Search This Blog

Tuesday, December 9, 2008

Xuska Cabdilaahi Qarshe

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Qormadii 5aad:Xuska Cabdilaahi Qarshe

Waa xilladdii Cabdille Raage, isaga oo Qarshe ka hadlayana wuxu yidhi:

Cabdillaahi wuxu ahaa waddani aan is-tus-tus is-yeel-yeel ahayn oo lagu tilmaami karo Timacadde oo kale, gabyaa ayaanu ahayne, labadiiba Alla ha u naxariisto e’. Waxa la yidhaahdaa: ‘Nin rooni ma raago’, waxaanu leenahay Jannadii Firdowsa Ilaahay ha ka waraabiyo.
Ummaddii uu halganka la soo galay ama uu u soo galayna samir iyo iimaan Alla ha ka siiyo. Meeshiisii oo kaleeto qof cusubi ummadda wuu ku jiraaye Alla ha naga siiyo ayaan leeyahay walaalkay. Lama soo koobi karo jacaylka uu fannaaniinta u qabay. Markii aanu Nayjeeriya aadnay oo dadku nooga soo baabi’I jiray, markii la yidhi igaarkaagii (inankaagii) ayaa dhintay, wuxu yidhi Cabdille Raage ma nool yahay. Markaa meel gooniya oo aniga iga go’day ayaa jirta, waxaan se ku samrayaa in naf waliba mowdka dhan-dhamin doonto. Waa wax anigana igu soo socda, taas ayaanan ku samrayaa gooni ahaan ayaanan u agoontoobay.”

7. Maxamuud Cabdillaahi (Singub):

Singub oo ku caan-baxay curinta heesaha iyo riwaayadaha kana tirsanaan jiray Kooxdii Waaberi ayaa is-na BBC-da wareysi ka siiyay siduu u yaqaannay Cabdillaahi Qarshe isaga oo ka soo hadlayay Toronto, waxaanu yidhi:

“Geerida Cabdillaahi Qarshe dhibaato badan ayay ku soo kordhisay ummadda. Cabdillaahi Qarshe mooyaane ma fan kalaa jiray? Waa wax uu isagu ababiyay, aasaasay ama waddada u jeexay. Nin kastaaba ha hadlee Cabdillaahi Qarshe wuxu ahaa rukun adag oo aad qaali u ah. Wuxu ahaa nin qabyaalad yar oo Soomaalinnimada jecel. Cabdillaahi Qarshe haddaan sii wado waan ku qiiroonayaa. Waxaan se aad iyo aad ugu hanbalyaynayaa sharafta uu ku dhintay Ilaahay ha u naxariisto e’. Waayo qof baa wuxu ku dhintaa sharaf-darro iyo taariikh-xumo.


Cabdillaahi Qarshe wuxu ku dhintay taariikh wanaagsan. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu jannadiisa ka waraabiyo carruurtiisana Soomaali oo dhan baa xil ka saran yahay. Wuxu ahaa ninkii Heesaha waddaniga ah ku heesi jiray ee odhan jiray: ‘Wiiloy waalidkaa ku waaninayee’, iyo ‘Xiddig yahay caddi waad na ciidamisee.’ Waad I ogaan-weydiinaysaane waad og tihiin wuxu Cabdillaahi Qarshe yahay ama qabtayba.”

8. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye):

Gaarriye oo aad wada garanaysaan oo maansayahan Soomaaliyeed ihi, markii Cabdillaahi Qarshe laga wareysanayay wuxu ku bilaabay:

“Maansadan la yidhaahdo ‘Af-kala-qaad’ saddex qof baan ku hal-qabsaday oo kala ah: Cabdi-sinimoo, Qadiija Balwo iyo Ciise Warsame, maansadan oo aan ugu talo-galay geerida naxdinta leh ee ku timid Cabdillaahi Qarshe, waxaanay ku bilaabmaysaa:

Alleylehe qod baa dhacay,
Alleylehe qar baa dumay,
Qiiq baa ka kacay Bari,
Qab-qablaa u baxay Bogox,
Maantana qasaaraha,
Cabdi iyo Qadiijaa,
Qaban waayay luxudkii,
Qoodhay iyo xeraday,
Qaflad baa inagu timid,
Waxa dhacay Af-kala-qaad,
Qaran baa goblamay shalay,”

Hadduu sidaa maansadan baroor-diiqda ah ku ballaysimay Gaarriye, wuxu ku soo af-jaray:

“Qacda yeedhay waa nabar,
Geed baa ku qolof dhacay,
Damal baa qarqoorsamay,
Jirrid ay ku qoran tahay,
Ma qallalo Gu’ iyo Deyr,
Ma qalloocdo abidkay,
Weligay ma Qaran-jabo,
Waayaha I qiimaa,
Qudha igama gooyaan,
Markay laani qaadhaba,
Mid kalaan qotomiyaa,
Nin quustaana ima geyo,”

Intaa waxa ku dhan wareysiyadii BBC-da ee maalintii Cabdillaahi Qarshe la aasayay oo ahayd 3/11/1997kii oo maalin Isniineed ahayd. Marka hore aniga oo afkiinna ku hadlaya aan mahad aan duugoobin u celiyo Cabdisalaan Hereri oo si dareen iyo kalgacalba cokan barnaamajkaa u daaddahaynayay. Hadduu maalintaa joogay oo codkiisa dareenka leh ka soo dawinayay BBC dadka u dhexeysay, maanta Atlaantigga docdiisa kale ayuu joogaa bal in uu mar kale inagu habo codkiisii dooca iyo dareenkaba lahaa. Min BBC ilaa VOA. Mar labaadka aan mahad kale u naqo Abiib Iimaan oo cajaladdan ku faro-adaygay.

Ayaan-darradu se waxay tahay in aan ilaa maanta keydka Qaranka lagu hayn cajaladdii rasmiga ahayd ee laga duubay aaskaa Cabdillaahi Qarshe oo ka mid ahaa gelbisyadii taariikhiga ahaa ee dalkan iyo dadkanba soo maray kuwii ugu mudnaa. Berigaa ma jirin SLNTV oo beryo danbe ayaa la sameeyay, laakiin ciddii duubistaa u xil-saarnayd waxa laga sugayaa in ay cajaladdaa u soo xereeyaan Qaranka oo weliba si dhakhso ah tallaabadaa u qaadaan.

(La soco…………………)
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale.


Koshin Yare
banaadirpost@gmail.com