Search This Blog

Thursday, May 21, 2009

Abuu Mansuur oo wareejiyay Xilkii Afhayeennimada Ururka Al-Shabaab

Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii Afhayeennimada Al-Shabaab.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in uu Afhayeennimada Ururka Al-Shabaab ku wareejiyay Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) oo Gobollada Dhexe u qaabilsanaa Ururka Al-Shabaab, kaasi oo dhinac fadhiyay Abuu Mansuur markii uu xil-wareejinta sameynayay.

Abuu Mansuur oo ka hadlay munaasabaddii uu xilka ku wareejiyay ayaa wuxuu sheegay in uu muddo soo ahaa Afhayeenka Al-Shabaab, howl badanna uu soo qabtay, haatanna uu ku faraxsan yahay in uu xilkaas ku wareejiyo Shiikh Cali Dheere.

Shiikh Cali Dheere oo isna ka hadlay munaasabadda xil-wareejinta ayaa sheegay in lagu wareejiyay xil culus, wuxuuna tilmaamay in Abuu Mansuur oo soo ahaa Afhayeenkii hore iyo isagoo ah Afhayeenka cusub ay wada shaqeyn doonaan.

Munaasabadda uu Abuu Mansuur xilka ku wareejiyay labada mas’uulba kuma aysan soo hadal qaadin sababta keentay in Abuu Mansuur uu wareejiyo xilkii Afhayeennimada Ururka Al-Shabaab.


Banaadir Post
Moqdisho.
Somalia,

RA'IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA: “Habka kaliya ee aan isku fahmi karno kooxaha naga soo horjeeda waa dagaal, waana u diyaargarownay in aan sifeyno”

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa sheegay in ay yar tahay rajada ay ka qabaan in ay wada hadallo dhexmaraan kooxaha ka soo horjeeda wuxuuna taasi ku sababeeyay in aySAN kooxahaas lahayn ujeedo siyaasadeed, marka laga reebo in ay doonayaan in ay ku dhuntaan Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu tilmaamay in markii la soo magacaabay uu rajeynayay in uu wada hadallo u isticmaalo soo af-jaridda colaadda ka taagan Soomaaliya mudada 20-ka sano ku dhow, laakin waxaa uu sheegay in kooxo Islaamiyiin mayal adag oo uu maamulka Washington ku daray liiska argagixisada iyo dagaalyahanno shisheeye ah oo la jira ay doonayaan in ay dalka Soomaaliya fowdo ka dhigaan.

“Uma maleynayo in ay kooxahan ka soo horjeeda Dowladda ay leeyihiin ujeeddo siyaasaded. Waxaan rumeysanahay in dagaalyahannadan shisheeye ay doonayaan in ay Dalka Soomaaliya ka dhigaan mid fowdo ah, kadibna ay ka dhigtaan meel ay ku nabadgalaan.”

ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in aysan jirin fursad ay kooxaha ka soo horjeeda kula fariisan karaan, kulana hadli karaan,

“habka kaliya ee aan isku fahmi karno kooxaha naga soo horjeeda waa dagaal, waana u diyaargarownay in aan sifeyno”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke waxaa uu ka hadlay qabsashadii Al-Shabaab ee Magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay in aysan Xoogaggaas qabsan karin magaalo ka mid ah Soomaaliya, “Shabaab iyo dagaalyahannadooda weligood wax ma xukumi doonaan, wey tegi karaan magalo, wey ku qaadi karaan dagaal ku-dhufo-oo ka-dhaqaaq ah, wey burburin karaan, weyna argagax gelin karaan dadka, laakin wax ma maamuli karaan”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo u warramayay Wakaaladda Wararka Reuters.

Ra’iisal Wasaare Sharma-arke waxaa uu dhanka kale eedeyn u jeediyay Dowladda Eritrea oo uu sheegay in ay hubeyneyso kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, wuxuuna farta ku fiiqay in ay arrintaas caddeyn u hayaan,

“Waxaan heynaa daliil cad oo ku saabsan in Dowladda Eritrea ay hubeyneyso kooxaha ka soo horjeeda dowladda, duulimaadyo hub wada oo dhankeeda ka yimid ayaa Soomaaliya yimid”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.

Ugu dambeyntiina, Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay in boqolaal dagaalyahanno shisheeye ah oo ka kala yimid Afrika, Aasiya iyo meelo kale oo caalamka ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya, waxayna taasi dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo Ciidamada Ammaanka ee reer galbeedka ay ku abuurtay cabsi ah in dalka Soomaaliya uu noqon karo meel saldhig u noqota maleeshiyooyin Islaamiyiin ah oo xiriir la leh Al-Qaacidda.

Banaadir Post..
banaadirpost@gmail.com

DR ULUSOW CEEL BIYO DHANAAN CABIS MALAHA


ASC/W/WB Marka hore Waxaan salaamayaa walaalkey DR M/M/ULUSOW Iyo Aqistayaasha Qiimaha leh.

Ilaahay subxaanahu watacaalaa waxaa uu Quraankiisa kariimka ah ku yiri QUL HAL YASTAWI LADIINA YACLAMUUNA WALADIINA LAA YACLAMUUNA INAMAA YATADAKARU ULUL ALBAAB, waa sax qof cilmi ALLA siiyay iyo qof aan cilmi laheen masina,Hadii nin aqoon leh iyo mid aan aqoon laheenba uu midkooda danbi sameeyo waxaa dhib badan kan cilmiga ALLA siiyay. Mudane DR/ULUSOW waxaa uu ka mid yahay kuwa nasiibka Alla usiiyay in ay Aqoonta Helaan waxaa usii dheer 1-MUSLINIMO

2- SOMALIMO

3- MADAXNIMO I,W,M


DR/ULUSOW waxaa uu soo haayey xilal ubadnaa Bagigii dhexe ee somaaliya dowladihii isaga danbeeyay ee somaaliya ilaa Tii ugu danbeeysay intuba waxaa uu kahayay xil adag ee xagga maaliyadda ah.


Dagaaladii sokeeya markii ay dhaceena kadib waxaa loo caleemo saarey in uu madax ka noqdo hogaanka sare ee siyaasada beesha CEYR/HABARGIDIR. Madaama uu Mudane DR ULUSOW ilaahay isugu daray AQOON/MUSLINO/SOMALINIMO/ MADXNIMO intaan oo nimco alla siiyay ma uga faaiideeyay Naftiisa, Dadkiisa iyo Dalkiisa somaliyeedna,aan dib u fiirino sida Mudane DR Ulusow wax u maareeyay ama sida uu u isticmaalay nimcaadkii alla siiyay .


MUSLINIMO - MUSLINIMADA waxay ka mid tahay nimcaadka alla adoomadiisa siiyo waana mid lagaa rabo in aad kasoo baxado wixii Alla kaaga dhigay muslin, Mudane ULUSOW waxa uu kamid yahay kuwa nimcadkaas alla siiyay waa nin muslin ah oo oo laga rabo inuu oogaado xaqiimuslimiinta somaliya iyo xaqii musulimiinta kale ee dunida dacaladeeda ku nool ,su'aashu waxay tahay mudane Ulusow malaga helay xaqii muslimiintu ku laheed waa su'aal????? Jawaabta walaalkeena maalina isagoo muslinimo uhadlaayo ama muslimiinta aduunka dhibka heeysto isagoo ka hadlaayo ama muslinka somaaliya maalina ma aan arkin mana aan maqal isagoo xitaa Idaacadaha ama joornaalada ama meel fagaaro ah isagoo kaga hadalaayo arimaha islaamka lama haayo marka walaalkeena xaqii muslinimada aan ku laheen sina ugama soo bixin waa xaq kutaagan ilaa iyo maanta oo ubaahan inuu guto.


SOMALINIMO Walaalkeena waxaa uu ka soo jeedaa SOMALI waxaana umadda somaliyeed kasugaysay in ay soomaalino kamuuqato madaama uu aqoon alla siiyay walaakeena soomalinmo iska daaye waxaa ka muGan weyday HAWIYE NIMO, ka sii tag HIRAABNIMO, kasii tag HABRGIDIRMIMO, waxaa uu hoos ugu Noqday CEYR walaakeena waxaan uga fadhinaa inuu somaalinimo kasoo dhalaalo oo uu kasoo baxo meesha hoose ee aan nafta laheen ee aan u qalmin ee uu ku jiro MADAXNIMO A- Madaxtinimo waa tii aqoonta uu ku helay taas oo ah tan uu kasoo qabtay Bangigii dhexe ee somaliya waxaa laga hayaa oo kaliya inuu laba Guri ka dhistay xamar iyo xoogaa sanuud ugu jirto ganacsi kafuran keenya nayroobi intaas mahan wax dhaafsiisan lagama haayo wax uu wadanka iyo dadka uqabto iska daayee.


B- Madaxa siyaasada beesha Ceyr Tan waa tii beesha siyaasad ahaan ugu dhiibatey ee looga fadhiyay inuu beesha kaga saaro dhibka ay ku jirtay waxaan wada xasuusanaa beesha Ceyr waxay kasoo qayb gashay dagaaladii ugu badnaa ee Gayigeena ka dhaco SIDA:-


Hawiye VS Darood,


Abgaal VS Habrgidir


Murusade VS Habargidir


Xawaadle VS Habargidir


Raxanweyn VS Habargidir


SHikhaal VS Ceyr


Dir VS Ceyr


Biyamaal VS Ceyr


Maxkamadah VS Aragagixiso


ladirir Sacad VS Cey


rMaxakamadah VS Amxaar


Dowlada SHariifka VS Xisbul Islaam


Iyo dagaalo kale oo faro badan waxay aheyd xooga ugu weyn ee dagaaladaas gacanta ku haayey waxayna soo gashay dagaalo aan dhamaad laheyn guulna laga gaarin isagoo walaalkeen beesha intuu haayey ay noqotay mida ugu dhiig daadinta badan dhiigeedana ahaa midka ugu qiimaha yar.


walaalkeena xilkaan intuu haayey waxaa uu kaqayb galay shirar badan oo lagu kala qabtey meelo kala duwan shirar kaan kuwana isaga ayaa soo qaban qaabiyay iyo kuwana siyaasiyiinta beesha ay soo qaban qaabiyeen iyo kuwa qayqablayaash beesha ayaa soo diyaariyeen intuba waa uu kaqayb galay waxayna kala ahayeeh sidana hoose


1- 17 shir oo lagu qabtay guriga DR/ULUSOW MUQDISHO


2- 9 shir oo lagu qabtey guriga DR/A/QASIM MUQDISHO


3- 2 shir oo lagu qabtey beerta xassan dhinbil Afgooye


4- 3 shiir hoteel shamo MUQDISHO


5- 4 shir hotel Nabada MUQISHO


6- 2 shir guriga DEYLAAF MUQISHO


7- 1 shir guriga reer Caruush MARKO guri kuyaalo xaafada sheekh abroone


8- 1 shir guriga DR Abdi QASIM BARAWE


9 1 shir guriga DHuxulow BARWE guri doqladii hore leedahay


10- 1 shir guri INdhacade MARKO guri xaruntii hore ciidanka guul wadayaasha


11- 2 shir SAFARADA USA NAYROBI KEYNA


12- 1 shir hotel BARAKAT NAYROBI KENYA


13- 1-shir xafiiska siyaasad itoobiya ADISABA ETHIOPIA


14- 1 shir iskuul kuyaalo Adisaba oo uu mamulo nin ay qaarbo yihiin ADISABABA beesha waxay dhaxal uheshay geeri joogto ah dagaal aan dhamaad laheyn cadowtinimo loo qaadey oo ah soomali oo dhan kasoo biloow walaalaha Sacad,Salaybaan, iyo walaalaha hiraab oo dhan marka beesha waxay noqotay mid xaqeeda ku raadiso Qori waxayna noqotay mid wakiil ka ah umadda somaali oo dhan iyadoo beesha hada umuuqato inay islaamka hada aragtey ama islaamka ay walkiil gaar ah ka tahay iyadoo beesha ay mar walbo ku hadashao inay wakiil ka tahay wadanka oo dhan marka siyaasada walaakey waa tan beesha qiimaha leh gelisay jahawareerkaan aan laga dhamaankarin iyo murugadaan joogatada ah oo ay kula joogto somaalida kale wiilasha ku dhinatay aan tiradooda lasoo koobi karin inta walaakeena uu siyaasada haayey aad ayay umadda soomaliyeed uga xuntahay sida miirla'aanta ee wiilasha beesha ceyr dabka loo saarto.


Mudane ulusow waxaa uu ku mashquulay qormooyin iyo eedeeymo uu ku soo qoro websidyada somalida waxaad mararka qaar aad arkeysaa isagoo websaadyadii shalay uu wax ku soo qoray eedaeynaayo ee uu dhahaayo waa wiilal yar yar oo been iga sheegay waxaa uu eedeentiisa inta badan usoo jeediyaa websidka Waagacusub iyo daynile IWM .


TALLO Xaalada xamar sadexdii maalmood ee ugu danbeeysay waxaad aragtaa jahawareerka beeshu gashay iyo meel maanta loo tiriyo umadiina idinku wareertay adigana wareertay,Walaakey waxaan kula talinayaa somaliya waxay tiraahdaa hadii lug hore ay lug danbo dhaafto waa ay jabtaa yacni waxaan ulla jedaa somali waa in istaqaano waxaan xasuusanaa laga soo bilaabo xukuumadii Aadan Cade ilaa tii ugu danbeeysay ee Siyaad Bare waxaa beelaha Hawiye wax laga weydiinjiray yacni maamuli jiray oo loo yaqaanay oo looga danbeeayay talada Hawiyaha xamar waxaa lagala tashan jiray, beesha SACAD, beesha Waceesle, beesha Murusade ,walaakey xoog caqli mahaan ee talada beesha waxaad Geed hoostiisa in aad tagto waxaad uyeertaa odayaashii ku dhaqi jiray beeshana dhaqi jirey nin la dhaqi jiray inuu wax dhaqo waa dhibaatada nawada heeysato qaasatan beesha qiimaha leh ee Ceyr odayaashii Hawiye dhaqi jiray waad taqnaa in walaalkeen in aan usheego uma baahno lakiin waa xasuusinaynaa ee talada dib ugu celi sadexaas qollo ee HAWIYE dhaqi jirey.


2- Dadka walaalaha aad malinwalbo dagaalka iyo xooga aad la dabo joogto ka jooji


3-dagaal xal mahan ee xisaab kale keen


4-beesha agoon(yatiiman)intaan ayaa ugu filan ee agoon kale ha raadinin


5-qormooyinka aad qoreeyso ha noqdaan mid dadkaada iyo dalkaada wax tarto ee yaysan noqonin mid dagaalka qalin ah GABABO IYO XASUUSIN Waxaan xasuusinayaa walaalkeey somaliya waxay wax ku qaybsan kartaa labo weji oo kaliya oo ah


1 QABIIL OO AH-NIN WALBO GURIGAADA IYO GOOFKAADA qolo walbo waa loo ogyahay deegaankeeda deegaan xoog lagu xalaaleysan karo ma filaayo inuu jiro waxaa aduunka daasan SOOHDIMIHII gumaysiga umada deegaanka ugu kala qaybiyay oo aad meel walboo aduunka aad ka heli kartid


2- SIYAASAD oo ah intii isku fikir ah inay is raacaan marka walaal beesha ilaahay waxaa uu qayb kasiiyay dhulka soomaliya waxayna ka mid tahay qabiilada soomliya oo sina wax uwaayi meeyso iyadoon dhiig daadin keedana la daadin qori caaradiisana aysan wax ku raadinin...


CILIMGA AAN ANFACA LAHEEN WAXAA UU LAMIDYAHAY CEEL BIYO DHANAAN, CEELKA BIYAHA DHANAAN WAXAA UU WATAA MAGACA CEEL LAKIIN BIYIHIISU WAA BIYO AAN CABISKU QU MANEEN DR WAXA DHINACA AQOONTA KA MDIYAHAY AQOONYAHANADA BALSE DHINACA FAA IDAYSIGA WAA SIDA CEELKAAS DHANAANKA AH EE AAN CABISTA LAHEEN CULUSOOW CEEL BIYO DHANAAN AAN CABIS LAHEEN .....


wabilaahi towfiiq


Wasiirrada IGAD oo sheegay in la cunoqabteynayo Mucaaradka iyo Eritrea,

Wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo kulan deg-deg ah shalay ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa shirkooda kasoo saaray qodobo ay ka mid yihiin in la cunoqabateeyo Mucaaradka Somalia iyo Eritrea.

Shirkan oo ahaa mid si kaddis ah ku dhacay ayaa waxay isku raaceen wasiirrada lixda wadan ee uu ka kooban yahay in la xiro dhamaan garoommada iyo dekedaha ku yaalla deegaannada ay gacanta ku hayaan mucaaradka sida Al-shabaab iyo Xisbul Islaam.

Waa in qodobbadan aan dib loo dhigin, sidoo kalena caalamka uu sida ugu dhaqsiyaha badan gacan ku siiyo xukuumadda Somalia si ay uga hortagto mucaaradka dagaalka kala horjeeda" ayuu yiri Seyoum Mesfin oo shirka gudoominayay.

Moses Wantengula oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya ayaa isaguna wariyeyaasha u sheegay shirkaas kaddib in dalkiisu uu noqon doono kan ugu badan ee lagu baaro diyaaradaha aadaya Somalia.

Diyaaradaha gargaarka ee u socda Somalia ayaa la sheegay inay tahay inay ogolaasho weydiistaan xukuumadda Sheekh Shariif, iyadoo sidoo kalena la sheegay in cunnoqabteyn la saarayo Eritrea oo lagu eedeeyay inay kaalmeyso mucaaradka.

Wasiirrada Maaliyadda iyo Amaanka Qaranka Somalia ayaa shirkaas ka qaybgalay, waxaana Eritrea oo ka hadashay eedeyntaas ay sheegtay inaysan aqoonsanayn dowlad ka jirta Somalia, sidoo kalena aysan gacan siin kooxaha mucaaradka ah.


Afhayeenka Dowladda C/qaadir Walaayo "Dowladda waxay aad uu soo dhowanaysaa go’aanka ay soo saartay IGAD…”

C/qaadir Walaayo oo ah Afhayeenka Dowladda KMG ah ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheikh Axmed, ayaa waxaa uu sheegay in ay aad ugu farxeen go’aanka ay gaareen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dowladaha IGAD, islamarkaana ay soo dhaweynayaan Go’aankaasi.
‘’Dowladda waxay aad uu soo dhowanaysa go’aankaas waxayna naga caawin doonta sidii aan Kooxaha Qaska wada uga hortagi lahayn maadama labadaas meel ay hub uga soo geli jirtay,waxayna sidoo kale noo fududayn doonta dib uu soo celinta amaanka guud ee dalka." Ayuu yiri Afhayeenka Dowladda KMG ah.
Waxaa sidoo kale la weydiiyayay siduu uu arko eedeymaha loo soo jeediyey Dowladda Eriteria oo ah in ay taageerto Kooxaha Islaamiyinta ayna hub iyo dhaqaale ku taagaeerta,waxaa uu ku jawaabay.
Sidoo kale wuxuu C/qaadir Walaayo Afhayeenka Dowladda KMG ah waxa uu yiri "Waa wax xaqiiq ah, Wasiirka Amniga Qaranka waxaa uu asbuuci aan soo dhaafnay warkaas xaqiijiyey una sheegay in Dowladda Wadanka Soomaaliya arintaas Cadeymo uu hayso,sidoo kale Dowladda Wadanka Eritrea waxay si bareer ah u sheegtay in wax Dowlad ah aysan ka jirin Wadanka Soomaaliya’’.


C/qaadir Walaayo waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay uu qorshaysantahay in dalka ay dib ugu soo dabaasho Nabaglayo iyo kala dambayn waarta Soomaaliya ka dib 18-sano uu Wadanka ay ka socdeen Dagaalo sokeeye.

Banaadir Post

Moqdisho.



Golaha Wasiirada oo badankooda lagu eedaynayo iney yihiin dad labada garab ee dagaalamaya u shaqeeya ( double agent)

Heshiiskii Jabuuti iyo isku dhafka labadii garab ee dowladii KMG iyo isbahaysiga Maxkamadaha garabkii Jabuuti ayaa waxaa ka soo dhashay dowlad isku dhaf ah oo matasha shacabka Soomaliyeed.

Golayasha Barlamanka iyo Wasiirada ayaa waxaa lagu dhaliilayaa in aaney matalin cidna waxna aaney ka qaban karin kuraasta qabiilka ay ku soo qaybsadeen, waxaa kaloo soo baxaysa in aay kala firxadeen oo ay dibedaha u wada baxsadeen, kadib markii ay dagaalada qarxeen.

Xagay ku dambeeyeen R/wasaare ku xigeenadii, wasiiradii , xiligan looga fadhiyay shirarka aan kala go'a lahayn iyo bad badinta qaranka.

Sidii ay u bilowdeen dagaalada haatan ka aloosan Muqdisho ayaa waxaa si toos ah hakad u galay schooladii , Jaamacadihii iyo Dugsiyada Quraanka nabadgelyo xumo owgeed.

Waxaa dhacdo naxdin leh ku noqotay ardaydaa Sc
hool la'aanta noqday , kadib markii uu wasiirkii Tacliinta iyo waxbarashada aysan ka hadlaynin , dhibaatada haysata ardaydaa iyo imtixaanaadka seegay ardayda , maadama xiligii imtixaadka ay bilowga yihiin iyo iyagoo ka hadlaya " isdaba marin lagu sameeyay schollarship ama boorsooyin dibedaha oo lagu takrifay.

Shacabka Muqdisho ayaa weli si weyn u xusuusta Wasiiradii naftii hurayaasha ahaa ee dalka kasifeeyay cadowga iyo huwanta iska soo kala bahaystay ilaa bariga fog iyo Bariga dhexe, wasiirada xusida mudan uu ugu horeeyo .

Wasiirkii Gaashandhiga Mudane Salad Cali Jeelle, wasiirkii Arimaha Gudaha Mudane Maxamud Gulled "Gacmo-dheere".

62 Wasiir iyo wasiir ku xigeeno ayaa waxaa dalka gudihiisa kaga sugan 12 wasiir oo keliya, iyadoo inta kale aysan wax shaqo aanan la aqoon ama mira dhal lahayn dibeddaha ugu maqan.

Xabada waa iney ugu horeeyan wasiirada, halka ay ka doonayaan iney faa'idada dowlada ugu horeeyan,, sidaa waxaa yiri Hooyo Fadumo Cali oo ku sugan xeryaha qaxootiga Ceelasha.

Shacabka Soomaaliyeed ee aanan marna la maqal codkooda ayaa haatan ka codsanaya R/wasaare Cumar Cabdi-Rashid iyo Madaxweyne Shiikh Shariif inay xilalka ka qaado wasiiradan double Agents- ka ah ee hoosta kala jira Mucaaradka wararkana dowladana ugudbiya ururada samafalada.

Gudoomiyaha Jaaliyadaha Qurbajoogta waqooyiga America;

Caaqil Caraale A. Warsame { Carshaan)

Cumar C/rashiid "Wada hadal xilligan lala geli karo Mucaaradka ma jirto, habka kaliya ee lagula dhaqmi karo waa in lala dagaalamo"

Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa quus ka muujiyay wada hadal ay xilligan Dowladdiisa la gasho Kooxaha Mucaaradka ee ka soo horjeeda Dowladdiisa, isagoona tilmaamay in aanay wadan ajnade siyaasadeed oo dhameystiran.

Isagoo wareysi siinayay Wakaalada Wararka ee Reuters ayuu sheegay Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke in aanu rajo ka qaban wada hadalo ay xilligan la galaan Mucaaradka Hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladdiisa.

"Uma maleynayo inay ajande siyaasadeed wataan Kooxaha Mucaaradka, waxaana aaminsanahay inay ka buuxaan dagaalyahano ajaaniib oo dalka ka wada qalalaaso"

ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo intaa ku daray in markii la soo magacaabay uu aamisanaa inuu wada hadal la geli karo Mucaaradka, balse haatan aanay jirin wax wada hadal ah oo lala geli karo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa cadeeyay in aysan jirin fursad lagula fariisan karo kooxaha Mucaaradka oo wada hadal lagula geli karon, isagoona tilmaamay in aanay aheyn dad lala hadli karo sida uu hadalka u dhigay

"Habka kaliya ee lagula dhaqmi karo waxaa ay tahay in lala dagaalamo taasoo ah waxa ay fahmayaan waxaana u diyaarsanayahay in aan cirib tirno"

ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid.Waxaa uu sheegay in xilligan Mucaaradka ay ka bar bar dagaalamayaan dagaalyahano ajaaniib, isagoona sidoo kale tilmaamay in Ciidamada Dowladda ay ku raad joogaan ilaa 300 oo dagaalyahano ajaaniib ah, kuwaasoo uu sheegay in Ururka Alshabaab ay ka bar bar dagaalamayaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu yiri Ururka Alshabaab iyo dagaaliyahanadooda la socda marna hab dowladeed ma fahmi karaan, waxaana dhici karta in magaalo ay tagaan oo ay qabsadaan hadana ay ka tagaan marka ay bur buriyaan kadibna dadka ay argagixiyaan sida u hadalka u dhigay laakiin dadkaani malahan ayuu yiri awood ay ku maalulaan iyo wax ay ku fahmi karaan muuqaal dowladeed.

Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid si adag ugu weeraro Kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladdiisa, waxaana uu noqonayaa Mas'uulkii labaad oo ka tirsan madaxda Dowladda oo cadeeyay in Kooxaha dowladiisa ka soo horjeedaan ay ka bar bar dagaalamaan dagaalyahano shisheeye.

Banaadir Post
Moqdisho..

Dawlada Somalia iyo ururka xisbul islaam garabka Indhacade oo maanta shir wada ku yeeshay madaxtooyada
















Raisal wasaaraha dawladda Federaalka KMG ee Soomaaliya, Mudane Dr. Omar Abdurashid Ali Sharmarke ayaa maanta Xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyaha ururka Xisbul Islaam, Sheikh Maxamed Xasan Cameey iyo Jaale Yuusuf Indhacade iyadoo kulankaasi uu qayb ka yahay barnaamijka dib-u-heshiisiinta ee dawlddu u soo bandhigtay mucaaradka iyo dadka kale ee ka soo horjeeda.


Dawladda KMG ee Federaalka Soomaaliya iyo ururka Xisbul Islaam waxay ku heshiiyeen inay Xisbigu ku biiro dawladda bacdamaa dawladda ay qaaday ku dhaqanka Shareecada Islmaaka.


Shirka waxaa ka qayb galay xubno ka kala tirsasn Golaha Wasiirada ee Xukuumada iyo Ururka Xisbul Islaam oo uu ka mid ahaa Sheikh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indhacadde”Afhayeenka dowladda .Dhinaca kale dawlada waxaa kulankaa uga qeybgalay wasiiro ay ka mid ahaayeen wasiirka iskaashiga caalamiga , iyo waxbarashada .



Banaadir Post


Xamar cade