Search This Blog

Tuesday, January 26, 2010

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta oo aan ku qancin kala dirista…suragalse ma tahay in ay u baxsadaan dhanka Kooxaha islaamiyiinta oo markii hore ka soo farcameen {Warbixin xog uruursi leh}.


Kadib wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa shaaca looga qaaday Ciidanka Daraawiishta in la kala diray maadaama dasturka federaalka KMG ay ku qoran tahay Ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga oo kaliya, sidaas awgeedna waxaa meesha ka baxay Ciidanka Daraawiishta, kuwaas oo badnaa Ciican beeleed,kana yimid  Midowgii Maxkamadaha  dhinaca Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdulqaadir Ali Omar iyo Cabdiraxiim Ciise Cadow.


Madaxda Ciidamada Daraawiishta ayaan ahayn rag soo  maray  Malateri iyo Boolis intaba, sidaas daradeed markii lagu biiro ciidan run ah noqonaya  waxa loo yaqaan "Dable"


Xog uruursi aan samaynay ayaa waxaa noo soo baxday in rag badan oo ka tirsanaa Daraawiishta hadalkaasi ku farxi waayeen kuna qanci waayeen kala diristii, ayaa waxay bilaabeen in ay xariiro la sameeyaan saraakiisha Mucaaradka ee jooga dhanka deegaanada islaamiyiinta maamusho si ay isugu dayaan in ay la goostaan Hub iyo Gawaari oo dowladda KMG leedahay.


Ugu danbeyntii kala dirista daraawiishta waxay saraakiisha ku abuuraysaa niyad jab xoogan oo keeni karta in ay u goostaan dhanka kooxaha mucaaradka maadaama ay waligood qabeen figrad ka duwan mida Booliska iyo Militariga waxaana lagu xantaa in ay ku danbeeyaan dhaqamadii iyo faracii Maxaakiimta ay ka yimaadeen, waana sababta dhalisay in la kala diro.

Waxaa arinkan kala darista ah Sheekh Shariif ku qasbay walad Cabdala , AMISOM iyo Ciidamada Booliska iyo Malateriga oo la shaqeyn waayay ragan hubeysan, una howgala sidii ciidan Beeleed..

Banaadir post