Search This Blog

Wednesday, June 18, 2008

Tirada dadkii ku dhintay Madaafiicdii iyo dagaaladii xalay iyo shalay ka dhacay Muqdisho oo sii kordhay (Haweeno da' ah oo ka mid ah dadka dhintay).

Tirada Dadkii ku dhintay Dagaaladii iyo Madaafiicdii xooganaa ee shalay iyo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya, iyadoo dadka dhintayna ay u badan yihiin Haween qaarkood waayeelo ahaa.

Wararka laga helayo Deegaanadii shalay iyo xalay maqribkii Dagaalada ka dhaceen ayaa sheegaya in la arkayay Meydadka dad rayid ah iyo qaar saaka la aasayo, kuwaasoo si arxan daro ah ugu dhintay Madaafiicdii ay isticmaaleen Ethiopianka.

Degmada Wardhiigley oo xalay maqribkii ka dhaca mid ka mid ah Dagaaladii ugu cuslaa ee waayahan ka dhaca halkaas ayaa waxaa la sheegayaa in Madaafiic ku dhacday qeybo ka mid ah xaafadahaas ay ku naf waayeen dad gaaraya ilaa 6ruux oo afar ka mid ah ay yihiin Haween waayeelo ah.

Sidoo kale Xaafada Suuqa Xoolaha oo iyana ay ku dhaceen Madaafiic waa weyn ayaa waxaa ku dhintay ilaa 3 ruux oo mid ka mid ah ay haweeney aheyd.

Deegaanka waxar Cade ee Degmada Huriwaa waxaa gaaray saameynta dagaaladii shalay, iyadoona dad gaaraya 4 ruux oo labo isku qoys yihiin midna ay aheyd Haweeney 90-jir ah ayaa ku dhintay Madaafiic ay Ciidamada Ethiopia ka soo gameen Warshadii Baastada.

Dhimashadan ayaa ah tii ugu badneyd ee mudooyinkan ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana ay ka dambeysay Madaafiic iyo dagaalo adag lagala horyimid Ciidamada Ethiopia, taasi oo la sheegay in tiro ka mid ah Ciidamadooda lagaga dilay.

Banaabir Post.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo dhaweeyay Heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta



Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo wax yar kadib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Kenya ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id uga hadlay heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in Heshiiskaasi uu ahaa mid loo qaaday dhinaca Nabadda, uuna soo dhaweynayo, wuxuuna intaas ku daray in uu aaminsan yahay in ay heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda.

“Mucaaradka ka soo horjeeda annaga hal ayuu noo yahay, waayo Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda marka ay weerarrada ku soo qaadayaan fariisimada Dowladda waxay wataan magaca Maxkamadaha Islaamka”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo sheegay in la arki doono haddii ay jiraan fiqooyin kale oo aan kuwaas raacsaneyn.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu sheegay in magaalada Nairobi uu kulan kula soo qaaday Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in uu kula taliyay in ay dib ugu laabtaan Fariisin KMG ah ee Baarlamaanka, wuxuuna rajeeyay in ay Xildhibaannadaas ku soo noqon doonaan Magaalada Baydhabo.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in Xildhibaano badan oo uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku soo arkay Magaalada Nairobi ay Magaalada Baydhabo uga carareen amni darro ku soo korortay, taasi oo ay wax ka qaban waayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ayaa intii uu ka maqnaa magaalada Baydhabo waxaa gurigiisa weerar ku qaaday kooxo hubeysan, iyadoo weerarkaasina lagu dilay mid ka mid ah gacan-yarayaashii Guddoomiyaha Baarlamaanka...


Mohamed Bupal
mohamedbupal@gmail.com

Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka oo saaka iyo xalay lagu arkay Degmada Bu,aale

Kismaayo:-Wararka ka imaanaya magaalada Bu,aale ee xarunta gobolka J/dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay dul wareegayaan degmada Bu,aale iyo nawaaxigeeda sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Jubada Dhexe Ibraahim Aadan Faarax Nooleeye saxaafada Lokal ah .

Diyaaradahan ayaa waxaa ay dul wareegayaan gobalka J/dhexe taas oo ay cabsi ka muujiyeen dadka deegaanka iyaga oo ka baqaya in duqeyn ay geystaan diyaaradahan.

Diyaaradahan ayaa waxay si caadi ah u dul wareegaan dhamaan gobalada J/hoose iyo Jubada Dhexe iyaga oo kaalmeynaya ciidanka Nabad ilaalinta Itoobiya iyo kuwa Federalka .

Banaadir Post.
Xamar Cade.

Xubnaha Isbaheysiga ee Asmara ku sugan oo sheegeen inay weerari doonaan Sh. Shariif haduu tago Muqdisho.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo ifbaxayay warar sheegaya in Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu gaari doono magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif iyo xubno Isbaheysiga dhinaca taabacsan kamid ah ayaa iminka ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyagoo kulamo kula leh madax ka tirsan beesha caalamka kalana hadlayaan arrimaha Soomaaliya iyo heshiiskii iyaga iyo DF ku gaareen magaalada Jabuuti iyo dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Guddoomiye K/xigeenka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sakari Maxamuud Xaaji Cabdi oo ku sugan magaalada Asmara ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu tagayo dhawaan magaalada Muqdisho isla markaana seexan doono xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo uu degan yahay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Sakariye waxuu sheegay in Sheekh Shariif ay ilaalin doonaan ciidamada AMISOM ka socda gaar ahaan kuwa Uganda ee magaalada Muqdisho degan isla markaana uusan la kulmi doonin

kooxaha hubeysan ee Isbaheysiga taabacsan kana dagaalamaya gudaha magaalada Muqdisho.

"Kooxaha Isbaheysiga taabacsan Sheekh Shariif waxey u arkaan calooshiis u shaqeyste cusub oo Siyaasada Soomaaliya kusoo biiray sidaas darteed xitaa inay weeraraan ayaa laga yaabaa" ayuu yir ama u dhigey hadalka Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Ilaa hada Sheekh Shariif iyo xubnaha ay isku fikirka yihiin ma sheegin halka uu degi doono Sh. Shaiif marka uu soo gaaro Muqdisho, iyadoo la ogsoon yahay in magaalada ay ku sugan yihiin kooxo ka soo horjeeda Dowladda iyo qodobadii heshiiskii lagu gaaray Jabuuti, waxaana laga yaabaa in marka uu yimaado Sh. Shariif magaalada Muqdisho uu la kulmo carqaladeyn ay geysanayaan kooxaha ka soo horjeeda heshiiska Jabuuti oo aan aaminsaneyn in heshiis lala galo Dowladda KMG.

Si kastaba ha ahaatee, booqashada Sheekh Shariif ee Muqdisho waxey keeni doontaa fursad qaali ah oo Dowladda u soo hoyatay, iyo ogaanshaha awooda Sh. Shariif uu ku dhex leeyahay kooxaha weerarada ka fuliya Muqdisho...

Ma garan karaa Zakariye culeyska Xamar ku aadan inta uu la egyahay, Beel ahaan, qof ahaa, waa maya waa duc ka yeer ama nin la hadal loo soo dhiibey iska dhahay.


Mohamed Deeq Xaaji.