Search This Blog

Sunday, December 21, 2008

Dr. Xuseen Xaaji Bood oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya


ALLAH ha u raxmadee waxaa xalay ku dhintay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Dr.


Xuseen Xaaji Bood oo ahaa siyaasi si weyn looga yaqaano gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya.

Dr. Bood ayaa ku jiray Isbitaal ku yaalla Nairobi kaasi oo loo geeyay in looga daweeyo xanuun la soo dersay.

Marxuumka ayaa ku sugnaa dalka tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna hadda xubin buuxda ka ahaa urur u dhaqdhaqaaqa nabada Gobolka Banaadir.

Sida ay sheegeen ehellada marxuumka, waxaa lagu wadaa in Maydkiisa loo soo qaado Muqdisho si loogu aaso, iyadoo qabanqaabada soo qaaditaanka la filayo inay dhawaan dhacdo.
Taariikhda marxuumka oo kooban
Marxuumka Bood ayaa ku dhashay Degmada Mareeg ee Gobolka Galguduud, isagoo waxbarashadiisii Dugsiga quraanka ku qaatay degmada Ceeldheere ee isla gobolkaas.
Waxbarashadiisii Iskuulka Hoose iyo Dhexe wuxuu ku qaatay Muqdisho, isagoo waxbarashadiisa heerka sarena ku qaatay dalalka Itoobiya iyo Talyaaniga.


Dr. Xuseen Xaaji Bood ayaa ka mid ahaa aasaasayaashii Ururkii USC, isagoo markii dambena u ololeynayay dhameynta iyo hakinta dagaallada sokeeye ee dalka ka qarxay markii la riday xukuumadii Maxamed Siyaad Barre.


Marxuumku ifka kagama tagin wax caruur ah, sida ay sheegeen dad ehelladiisa ah, wuxuuna lahaa xaas kaliya.


Banaadir Post

Saturday, December 20, 2008

Madaxweyne Yuusuf oo u amba baxay Dalka Kenya


Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu madaxweyne Yuusuf u amba baxay dalka Kenya.

Madaxweynaha oo ay diyaarad khaas ah ka qaaday Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in uu dalka Kenya kulamo kula qaadanayo diblumaasiyiin ka socday Beesha Caalamka, kuwaasi oo daneynaya in wax laga qabto qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex oogan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Socdaalka uu Madaweynaha ku tegay Dalka Kenya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Dowladda Kenya ay shaaca ka qaaday in ay xayiraad dhinaca safarka iyo dhaqaalaha ah ay ku soo rogtay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ay ku eedeysay in uu nabadeynta Soomaaliya ka soo horjeedo.

Madaxweynaha ayaa dhawaan wuxuu Baydhabo ka sheegay in uu xilkii Ra’iisal Wasaarenimada ka qaaday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, isagoo maalin kadibna magacaabay Ra’iisal Wasaare kale oo uu u doortay Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu waqtiga

madaxweynenimadiisa ku qaatay khilaafaadyo soo kala dhexgalay isaga iyo Ra’iisal Wasaareyayaal uu soo magacaabay iyo weliba Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo ay xusid mudan tahay in waqtiga dowladda federaalka oo shan sano ahaa ay haatan dhowr bilood ka harsan tahay.

Banaadir Post.

Tuesday, December 9, 2008

Xuska Cabdilaahi Qarshe

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Qormadii 5aad:Xuska Cabdilaahi Qarshe

Waa xilladdii Cabdille Raage, isaga oo Qarshe ka hadlayana wuxu yidhi:

Cabdillaahi wuxu ahaa waddani aan is-tus-tus is-yeel-yeel ahayn oo lagu tilmaami karo Timacadde oo kale, gabyaa ayaanu ahayne, labadiiba Alla ha u naxariisto e’. Waxa la yidhaahdaa: ‘Nin rooni ma raago’, waxaanu leenahay Jannadii Firdowsa Ilaahay ha ka waraabiyo.
Ummaddii uu halganka la soo galay ama uu u soo galayna samir iyo iimaan Alla ha ka siiyo. Meeshiisii oo kaleeto qof cusubi ummadda wuu ku jiraaye Alla ha naga siiyo ayaan leeyahay walaalkay. Lama soo koobi karo jacaylka uu fannaaniinta u qabay. Markii aanu Nayjeeriya aadnay oo dadku nooga soo baabi’I jiray, markii la yidhi igaarkaagii (inankaagii) ayaa dhintay, wuxu yidhi Cabdille Raage ma nool yahay. Markaa meel gooniya oo aniga iga go’day ayaa jirta, waxaan se ku samrayaa in naf waliba mowdka dhan-dhamin doonto. Waa wax anigana igu soo socda, taas ayaanan ku samrayaa gooni ahaan ayaanan u agoontoobay.”

7. Maxamuud Cabdillaahi (Singub):

Singub oo ku caan-baxay curinta heesaha iyo riwaayadaha kana tirsanaan jiray Kooxdii Waaberi ayaa is-na BBC-da wareysi ka siiyay siduu u yaqaannay Cabdillaahi Qarshe isaga oo ka soo hadlayay Toronto, waxaanu yidhi:

“Geerida Cabdillaahi Qarshe dhibaato badan ayay ku soo kordhisay ummadda. Cabdillaahi Qarshe mooyaane ma fan kalaa jiray? Waa wax uu isagu ababiyay, aasaasay ama waddada u jeexay. Nin kastaaba ha hadlee Cabdillaahi Qarshe wuxu ahaa rukun adag oo aad qaali u ah. Wuxu ahaa nin qabyaalad yar oo Soomaalinnimada jecel. Cabdillaahi Qarshe haddaan sii wado waan ku qiiroonayaa. Waxaan se aad iyo aad ugu hanbalyaynayaa sharafta uu ku dhintay Ilaahay ha u naxariisto e’. Waayo qof baa wuxu ku dhintaa sharaf-darro iyo taariikh-xumo.


Cabdillaahi Qarshe wuxu ku dhintay taariikh wanaagsan. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu jannadiisa ka waraabiyo carruurtiisana Soomaali oo dhan baa xil ka saran yahay. Wuxu ahaa ninkii Heesaha waddaniga ah ku heesi jiray ee odhan jiray: ‘Wiiloy waalidkaa ku waaninayee’, iyo ‘Xiddig yahay caddi waad na ciidamisee.’ Waad I ogaan-weydiinaysaane waad og tihiin wuxu Cabdillaahi Qarshe yahay ama qabtayba.”

8. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye):

Gaarriye oo aad wada garanaysaan oo maansayahan Soomaaliyeed ihi, markii Cabdillaahi Qarshe laga wareysanayay wuxu ku bilaabay:

“Maansadan la yidhaahdo ‘Af-kala-qaad’ saddex qof baan ku hal-qabsaday oo kala ah: Cabdi-sinimoo, Qadiija Balwo iyo Ciise Warsame, maansadan oo aan ugu talo-galay geerida naxdinta leh ee ku timid Cabdillaahi Qarshe, waxaanay ku bilaabmaysaa:

Alleylehe qod baa dhacay,
Alleylehe qar baa dumay,
Qiiq baa ka kacay Bari,
Qab-qablaa u baxay Bogox,
Maantana qasaaraha,
Cabdi iyo Qadiijaa,
Qaban waayay luxudkii,
Qoodhay iyo xeraday,
Qaflad baa inagu timid,
Waxa dhacay Af-kala-qaad,
Qaran baa goblamay shalay,”

Hadduu sidaa maansadan baroor-diiqda ah ku ballaysimay Gaarriye, wuxu ku soo af-jaray:

“Qacda yeedhay waa nabar,
Geed baa ku qolof dhacay,
Damal baa qarqoorsamay,
Jirrid ay ku qoran tahay,
Ma qallalo Gu’ iyo Deyr,
Ma qalloocdo abidkay,
Weligay ma Qaran-jabo,
Waayaha I qiimaa,
Qudha igama gooyaan,
Markay laani qaadhaba,
Mid kalaan qotomiyaa,
Nin quustaana ima geyo,”

Intaa waxa ku dhan wareysiyadii BBC-da ee maalintii Cabdillaahi Qarshe la aasayay oo ahayd 3/11/1997kii oo maalin Isniineed ahayd. Marka hore aniga oo afkiinna ku hadlaya aan mahad aan duugoobin u celiyo Cabdisalaan Hereri oo si dareen iyo kalgacalba cokan barnaamajkaa u daaddahaynayay. Hadduu maalintaa joogay oo codkiisa dareenka leh ka soo dawinayay BBC dadka u dhexeysay, maanta Atlaantigga docdiisa kale ayuu joogaa bal in uu mar kale inagu habo codkiisii dooca iyo dareenkaba lahaa. Min BBC ilaa VOA. Mar labaadka aan mahad kale u naqo Abiib Iimaan oo cajaladdan ku faro-adaygay.

Ayaan-darradu se waxay tahay in aan ilaa maanta keydka Qaranka lagu hayn cajaladdii rasmiga ahayd ee laga duubay aaskaa Cabdillaahi Qarshe oo ka mid ahaa gelbisyadii taariikhiga ahaa ee dalkan iyo dadkanba soo maray kuwii ugu mudnaa. Berigaa ma jirin SLNTV oo beryo danbe ayaa la sameeyay, laakiin ciddii duubistaa u xil-saarnayd waxa laga sugayaa in ay cajaladdaa u soo xereeyaan Qaranka oo weliba si dhakhso ah tallaabadaa u qaadaan.

(La soco…………………)
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale.


Koshin Yare
banaadirpost@gmail.com

TURUNTURADA SHIRKA JABUUTI IYO TALAXUMADA TFG

Tan iyo intii burburka uu ku yimid haykalkii dowladeed iyo dadnimo ee Soomaaliyeed waxaa socday shirar taxane ah oo lagu doonayay in lagu badbaadiyo Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Shirarkaas waxay ka dhaceen goobo badan oo ay ka mid ahaayeen Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya. Badankii shirarkaas wixii ka soo baxay waxay noqday kuwo lagu hungoobay.

Sababaha loo aanaynayay dhicisowgaasina waxay ahayd iyadoo badanka shirarkaasi aanay goobjoog ka ahayd dad talo ka godo, ama hadaan hadalka si kale u dhigo looma wada dhamayn. Sidoo kale agendayaasha shirarkaasi ma ahay kuwo loogu talagalay in lagu lafaguro ama xal loogu helo xaqiiqda asalka iyo aasaaska u ah mushkilada taal Soomaaliya.

Ilaa iminka ma dhicin in shirarkaasi looga hadlo qodabada xasaasiga ah ee ay ka mid yihiin:

Dulmigii iyo xasuuqii loogaystay maatada iyo maxaysada Soomaaliyeed kuwaas oo lagu gumaaday hayb qabiil, balse danbi ay galabsadeen uusan jirin, tiradooduna gaarayso 600.000 ama ka badanba.

Dhulalka ayku abtirsadaan dadka laga tirada iyo tabartaba badan yahay ee xooga lagu haysto sida Jubooyinka iyo Shabeelooyinka.

Muqdisho oo ahayd Caasumad Soomaaliyeed oo cidwalba oo haybta Soomaaliyeed sheegataa ay ku lahayd hanti dhul iyo ganacsi taas oo maanta noqotay goob qabiil qudha uu sheegto dhacna lagu haysto hantidii shacabka iyo tii qaranka Soomaliyeed.
Dulmigii ay dowladii Shuuciga ahayd ka gashay shacabka gobolada Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed Soomaaliya , goobahaasi oo xasuuq ba’an loogu gaystay shacab maxaysto ah iyadoo la adeegsanayo haykalkii , hubkii iyo ciidankii loogu tala galay difaaca dalka iyo dadka.

Hadaba shirarkaasi aan kor ku soo xusan waa kuwo aad uga fogaa xaqiiqda iyo xalinta khilaafaadka iyo waxa Soomaali kala tabanayso ee dulmiga iyo gabood falka ahaa ee ka dhacay dalkeena.

Shirarkaasi waxay ahaayeen kuwo in wax lagu dhoodhoobo ama boog hoosta ka huraysa korka laga dhayo oo qudha ay ula jeedadu ahayd. Balse aan marka ahayd in la soo afjaro mushkilada, lagu xaliyo khilaafaadka, lagu daweeyo dareenka, la iskala xisaabtamo, lagu xeertamo, la isku xukumo, la iska xaalmariyo dabadeedna lagu wada dhisto maamul iyo maarayn loo wada dhanyahay.

GACMAHA SHISHEEYE

Shirarkaasi marna kama marnayn faragelin shisheeye iyo hadba qolyo dhagta wax loogu soo sheego oo lagu adeegto, kuwaas oo loo balan qaado mansab, iyo xoogaa luf-luf ah, dheef aan dhaayo sii waara lahayna la siiya.

Dagaalkii Qaboobaa Kadib (Post Cold-War):

Dagaalkii qaboobaa ee ka dhexeeyay NATO iyo WARSAW oo Ruushka iyo Maraykanku hormuudka u ahaayeen, waa kii dhibaatada maanta Soomaali taala saldhiga u ahaa maxaa yeelay burburkii ku yimid dowladii shuuciga ahayd ee Soomaalia wuxuu soo bilaabmay jabkii Soomaalida ka soo gaaray dagaalkii Ogaden, dhabarjabka dagaalkaasna waxaa sabab u ahaa Ruushkii oo Soomalida Garabkeeda ka baxay isaga iyo xulafadiisuna la soo safteen Itoobiya.

Dibin Daabyada Masar:

Kadib markii dagaalka qaboobi dhamaaday waxaa bilaabmay dagaalo kale oo doqon ma garato ah sida dagaalka khayraadka sida biyaha. Taas ayaana asal u ahayd dibin daabyada ay bilowday dowlada Masar iyadoo go’aansatay inay Soomaaliya u adeegsato burburka Itoobiya si aysan itoobiya nabad u helin dabadeedna fulin qorshayaasheeda horumarineed sida dhismaha biyo xirka wabiga Niil, taas oo dhabar jab dhaqaale iyo nololeed ku keeni karta jamaahiirta Masar.

Adeegagaasha Ereteriya iyo Cigaalayda carbeed:

Waxaa iyana xusid mudan raga u adeegaya danaha siyaasadeed ee Erateriya iyo Danaha batrool iyo istraatiijiyo ee Carbeed.

Hadaba waxaan ka cudur daaranayaa inaanan si qoto dheer uga hadi doonin arinkaan maadaama aanu maqaalkaygu ku wajahnayn ilma Daahir Awaysks Asmara iyo Al-Shabaab, balse qolada Jabuuti ku shirtay un uu qoraalkaygu ku wajahan yahay.

Lugooyada Itoobiya:

Itoobiya oo heshay fursad qaali ah, taas oo ah in Soomaali oo kala qabsan soo kala hororsato iyagoo koox kasta waydiisanayso ganacsaar iyo hub ay ku layso hadba qolada iyo qabiilka ay hardamayaan. Taas ayaana sababtay in Itoobiya hub isugu soo dhiibto Soomali si ay isku gumaadaan, ilay iyaga kii dhintaaba waa u Soomaaliye. Waxay ka dhigtay Dalkii Soomaaliyeed gobolo ay midba dhagta ugu sheegto ama ugula faqdo saaxiibkayga keliga waa adiga.

Waxaa hubaal ah in hubka la isugu soo dhiibaa uu ka soo dego dhul Soomaaliyeed waa Berberee, waxaa kaloo xaqiiqo ah in Hub ay ku kala adkaan karaan si dagaalku u soo afjarmo aysan qolana u siin si gumaadku u sii daba dheeraado oo aan lookala xoogroonaan.

Waxay isku hubaysay Somaliland iyo Puntland gaar ahaan dagaalkii laascaanood, waxay isku soo hubaysay Morgan iyo Mooryaan, RRA iyo USC, Masale iyo Itixaadkii Gedo iwm……
Soomaalidu waxay tiraahdaa mayd keebaa ugu danbeeyay, markaasaa la yiri “kaa la sii sido”

Waxaan oran karaa Soomaalidu waa umul aan garan dhibka iyo xanuunka soomaray , mana nihin ummad ku wax qaybsada dhacdooyinka iyo masiibooyinka.

Sidaa awgeed waxaan aamin sanahay in dhibkii hore ee dhacay uu ka badnaandoono hagardaamada iyo hadimada ay dowlada itoobiya maanta la damacsan tahay Soomaali. Sababtoo ah waxay itoobiya ku fashilmatay siyaasadeedii hagardaamo iyo gumaadkeedii milateri intaba.

Waxaan kaloo nasiibdaro ah in dadkii ku andacoonayay dagaal iyo jihaadbaan wadnaa oo itoobiyaan dalka ka saaraynaa inay iyagii maanta yihiin aalada iyo kuwa lagu burburinayo haykalkii iyo qaranimadii Soomaaliyeed, laguna sii kala fogaynayo fursad heshiis ee ka dhalata Soomaaliya.

Turunturada Shirka Jabuuti

Maaha markii koobaad ee shirkii Soomaaliyeed Jabuuti lagu qabto. Labo shir oo laba dowladood lagu soo dhisay baa ka dhacay labadaas dowladoodna hogaanka talada gacanta loogaliyay Cali Mahdi iyo Cabdisaaam Qaasim oo labaduba ka soo wada jeeda beesha Soomaaliyeed ee Hawiye ku abtirsata. Labadaas dowladood ciribtoodiina waxay ahayd iyo asbaabtii burburiyayna dhamaanteen waan ka dharagsanahay.

Hadaba akhristow waxaa su’aal furan iga ah, qolada shirka jabuuti maanta ka qaybgashay miyaysan ku wax qabysan labadasaas dhacdo, muxuuse shirka maanta uga duwan yahay labadaas shir ee hore. Waxaanba oran karaa labadii shir ee hore ayaa ka dad badnaa dhinac tiro iyo tayaba. Sidoo kale dhamaan qabaa’ilada Soomaalieed iyo xubnaha bulshada ee kala duwaniba dad baa ka joogay.

Hadaba hadii shirkaan loo eego kuwii hore:

Miyaysan dhab ahayn in beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo qudha ay qabsatay shirka. (fadlan fiiri shaxda hogaanka shirka: Shariif iyo Nuur Cadde oo jifo hoose wada ah, waxayna u wakiisheen saxiixa shirka Axmad Cabdisalaam iyo C/raxmaan C/shakuur oo isku jifo hoose ah , ragaas afarta ahina dhamaan waxay kuwada abtirsadaan hayb qudha. Hadaba sidee suurto gal ku noqon kartaa in beelaha kale ee aan egrada ku lahayni ku qanacdo heshiis aysan qayb ka ahayd , talo ku lahayn, wax ka gorfayn ay go’aankiisa qaadato. Miyaysan mustaxiil ahayn.

Miyaysan dhab ahayd in go’aamada ay ka midka tahay kordhinta xubhana baarlamaanku ahayd jilaafo iyo burbur hor leh.
Timirtii horeba dab loo waa!!!! Baarlamaankii TFG ayaaba iska daa mushahaar iyo goob ay ku shiraan ama ku hoydaane helaane, tigidhadii ay ku imin lahaayeen Baydhabo loo la’yahay.

Miyaysan labada garab ee heshiiska gaaray ahayn kuwo aan taloba gacanta ugu jirin. Deegaan wayn oo ay ku gorgortamaan iyo awood wayn oo nabad dhalinkarta lahayn.

Talaxumada TFG

TFG waxaa loo arkayay dowlad u istaagi doonta inay ka saarta dalka dhibaatada, inay midayn doonto shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka iyo dayacu dilooday. Laakiin nasiib daro taladoodii waxay ka dhamaan wayday is qabqabsi iyo isku qayilis, taas weeye tan maanta meesha xile dhigtay. Waxay garan waayeen fursada dahabiga ah ee ay haysteen taas oo ahayd inay heshiisiin dab ah sameeyaan, dalka gudihiisa qolo qolo isugu yeeraan, xubin karsa oo baarlamaanka ku jirta u diraan deegaankiisa si uu usoo dumo dadkiisa, dabadeedna shirwayne runta la isugu sheego dhaco si nabad waarta loo helo.

Inay gobolkasta u daayaan dadka u dhashay inay iska soo dhex doortaan maamul ay ku qanacsan yihiin dhamaan qabaa’ilada kala duwan ee ood wadaagta ah. Inay xoreeyaan dadka laga tirade badan yahay deegaamadooda xooga iyo dulmiga lagu haysto, inay Somaliland la shiraan kuna soo dabaalaan Federation iyo in cidkastaa xor u noqon doonto arimaha daakhiliga ee gobolkeeda.

Nasiib daro way ku fashilmatay howlahaas aasaasiga ahaa, fashilkaasna eedeeda masuuliyiinta TFG iyo xubhaha baarlaanka ayaa qaadaya walow ay dhibka qayb ka ahayd jilaafada Itoobiya, dagaalada Shaatiga diinta loo soo xidhay, Habacsanaanta wadama Caalamka, iyo Habisada, dhaqaale xumo, ciidan amni la’aan iyo wadaniyad xumada Shacabka Soomaaliyeed.

Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com

Sunday, December 7, 2008

Dr Culusow oo maqaal ka qoray heshiisyada DJabouti .


Heshiisyada Jabuuti waa hagardaamada Somalia


Shaki la’aan Shacabka Soomaliyeed wuxuu rabaa, isla markaana mudan yahay: nabad, midnimo, madaxbannani, deris wanaag iyo horumar, hase yeeshe wuxuu diidan yahay inuu nabad dhalanteed ah ku beddesho gumeysi nooc kastaba ha ahaadee, xukun keli-talisnimo iyo ihaano shisheeye.


Ciidammada Ethiopia waxay qabsadeen dalka Soomaliya, waxayna degeen guryihii dadka iyo goobihii adeegga dadweynaha sida Jaamacadihii, Isbitalladi, Dugisyadii Waxbarashada iyo Masaajiddii. Waxay burburiyeen dhaqaalihii dalka oo aad uga sarreyay dhaqaalaha Ethiopia iyo kuwa dalalka Geeska Afrika. Sidaa darted, halganka socda waxaa loo galay is difaac, nabad iyo xorriyad wada socda, sugidda xushmada diinta iyo karaamada Ummadda Soomaliyeed.


Waxaa nasiib darro ah in adduunku ka qaylinayo dhibaatada Burcad-Badeedka Soomaliya kana aamusan yahay dambiyada dagaal ee Ciidammada Ethiopia.Guud ahaan, loolanka siyaasadeed ee u dhexeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka waa taarikhi, waana Dastuuri.


Madaxweynaha waxaa isaga qaldamay "Awoodda Magacaabidda" iyo "Daba-dhilifnimo". Ilaalinta Xukuumadda (Golaha Wasiirradda) waa mas’uuliyadda Barlamaanka Federaalka. Waa fawdo in Madaxweynaha la shiro, khudbado u jeediyo Xubnaha Barlamaanka, marka laga reebo waqtiyada ku xusan Dastuurka. Madaxweynaha wuxuu ku xadgudbay mas’uuliyadda iyo karaamada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxbannanida Maxkamadaha (Cadaaladda).


Dhinaca kale, Heshiisyada Jabuuti waxay higsanayaan shan arrimood oo ka soo horjeeda nabadda, madaxbannanida iyo xuquuqda Ummadda Soomaliya, kuwaaso kala ah:


In laga aamuso, loona fududeeyo Ethiopia dhammeystirka dib u gumeysiga iyo kala qoqobidda Soomaliya, iyo sii wadidda xasuuqa Shacabka Soomaliyeed ugu horreyn kuwa ku nool Konfurta iyo Bartamaha dalka. Sagaalkii (9) bilood ee la soo dhaafay, Isbaheysiga Jabuuti wuxuu la mowqif noqday Ciidammada Ethiopia iyo kuwo Dowladda KMG, kana aamusay tacadiyada iyo dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo Shacabka. Maxay tahay qadiyadda cusub ee Isbaheysiga Jabuuti u taagan yahay ee ka duwan tan DFKMG oo horey loogu tilmaamay burcad daba dhilif u ah Ethiopia ?


In meesha laga saaro eedda dambiyada dagaal iyo xadgudubyada xuquuqda aadami ay Ciidammada Ethiopia galeen kaddib markii ay xasuuqeen kumanyaal Soomali ah, isla markaana barakiciyeen, ka hor istaageen waxbarasho iyo daryeel caafimaad dad ku dhow 6 milyan oo u badan haween, caruur iyo waayel. Hadafku wuxuu yahay in dambiyadii dhacay laga dhigo kuwo ka dhexdhacay Soomalida.


In lagu daydo oo la raaco tusaalaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG (DFKMG) sida (I) In ciddii rabta inay Madax, xildhibaan iyo Sarkaal ka noqoto Soomaliya ay Ethiopia keento; (II) In naasnuujinta qabiilkaada (taagerayaashaada) ka fiican tahay xaqsoorka iyo sinnaanta bulshada oo asaas u ah dib u dhiska Qaranka Soomaliyeed, taaso abuurtay xirfad cusub ee Kafiil; (III) In ku dhaqanka Dastuurka iyo Sharciga lagu beddelo afminsharnimo, sheegasho awood-sharci aan sal laheyn, adeegsiga ma xishoodayaal iyo markhaati beenaalayaal gaaray inay ku andacoodaan in Ethiopia iyo DFKMG ku soo celiyeen Soomaliya nabad iyo Dowladnimo.


In dagaalka ka socda Soomaliya laga dhigo dagaal u dhexeya Islaamiyiin xag jir ah oo dhinac ah iyo Ciidammo wata magaca DFKMG kana mid yihiin Islaamiyiin qunyar socod ah iyo Ciidammada Ethiopia oo dhinaca kale ah. Dagaalka ka socda Soomaliya wuxuu lahaa laba magac oo kala ah (a) Halgan Dib u Xoreyn oo u dhexeya Ciidammada Ethiopia iyo Xoogagga Dib u Xoreynta Soomaliya iyo (b) Dagaal ah "La Dagaalanka Argagixisada" oo u dhexeya Islaamiyiin Soomali ah oo xag jir ah oo xiriir la leh Al Qaeda/Taliban oo dhinac ah iyo Ciidammo Ethiopia oo Dowladda Mareyknaka taagereyso oo dhinaca kale ah. Ciidammada Ethiopia waxaa la safan Maleeshiyo madax u yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka.


In indhaha beesha caalamka laga jeediyo xaaladda ba’aan ee bani-aadannimo ee Soomaliya iyo in la abuuro colaad iyo khilaaf ka daran kuwii hore si bulshado isu dhiibto, kana tanasusho xorriyadeeda iyo karaamadeeda. Xeeladdaas waxay udub dhexaad u tahay Siyaasadda Taliska Ethiopia.


Qiyaastii 85% Muwaadiniinta Soomaliyeed - gudaha iyo dibeddaba -"waxay ku midoobeen aragtida ah in Dowladda Ethiopia si sharci darro ah ugu soo duushay kuna qabsatay Soomaliya, gaar ahaan Koonfurta iyo Bartamaha, dabayaaqada sannadkii 2006, waxayna isku waafaqeen inay tahay waajib wadani ah in dalka lagu xoreeyo halgan hubeysan."


Muwaadiniintaas waxay siyaabo kala duwan u muujiyeen shucuurtooda gumeysi-diidka ah ayagoo ka qayb galay halganka hubeysan, ka qayb qaatay u doodidda iyo taakuleynta dadka dhibaatada loo geystay, ka qayb galka bannanbaxyo, doodo iyo warsaxaafadeedyo tiro badan oo meelo kala duwan ka dhacay. Dhibaatooyin culus ayaa loo geystay taagerayaashaas, welina loo maleegayaa shirqollo ayadoo la adeegsanayo sirdoonka iyo diblomasiyiinta Ethiopia iyo dad sheeganaya xilal DFKMG.


Heshiisyada Jabuuti waxay wiiqeen midnimadii muwaadinintaas, cadowgana waa ku diirsaday.Lix (6) bilood kaddib markii halganka hubeysan ka bilowday dalka gudihiisa, ayaa Magaalada Asmara ee dalka Eritrea lagu asaasay Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaliya (IDXS).


Dowladda Eritrea waxay u fidisay IDXS martigelin iyo aqoonsi u sahlay xiriirka Caalamka, hase yeeshe laga abaal-dhacay. Isbaheysiga Jabuuti wuxuu lumiyay fursad uu ku gorgortamo kuna kasbado kalsoonida halgamayaasha intooda badan.Sida ku cad Xeerka IDXS, Aragtida Isbaheysiga waxay aheyd:" dhismaha mujtamac Soomaliyeed oo ka madaxbannan qabyaaladda, leh wacyi iyo garaad ku filan, garanaya wjibaadkiisa iyo xuquuqdiisa kuna raaxeysta gobanimo buuxda, nabadgelyo, cadaalad iyo sinnan.


" Qaababka lagu tala galay in lagu gaaro aragtidaas waxaa ugu muhiimsanaa "Xoojinta jihaadka iyo la dagaalanka cadowga dalka laga xoreynayo" iyo "mideynta maskaxda, muruqa iyo maalka shacabka soomaliyeed si meel looga soo wada jeesto cadowga dalka Soomaliyeed xoogga ku haysta." Aragtidaas waxay ku hartay hadal ku qoran warqad.

Madaxda IDXS waxay ahaayeen koox isu xilqaantay inay hogaamiyayaal iyo afhayeen u noqdaan halganka Dib–u-Xoreynta ee ka socday dalka gudihiisa, isla markaana ay ka tarjumaan si sax ah himilada Shacbiga Soomaaliyeed oo ka duwan himilada qof, koox iyo deegan gaar ah. Mas’uuliyadda koowaad ee Madaxda Isbaheysiga waxay aheyd xoojinta halganka hubeysan iyo hirgelinta Mabaadi’da Xeerka Isbaheysiga, hase yeeshe ay ku fashilmeen. Waa adag tahay in la raaco Madax go’ankeedu ku saleysan yahay damac siyaasadeed halkii uu ku saleysnaan lahaa Mabaadi’da iyo hadafka qadiyad cad.


Markii Isbaheysiga Dib u Xoreynta burburay, Khabiir ku takhasusay arrimaha Soomaliya oo isbarbardhigayay DFKMG iyo IDXS wuxuu sheegay in wax badan rajada nabadgelyo, midnimo, qarannimo iyo dib u dhiska Soomaliya ku xirneyd Isbaheysiga, hase yeeshe rajadaas hadda dhimatay. Madaxda Isbaheysiga Jabuuti oo heshiis Qarsoodi ah la gashay Wakiilka Qarammada Midoobay bishii Abriile 2008, waxay ka tanasuleen wada-tashi-la’aan Mabda’a ahaa in halganka ka socda Soomaliya u dhexeeyo Xoogagga Dib u Xoreynta Soomaliya iyo Ciidammada Ethiopia sida ku cad xeerka IDXS. Waxay kaloo oggolaadeen in ugu dambeyn Isbaheysiga Jabuuti ku biiro Dowladda Federaalka Soomaliya. Arrimahaas waxay abuureen dareen ah in hal-ku-dhegyada difaaca dalka hooyo, Diinta Islaamka, midnimada iyo naf-huridda ahaayeen hadoof. Shardiga ahaa inaan lala xaajon DFKMG wuxuu ku saleysnaa xigmadda ah in Dib u Xoreynta Dalka hooyo oo waajib muqaddas ah aan lagala gorgortamin qof Soomali ah.


Muhimadda kale ee shardigaas waxay ku saleysneyd in la xaqiijiyo in faragelinta ciidan iyo siyaasadeed ee Ethiopia aysan mar-dambe dhicin.Soomalida ka barbar dagaalamaysa Ciidammda Ethiopia waxay la mid yihiin "Calol-u- shaqeystayaal ama Maleeshiyo" ay Ethiopia soo tababartay, soo hubeysay, kana amar qaata. Dadweynuhuu waxay u bixiyeen "Kopy Amxaaro" kuwaasoo loo soo tababaray dilka, dhaca iyo kufsiga Shacbiga Soomaliyeed. Looma soo tababarin inay dadkooda iyo dalkooda ka difaacan cadowga gudaha iyo dibedda sida Ethiopia. Nuxurrada saddexda heshiis ee Jabuuti waxay la mid ahaayeen nuxurka heshiiskii Qarsoodiga ahaa ee Nairobi.


Waxaan qabaa in dhallilaha ka soo yeeraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka ay yihiin kuwo horey loo ogaa, laguna tala galay inay imaanayaan, hase yeeshe la sugayo qaabka loo maareyn doono. Arrimaha kale ee Heshiisyadaas si cad u tilmaamayaan waxaa ka mid ah:


Inay tahay dambi la dagaalanka Ciidammada Ethiopia iyo kuwa DFKMG. Madaxda IDXS-GJ waxay ku dhawaaqeen in halgankii dhammaaday, lagana sugayo in la beddelo magaca Isbaheysiga ama laga guuro. In calema-saarka Madaxda IDXS-GJ ka horreyneyso xaqiijinta sugidda madaxbannanida dalka, ilaalinta karaamada, Garsoorka iyo magdhowda shacabka dhibbanayaasha ah.


In dadkii ka qayb galay ama taageray halganka Dib u Xoreynta ay noqonayaan eedeysanayaal haddii aysan aqbalin digniinta Madaxda IDXS-GJ. Digniintaasoo ah: " Nabadda ha la qaato, Is badbaadiya, Caynsada wixii idiin haray, ka qayb gala Dowladda Federaalka KMG oo sharci ah, waqtigana u kordhineyno." In Ciidammada Ethiopia nabad ka dhigeen Muqdisho iyo Soomaliya, dalkana sii joogan inta laga helayo ciidan ajnabi ah ee beddela. In ka bixitaanka Ciidammada Ethiopia dalka Soomaliya ku xiran tahay shan arrimood:


(i) In dalka la keeno ciidammo ka tirsan Qarammada Midoobay oo ku filan xasilintiisa;


(ii) In la hawlgeliyo ciidan 10,000 dhan ee ka soo jeeda DFKMG-IDXS, oo Dowladda Ethiopia tababareyso.


(iii) In la ciribtiro argagixisada hal qofba allaha ka dhigee;


(iv) In codsi rasmi ah ee ka yimaado DFKMG;


(v) In Dowladda Ethiopia ka taliso, jaangoyso siyaasadda Soomaliya sida kilinka 5aad ee Ethiopia. Waxaa xusid mudan in ka bixitaanka Ciidammada Ethiopia macnaheedu aheyn in Soomalidu u Madaxbannan tahay aayo-ka-tashiga dhexdeeda ah. Isla markaa ma jirto dammaanad iyo awood caalami ah ee ku khasbeysa Dowladda Ethiopia inay fuliso heshiisyo dhexmaray labo dhinac ee Soomali ah.


Mar kasta waxaa soo bixi doona koox gabbaad ka dhiganeysa Ethiopia sida DFKMG iyo Isbaheysiga Jabuuti.In la dhiso Barlamaan ah 550 xildhibaan oo 275 ka mid ah aan la aqoon waqtiga iyo sida lagu soo xuli doono. In la dhiso Maxkamad caalami ah oo Dacwooyin ku soo oogta Soomalida. Waxay eg tahay in Dowladda Ethiopia gudbin doonto dacwadaha.


Si mushkiladda Soomaliya loo murgiyo inta ka horreysa dhammaadka sannadkaan, Ururka IGAD oo Ethiopia Madax ka tahay wuxuu go’aamiyay 29kii Okoobar 2008 in Dowladda Soomaliya mas’uul (accountable) u tahay Ururka, waxaana Addis Ababa laga furaya Xafiis qaabilsan Maamulka Soomaliya. Dhinaca kale, waxaa aad u kooban dowrka Qarammada Midoobay (QM) ee Soomaliya. Ahmiyadda ugu weyn ee QM higsaneyso waxay tahay inay dhaqaale u hesho howlaha gargaarka bani-aadamnimo ee dadka tabaaleysan iyo howlaha Xafiiska Siyaasadda ee Wakiilka Xoghayaha Guud. Ugu dambeyn, Soomaliya oo noqota qaran sharaf iyo karaamo leh, waxay ku xiran tahay Shacabka Soomaliyeed oo ka tashada aayihiisa si wadajir ah, daacad ah, ka madaxbannan faragelin shisheeye.


Mohamud M Uluso
Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com

Saturday, December 6, 2008

Siyaasigga Cabdulahi Sheekh Xasan oo u jawaabay Dr Culusow..


Siyaasigga Cabdulahi Sheekh Xasan ayaa sir badan oo qarsooneed ku oogay Dr Culusow oo ah Gudoomiyaha gudigga siyaasadda beesha Ceyr.


Siyaasigga Culusow wuxuu dhawaan qoray Maqaal uu ku qaadacay heshiiska DJabouti laakiin Cabdulahi Sheekh Xasan oo ka jawaabayo warbixinta Culusow ayaa isweydiiyay?


Dr. M. M. Culusow Muxuu Diidan Yahay?


Tan iyo inti heshiiska jabuuti lagu saxiixay 26/11/2008 ee u dhaxeyay Dowladda Federaka Soomaliya ee ku meel Gaarka (DFKG) iyo Isbahesiga Dib U Xureynta (ARS), waxa siyaaba kala gedisan uga hadlay saqsiyaad somaali ah, kuwa ajnabiya, Doolado, ururo gobaleedyo iyo kuwo caalami ah. Heshiiskaas oo ay soo abaabushay UN iyo wadamada daneya arrimaha Somalia ayaa dad badani ay qabaan in uu u noqon karo wadadi lagu gaari lahaay Nabad waarta lagauna furdaamin laaha xaalada sii murugeysaa ee Soomaliya.


Haddaba, arrin ku cusub Siyaasada Sommaliya ma aha in heshiiskasta oo la saxiixo ay kooxi ama shaqsiyaad ka soo horjeestaan, waxaase la yaab leh in heshiiskan oo xal loogu raadinayo sababta ugu weyn ee mushkilada Soomaliya oo ah joogitaanka Ciidama Ethiopia ay ka soo horjesteen kooxi hub u qaaday in ay Ethiopia ka baxdo Soomaliya.


Haddise arrintu ay tahay mid diini (Jihad) ah, Diinta ayaa qabta in marka laba arin la kala dooranayo in la qaato tan fudud. hadaba, shaqsiyaadki ugu danbeeyay ee kasoo horjeestay heshiiska Djabuti waxaa ka mid ah Dr M. M. Cusow oo asagu sheegta in uu yahay gudoomiyaha Beesha ceeyr inkastoo ay aysan ku habooneyn aqoonyahanka weliba ahaan jiray Wasiir Qaran in uu maanta jufo hoosaad madax ka noqdo isga oo weliba mansab siyaasadeed ku doonaayo.


Dr. Culusow wuxuu ku eedeeyay madaxda ARS ee fadhigooda yahay Djabuti in ay:-


Heshiis la galeeen DFKG Dhabar jebsheen Muqaawamada Xukun doon yihiin.


Haddaba, waxaase isweydiin mudan yaa ugu horeeyay oo Ethiopia heshiis la galay marka ay qabsatay Somalia, weliba weydiistay in DFKG laga siiyo xil (R/W)? Yaase Muqaawamada ku sameeyay dhabar jabki ugu weynaa ee ka dhacay Mogadishu 2007?


Bisha January 2007, waxaa tegay Adis Ababa wafdi heer jufo ah oo uu hogaaminaayo Dr. Ulusow lana kulmay madaxda dowladda Ethiopia lana galay heshiiki ugu horeeyay ee dhexmara Somalida iyo dowlada Ethiopia inta ay qabsatay Somalia.


Heshiiskaas waxaa ka mid ahaa in jufada Dr Ulusow ka dhashay oo iyaddu sheegatay hogaanka dagaalka muqaawamada wado ay joojiso dagaalka taa bedelkeedana la siiyo jufada R/Wassaraha DFKG, Dr. Ulusowna uu yahay musharaxa jufadda.


Wafdiga Dr. Culusow marki ay ka soo laabteen Adis Ababa waxeey la kulmeen Col. Abdulahi Yusuf iyo General Gabre, qodobadi lagu heshiiyayna waxaa ka mid in ciidamada Abdiqeybdiid ee marka ku sugnaa Gobaladda Dhexe lagu bedelo ciidamo Ethiopian ah iyo in la fuliyo qodobadi Adis Ababa lagu soo heshiiyay.


Col. Yusuf wuxuu ku xiray Dr. Culusow in meesha laga saaro Muqaawamada ka hor inta aan laga hadal siyaasadda (Jagada R/W). Safarka Dr. Culusow iyo wafdigiisa ee Adis Ababa iyo kulanka gaarka ee ay la galeen Col. Yusuf wuxuu abuuray shaki Odayashi dhaqanka ee Hawiye iyo waxgarad ka tirsan beesha Ceyr oo ka careysnayeen safarka jufada ee Ethiopia.


Dr. Culusow marki su'aalo laga weydiiyay safarka Adis Ababa wuxuu ku jawaabay waxaan kala soo hadalnay in ciidanka jufada sacad laga kaxeeyo Goboladda dhexe laguna bedelo ciidan Ethiopia si ay nabada u sugaan.


Dr. Ulusow isaga oo fulinaayo heshiiki Adis Ababa ayuu bilaabay in uu kala furfuro Muqaawamada iyo Odayaashi Dhaqan Hawiye ee u istaagay in ay afhayeen u noqdaan halganki lagu diidana joogitaanka ciidamada Ethiopia madaama ay masuuliyiinti maxkamahada culeys militari iyo mid siyaasadeed xiligaas saarna. Anigana sida aad ula socotaan waxaan ahaa xiligaas Afhayeenki Siyaasadda ee odayaasha Dhaqan hawiye.


Cadeymo ku filan ayaan u heynaa in Dr. Culusow oo isagu ka saaray aagi ay ka dagaalameysay malishiyadi jufadiisa ee Jidki Sodonka iyo Miisaanki dhuxusha Bishi April 2007 iyadoo ciidamada Ethiopia ay ku go'doonsanaayeen Stadio Mogadishu weliba codsanayeeen in xabadda la joojiyo loona furo jid ay kaga baxaan xaafada dhexdooda.


Waxaan daliil u ah xadiga dhibki haystay ciidamada Ethiopia ee ka dagaalamayay Muqdishu in Dowladda Ethiopia ay la xiriirtay Boqor Buur Madoobe si uu gacan uga geysto in Xabada la joojiyo si ay ciidamdooda ugala baxaan xafaadaha dhexdooda.


Ciidamadii uu ka saaray Dr. Culusow aaga, wuxuu taliye uga dhigay Nin la yiraah Goobaale (kana aha taliye ciidan Isbaheysigi dooxada Juba) kuna wareejiyay General gabre isaga oo ku magacaabaya in ay noqdaan ciidan Madaniya.


Ka bixitaankaas ayaana keenay in jabki ka dhacay dabayaaqadi April 2007 ee uu suurageliyay ciidamada Ethiopia iyo kuwa DFKG in ay qabsdaan dhamaan Muqdishu lana bilalaqeysto warshadihi, shirkadihii iyo guryihii dadka qaxay .

Dhacdadaan dhamaan reer muqdishu iyo muqaawamada wey ogyihiin.


Waxaa is wediin mudan, reer Puntland heshiika Djabuti waxeey ku mucaardeen si cad ayeey u sheegan oo ah hab qabiil, 4.5 iyo Federal oo laga tegayna wey ku diidan yihiin iyo weliba sida general Cadde Muse sheegay " heshiiskaas waa Dhaxal wareejin" oo uu u ula jeedo in jufadiis xaq u leedahay Madaxweynanimada.


Dr. Culusow isaga muxuu ku diidan yahay heshiiska Djabuti? Qabiil kuma diidano oo raga masuuliyiinta heshiiska Djabuti saxiixay isaga ayeey ku jufo yihiin, Ethiopiana lama xumo oo iasaga ayaaba ugu horeeyay muwaadin heshiis lagalay. Al-Shabaabna uma uusan hadal oo isaga ayaa ku sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaida sida qodobkaan b ee ku jira qoralkiisa: "(b) Dagaal ah "La Dagaalanka Argagixisada" oo u dhexeya Islaamiyiin Soomali ah oo xag jir ah oo xiriir la leh Al Qaeda/Taliban oo dhinac ah iyo Ciidammo Ethiopia oo Dowladda Mareykanka taagereyso oo dhinaca kale ah".


W/Q Cabdullahi Sheikh Xassan

London

UK.

Banaadir Post



Madaxweyne Siyaad Barre " U Dulqaata Waa Kaas Nabsigu Idin Dul-joogee"


Xaashaa lilaahii muran kama taagna General Maxamed Siyaad Barre inu ahaa sarkaal sare oo awooda dalka ku xoogay xeel, kadib markii la eeday ragii loogu daryeelay dibutaatinimadi Jaan iyo barlamaankoodi guduudnaa oo dabadeed dadkii soomaaliyeed noqdeen xoolo aan reer lahayn.......



Generaal Siyaad Barre, dusha waxuu ku qaaday culeys deyn ka xoog badan, wax badana isaga iyo reer galbeed muran ayaa dhex maray markuu yiri "maanyada bada ka caba" diideyna warkoodi aan looga baran in lagu manaafacsado,

Reer Galbeedkii ma daama ay isku tiriyaan iney dunida kaligood ka taliyaan, waxay qaadanwaayeen Generaalkaan madax-faradka ku riday oo diiday iney xeradiisa soo galaan, kana door biday inu moskow dhaantada la ciyaaro lana galay heeshsyo milarari iyo mid mashaariic ku lug leh taaso reer galbedkii si xun uga careysiisay oo dabadeed meelo badan aduunyada uga qoreen magaciisa inu yahay “ murtid’ waxayna go’aansadeen iney xukunka ka tuuraan sidii afrika ay meelo badan ka sameeyeen .

Doqontii dhagaweyn baan ogeyn dibnaha hoos yaale, Generaal Siyaad Barre isagoo og dhinac kasta in laga soo galay oo ay ku socot qorsho majaxaabin, haddana saas oo ay tahy waxuu dhisay milatari xoog leh, xoojiyey siyaasadi dibada, sugay nabadgalyadi gudaha iyo aqoonyahanadii shaqo la’aanta ahaa oo maamulkii dalka lagu kala meeleeyey, walow waqtiyadi dambe kuwi mujtamaca ka ahaa dameero iyo orgiyo oo kale ay awoodi dalka si aan la aqoon ku marooqsadeen oo la arkay iyagii oo xafiisyaddi dawladda ku biqleeynaya, runtiina waxay ahayd bilawgii dhamaadkii xawligii kacaanku ku socday,wuxuse ugu dambeyn Siyaad ku guuleystay inu si xoog leh ku hirgaliyo dhigista afkii hooyo oo taariikh ahaan horay loo waayey ciid marsiisa, taaso keentay in sumcadiisi gudaha iyo dibada ay sara u sii kacdo oo illa maanta dhigistaas af soomaaliga laga macaashayo.

Reer Galbeed oo Mareykanka horkacayo waxay bilaabeen iney Siyaad Bare cagta cagta u saaraan oo dockasta ka weeraraan xag dhaqaalle, iyo mid siyaasadeedba, waxayna dalka gudihiisa ka sameysteen gaashaanbuur soomaaliyeed oo danahooda u meel mariya siiba markay timaado khaarijinta ina Siyaad Bare, runtiina dawlada ruushka lafahanteeda kama marneyn iney Siyaad Bare halkiisa ciid kale oo ka hantiwadaagsan ku badasho.

Muddadi xukunka dalka u haystay Siyaad Bare waxuu ka badbaaday 7 shiqool oo la rabay in lagu dilo, laakiin midka ugu khatarsana waxuu ahaa midka ay soo abaabuleen KGBda ruushka oo ay damceen iney Siyaad Bare ku badashaan General Salad Gabeyre, mustaqbalkana ay xukunka ku si wareejiyaan Yuusuf Samantar ” Bardacad” taaso sida la ogyahay ku dhamaatay fashal iyo tiiraanyo fajac leh, kadibna Siyaad door biday inu xiriirkii ruushka halkii ka sii wado isagoo afka ka xirtay qaladka ay ka galeen, hasa ahaate ay heshiis ku gaareen in laba sarkaal KGBda ee ka mid ahayd afgambiga dhicisoobay dag dag dalka looga dhoofiyo.

Laakiin shirqoolada intooda badan waxa laga soo abaabulayey kana dambeyey CIAda joogtay dalka Kenya oo ay la kaashadeen ganacsato qurbaha ku sugneyd, waxana ugu dambeysey isku daygi lagu dililahaa 1981 xarunta fiiyeeraha talex oo markaas u xariga ka furaayey, taase waxaa ka sii darneyd markii ay darawaliintiisi mid ka mid ah kula heshiiyeen in cuntada guriga looga soo qaado dariiqa markay soo mareyso la sumeeyo laakiin qadarka awgiis darawalkii ayaa sheegay xiriirka lala soo sameeyey oo ahayd inu hawshaas fuliyo qaatana malaayiin lacag ah iyo Viso Dal ku gal meeshu rabo, Darawalkaasna markii dambe waa laga badalay madaxtooyada, waxaana filaya inu Aakhirtahankii dibadaha u dhoofay, koleyba geeridiisa ma maqlin.

Dhinaca kale waxaa jirtay haweyney iyadana todobatanaadkii la soo hawlgaliyey oo inta baqday wixi ka shiftay, ogaanteydana wax loo raacday ma jirin oo 1983tii ayaan mar ku arkay Roma waxayna ii sheegtay iney nin guursatay oo caruur leedahy, siyaadna hagaajiyey walow ay aad uga sheegatay Col. jilicowgii NNSta.

General Siyaad Barre inkasto u noqday libaax hortaagan wixii dawac iyo weer ku ahaa, haddana waxaa u sugnaatay in reer galbeedkii ay ku biyo keeneen oo dhinackasta ay ka ceejiyeen gaar ahaan xaga dhaqaalaha,siyaasada iyo amnigaba, waxaase waxaaso dhan uga sii darnaa isagoo arkay shacabkii oo laga la wareegay lagana horkeenay, waxaase mucjiso ku sii noqotay marku arkay kacdoonka lidiga ku ah oo ay horkacayaan ragi u hiilka ka sugaayey oo badanaa ahaa kwii sida gaarka u dalxsiiyey isago ula jeeday iney yiihiin doqomo isaga kaliya daacad u noqonkara, laakiinse waxuu iloobay aragtida waayo aragnimada oraneysa "doqon ha moodin inaad kaligaa leedahay ee waa lagula leeyahay" murtidaas oo gordambe u ku baraarugay

Qaskii iyo dilalkii magaaladda markay soo bateen Generaal Siyaad waxuu shir la qaatay niman badan oo maalqabeen ahaa oo horboodayey buuqa iyo kacdoonka mogdisho ka jiray oo aan ka xasuusto ganacsade Xaashi Weheliye , waxuuna weydiiyey waxaa isaga si gaar ah ay uga tabanayaan, iyo waxa ku kalifay iney qaranka u miineeyaan qabyaalad difaac, isagoo hadalkiisi ku soo daray in markii dalka xunkunkiisa u la wareegay ay ahaayeen fuquro aan waxba haysan.

Tijaarti maalqabeenka ma ay siin Madaxweynaha jawaab u ku qanco, balse waxay hortiis ku dhiiradeen iney yiraahdaan dalka isaga bax.

General siyaad waxuu ganacsatadaas ugu jawaabay oo yiri; " mahad weeye wixii Eebe laga muto oo kuma iimaan xumi haddii alle ii qoray inaan dalka isaga baxo, laakiin sida ii muuqata miida iyo karuurka aad leefeysan iyo nicmada aad fuuqsaneysaan mar bey dacar iyo kharaar iyo sun laga magooshan, waa haddii aad nicmada rabi muran ka keentaan oo uu mashxaradaan dilalka iyo dhaca shacabka maagaalada loo geysanaayo" waxuuna intaa sii raaciyey “ waan ogahay xoolo inaad ku bixisaan baxsadka Ciidamada iyo Askarta qaranka, waxaase ogaataan askarta aad kala direysaan iney adinka iyo hantidiina ilaaliyaan oo haddi ay meesha ka baxaan, tuugada aad soo kiciseen ma kala jeclaan-doonaan dhaca xoolihiina iyo kuwa aad ku soo hagteen oo mooradduug iyo dhac bey idin ku sameyndoonaan maqaawiirtiinana wey dilidoonaan”.

Maalqabeenadii goobta fadhiyey mid ka mida ayaa hadal soo tuuray oo yirii; Ee ina siyaadoo Mareexaankii kula dhashay ee muruqa kugu difaacayey iyaguba ku diide xaad unuga noo- sheegan--- shirkiina sas ay ku xirmay oo lagu kala tagay.

Dabadeed General Siyaad Barre waxuu si gaar ah ula kulmay waxgaradka iyo odayaasha beelaha Abgaal, sidi oo kale ayuu weydiiyey " waxa u Mudulood u dhimay iyo waxa ay magaaladda dabka iyo fitnada uga shidayaan oo nacab dantiisa loo yeelaya--- oo maxa duubabkii reerka dawga ka habaabshay ayuu yiri "

Odayaashii jawab kama ay bixin su’aashii loo jeediyey oo wey ka gaabsadeen, hasa ahate waxay ku yirahdeen: “ musbaaxdi kacaanka ku shidneyd waa dantay oo guuldaro ayaa kugu madoobaatay ee meermeerka guuldarada waxba mujinmeyside cidla ayaad jafeysa ----- Ogaadeen iyo Dhulbahante iyo Mareexaan ma yeeleyno iney na guumeystaan oo na-mawtiyaan ayey yiraahdeen, waxay kalo goobti shirka ku carbaabeen in ilma-adeertood reer galgaduud si gaar ah loo xumeeyo,

Siyaad Barre Oo sheekadaas ay la yimaadeen odayaasha Mudulood markasta ka mashiiqsanayey, waxuu ugu jawaabay oo yiri “ waan u jeeda maldah iyo ibliis waalan baa maanka idin ka rogoy oo niman malaasan iyo jaahil baa idin soo marin-habaabiyey ,ma aqaan ra’yiga foorara si jawaab looga bixiyo, ruux haddu macangagnimo la soo taaganyahay waa dhibaato” isagoo warkiisi intaa sii raaciyey waxuu yiri “ waxa mudulood dabada ka riixaya waan ogahay oo waa ilka Cas oo ah mas aan qaniiyo ka daalin iyo miciyo dhiiga, dadkii sharafta weyn idin ka mudnaana aad moodeen cadwo, mana fiicna haybtakoorka aad ka sharqamineysaan oo dadku waa walaalo iyo xigto iyo daris aan dheereyn, mana aha in dhaqan duug ah laga daba qaato” ugu dambeyn waxuu warkiisi ku soo koobay “Abgaalo abaal waa magdhaw iyo inaad maalin celisaane ee waxaan degaankiina mogdisho ka qabtay yaan laydin ka burburin"

Siyaad Bare kulamadiisi qabaailka isagoo mid mid u arkaayey waxuu markaan la kulmay odayaashi Ogadeen waxuuna hadalkiisa dheera ku soo gabagabeeyey oo yiri “ waan arkaa in inna cumar jees iyo kuwa idinka halkaan fadhiya ka mid ah inaad la casheysaan kooxaha ku hawlan dumista maamulkaan aan madaxa u ahay, waxaase ogaataan in kuwaas maskaxda idin ka xaday hadday beri xukun qabsadaan ma idin ogolaan-doonaan koley ku tahay xita qodista musqulaha, mana arkidoontaan wax idin ka dhageysta Adarai baan orod ku maray iyo Godey baan soo xoreeyey,waxa darajo moodeysaana dib ayaad uga shalaayin-doontaan, isagoo warkiisa intaa si raacshay oo yiri " ma qabo nin noloshaada diidan inu beri kugu deeqo-doono jeeni aad soloto, anigase ciidna cunto kama qadin ceegana kuma dhuujin ee Ogadeenow Nabadgalyo”

Kulan kale ayaa dhex maray Odayaal iyo Waxgarad reer Hargeysa iyo Burco ah, waxayna ka cawdeen falal dil iyo dhac loo geeystay dadkii goboladaas deganaa oo maanta ay xadka iyo dibada ay ku yihiin qaxooti.

Siyaad Barre oo cabashadaas ka jawaabay waxuu ka yiri; " Qaladkiina aan idin sharxe intaad qarankii xadka cadawga uga soo duusheen oo Qori iyo Bonbaano laydin ku soo hubeeyey ayaad ka ashtakooneysaan askarigi u hiilana inu qarankiisa ka difaaco cadwga, ma waxaad rabteen markaad soo duusheen in askarigu Ubax idin ku soo dhaweeyo, ma aha intaad qaranka dumisaan inaad eed aan xaq ahayn igu qarowdaan ---- teeda kale qaxooti iyo qurbe qurun shisheeye adinkaa ka doortay nabadi iyo barwaaqadi aad ku haysateen dalkiina "

Generaal Siyaad Barre kama harin kulamadiisi waxuuna markaan la shiray saraakiishi Xooga dalka , Boliska, Asluubta iyo Nssta, khudbo dheer ka dib oo u ka sheekeeyey xaaladda dalka u marayo waxuu tilmaamay “in saraakiil badan oo shiirkaan fadhida ay ku hawlanyihiin dumiinta iyo majaxaabinta dawladda oo shirqool kula jiraan ajnabi iyo niman ganacsato ah oo u adeegaya cadawga taaso ii mari la’ ayuu yiri, laakiin waxaan idin cadeeynaya in nolosha iyo dhalaalka iminka idin ka muuqda aan la haysandoonin oo ciil la jiifsandoontaan haddii aad qabqablayal la soo adeegsaday u sacbo tuntaan, waxaana dulinimo idin kaga filan sarkaal la iibsaday ”

Sido Kale Siyad waxuu la kulmay saraakiil sar sare iyo niman ganacsato ah oo ka soo jeeday beesha Majeerteen oo xiirir fiican wada lahaa, waxayna ka wada hadleen isbahaysi la sheegay inu dhex maray ururkii USC iyo xubno taageersan SSDF, arintaas oo Siyaad Bare ka hadlay waxuu carbaabay oo ka yiri; " falsafada USC ma aha aniga oo kaliya iney ii socdaan ee xaqiiqada dhabta ah waxa ay doonayaan waa kuwaa is ku xoqaya oo isbahaysigooda run mooday,waxuu intaa raaciyey oo yiri " Majeerteen maxay aniga iga rabaan haddi ayagu aysan kursiga madaxtinimada dooneyn oo cidkale ugu raadinayaan" waxuuna u daaray cajalad taleefoon ay ku wada hadlayaan Mr.Bood iyo Qanyare oo sheegeysa dhagarta ay u meegaarayaan rag majeerteen ah oo hawsha kula jira.

Dabadeed sida la wada ogyahay Magaaladii waxaa lagu soo daayey darbi jiif, mooryaan aan waxba ka duwaneyn dugaaga, waxay dubteen Dumar, Caruur iyo wax-garad, waxay diirteen Ganacsatadii, Tijaartii, Digtooradi, Abwaanadi, Saraakiishi iyo Wadni oo dhan.

Waxa meelkasta loo sacab tumay oo taabsaday Dibjirkii iyo wixi majnuun ahaa oo damiirkoodi diiday wixii fiicnba , waxa la dhacay oo la dilay dariis iyo shisheeye, mana ay jiraan cid ay dhaafeen oo caasimada ku nooleyd wax kastana waa gablamiyeen, wixii muunad iyo qurux ay lahayd mogdisho kakac noqotay illa ay noqotay caasimadii meel badawgu geela ku meeyracdo, waaxaa yeertay mogdishoy maxa dhacay, maxa marada ka dhigay? waxaana muran ka jirin in dhibka ugu wen u soo gaaray ragii ololaha fidnada dalka ka shiday oo iyagoo qaaqaawan lagu arkay jidadka Nairoobi, qaarkoodna ayba ku dhinteen fidnadaas,intooda badana ay ku lumen tiihii “wareerkii”.

Gabagabo Siyaad Barre dee dalkii waatu isga baxay kamana shekeynkarno iiminka sidu ku baxay iyo waxyaabihii u kala kulmay bixitaankiisi , laakiinse intusan dalka Niijeeriya u duulin duqa sida caadada u ahayd ma ahayn nooca cataaba waase mici-adeegay, waxuuna yiri “Masiibo iyo Kheyr wixii ku hela maalliggaa qora, mana ahay maqaadiir Eebana nin muran ka keenaya, maantana ma liito ee shacabkii aya sheydaan u ciyey, wax badan waan sheegay laakiin waxaan noqday nin dudumo wacdinaya Koleyba falalka dhacaya ee aan maqlayo soomaali duli ayey mudan dalkuna ummada kale aya dumaalidoonta”

Waxuu intaa raaciyey oo yiri: " wax badan baan dagaalamay oo mufsad iyo gaalo warkeeda diiday,waxaana kala dagaalamay in shacabka la dalaalo, aniguna waxaan ku haminaayey inaan dalkaan dubaakhooyin iyo dakharo dambe dib loogu geysan , waxayna ahayd gobanimada darted iney na deeqdo.
Waxaan abuuray Jaamacadoh, Macaahid iyo iskuulo oo aan la haa dadku ha yeesheen aqoon durugsan oo ay caalamka kula tartamaan, waxaan dalka u sameeyey Marsooyin ay marakiibta ku soo xirtaan lagana hogaamiyo, waxaan dhisay Hoteelo caalami ah iyo Dalxiisyo lagu dabaasho, waxaa abuuray warshado wax soo saar oo dalka ma lahayn haba yaraate warshad Dun iyo Dacas sameysa, cidina ma mooga Milcamadihii Diinta iyo Masaajidyo lagu salaadeysto, soow ma idin arkin Jidadka waaweyn iyo Maka-mukarama jidkeedi milicsanaa, waxaan sameeyey Gobolo badan oo inta xuduudana ku taxay degmooyin si dadku xukunka u gaaro, soow anigaas xeer ka dhigay in qofkii af soomaali ku hadla u yahay muwaadin, afkiina la qoray"

Ugu dambeyn waxuu hadalkiisi ku soo gabagabeeyey oo yiri: " Cala ay xaal ma qabin inaan shacbkeeyga wax u dhimay, waxaana hadda ii muuqata iney door bidayaan talada iyo daba socodka qabqablayaasha oo hadba shaati cusub u soo gashanaya---- warkeygiina waxuu noqday nin sidii dudumo la hadlaaya, wax wax gareysanayana iima muuqadaan oo dadku waa wada muqleynaya---- koleyba kuwaas maanta shacabka ka furanaaya Saraawiisha, kana siibanaya Nigiska ma filayo iney mustaqbalka u xiridoonaan Saacado Seeko ah, Cal ay xaal ha loo dul-qaato waa kaas nabsigu cariga dul- joogee"

Fiiro Gaar ah:Waxaan warbixuntaan ka xiganay goob jooge taariikheed oo arintaa wax ka qora wixi gaf iyo qadaf ah kuma lug laha weebkaan ee sidaas ula socda.


Wargeyska Banaadir Post

Tuesday, December 2, 2008

Ujeedo: Warqad Furan oo Ku socota Ra’iisaalwasaaraha Soomaaliya (la mood Noqonse Wayday)

Ku: Mudane Nuur Xassan Xuseen

Ka: Cabda Abdullahi

Ujeedo: Warqad Furan oo Ku socota Ra’iisaalwasaaraha Soomaaliya (la mood Noqonse Wayday)

Assalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakatuhu
Bismillaahi-Raxmaani-Raxiim

Waxaan jeclaanlahaa inaan hadalka soo socda ka fool ka fool kuugu iraahdo ee aanan hawada kuu soo marin, iimase suuroobin, waxaanna u arkaa inay tahay lagama maarmaan inaad ogaatid aragtida qaar ka mid ah shacabka.

Mudane Ra’iisalwasaare, waxaan ahay qof u qabtay inay ku taqaan, fikrad aad u wanaagsanna kaa haysatay. Aad baan ugu farxay markii laguu magacaabay Madaxa Xukuumadda ku Meel Gaarka ah. Waxaa intaas dheer waxaan ku dhiiraday inaan dad badan ku iraahdo, maantaa loo dhiibay ninkii ku habboonaa mas'uuliyadda, is qabqabsi waa dhammaday, Nuur Xassan Xuseen waa nin Soomaali ah oo wanaagsan.

Waxaan rumaysnahay dadka kaa soo xulay reerkaad ka dhalatayna inay kaa haysteen fikrad tayda la mid ah. Khudbaddaadii u horraysay intii xilka laguu dhibay, BBC laanteeda Afka Soomaaligu waxay ku su'aashay maxaad isku tilmaami lahayd? waxaad ku jawaabtay “waxaan isku tilmaamilahaa adeege bulsho” waxaan is iri maa shaa Allaah (he is the right man to the right post” waa kan ninkii ku habbonaa jagada.

Si deg deg ah baad ugu dhawaaqday, waxaan heegan u ahay sidii Soomaali nabad looga dhalin lahaa, Soomaali oo dhanna inaan la hadalaan diyaar u nahay, waxaan is iri waakan ninkii Soomaali isu keeni lahaa.

Waxaad ku celcelisay, inaan xilka wareejiyaan diyaar u ahay haddii Soomaaliya nabad ku gaarayso, waxaan is iri waa kan ninkii dantiisa tan dadka iyo dalku kala waynaayeen.
Maxaa ka rumoobay aqoontaan kuu lahaa iyo ereyadaadii quruxda badnaa?

Waxaa jirta xigmad oranaysa cod dheerida dhaqankaaga xun darti baanan la maqli karin hadalkaaga.

Waxaad isku tilmaantay adeege bulsho waxaadna noqotay adeege cadowga Soomaaliya, dhinac kasta oo arrinta laga eego.

Waxaad tiri dib u heshiisiin baan ka shaqaynayaa, waxaad iska hor kheentay Baarlamaankii, Xukuumaddii, wax kalaba iska daayoo waxaad birta isugu dhiibtay jilibkaad ka dhalatay oo maanta laga baqayaa inay isku laayaan dhibaatada ka dhalatay sidaad u maamushay doorashadii jagada Guddoomiyaha Xamar.

Soomaaliya oo dhammi waxay qarka u saarantay in dagaal sokeeye dib uga bilawdo dhaqankaaga darti.

Waxaad tiri xilka waa wareejinayaa, waxaa shacabku filayay inaad kursiga uga dagtid Gudoomiyaha Mucaaradka aad heshhiska la gasheen, Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah nin Soomaali badan ugu muuqda nin macquul ah. Waxaan la soconna in Mucaaradku soo jeediyeen in la dhiso dawlad qaran oo baarlaankeedu koobanyahay.

Markaad diiday inaad jagada wareejisid waxaa ka dhashay FAJICISO, AMAKAAG IYO DHAMMANNA HAYS LA YIRAAHDO GOLE BAARLAMAAN OO KA KOOBAN 550. Yaabka ugu daran, markaad heshiis ku sheegaas ku saxiixaysaan Jabuuti Xubnihii Baarlamaanka Soomaaliyeed qaarba Nairobi curaar loogu haystaa hoteeladii ay jiifeen dhaqaala xumo darti.

Tan kale waxaa la yiraahdaa shinnida jeer laxlaha laga rido ma joojiso inay ku cunto, mucaaradka laxlihiisu waa Al-Shabaab, heshiiskana kuma jiraan. Waxaa laysa su’aalayaa yaa xabadda joojinaya oo hirgalinaya heshiiska? Haddii mucaaradka wali dagaalamayaa heshiiska ku soo biiraanse meeqaa lagu kordhinayaa baarlamaanka? Waxaan soo xusuustay doqonkii markuu oodda qaadi waayay yiri mid kale iigu soo dara.

Mudane Ra’iisalwasaare, ma waxaa kugu dhacay sidii gabay nin Ingriis ah oo la oranjiray Words Worth tiriyay oo cinwaankiisu ahaa "the World is too much with us” oo mas’uuliyad aadan qaadi karin baa dusha lagaa saaray, mise see wax u jiraan?

Ra'iisalwasaarihii kaa horeeyay, shaki iigama jiro, qalad iyo sax wuxuu doono ha sameeyee, inuu Dawladda u shaqaynayay, adiga waxaa laysa su'aalayaa yaad u shaqaysaa?

Waxaa intaas oo dhan igala yaab badan, anigu fudayd marna kuma tuhmin intaan ku aqqiin, haddana fudayd iyo u hubsasho la’aan badan baa kaa muuqata!

Waxay ku dambaysay aqoontaan kuu lahaa, inaan hadda markaad hadashid isku xishoodo sababtoo ah dad badan baan kaa siiyay masawir qalad ah, oo haatan taagan inay igala noqdaan kalsooniday ku qabeen aragtidayda. Ugu dambayntii waxaan si niyad sami ah kuugu soo jeedinayaa iska dhiib mas'uuliyadda sababto ah kuma habboonid inaad sii haysid, naftaada iyo shacabkaba uga naxariiso.

Allow Xaqqa na waafaji

cabda12@hotmail.com

Banaadir Post.

Taliska Ciidamada Militariga iyo Afhayeenka Madaxweynaha oo si kulul u beeniyay in ciidamada Itoobiya ay qab qabteen gaadiid dagaal iyo hub laga rari


Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub Sireed) ayaa si weyn u beeniyay In Ciidamada Itoobiyaanka ay shalay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo Hub kuwaasi oo la doonaayay in laga raro Dekadda Weyn ee Magaalada Muqdisho.

“Waa been aan sal lahayn wax ka jirana ma jiraan, maxay Hubka u rarayaan, waxaasi waa waxba kama jiraan, Ciidamada Ilaalada madaxtooyada waa Ciidamo Qaran, waana joogayaan mar kasta” ayuu yiri Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub Sireed) oo sheegay in sidoo kale been tahay in Ciidamada Ilaalada madaxtooyada saraakiishooda qaarkood xabsiga loo taxaabay.

Sidoo Taliska sare ee Ciidamada Militariga dawladda federalka Soomaaliya si weyn uga hadlay aarimaha sheegay in qaar ka mid saraakiisha madaxtooyada oo la baxsan rabay Hub ay xireen Ciidamada Itoobiyaanka, iyadoo Afhayeenka Ciidamada Militariga dawladda federalka Soomaaliay Daahir Max’ud Xirsi (Daahir Dheere) oo la hadlayay saxaafadda ayaa cadeyay in ciidamada Itoobiya aanay awood u lahayn inay xir-xiraan saraakiisha ilaalada madaxtooyada.

Daahir Dheere wuxuu kaloo sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ayasn arrintaasi marnaba ku dhaqaaqin falkaasi oo uu sheegay inay tahay waxba kama jiraan oo ay wadaan raadiyayaasha qaarkood, islamarkaasna wuxuu ku tilmaamay inay tahay dacaayad lagu marin habaabinaayo shacabka.

Sidoo kale waxaa isna wareysi uu siiyay Saxaafada Taliyaha Guutada 5-aad ee Ciidamada Milateriga Jen. Cali Caraaye Cosoble (gacma Dulle) uu ku sheegay inay tahay been in saraakiil ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada oo la baxsan rabay Hub ay qabteen oo ay xireen Ciidamada Itoobiyaanka, wuxuuna carabka ku adkeeyay in wararkaasi yihiin Dacaayad ay faafinaayaan kuwo ka soo horjeeda Dowladnimada.

“Ilaalada madaxtooyada Xittaa Mustaqbalka waa Ciidamo Qaran” ayuu yiri Taliyaha Guutada 5-aad ee Ciidamada Milateriga Jen. Cali Caraay Cosoble (gacma Dulle) oo sheegay inaysan waxba ka jirin hadalada ay sheegayaan idaacadaha Muqdisho qaarkood.


Waxaa weli wax lala yaabo ah in Saxaafada ama Raadiyada Beelaha ay fidno sii huriyaan halkii ay loo gudbi lahaa in dadka la maweeliyo.


Wargeyska Banaadir Post.

Tuesday, November 18, 2008

Qabyaaladdu ma u danba qabiilka?

Horta, intaanan ka jawaabin su’aashaan, bal aan qeexo waxaaan ula jeedo qabiil iyo qabyaalad. Qabiil ama reer, ama jilib, ama jifi iwm, waa koox bulshada ka mid ah oo ku wada abtirsata hal ab ama oday. Qabyaalad waa markii wax lagu maamulo habka qabiilka oo dadka lgu kala takooro qabiil daradiis, qof wax lagu siiyo, qofna wax lagu yeelo.

Qeexiddaas ka dib, aan u gudbo dulucda maqaalkayga. Awalan, waxaan u arkaa wax fiican in qofku uu qabiilkiisa jeclaado, uuna la jeclaado horumar, barwaaqo iyo baraare. Waxaan sidoo kale u arkaa wax fiican in qofku ka shaqeeyo danaha qabiilkiisa. Haddaba, waxaa habboon in la isweeydiiyo, maxaa u dan ah qabiilkaaga? Jawaabtu waa sahal siday ila tahay. Waxaa u dan ah in qof kasta oo ka tirsan qabiilka uu helo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha qof banii’aadam ah sida nabadgelyo, waxbarasho, caafimaad, meherad uu ka xoogsado, hoy, biyo, nal, bay’ad nadiif ah oo bilicsan, xorriyad, xuquuql insaan iwm. Su’aasha taas ku xigta waxay tahay, haddii la adeegsado qabyaalad, ma la garsiin karaa xubnaha qabiilka nolo heer sare ah oo u qalanta qof banii’aadam ah? Waxaan isku dayaya inaan kaga jawaabo su’aashaas qaybahaan soo socda:

Ma loo daneeyaa qabiilka mise waa lagu daneeystaa?
Waxaan ognahay in mar kasta oo gole wasiiradeed la dhisayo in badanaaba dadku ka fiiriyaan in magaca qabiilkoodu ka muuqdo liiska wasiirada. La isma weeydiiyo qofkaasi muxuu u qaban karaa qabiilkiisa ama bulshadaba. Waxay noqotay caado aan la dhaafi karin in qabiil kasta uu suntado wasiir wasaarad nafac leh hoos timaado sida Wasiirka maaliyadda, kan saliidda, kan khayraadka badda iwm. Nasiibdarro, hadda sharcibaaba la dhigay in xubnaha xukuumadda iyo jagooyinka waaweeyn lagu qaybsado habka 4 qabiil iyo bar.

Qofka magaca qabiilka wax ku doonaya, kuna soo baxa, waxaan dhihi karaa 90% waa qabqable ku takhasususay ficiltanka qabiilka, waaya-arag ku ah guubaaba iyo dagaalka sokeeye, aragtidiisu ku kooban tahay reerkiisa oo keliya, aan muraadna ka lahayn maamulka dawliga ah, hadafkiisuna yahay inuuu waxun hanti ah ka xoqxoqdo meeshaas Waa mid aayan xisaabta ugu jirin horumar dhaqale iyo adeeg bulsho, isu haysta inuu sharciga sareeyo, waayo wuxuu aaminsan yahay inuu jagada ku helay, kuna haysto cududda qabiilkiisa. Qafkaas waxaa barbardhigtaa qof lagu soo xulay kartidiisa, waayo-arganimadiisa, daacadnimadiisa, hawlkarnimasiisa iyo aqoontiisa qoladuu iyo qabiilkuu rabo ha ahadee. Markaas waxaad isweydiisa, yaa danaha qabiilkaaga u roon ma midka magaca qabiilkaaga ku qaraabanya oo aan waxba kuugu ooleyn, mise midka aqoonta leh oo curin kara fikrado iyo qorshayaal wax loogu qabanayo bulshada oo qabiilkaagu ka mid yahay. Dabcan midkan dambe ayaa dan iyo faa’iido ugu jirta qabiilkaaga.

Haddaan mitaal kale soo qaadanno, waxaan aragnaa in mar kasta oo la dhisayo dawlad hoose, in qabiil ama jilib uu ku dhago mansabka Duqa magaalada, iyagoo ku andacoonaya inay u badan yihiin deegaanka inkastoo aan Soomaalida la tirakoobin. Sidaan ka warqabno, magaalooyinka waaweeyn ee Soomaaliya waa kuwo dhibaatoyin farabadani ay hadda la soo darseen. Waa magaalooyin si qaabdarro ah oo isku-raran ah u ballaaraty, aan lahayn adeeg bulsho, ay ka jiraan gaajo iyo shaqo la’aan, ay mar kasta ka dillaacaan cudurada faafa, aan lahayn waddooyin gawaaridu maraan iyo hab qashinka looga guro oo weliba ammaakoodu halis ku jiro. Caqliga saliimka ahi wuxuu ku talin lahaa in magaalada noocaas oo kale loo doorta Duq-magaalo oo lagu soo xulay waayo-aragnimadiisa, kartidiisa, akhlaaqdiisa, farsamadiisa, iyo aqoontiisa xagga maamulka iyo jaangooynta magaalooyinka, cidduu iyo qoladuu rabo ha noqdee. Taasi ma dhacdee, waxaa la magacaabaa ama is-magacaaba qabqable magac qabiil ku duulaya oo aan cidna u abaayaleeyn. Markaas waxaad isweeydiinaysaa, qabiilkaan deegaanka sheeganyey ma dhisayeen magaaladooda mise waa duminayeen.
Maya, qabyaaladdu dan uma aha qabiilka
Horey waxaan u niri danta qabiilka waxaa cabbir u ah waxqabad ku aadan mashaariic horumarineed oo nolosha bulshada bila sida dugsiyo, cisbitaalo, ceelal dadka iyo xooluhu ka cabbaan, fursado shaqo, guriyeyn, warshadeyn, xorriyad, ammaan iyo xasilooni. Hawshaas qofkii wax kaaga qaban kara ayaa kula tol ah oo kuu dan ah qoladuu rabo ha ahaade xitaa ajnabi. Dhanka kale, qofkii aan ceel ku qodayn, oo dugsi kuu dhisayn, oo isbitaal ku fureyn oo ammaan aan kuu sugeyn, kaas ayaa shisheeye kuu ah oo danaha qabiilkaaga ka soo horjeeda waloow aad magac wadaagtaan.

Waxaa la yaab leh, dadku markay maareeynayaan danahooda gaarka ah waa xisaabtamaan. Qofna ma oggola inuu dukaankiisa u dhiibto qof ay isku reer yihiin oo tuuga ah illeyn waa xadayaaye, qofna ma oggola inuu raaco baabuur uu wado ina adeerkiis oo aan weligiis darawalnimo baran, illeyn shilbuu galinayaaye, qofna ma oggola inuu walaakiis oo aan takhtar ahayn yiraahdo i qal illeyn waa dilayaaye. Waa yaabe, maxaa sidaas oo kale loogu xisaabtami waayey markii arrintu taagan tahay danta guud iyo maamulka dawliga ah.

Gabagabadii, ujeedada maqaalkaani ma ahayn inaa kaga faaloodo dhibaatooyinka faraha badan ee qabyaaladdu keento oo waxaa hadal dhammeeyey Allaha u naxariiste abwaan Abdullaahi Sultaan Timacadde markuu yiri: “Dugsi ma leh qabyaladi waxay dumis mooyaane”. Ujeedadaydu waxay ahayd oo keliya baraarujin in haddii jagooyinka dawladda lagu qaybiyo hab qabyaaladeed oo aan la firin mudnaan (merit) waxaa halkaas ku dulman waa qabiilkaaga iyo bulshdoo idilba oo aan helayn daryeelkay mudnaayeen. Ma magac qabiil oo lagugu dulleysto ayaad rabtaa mise maamul toosan lagugu daryeelo.

W.Q. Mohamed Dalmar

Nabad diidku waa dawlad diid!!

Nabadda waxaa diidan inta ka cabsanaysa dowladnimada oo aan rabin cadaaladda iyo sinaanta muwaadiniinta, sadbusina dhaqan ka dhigatay. Waxaa diidan inta aan rajo ka lahayn in la soo doorto oo “xoog” inay wax ku xukunto rabta. Waxaa kale oo diidan wax magarato qoryo loo dhiibay oo loo adeegsanayo burburinta qaranimada iyo diinta!

Sida la ogyahay Jabhadihii lagu soo sameeyay, laguna soo howlgeliyay iney dumiyaan dowaldii Somaaliyeed waxey u adeegayeen istrateejiyada dowladda Itoobiya oo sheegtay iney hore u qorsheysay burburinta iyo kale qaybinta Soomaaliya. fadlan si fiican u aqri websitka

http://www.mfa.gov.et/Foreign_Policy_And_Relation/Relations_With_Horn_Africa_Somalia.php. Fikirka Jabhadaha waxaa sal ka ah qabyallad hubaysan oo aan laga xishooneyn. Waxa kale oo sidaas oo kale u dhaqmay dowladii qaranka oo la mooday inay isku badashay goob ay leeyihiin beello gaar ah. Qabyaalladii laga xishoon jiray ilkaheedii ayaa banaanka la soo dhigay. Sheekadii habeenka ayaa maallintii isku bedashay. Waxaa fikirkeeni ka badin waayay “yaa tolaheey! waa wareey!!” oo ay aqrinayaan Jeneraallo iyo doktooro loo soo carbiyay dowladnimada iyo qaranimada. Weli waa joogaan kuwa firkiikaas uraya (qurunka ah) kasii wada dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Dawladii Soomaaliyeed iyo qaranimadeenii waa la jajabsaday, waxaana boqol sanno ka badan wixii Soomaaliya lahayd loo beec geeyay sayladaha caalamka. Ruuxii aan tol laheynow ba’a! Sidaas ayaa xaalka la gaarsiiyay. Soomaaligii aan ka dhalan reer hubeysan, ruuxii Soomaali noqday oo beel aan shaqo ku darsan, ruuxii Alle ka cabsi u gaysay inuu fitnada ka fogaado, waxay noqdeen dhibanayaal (victims), waxaana laga dhigtay la haystayaal (hostages).


Muddo dabadeed, Soomaalidii waa kala qaxday, reerba meel ayuu ku ururay, ugu dambeyntii, safarkii qixitaanka meel ayaa lagu furay. Intii dibadda u firxatay waxay kaalmeysay intii gudaha ku go’doontay. Waxaa bilaabatay marxalad cusub oo wajiga biyo la marsaday, dibna loo tashaday. Meelo badan waxaa laga sameeyay nabad iyo maamuul, meelo kalena weli waa la caaboonyahay (lama daalin) oo waa dagaal ujoog. Hadaba, waxaa iswaydiin u baahan maxaa goboladda qaar nabad uga dhacday, kuwa kalena nabad looga keeni waayay?

Waxaa nabad laga waayay intii Jabhadda USC sheegatay inay ka taliso iyo intii ay luga fidsatay. Waxay ka bilaabataa koonfurta Gaalkacyo waxayna ku luga fidsataa ilaa Raas kambooni, waa inta sanadahaan loo bixiyay koonfurta Somaaliya. Waa Soomaaliya inteeda kale marka laga reebo Puntland iyo Somaliland. Hadaba waa maxaa jinka halkaan degay iyo kheyrka meelaha kale laga helay? Ma reeraha degan ayaa kala fiican? Max wax kale ayaa jira? Ma rabo inaan ku meereysto sheekooyinka ah waxaa ku taalla caasimadda, khayraad badan ayaa la isku haystaa (resources) iyo waxyaabaha la dhihi karo waa cudur-daar (apologetic). Dhabtii, waxa la dhihi karaa arinku shacbi ma aha oo shacbi kasta nabad iyo nolol waa rabaa. Laakiin, waxaa halkaas ku tallo xumaystay, jin la yihaado (USC) oo shaqo ka dhigtay: ihorkici maysid, ku horkici maayo, kala hari-mayno! Sow ha la isbar-bar yaaco ma aha!! Hadaba sidaas dowlad ma ku imaaneysaa? Gobolladda kale ee dalku waxay ka xoroobeen Jabhadihii, Soomaaliland waxay dhisantay markii Jabhadda SNM meesha laga saaray oo talada loo dhiibay Guurtida. Puntland waxay hagaagtay markii SSDF meesha laga saaray oo hawsha Issamada lagu wareejiyay. Labadaas meelood waxaa loo noqday dhaqankii si nabad loo keeno, maamulna loo bilaabo.

Magaalada Xamar iyo inta la xiriirta, Jabhadihii ayaa qurunsaday. Jabhadahaasu waa kale adkaan waayeen, ayagana waa laga adkaan waayay! Maxaa yeelay waxaa kobcinaayay oo gacan buuxda siinayay bulshada caalamka (international community) iyo dawladii soo barbaarisay–Itoobiya. Waxaa loo diidday aqoonyahaanada Somaaliyeed muddo 10 sano ka badan wax talo ah in laga dhagaysto. Dalkii waxaa gacanta loo galiyay madaxda Jabhadaha, inta kalena waxaa lagu yiri ku daba fayla jabhada reerkiina. Waxaa Jabhadaha loo dhigay karbedka casaanka ah (red carpet), waxaa lagu yiri waxaad tihiin hogaamiyeyaal siyaasadeed, waxaa loo qabtay shirar aan kale go’laheyn, waxaa laga saxiixay in ka badan 12 heshiis. Haseyeeshee, waxba kama soo naaso cadaan!! Maxaa yeelay, shirarkaasu waxay ahaayeen maaweello ee dhabba ma ahayn!!! Waxay ahaayeen jilid la rabay in Somaaliya lagu dilo, laguna qaybiyo, laakiin waa dhiman la’dahay oo Ilaahey sida ma qadarin. Khayr badan oo aan umuuqan ajnabiga ayaa ku kaydsan, waxaana lala yaabay horumarka ay ka gaareen ganacsiga, tacliinta, bulshada Rayidka ah, isgaarsiinta iwm. Jabhaduhu waxay ahaayeen been la dhoodhoobay. Kuma dhisnayn beel oo dhaqanka beeshaas lagu xisaabin karo, kamana talinayn madaxda runta ah ee beeshu. Jabhaduhu ma ahayn xisbi siyaasi ah oo laga noqon karo xubin oo dadkeedu tirsanyahay, lehna nidaam ay ku wada shaqeeyaan. Jabhaduhu waxay ahaayeen wiiro-wiiro, horjooge maleeshiyeed dadka booba, kana cabsan dhiig daadinta, madaxoodana ayan ku jirin qaranimo iyo dan guud. Meeshii laga waayo ayaa maamul samaysay, meeshii ay joogaan balaayo ayaa fadhiisatay.

Wax lagu magacaabi karo shir Soomaaliyeed oo heer qaran, wuxuu la bilowday Shirkii Carta ee Jabuuti lagu qabtay 2000, asiguna ceebo badan waa lahaa. Laakiin, waxaa la dhihi karaa wuxuu Soomaaliya u gudbiyay marxalad cusub oo waxaa laga gudbay Jahbadaha, la dhiiri galiyay bulshda rayidka ah, dowlad qaran oo la ictirafay ayaa lagu dhisay. Laakiin nidaamkii Carta lagu dhisay waa la wiiqay, kuwii madaxda ka noqdayna waa iswiiqeen. Itoobiya iyo Maraykanka ayaa sal u ahaa wiiqidda, Jabhadaha ayaa loo adeegsaday. Nasiib daro, waxay ku soo beegantay 9/11 iyo wayrixii iyo caradii Maraykanka iyo bilowgii la dagaalanka argagixisada. Waxaa mar kale soo xoogastay Jabhadihii iyo Itoobiya, waa tii la qabtay shirkii Kenya (2002-2004), waxaa ka soo baxay nidaam xukun oo laga min-guuriyay kii Carte, laakiin madaxda Jabhaduhu hor boodayaan. Waxaa lagu go’aamiyay in Jabhaduhu soo xulaan xubnaha baarlamaanka!! Nin xoog leh xaajo u tuuday! Nin la rabaa reyn badana anba reedda waa ka rogee!! Oo micnaheedu yahay (fiicanaa nin la rabo aniguba waan agtaagnaaye). Sida la wada ogyahay, xaalka dowaldii lagu soo dhisay Kenya waxaa lagu sifayn karaa: khilaaf aan istaagayn; dagaal aan dhamaanayn; shaqo dawlo oo aan la qabanayn; xoollaha oo la iska boobayo; baarlamaan iska cayaaraya oo maalinba ku boodaya mid ka mid ah madaxda dowladda, kana siib kana saar kaliya ka shaqeeya; madaxwayne iyo ra’isulwasaare khilaaf u joog ah oo haddii ay isqabtaan, Itoobiya heshiisiin u aadaya; Walle waa wax lala yaabo!!

Waxaa intaas la jira, imaanshihii midowga maxkamadaha, kacaankii dadwaynaha iyo jabhadii cusbayd ee lagu dhawaaqay oo culumadu hogaaminaysay. Hiilladii dadwaynaha oo lagu bixiyay Jabhadihii, sooma kordhin dhismo maamul iyo nidaaan xukun hawl-gal ah. Xukunku aqoon ayuu rabaa, dadka oo laga qayb galiyo ayuu rabaa, inaan xoog lagu qaadan ayuu rabaa. Hasa yeeshee, wixii dhacay ka sheekayn uma baahna, nabadii waa tii la diiday, dagaal ayaa jilibka loo laabay, Jabkii la ogaa ayaa ka dhacay, yaa ka ma’suul ah la isma weydiin. Sidii Jabhadihii oo kale, xisaabtan lama ogola, hore ha loo socdo waaye taladu. Waxaa si khaldan loo adeegsaday Islaamka, wadaninimada iyo qabiilka si wada jir ah ama kala jir ah, waxaana la adeegsanayay war baahinta si heer sare ah oo lagu marin habaabin karo dadka.

Waxaa dib loo abaabulay Jabhadii la magac baxday “dib-xureynta Somaliya” oo lagu asaasay Asmara. Waxaa Somaaliya mar kale gashay af libaax. Faragelintii Itoobiya waxaa ku soo biirtay faragalinta Eriteriya. Waxaa la galay dagaal labo dowlad u dhexeeya oo “dhiigga Somaaliyeed” lagu daadinayo si raqiis ah, laguna wiiqayo dowaldnimadeeda. Dhexdeena, waxaa ka bilaabatay isgaalaysiinta iyo iscolladinta xoogagii shalay inta kale kula dagaalamay magaca Islaamka. Qaar ayaa nabadda qaatay, kuwa kalena waxay welli wadaan dagaal. Waxaa bilaabatay cabsi ah amay ku socota heerkii USC-dii hore!! Kale qaybsanaantii hore iyo dagaallo faraha looga gubto!! Heshiiskii ugu dambeeyay ee Jabuuti, wuxuu ahaa “caano daatay dabadooda la qabtaa!” wuxuu ahaa rajo cusub oo nabadeed, waxaa ubaahan dadkeyna geedaha hoostooda quban, kuwa baduhu liqayaan, kuwa xabaddu aftar dhinac uga socoto, kuwa gaajada baarka dhulka ugu haya, waxaa ubaahan badbaadinta qaranimadeyna iyo jiritaankeynna. Waxaa martigalisay dowladda DJabuti oo looga bartay wanaag iyo Soomaali jacayl. Waxaa xoog saaray madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle iyo raggisii nabadda ku caanka baxay, waxaa lagu heshiiyay in Itoobiya dalka ka baxdo, ayaduna waa aqbashay, mudaduna waa gaabantahay. Dabadeed, waxaa la damacsanyahay in la nabadoobo, doorasho xalaal ah dalka laga diyaariyo dhamaadka 2009.

Waddada la hayo waa muuqataa, waxaa soo socota waqti aan xoog wax lagu xukumayn, wadaad ayaan ahay aan wax lagu xukumayn, reer hebel ayaan wakiil u ahay aan wax lagu xukumayn, Itoobiya ayaa I wadata aan wax lagu xukumayn. Waxaa soo socota waqti aan Islaamka hoos loo fiirineyn, dadku simanyahay, shirko ku yahay diinta, dalka iyo dawaldnimada. Waxaa wax lagu xukumaa waa dadkayga ayaa I soo doortay, danta dalkayga ayaan ka shaqaynayaa, dhaqanka Islaamka ayaan kobcinaya, nabada gobolka ayaan horseedayaa iyo iskaashiga caalamiga ayaan doonayaa. Waa taas wadada Soomaaliyeed ee dawladnimada, nolosha iyo nabadu, waa taas tubta toosan ee Islaamka. Hadaba yaa diidan nabadaas? waxaa diidan inta ka cabsanaysa dowladnimada oo aan rabin cadaaladda iyo sinaanta muwaadiniinta, sadbusina dhaqan ka dhigatay. Waxaa diidan inta aan rajo ka lahayn in la soo doorto oo “xoog” inay wax ku xukunto rabta. Waxaa kale oo diidan wax magarato qoryo loo dhiibay oo loo adeegsanayo burburinta qaranimada iyo diinta!!
[1] Cabdiraxman Baadiyow waa aqoonyahaan ka mid ah madaxda Xarakada Islaax, isla markaasna madax u ah Boorka Jaamicadda Muqdisho. Waxaad kala xiriir kartaa Email:


abduraxmanba@yahoo.com

Thursday, October 30, 2008

Soomaala’ayeeey! Ciiloow ba’!!!!!!


Arar & Afeef

Cinwaanka maqaalku waa qaylodhaan aysan Soomaalidu horay u maqal. Markii dhib, dil, gardarro, mashaqo, iwm. dhacaan oo arrini heer tolnimo ama toleed joogto, ayaa “Tolla’ayeeey!” iyo wax la mid ah la yiraahdaa. Maadaama xaalka maanta taagani uu marayo heer soomaalinimo ama soomaaliyeed, ayaan inta curiyey oraahda, sidaas darteed u doortay.



Waxaa jira su’aalo hababka looga jawaabay, ay soomaalidu ku kala aragti duwan tahay: Cudurka Soomaalida haya daawo ma leeyahay, mise waa sida carsaanyowga (cancer) oo kale? Hadduu leeyahayna, malla helay mise weli waa la baadigoobayaa? Xaggeese laga raadinayaa? Armaan daawo aanaan u baahnayn raadinteeda ku rafaadnay? Marakan Soomaalidu diyaar ma u tahay inay si dhab ah dib ugu heshiiso oo cudurka haya ka biskooto? Xaggee bay tahay in dibuheshiintu ka bilaabato? Habkee ama qaabkee loogu dhaqaaqi karaa? Kuwee bay tahay in la heshiisiiyo? Kuwee ku habboon ama ay tahay inay bilaabaan dibuheshiinta? Mise weli miyirqab & cafimaadba wejiga lama siin karo? Armaa la jilifoobay oo la qolofoobay, oo laga baqayaa in daawada laftigeeda lugu le’do? Sida doorshaankuba (xaar walwaalka) ugu kogo (qonbobo) barafuunka!!!!



Waxaa dhici karta in nuxurka iyo falanqaynta maqaalku ay Somaaliweyn si dadban ama toosan u taabtaan, oo ay kabuubyada ka bi’iyaan. Hadafkaygu maahan inaan cidna (qof, qoys ama qabiil toona) wax u dhimo. Aragtideyda qof ahaaneed ee ku wajahan ibtilada nugu dhacday, kuwii sababay iyo sida looga bixi karo(biskoon karo) ayaan jecleystay inaan halkaan ku soo gudbiyo. Abbaari mayo xal siyaasaded, maamul samayn & xukun qaybsi toona!!



Maqaalku wuxuu dhammaystir u yahay kii ka horreeyay ee cinwaankiisu ahaa ‘War niman yohow Raggii meeye?’ ee soo baxay September 2007. Maadaama maqaalku dheer yahay, ayaan u habeeyey saddex qaybood (Three parts) oo wada socda. Si ruuxii aan mar wada akhrin karin, uu qayb qayb ugu hakado, kii kari karana uu hal mar u wada akhriyo. Talo ahaan, waxaa ila quman in hal mar la wada akhriyo, si falanqaynta, nuxurka iyo gunaanadka maqaalka iyo isku xirnaantooda sahal & buufis la’aan loogu fahmo.



Waxaa jirta maahmaah Shiineys ah oo leh “ Ninkii raba inuu run sheego, ha diyaarsado faras aad u dheereeya.” Anigu faras iyo baabuur toona ma lihi, baxsadna noqon mayo. Waxaan waxgaradka soomaaliyeed ka codsanayaa inay ila fahmaan “Biskoodka, wanaagga, islaaxa iyo Islaanimada” aan raadinayo. Sido kale, waxaan akhristayaasha ka codsanayaa in wixii gafaf kama’ah, haddayba soo baxaan, ay saxaan……. Ma gafe waa Illaah. Wixii ka yimaada maqaalkaan – shar iyo khayrba – aniga keliya ayaa ka mas’uul ah ee taa halla ogaado.




Gogoldhig



Daawo kastoo loogu talagalay inay cudur ama xanuun daawayso, waxay leedahay doc kayeello. Kuwaasoo marar badan keeni kara cudurro kale oo aan awal qofka hayn.



Ereyga „doc kayeello“ waa mid aan u hindisay erey qalaad oo aan mid afkeenna ah oo u dhigma aan waayay. Ereygu waa „side effects“. Waraaqaha la socda daawooyinka oo dhan, waxaa had iyo jeer ku xusan waxa qaadashada daawo ka imaan kara oo dhibaato ah. Ereyga “Doc kayeello” waxaan kala soo dhex baxay ereyada ay ka mid yihiin waxyeello ama doc-kayeer. Soomaali haddaynu nahay, waynu wada buknaa. Cid fayoobi ma jirto! Waxaynu ka kooban nahay in yaroo og inay bukto, iyo in badan oo aan ogayn inay……



1960kii illaa 1969kii waxaa la ahaa bukaan ordaya;1969kii illaa 1976kii mid xiimaya; 1977kii illaa 1979kii mid dhaawacoo dhutinaya; 1980ki illaa 1985kii mid qoryo ku socda;1986kii illaa 1988kii mid luudayoo qoryihii ka jajabeen; 1989kii illaa 1990kii mid xamaaranayoo fariiso isleh;1991kii illaa hadda waxaa la noqday bukaan suuxsan (kooma ku jira).



Soomaalida waxaa lugu tilmaamaa dad reer miyi u badan oo ad adag. Bukto, macaluul, qahar, shiddo, gaajo, abaar, iyo colaad dheeraatayba waxba kama dhimi jirin. Hasa yeeshee, 1991kii ayaa waxaa haleelay ammuur kedis ahoo aysan horay u soo arag sheekana ku maqal: Waa la wada suuxay: (Qayb sidii loo garaacayey suuxday iyo qayb siday wax u garaacayeen kuwey suuxiyeen ku kor suuxay!!!!!!!!)



Dhawr jeer oo hore baa laysku deyey, in suuxsanaanta lala tacaalo, iyadoo loo adeegsanayo daawooyin (shirar iyo wada hadallo) kala duwan. Waxaana ka dhashay in si tabaryar indhaha loo kala furo. Nasiibdarro, indho kala qaadkii waxaa laga sii qaaday qallal, taah iyo af ka abrin!!
Haddaba, Haddii kiniiniga nabadda la liqo oo la soo miyirsado, maxaa ka dhalan kara oo waxtar ama doc kayeellooyin (side effects) ah?



********************



Sida la wada og yahay, waxaa illaa hadda weli ka jira gobolka Banaadir, dhibaatooyin fara badan oo isugu jira dil, dhac, gaajo, cudur iyo barakac. Markaad raadiyaasha dhegeysatid ama telefishanada daawatid, naftu kuma siin karto inaad ku sii raagtid. Calool xumo iyo ciil baa kula soo dersaya. Carruur, haween iyo waayeel dhib iyo qahar ka muuqdaan baad arkaysaa. Amxaaro, Muqaawimo, DKMG, Amisom iyo Mooryaan iscayrsanaysa baa hadba ku dhex durduriya ama agtooda ku dagaalama!!
waxaa iyana nasoo galay amuuro halis ahoo aynu wararka adduunka ka dhegeysan jirnay: Culimmo qaarkeed legdamayo oo dibir isla raba; Ruux kaa aragti duwan ama aan kula jaal ahayn oo murtadnimo lugu shaabadeeyo; Dilal qorshaysan oo casriyeysan oo aynu awal filimada keliya ku arki jirnay!!
Dhanka kale, waxaan weli joogsan qulqulka Soomaalidu ay dibedda ugu qaxayso. Lama degaanka saxaaraha ee u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya, badda cas (Red sea) iyo tan dhexe (Mediterranean sea) ayaa si joogta ah loogu le’anayaa. Amuuraha hadda ka taagan Xamar yaa ka mas’uul ah? Ma amxaarada? Ma qoladii u yeeratay? Ma shisheeye? Ma shaydaan? Ma Jin? Mise wax kalaa jiri kara? Intaan ku dhex jiray isla hadalka iyo hammiga, ayaan hal mar waxaan dhugtay cajaladdii aan ku khilaaweynayay, waxaan arkay inay dhexda marayso. Illayn waxaan ahaa sida nin filim kala qabsaday qaybta labaad (secondo tempo) oo kale!



Intaan cajaladdii joojiyay oo gadaal u ceshay baan soo bilaabay………..



Soomaalidu weligeed waa diriri jireen, rag baa islayn jiray, xoolaa la kala dhici jiray. Haddaba maxaa Xamar ka dhacay 1991kii? Ma rag baa diriray? Mise…?



Waxaan horay loo soo arag loona maqal, oo dhaqankeenna suubban iyo islaanimada meelna kasoo gelin baa dhacay. Ka sokow, dagaaladii ragga hubaysan u dhexeeyay, waxaa dhacay Gumaad iyo Xasuuq! Cid loo aabbayeelay ma jirin. Carruur, qaarkood uurka ku jiraan; haween (ugub, xaas, hooyo, garoob, carmal, habar) iyo odayaal baa laga dhigay wax la laayay, la dhacay, la faraxumeeyay, ama la barakiciyay.



Derisnimo, saaxiibtinimo, reer abtinimo, xididnimo, soomaalinimo iyo islaanimoba dad fara badan oo aan waxba galabsan baa ku badbaadi kari waaayay oo aakhiro iyo adduun salkii loo kala diray!!!



Waxaan shaki ku jirin in jabhadihii la dirirayay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre (Allaha u naxariiste), ay isku hadaf iyo himilo ahaayeen..



Giddigood waxaa loo aasaasay inay waddanka badbaadiyaan. Haddaba, Yaa baddalay ama qaloociyay hadafkii iyo ujeeddooyinkii jabhaddii xamar soo gashay? Rag fara ku tiris ah ayaa ibtilada dhacday ka mas’uul ahaa. Raggaasi waxay godob iyo dembi adduun iyo aakhiraba u soo jiideen tolweynaha ay ka dhasheen. Waxaa horey loo yiri, “haddaad rabtid inaad dadweyne ama tolweyne kicisid ama qancisid, la hadal shucuurtooda ( u sheeg waxay jecel yihiin); ninna garaadkiisa la hadal; marwana qalbigeeda .



Dadweyne ama bulsho hadba dhinacii la rabo (shar & khayr) baa loo yaacin kara, laakiin in nin keligii la qanciyo ama la kiciyo ma sahlana.



Hadafka qoran ee jabhaddii xamar soo gashay, wuxuu ahaa inay shacabka xamar gaar ahaan iyo soomaaliweyn guudahaan, ka xoreeyaan maamulkii markaas joogay. Dastuurkii iyo ujeeddooyinkii u qornaa jabhadda iyo Xamar cadde wixii ka dhacay wax shaqo isku leh maahayn. Yaa himilooyinkii wan wanaagsanaa ee Roma lugu soo qoray 1989kii u rogay “war aynu reer hebel wada hoobinno’ iyo ‘Caasimadda annagaa iska leh!!!’?



Hadaf aan dastuurkii jabhadda ku qornayn ayaa meesha kasoo baxay: Xukuumaddii iyo shacabkii la rabay in laga badbaadiyo ayaa cagta cagta loo saaray!!! Halkaasna Waxaa shacabkii xamar u bilawday nooc cusub oo ah oroddada dhaadheer(Marathon) oo xowli iyo xiin (ama fagax dheer) ku socda.




Kooxdii Cabdi Bile loogu magac daray ee la gaari kari waayay ayaa noqotay Fagaxdii koowaad (1st long Heat).



Xamar waxaa joogay xukuumad iyo shacabweyne. Labadoodiina bannaanka ayaa laga dhigay! Haddii geelii la dhaqan lahaa uu kala noqdo mid baxsaday, mid la qashay iyo mid dugaag ku cunay halka loo yaqaan ‘Habaar waarid’ ee u dhexeysa Kismaayo iyo xudduudka Kenya…Haddee keenada, dabarka, usha, tooreyda iyo qorigu noqon mayaan GEEL!!! Sideedaba, hadduu nin rabo inuu soo dhacsado fardo ama geel laga haysto, ama kuwa uusan lahayn soo dhac is yiraahdo, caqligu siin mayo inuu giddi xabad kala daalo….




Halkaasna ay fardo/geel la’aani ku dhacdo.



Xamar waxaa isugu soo haray hoggaamiyeyaashii guulaystayaasha, qoysaskooda, ehelkooda, qaraabadooda iyo ciidamadoodii – oo isku noqday, tusaale ahaan, reer boqor(Royal family). Haddaba, reer boqor looguma talagelin inay is xukumaan, waa inay helaan dadweyne (raaciye) ama shacab ay maamulaan. Mana heli karaan. Sababtoo ah, iyagaa shacabweynihii u qaybiyay kuwa la dilay ama dibedda u cararay!!!



Waxaa laga fursan waayay in, ’Inta xamar soo gashay ay is xukumaan! Sidee ruux raba inuu taliyo, u yeeli karaa in loo taliyo? Waxaa isku dhacay intii guulaysatay! Khasaarihii ugu horreeyay wuxuu ku dhacay xamar. Magaaladii oo dhan waa burburtay.



Haddaba, tii lugu dhigay kooxdii fagaxda koowaad, mid ka daran bay isku dhigeen. Kuwoodii laga adkaaday baa noqday kooxdii fagaxda labaad (2nd long Heat). Kooxdaan 2aad, dulmigii, godobtii iyo gumaadkii ay u gaysteen kooxdii 1aad, baa iyagana loo gaystay! Xeryaha qaxootiga ee Kenya ayaa laysugu tegey, iyadoo la wada yahay dhibbanayaal(victims). Waa laga wada sii haajiray oo Yurub iyo Ameerika laysaga daba yimid. Orodku weli ma dhammaan oo haddadaan aan sadarkaan qorayo, waxaa jidka kusoo jira horin ka mid ah kooxda fagaxda 18naad (18th long Heat)!!!!!!



Magaaladii xamar waxay noqotay gobollo yaryaroo wada yaal! Xamar waxay ahayd magaala madaxdii Soomaaliya, mana jiri jirin cid si gaar ah u sheegata. Soomaali – summad kastay lahayd – oo dhan baa wada degganayd oo hanti ku lahayd.
Waxaa ayaandarro ah, in ay jiraan dad farabadan oo dalkii iyo dibeddaba ku kala nool, oo qaarkood ay jaamacado dhammeeyeen, oo weli la soo taagan, ‘Caasimadda Soomaaliya (magaalada Xamar) annagaa iska leh!!!’ Illaan ceeb looma dhinto!!!!!!!



La garay hanti gaar ahaaneed (private property) oo qofi wuu oran karaa, matalan, ‘gurigaan, beertaan, dukaankaan, baabuurkaan, xoolahaan, iwm. Anigaa iska leh’ Laakiin ‘Magaaladaan,degmadaan ama gobolkaan anigaa(annagaa) iska leh’, waa arrin runtii laga yaxyaxo. Hadalhayntii Soomaaliya inteedii kale waa dhammaatay. Waxaa isku micne (synonyme) noqday -illaa haddadaan- ereyada Mogadishu(xamar) iyo Soomaaliya. Haddii Soomaaliya laga hadlo waa Mogadishu, markii Mogadisho laga hadlana waa Soomaaliya!!!
Kooxihii hore ee orodku u dhammaaday ee qurbajoogga noqday, kama aysan dhex bixin cayaaraha, oo waxay noqdeen tababarayaal (trainers). Waxay meherad iyo caqli ka dhigteen: Qaylodhaan, sal kicin, beenabuur, dhiirrigelin, maalgelin iyo diradiro ku wajahan kooxaha weli ku sugan geeska Afrika. Hadafkoodu wuxuu noqday, inaan marnaba fagaxda iyo feerojebintu joogsan!!!!



********************
Qaybta Labaad – Part 2



In badan baa lays weydiiyay sababta xamar u degi la’ yahay. Had iyo jeer jilayaal horleh (new actors) iyo arrimo horleh baa soo baxaya. Maxaa Xamar 18ka sano weli shidaya? Amxaaradu mar dambay noo timid. Soomaalidu waxay horay u yiqiineen ama maqli jireen Sadaqa Jaariyah, waxaase 1991kii, markii ugu horreysay la bartay oo bilawday Dulmun Jaari - mid geerida qofka keddib weli socda! (Digniin: waa sarbeeb! Sidaan oraahda u qoray ulama jeedo, ee akhristoow, haygu soo boodin, adigoo ‘bisinka’ ‘bisinka’ leh ). Dulmi wayraxsanoo MIRQAANSAN oo ku shaqaynayaa nidaamka dubnaddu isugu dhacdhacdo, markii midkood la taabto (Domino effect) oo aan la joojin karin baa bilawday.



Xamar waxaa kasoo dhacay welina ka dhacaya dulmi noocyadiisa kala duwan iyo argagax farabadan oo aan ruuxna horay u saadaalin Karin.




Waa dhab in degmooyin kale oo gobollada kale ka tirsan ay arrimo naxdin lihi kasoo dheceen welina ka dhacaan iyagoo teelteel ah. waxaanse qabaa in aysan jirin wax ka daran dhaawaca iyo haaraha ka muuqda ex(ekis) Xamar Cadde. Cid iyo wax loo aabbayeelay ma jirin.




Naflay, hanti gaar ah, waddooyin, dhismayaal taariikheed, madxaf, maktabaddo, taallooyin, gaadiid, xafiisyo, isbitaallo, dugsiyo,jaamacado, dukaammo, suuqyo. Iwm. ayaa si caqliga ka baxsan loogu galgashay. Hubka noocyadiisa kala duwan baa laga adeejiyay!!! Waxaan soo xusuustay oraah uu yiri filosoof Maraykan ahaa oo la oran jiray Abraham Maslow (1908 – 1970) : “Haddii qalabka keliya ee aad haysatid uu burrus yahay, waxay dhibaato walba kuula muuqanaysaa musmaar oo kale…If the only tool you have is a hammer, you tend to see every problem as a nail”.



Xamar wuxuu noqday meesha keliya ee qof gacan ku dhiigle ahi uu si nabdoon ugu noolaan karo. Markaad u fiirsatid dilalka ka dhaca gobollada oo idil, waxaad arkaysaa in qof qof dilay oo la og yahay uusan degmadiisa ku dhex noolaan karin. Wuxuu ku khasban yahay inuu baxsado.



Haddaba, Ilaahay baa Xamar ku imtixaamay waxaan layska dhicin karin oo aan la arki karin. Daruuro biyahoodu ay yihiin:
Nabsi ururoo qamuunyeysan & Inkaar xiimaysoo hurguntay,
Habaar gagabayoo ilmeynaya & Naxdin bararsanoo buufis wadata,
Murugo caraysan oo qamaamaysa & Rooxaan noocyadeeda kala duwan baa xamar la kor dhigay!!!



Xamar caddihii Soomaalida u ahaa caasimadda,wuxuu isu badadalay guri gudcuroo qolol iyo musas badan oo nabsi iyo rooxaan kor heehaabayaan (Ghost house). Markaad wax yar u fiirsatid amuuraha ka dhacaya Xamar, waxay ku xusuusinayaan filimada naxdinta leh (horror films). Cid Alla ciddii soo gashaba waxbaa si ka noqonaya!!. Xataa hubkii yiillay baa ku wareeray! Xabbaddii la ridaba, meelaan loogu talagelin bay aaddaa ama ku habsataa, iyadoo ‘Habow’ ah !!! Ma rooxaan iyo nabsi baa shaqaynaya? Ma shiishxumaa jirta? Mise waa mirqaan xad dhaafay musaraarkiis (jidbadiis ama bururkiis)!?
Mar Alla markaad is tiraahdid,’Allaylaha haddaa wax inoo hagaagayaan’, dhinac bay ka fikanaysaa!! Xataa qoladii maxkamadaha ee kitaabka wadatay, waxbaa si ka noqday! Qaar ka mid ah xubnahooda xamar ku sugnaa, ayaa wax is tuseen (malaha rooxaantii baa taabatay!) oo is arkay iyagoo Baydhaba ku tukanaya, oo Adis abeba usii socda. Keddibna Tigree ka itaal roon baa lugu salladay!!



Waxyaalaha ku tusaya in xaalka Xamar uusan caadi ahayn, waxaa ka mid ah, barakicii ugu dambeeyay ee ugu orodka gaabnaa. Markii loo cararay duleedka Xamar (geedaha hoostooda), rag baa la yiri, waxay bilaabeen inay geedaha dadka ka ijaaraan!!! Rag kalaa, iyana la yiri, waxay dadkii u diideen inay magaalooyinka dhowdhow gaaraan, sida Afgooye, iyagoo ku leh,’war haddaad sii fogaataan, xamar dib ugu noqon maysan,oo waa la idiin dabamarayaa…Halkiinna jooga, annagaa dhaqaale iyo gargaar idiin soo direynee!!!’.
Xamar waxaa 1991kii ka bilawday dulmi ku socda nidaamka cayaaraha orodka qori isu dhiibka (Relay). Orodka laba (2) Halgame oo isku koox ah oo kala jira ayaa si cayaarxumo (unfair play) ah - Garsooraha (referee / arbitro) oo aan weli firinbiga yeerin – u bilaabay, iyadoon kooxihii (jabhadihii) kale aysan soo wada gaarin garoonka cayaaraha ((Xamar).



Orod xaraarad leh oo labadii bilaabay buska looga tegey markii dambe, baa rag badan u bilawday. Wareeg walba rag baa looga tegayey, markii kabuhu ka dhammaadaan oo caguhu dildilaacaan! Orodka dulmiga waxaa istaajiyay Maxkamadaha Islaamiga ah!

Muddo keddib, markii DKMG iyo Isbahaysigu damceen inay wada fariistaan, Isbahaysigii baa kala booday! Haddana waxaa ku xigay in DKMG ay iyaduna markeeda kala boodday!! Markii iyagiina dibedda lugu soo heshiisiiyey baa madaxdii isbahaysigu is hardiyeen oo ay meel xun ka gaadhay. Midba midka kaluu ku eedeeyay inuu xaqii iyo tubtii toosnayd ka leexday!! Ugu dambaystiina, laba(2) Caalim oo isku dariiqo ah ayaa qaabkii iyo xeeshii dibuxoreynta ku kala xanaaqay oo kala degay (Asmara & Jibuuti) !!! Wadeeca Alla!!! War yaa noo islaama??? Mar walba qolo ama qof baa dhinac u baxa ama dhex taagan, isagoon tanaasul oggolayn oo kelyaha haysta!! .....Isbaara daa’imah!!!
Tiradii (2) ay ku bilaabatay 18 sano ka hor ayay ku soo noqotay, iyadoo weji kale leh….. Checkmate!!! - ‘Asmara gar leh, Jabuutina gar leh’…Reloaded!!!
Laba gabay oo uu tiriyay Cismaan Y. Keenadiid (Allaha u naxariistee) dhawr iyo afartan sano ka hor, oo aad mooddid inuu hadda ka hadlayo, baa waxaa ka mid ahaa:
Aqoonyarana Soomaali bay iil ka dhaadhicine
Arrinxumo ninkeedii intuu eedayaa badane
Asbaab ay dhigeen buu ku yimid amarka haystaaye!!!!
*****************************
Iyagaa libaaxyo isu noqon oo islaarriyiye
Midba inuu walaalkii legduu leebyaduu tumane!!!
In laftood jabaysiyo ma oga le’ashadoodaase!!!
Intaas keddib, waxaa isweydiin mudan, sidee buu ahaa xaalka iyo xiriirka ka dhexeeyay beelaha (qabiilooyinka) soomaaliyeed, ka hor intaan xornimadu imaan?
Soomaalida waxaa lugu tilmaamaa dad 90% reer miyi ah. Waxaa ka dhexeeya isir, af, diin iyo dhaqan isku mid ah. Duullaamadii iyo dagaaladii ka dhex dhici jiray, waxay inta badan ka dhalan jireen Ceel (biyo) iyo Caws (daaq). Waxaa had iyo jeer isku dhici jiray beelaha deriska ah. (Dhirtu siday isu xigtay isu xoqdaa). Wax kastoo beelaha ka dhex dhacana, rag baa ka arrimin jiray, oo geed hoostiis iyo gogol baa lugu kala gar iyo mag qaadan jiray. Taariikhda inta aan ka ogahay, luguma hayo, beelweyn si wadajir ah ugu duushay mid kale, iyadoo rabta inay wada tirtirto! Ma jirin colaad soo jireen ah oo ka dhexeysay afarta beelweyn ee soomaalida.
Beelaha Deelka iyo Ha’du, waa laba beelood oo aan isku degaan ahayn. Badankoodna isma dhex dego, ismana yaqaanaan!
Intooda yar ee ee cirbahoodu is xigaan (Jiinka & Qaafka) baa is yaqaan. Taariikhda luguma hayo (tusaale ahaan), meel iyo goor ay ‘Ariboowe’ iyo ‘Arreey’ isku dheceen!!! Taariikh aan jirin baa inta laga been abuurtay, lugu awr kacsaday. Muddo keddibna, dad aan badnayn baa been abuurkii fahmay, iyagoo leh ‘waa nala khalday ( nala ajaray)!.
Si xun u isticmaalka taariikhda (misuse of history) horaan ugaga soo hadlay maqaalkii ahaa ‘Awr ku kacsi), waxaa noocyadeeda ka mid ah: dhacdooyin dhab ah oo la inkiro(denial); laga been-abuuro (falsification); layska laalaadiyo dhacdo gaar ah (fixation on a particular event); aan la sheegin (omission); aan aqoon loo lahayn (ignorance); loo dhiig-miirto ujeedooyin banaanka ka ah dartood (exploitation for extraneous purposes); iwm.
Waxaa la yiri,Qabyaaladdu (tribalism) waa sida geed weyn oo kale. Qaybta ugu xoog badani (xididdada) waa u qarsoon tahay. Xididdadu(roots) waxay ku dhex jiraan ciidda(shacabka). Waana halka ay ka nafaqo iyo shidaal qaataan! Iyagaa ciidda ku nool ee ciiddu uma baahna. Haddii la faago(qodo) oo xididdada bannaanka lasoo dhigo, geedku (qabyaaladdu) wuu dhimanayaa.
Haddii kalase, intuu koro oo sii ballaarto, ayuu yeelanayaa laamo ad adag iyo caleemo fara badan. Hadba markii laan laga jebiyo ama caleen ka dhacdo, kuwo kale (qabqableyaal horleh) ayaa u soo baxaya. Sababtoo ah ciiddaa (shacabka) nafaqo iyo shidaal mar walba diyaar ula ah.
Waxaynu nahay ummad 95% maskaxda iyo garaadka laga haysto, oo aan xor u ahayn, xataa ku dhaqanka Diinta aynu wada sheeganayno! Ayaandarrada na haysatana, waa qolooyinka na haysta oo aan ahayn kuwo dagaal iyo wax iska caabin laysaga xoreyn karo. Qolooyinku waa dad beri hore jiri jiray oo reer aakhiraad (Ahlu qubuur) noqday, (Alyacni Odayaasha iyo Habraha lugu abtirsado). Waa dad aadan waxtar iyo waxyeello toona gaarsiin karin, iyaguna waxba ku tari karin. Haddii ragga ku adeegta ahlu qubuurta iyo beelahoodu xisaabtami lahaayeen, wax badan baa isfurfuri lahaa:
- War aan codka ku siinnee ama aan kuu dagaallannee,maxaad beesha u haysaa?
- Maxaad beesha uga qabanaysaa arrimaha waxbarashada, caafimaadka, nabadgel-
yada, garsoorka, siyaasadda iyo adeegga bulshada?
- Hadafkaadu ma wuxuu ku kooban yahay beesheenna mise gobolkeenna mise soomaaliweyn oo dhan?
- Aragtidaada hoggaamiyenimo, ma waxay ku wajahan tahay annagoo dhan (tus. reer Lugyahan iyo Misigyahan) mise reer Kubyahan oo keliya baad madax u tahay?
Ragga ku qaraabta ahlu qubuurta wax dan iyo maslaxa ah uma hayaan beelahooda. Beeli waa jaranjaro ay danahooda ku gaaraan oo keliya. Faa’idada iyo mirqaanka keliya ee ay xubnaha beeli haystaan waa: ‘Nin annaga ah baa halkaas ka taliya ama xafiiskeer fadhiya ama ciidankaan wata!!!’ iwm.
Arrinta Ahlu Qubuurta waxaa in badan ka hadlay wadaaddada samankaan ugu firfircoon ee Salafiyiinta. Illaa xadna way ku guulaysteen inay caamada ka dhaadhiciyaan, in Ahlu qubuurta (tus. awliyo, culimo iwm.) oo la baryaa ay dembi tahay. Waxayse ka leexdeen, illoobeen amaba ku dhici kari waayeen inay si toos ah oo aan gabasho lahayn uga hadlaan, farta ku fiiqaan oo magacaabaan Odayaasha iyo Habraha iyo weliba geedaha iyo bahaladda lugu abtirsado!!!
Mise waa gartoodoo laftigoodaba waa lugu dheggan yahay!! Mise ‘Litacaarafuu’ bay si kale u fahmeen, waa iyagaa maxkamadihii islaamiga ku dhisay nidaamka Ahlu qubuurtee???
***********************************************************************

Qaybta saddexaad – Part 3

Sidee dib-u-heshiin dhab ah lugu gaari karaa?

Intaas haddaan uga gudbo quusidda, kor sabbaynta iyo iftiiminta Aafada ina wada haysata ee 1991kii soo bilaabatay, waxaan maqaalka ku soo gunaanadayaa, sida ay ila tahay, ee looga bixi karo.
Marka hore, ereyga ‚Dib u heshiin – Reconciliation’ wuxuu muujinayaa dad ama beelo, horey heshiis u ahaa, oo colaad dhexmartay, haddana raba/ la rabo inay dib u heeshiiyaan. Arrinta Soomaaliya kasoo dhacday, gaarahaan Caasimadda, maahan mid soomaalida u gaar ah. Waddammo kale bay saman hore, mid dhexe iyo samankaanba kasoo dhacday. Waxaana looga gudbay qaab nabadeed iyo iscafin (marka qolada dulmiga gashay ay qirato) ama qaab xisaabtan iyo maxkamado, iyadoo la adeegsanayo habka ah “Who did what to whom when“ oo macnaheedu yahay „Kee baa ku kale markaas wax yeelay’. (tus, Ruanda).Waxaa la sameeyaa baaritaanno, lana keenaa markhaatiyo iyo dhibbanayaasha (victims) weli nool.
Waxaan filayaa in qaabka hore ee nabadeed uu Soomaalida la gudboon yahay.
Si dibu heshiin loo gaaro, waxaa lagama maarmaan ah in kiniiniga Nabadda (Qursun) la wada liqo – Waa haddii muslinimadu ay dhab naga tahay. Kiniiniga Nabaddu (Quraanka & Sunnada) waa daawada keliya ee markii la liqo, durbadiiba qofka soomaaliyeed uu dareemi karo culayska (ahlu qubuurta) uu xanbaarsan yahay. Dadka qaar qaac isku qarinaya ama dana kale leh baa qaba ama ku sheekeeya in arrimaha aan ka hadlayo, ay yihiin kuwo laga soo gudbay. Haddii arrimo soo dhacay mar hore aan weli laga hadlin, sabab kasta ha lahaatee, macnuhu maahan in laga soo gudbay.
Runtu waxay tahay inaan weli la biskoon. Belo iyo baas aan ahayn cudurka qabyaaladda nama hayaan! Markaad arrimaha soomaalida si fiican ugu fiirsatid, waxaa kuu soo baxaya, in wanaaggeenii iyo dadnimadeenii oo dhammi ay qabyaaladdu naafo ka dhigtay. Dhinac iyo koox walboo aad fiirisidba iyadaa hor taagan, ku dhexjirta, daba taagan ama gees cararaysa: Kooxo kala jira oo dowlad tabaryar cayrsanaya iyo kuwa la cayrsanayo oo xubnahoodu jillaafo isu dhigayo ama is turaantureynayo si qaarkood ay kooxuhu usoo gaaraan. Soomaali kasta wuxuu Safiir (Ambassador) iyo Afhayeen (Speaker) u yahay ugu yaraan 20 Ahlu qubuur ah!!! Kulan ama shir kastay yeeshaan waxay uga qayb galaan heer Safiirnimo! Safiirna go’aan iskama gaari karo haddaan dawladiisu amar siin. Soomaaligu wuxuu go’aan gaaraa isagoon amar ka helin Ahlu qubuurta – maba ka heli karee!, laakiinse aaminsan inuu wax weyn u tarayo reer Aakhiraadka!!!
Ma jiro Soomali aan daawadaan haysan: Qaar ay guryaha u taal; qaar ay jeebabka ugu jirto; qaar ay dhegaha ugu jirto; qaar gacmaha ku haysta; iyo qaar ay carrabyada u saran tahay – laakiin aan ku dhici karin inay liqaan! Hadday liqaan waxay ka takoormayaan beelahooda – Horaa loo yiri ‘Fiqi bahdii kama janna tago’. Qoladaan dambe dadweynaha ayay baraan ugana sheekeeyaan waxtarka, macaanka, khushuuca, taqwada iyo khayrka uu Kiniiniga Nabaddu leeyahay!!! Intaasiba waa naruuro. Waa Alle mahadii. Waxaa keliya oo noo haray inaan Raganimo iska raadinno oo aan Kiniiniga Nabadda wada liqno!! Haysashadiisa keliya waxba na tari mayso, haddaynaan gaarsiin qaybta dheefshiidka (digestive system). Jeerkaas keliya ayaa jirka, qalbiga, dareenka, garaadka, caqliga, aqoonta, diinta iyo akhlaaqda Soomaaligu uu isbeddel ku dhici karaa.
Waa nasiib badan yahay ruux, inta godob iyo dulmi ummadd kasoo galay mar hore weli nool. Wuxuu weli haystaa fursad uu dembigiisa ku qiran karo, cafisna ku weydiisan karo, dadkuu dembi kasoo galay iyo Allihii abuurtayba. Dembigaad Eebbe keliya ka gashid, Alle wuu kaa cafin karaa. Kaad dad ka gashidse, xisaabtiisu irridda aakhiray kugu sugaysaa.
Waxay iila ekaatay in daawa qaadashada iyo dib u heshiintu ay ka bilaabato halkii ay dulmiga iyo aafadu ka bilawdeen 1991kii, oo ah caasimadda Xamar. Intaan arrinta lugu dhaqaaqin, waa in :
Xabbadjoojin (ugu yaraan 3 bilood ah) laga helo muqaawamada, DKMG, Amisom, Amxaarada, Mooryaanta
Taleefan joojin laga helo warxungeeyada qurbajoogga
Keddibna lugu dhaqaaqo furitaanka wejiga koowaad.
I – Wejiga Koowaad

Shirweyne (Gogol) ay isugu wada yimaadaan Isimada dhabta ah ee dhaxalka u leh (Abtiris ahaan - genealogical) ee beelweynta Ha’da, oo ay wheliyaan waxgaradkooda iyo culimadooda oo keliya. Inaan loo yeerin qolooyinka ku qaraabta magaca beesha, sida nabadoon, oday beeled, afhayeen iyo kuwa siyaasadda hor booda.
Qodobbada gogoshuna ay ka mid noqdaan ,Matalan(tus.):
- Toos uga hadlid, falanqayn, ka garnaqsi wixii kala gaaray beelweynta wixii ka dambeeyay 1991kii.
- Dib u furid mas’aladdii hore ee la xallin kari waayay ee’ Hebel gar leh, hebelna gar leh’, si garsoor iyo go’aan looga gaaro, loogana gudbo – Illayn gari laba nin kama wada qoslisee.
- Magaca Ha’du wuxuu noqday kan keliya ee weli laga maqlo warbaahinta noocyadeeda kala duwan. Rag aan badnayn baa magacii, sharaftii, aqoontii, diintii, dhaqankii beelweynta oo dhan ‘Isbaaro’ u dhigtay. In waxgaradka beeshu raggaas istusaan, go’aan ka gaaraan, iskana qabtaan.
- Hanti maguuranta isu celin, gar iyo mag kala qaadasho.
- Is wada cafin:Haddaan si dhab ah oon qarsi lahayn looga hadlin godobta iyo dulmigii dhacay, haddee si duuduub ah, laysuguma cafin karo, laysugumana faataxayn karo, cuqdo iyo shakina bixi mayaan.
II – Wejiga Labaad
In beelweynta Ha’da oo gacmaha is wada haysata, ay gogol u dhigaan Soomaaliweyn oo dhan, intay Xamar ku casumaan isimada, culimada & waxgaradka oo idil.
Qodobbada gogoshana waxaa ka mid noqon kara, matalan(tus.):
- In beesha Ha’du qaadato mas’uuliyadda wixii Xamar kasoo dhacay. Wixii ka dambeeyay 91kii, Xamar iyaga keliya ayaa ku sugnaa, oo sheegtay. Raggii haystay ama ku dhex diriri jireyna iyaga keliya ayay ahaayeen.
- In beeshu oggolaato inay magdhow iyo xaalmarin siiso dhibbanayaasha (victims) weli nool ee soomaaliweyn oo dhan. (Fulinta arrintaan oo dhici doonta markii batroolka dalka ceegaaga la soo saro...Eebbe idankiis)
- Gartaan oo oggolaadaan in aysan jiri karin cid ama beel si gaar ah u sheegan karta caasimadda Soomaaliya.
- In beeshu raalligelin ka bixiso, cafis rasmi ahna(official) ay weydiisato soomaaliweyn oo dhan. Keddibna la cafiyo.
- Soo celinta hantida maguuraanka ah ee soomaaliweyn (dadweyne & dowladba)
- Is cafin guud iyo mid gaareed oo laba geesood ah(bilateral) oo dhex marta Beelweynta Ha’da iyo Soomaaliweyn. Keddibna mid ah beelaha dhexdooda oo dhan.
III - Wejiga Saddexaad
Baaq(qoraal ah) oo ay wadajir u soo saaraan Isimada Beelaha soomaaliyeed oo idil.
Waxaa qodobbada baaqa ka mid noqon kara, matalan(tus.):
- In magac qabiil uu yahay oo keliya ‘Litacaarafuu’, oo aan loo adeegsan karin arrimaha garsoorka, waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada, iwm.
- Inaan maamul iyo dawlad lugu dhisi Karin qaab beeleed, iyadoo la adeegsanayo magacyada Ahlu qubuurta lugu abtirsado.
- Inaan gacan ku dhiigle ama jidgooye uusan magangelyo ka helin beeshiisa, ama degaankiisa, diyanna uusan lahayn.
- Inaan dhulka soomaaliya la kala lahayn, oo muwaadinku (somali citizen) uu meeshuu rabo oo bannaan(aan qofi gadan) uu gadan karo – guri ka dhisan karo; beer ka tabcan karo; xoolo ku dhaqan karo; ka shaqaynsan karo; ka ganacsan karo; wax ka baran karo. Iwm.
- Xaaraantimayn in muwaadin soomaaliyeed lagu yiraahdo,’ magaalo,degmo ama gobol hebel waad ku dhalataye, uma dhalan!!)
- In ruux walba uu mas’uul ka yahay falalkiisa (shar & khayrba) oo lugula xisaabtamayo.
IV – Wejiga Afraad
Markii gogosha Soomaaliweyn lasoo gabagabeeyo:
- In isimada, waxgaradka iyo culimada beelaha oo idil, oo ay weheliyaan shacabka Xamar – qaybihiisa kala duwan – ay caasimadda Xamar ka bilaabaan Quraan akhrin, magaalada & intii dhimatay u ducayn iyo Ilaah bari.
- In masaakiinta, maatada iyo danyarta loo loogo xoolo ( digaag, ari, lo’ iyo geel), ay weheliyaan kalluunka noocyadiisa kala duwan – muddo 11 maalmood ah… si shuushka, sharka iyo shaydaanku uga qaxaan Caasimadda.

Haddaba, haddii intaas oo dhan si daacad iyo Alle ka cabsi ah loo sameeyo, maxaa ka dhalan kara oo waxtar ah? Waxtarka ka imaan kara arrintaan,wuxuu Soomaali badankeed ugu muuqdaa inuu leeyahay doc ka yeellooyin (side effects).
Kiniiniga Nabaddu ma laha dhib iyo doc kayeello toona. Laakiin Soomaali fara badan ayaa qabta ama filaysa in waxtarka ka dhalan kara liqidda Kiniiniga uu Wadkood noqonayo!!!
Waxtarradaas aan wejiga la siin karin, waxaa ka mid ah:-
- Waayeelka (adults) soomaalida ayaa wada qaangaar noqon lahaa. Illaa hadda waxaa falalkooda iyo hadalkooda loo saariyaa Ahlu qubuurta.
- Qabqable siyaasadeed, gafane qurbajooje, shisheeye u kalkaale, sharwade shilin bartay,iwm. ayaa hawlgab(pension) noqon lahaa.
- Dulmiwade iyo Danayste isku qariya qabiil, gobol, aqoon sare, Diin, reer galbeed, carab, halgan, muqaawimo, siyaasad ayaa Soomaaliya ka haajiri lahaa.
- Qurbaha oo laga soo wada guuri lahaa.
- Warbaahin-beeleedyada (tribal Media) oo waayi lahaa been, diradiro, shar iyo dulmi ay sheegaan, albaabadana loo laabi lahaa.
- Amxaarada oo shaqo la’aani ku dhici lahayd, kedibna tartiib isaga bixi lahayd. Illayn fadhi uma yaallee…(Haddii Soomaali heshiisoo israacdoo isku bururtoo waddaninimo la wada mirqaanto!!!!!!!!Gaajo, cudur, jahli, abaar iyo shisheeye noocyadiisa kala duwan oo wada socdaa nama haweysan(nuguma dhici) kareen!!!!)
- Ragga ku adeegta inay yihiin afhayeennada, odayaasha iyo nabadoon beeleedyada ayaa Soomaaliweyn is tusi lahayd oo dhuuman lahaa.( Ceebay tacaal baa ka dhici lahayd ama iqariyoo iqari)
- Cid ku soo cararta jagooyinkii markii hore loo dagaalamayey ( af & addinba), sida madaxda sare ee dawladda oo la waayi lahaa. Haddii dibuheshiin dhacdo oo xaqu soo daalaco, ninna ku degdegi mayo jago ama xil lugula xisaabtamayo oo uusan wax gaar ah ka xantoobsan karin.
Ugu dambaystii, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu naga dhigo kuwii isturxaan bixiya, tashwiishkana iska saara, si dhab ahna isu cafiya una heshiiya. Xooggeenna, garaadkeenna iyo caqligeennu waxay ku xiran yihiin xubnaheenna oo dib isu wada qabsada. Waxaan waxgaradka Soomaaliyeed si kal iyo lab ah uga codsanayaa inay noqdaan kuwii farriinta maqaalka saxa, wax ka reeba, wax ku dara ama hirgeliya.
Dhammaad
Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
Hashiyosman@hotmail.com