayana ay u badan yihiin ay iska xirtaan dad aan waxba galabsan, mararka qaarkoodna ay rasaas ku furaan meelaha ay dadka shacabka ah joogaan kadib marka iyaga rasaas ama qaraxyo lala beegsado.


Ma ahan Saraakiishii ugu horeysay oo ka socota Booliska Soomaaliyeed oo Dalka Uganda Tababar loogu qabto, waxaana horay u jiray Saraakiil kale oo halkaas tababar ku soo qaatay, kuwaasi oo haatan ka howlgala gudaha Dalka Soomaaliya.


Banaadir Post.

Xamar Cade.






Waxaa ka hayaamay Magaalada Moqdisho Madaxweynihii hore TG-CARTE Cabdi Qaasin Salaad Xasan








Waxaa Moqdisho ka dhoofey Cabdi Qaasin Salaad, ka dib markii ay soo gaareen hanjabado kala duwan, kuwaas ka soo gaarey Al SHabaab iyo Beeshiisa gaar ahaan Jilibkiisa hoose, taas ayaana keentey inow ka hayaamo Moqdisho.




Wararka qaar ayaa leh wuxuu gaarey Qaahir dalka masar oo sida la sheegay oo ku leeyahay Guri weyn.

Dad qaar ayaa leh waxaa soo galey ama ku lug yeeshay dilkii CEYROW oo lagu diley DHuusamareeb ka dib markii Madfac lagu diley, waana sababta keentey in ALSHABAAB u hanjabaan Ina Salaad BOOy.



Banaadir Post.

Yaasiin Yare


Xamar Cade.

Gudoomiyaha Qaran Bank oo hanti ula baxsanaya Australia.


















Gudoomiyaha Xawaaladda Qaran Bank Mudane Cabduqadir Xaashi Jimcaale ayaa deganaansho weydiistay Dalka Australia sida ay Hawiynews u xaqiijiyeen qaar ka mida dadka uga shaqeeyay deganaanshahiisa.shirkadaas oo maalmahan danbe lagu hayo baaritaanka, kuna socota jidkii AL BARAKAAT.

Nin waxey qarabo yihiin ninkii ugu sareeyn jirey AL-BARAKAAT , Ahmed Nuur Ali Jimcaale.

Qaran Express waxaa ku midoobey shirkado badan, waxaana ka mid GLOBAL MONEY TRANSFER, EX- Al-ALbarakaat, waxaa kaloo ku jira Hormood,iyo shirkado kale oo badan oo dhmaantood Busness ku leh Somalia gaar ahaan Magaalada Moqdisho.
Saaxiibadda Cabduqadir Xaashi waxay ku sir warameen inuu dowlada Australia u gudbiyay jadwal miisaaniyadeed dhan toban Milyan oo dollar oo uu sheegay inuu ku maalgashan doono dalkaas.

Warar hoosaad laga helay ila wareedyo muhiima waxay Hawiyenews ugu xog warameen in Cabduqadir Xaashi la goosanayo lacag ay leeyihiin maalqabeeno u dhashay Sudan oo Mareykanka ku daray liiska argagixisada kuwaas oo uu aaminsan yahay inaysan Australia uga daba tegi Karin.

Go-aanka Cabduqadir Xaashi ugu guurayo Australia ayaa lala xiriiriyay warbixino uu ku helay in dhawaan la xanibayo dhaqaalaha Qaran Bank maadama ay saamiga ugu badan leeyihiin rag lala xiriiriyo inay ku lug lahaayeen weeraradii lagu qaaday Xarumaha reer galbeedka ee Geeska Afrika,sida Nairobi,Mombasa,Darasalam.

Mudane Cabduqadir Xaashi oo u dhashay Hawiye gaar ahaan beesha Duduble,Oowradeen, wuxuu ahaa sarifle u shaqeeya ganacsato Sudana wuxuuna markii ugu dambeeyay maamulayay Xafiis yar oo lagu magacaabo Khartoum Exchange hasse yeeshee hada waa Maalqabeen weyn oo heysta baasaboor Sudani ah.

Lix bil ka hor wuxuu Cabduqadir Xaashi ku guursaday Masar gabadh uu dhalay Ganacsade Maxamud Jaamac oo u dhashay beesha Waceysle, wuxuuna gabadhaas Soorya iyo xaflad xarago kaga bixiyay lacag dhan boqol kun oo dollar,taas oo ay la yaabeen dadkii hore u yaqiin,lana socday sida ay noloshiisa aheyd 2004-tii.

Isku soo duub,waxaa dhici karta in Cabduqadir Xaashi galo gacanta Sirdoonka Mareykanka maadama uu yahay gacan ka mida gacmaha dhaadheer ee hoowl fuliyaasha dhinaca dhaqaalaha ee Shabaakadda AlQaacida.



Xildhibaan ka tirsan Dowladda KMG oo ku geeriyooday Puntland

Waxaa xalay tuulada Xarfo oo u dhaxeysa Bacaad weyn iyo Burtinle ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Dowladda KMG oo lagu magacaabo Maxamed Cali Shiriye, kaasoo mudooyinkan ku xanuunsanaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Ka hor inta uusan geeriyoon Xildhibaankan ayaa waxaa shalay galab loo ambabixiyay magaalada Gaalkacyo oo la doonayey in maanta diyaarad laga saaro si loogu soo daweeyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse inta uusan gaarin magaalada Gaalkacyo uu u geeriyooday xanuun mudooyinkan hayey.
Allaha u naxariistee Maxamed Cali Shiriye ayaa isbitaalka magaalada Garoowe waxaa uu jiifay mudo maalmo ah iyadoo nabar lugtiisa soo gaaray uu keenay in la gooyo mid ka mid ah lugihiisa.

waxaana Xildhibaanka uu qabay cudurka Macaanka ama Sonkorta.Xildhibaanka ayaa waxaa uu ifka kaga tegay caruur fara badan oo dibada ku nool iyo xaas, waxaana maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Banaadir Post
Koshin Yare.

Nairobi: Sh. Shariif oo sheegay in ciidamada Q.Midoobay ee imaanaya Soomaaliya loola dhaqmi doonin sidii Itoobiya oo kale





Sh. Shariif Sh. Axmed oo ah Guddoomiyaha Isbaheysiga Asmara oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamo ka socda Qaramada Midoobay ama kuwa saaxiibka la ah Soomaaliya ee yimaada dalka loola dhaqmi doonin sida ciidamada Itoobiya loola dhaqmo.


"Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay ama kuwa dowladdaha saaxiibka la ah Soomaaliya ee heshiis ku soo gala dalka lama mid noqon karaan kuwa Itoobiya" ayuu yiri Sh. Shariif Sh. Axmed oo intaa raaciyay in ujeedada heshiiskii Jabuuti uu ahaa in marka hore 120 maalmood gudahood dalka ugu baxaan ciidamada Itoobiya taasoo uu sheegay in beesha caalamku ay culeys ku tahay.


Sh. Shariif waxaa uu soo dhoweeyay in laga wada shaqeeyo qodobadii heshiiskii Jabuuti ku dhex maray isbaheysigooda iyo Dowladda KMG si mira dhal ay u noqdaan buu yiri dadaalada nabadeed ee lagu doonayo in xal laga gaaro dhibaatada dalka ka jirta.


Laakiin waxaa jirta in dhinac ka mid ah Isbaheysiga Asmara ay ka soo horjeedaan qorshaha nabadeed ee uu wado Sh. Shariif Sh. Axmed, waxayna aaminsan yihiin in heshiiskaasi uusan noqoneyn mid dhaqan gala xiligan.


Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale qaba in gogortan ama wada hadal lala gelin Dowladda KMG iyo beesha caalamka, waxayna xubnaha ururkaasi ay aaminsan yihiin in xalka kaliya ee ciidamada Itoobiya lagu saari karo uu yahay xabad iyo qaraxyo maalin walba lala beegsado oo ay ku dhintaan dad rayid ah.


Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa iyadu wado dadaalo nabadeed oo ay ku dooneyso in ay dhaqan galaan qodobadii shirkii nabadeed ee ka dhacay Jabuuti.


Banaadir Post.