Search This Blog

Wednesday, September 23, 2009

Maamulka Kismaayo oo sheegay in uu la midoobay Maamullada kale ee hoostaga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.



Shirkani jaraa’id ee uu maanta qabtay madaxa warfaafinta maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo uu la midoobay maamullada kale ee ka dhisan gobollada dalka Soomaaliya ee hoostaga ururka Xarakada Shabaabul mujaahidiin, isagoona sheegay in maamulku uu qaatay magac ah Wilaayada Islaamiga ah ee Gobollada Jubbooyinka, isla markaana uu magacaasi ku howlgali doono laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 23, September, 2009.



Dhanka kale Maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo oo soo shaqeynayay muddo hal sano ah ayaa waxaa hore ugu mideysnaa ilaa iyo 3 garab oo ka kala tirsanaa Ururrada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, Kaambooni iyo Weliba Ururka Caanoole, ilaa iyo iminkana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xubnihii maamulka Kismaayo u matalayay ururada Kaambooni iyo Caanoole.


Hase yeeshee Shiikh Xasan Yacquub Cali ayaa mar ay saxaafadda wax ka weydiisay isbedelkani dhinaca siyaasadeed ah ee lagu sameeyay Maamulka Kismaayo sida ay u arkaan qeybihii kale ee maamulka u matalayay Kaambooni iyo Caanoole ayaa waxa uu sheegay in amuurtaasi ay u bandhigeen isla markaasina ay xiriirro badan kala sameeyeen hase ahaatee ilaa iyo iminka aysan ka helin wax jawaab ah oo wanaagsan waa siduu hadalka u dhigaye.


Inkastoo mas’uulkani uu sheegay in ay xiriiro kala duwan la sameeyaan cutubyadii kale ee ka tirsanaa maamulka Kismaayo ayaa haddana waxaan la ogeyn sida ay u arkaan isbedelkani iyo weliba la midoobidda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, maadaama ay iyagu ahaayeen islaamiyiin ka madax bannaan ururka Alshabaab isla markaana hoostagi jiray urur diimeedka Xizbul Islaam.