Search This Blog

Thursday, May 21, 2009

Cumar C/rashiid "Wada hadal xilligan lala geli karo Mucaaradka ma jirto, habka kaliya ee lagula dhaqmi karo waa in lala dagaalamo"

Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa quus ka muujiyay wada hadal ay xilligan Dowladdiisa la gasho Kooxaha Mucaaradka ee ka soo horjeeda Dowladdiisa, isagoona tilmaamay in aanay wadan ajnade siyaasadeed oo dhameystiran.

Isagoo wareysi siinayay Wakaalada Wararka ee Reuters ayuu sheegay Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke in aanu rajo ka qaban wada hadalo ay xilligan la galaan Mucaaradka Hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladdiisa.

"Uma maleynayo inay ajande siyaasadeed wataan Kooxaha Mucaaradka, waxaana aaminsanahay inay ka buuxaan dagaalyahano ajaaniib oo dalka ka wada qalalaaso"

ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo intaa ku daray in markii la soo magacaabay uu aamisanaa inuu wada hadal la geli karo Mucaaradka, balse haatan aanay jirin wax wada hadal ah oo lala geli karo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa cadeeyay in aysan jirin fursad lagula fariisan karo kooxaha Mucaaradka oo wada hadal lagula geli karon, isagoona tilmaamay in aanay aheyn dad lala hadli karo sida uu hadalka u dhigay

"Habka kaliya ee lagula dhaqmi karo waxaa ay tahay in lala dagaalamo taasoo ah waxa ay fahmayaan waxaana u diyaarsanayahay in aan cirib tirno"

ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid.Waxaa uu sheegay in xilligan Mucaaradka ay ka bar bar dagaalamayaan dagaalyahano ajaaniib, isagoona sidoo kale tilmaamay in Ciidamada Dowladda ay ku raad joogaan ilaa 300 oo dagaalyahano ajaaniib ah, kuwaasoo uu sheegay in Ururka Alshabaab ay ka bar bar dagaalamayaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu yiri Ururka Alshabaab iyo dagaaliyahanadooda la socda marna hab dowladeed ma fahmi karaan, waxaana dhici karta in magaalo ay tagaan oo ay qabsadaan hadana ay ka tagaan marka ay bur buriyaan kadibna dadka ay argagixiyaan sida u hadalka u dhigay laakiin dadkaani malahan ayuu yiri awood ay ku maalulaan iyo wax ay ku fahmi karaan muuqaal dowladeed.

Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid si adag ugu weeraro Kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladdiisa, waxaana uu noqonayaa Mas'uulkii labaad oo ka tirsan madaxda Dowladda oo cadeeyay in Kooxaha dowladiisa ka soo horjeedaan ay ka bar bar dagaalamaan dagaalyahano shisheeye.

Banaadir Post
Moqdisho..