Search This Blog

Wednesday, June 18, 2008

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo dhaweeyay Heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta



Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo wax yar kadib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Kenya ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id uga hadlay heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in Heshiiskaasi uu ahaa mid loo qaaday dhinaca Nabadda, uuna soo dhaweynayo, wuxuuna intaas ku daray in uu aaminsan yahay in ay heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda.

“Mucaaradka ka soo horjeeda annaga hal ayuu noo yahay, waayo Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda marka ay weerarrada ku soo qaadayaan fariisimada Dowladda waxay wataan magaca Maxkamadaha Islaamka”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo sheegay in la arki doono haddii ay jiraan fiqooyin kale oo aan kuwaas raacsaneyn.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu sheegay in magaalada Nairobi uu kulan kula soo qaaday Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in uu kula taliyay in ay dib ugu laabtaan Fariisin KMG ah ee Baarlamaanka, wuxuuna rajeeyay in ay Xildhibaannadaas ku soo noqon doonaan Magaalada Baydhabo.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in Xildhibaano badan oo uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku soo arkay Magaalada Nairobi ay Magaalada Baydhabo uga carareen amni darro ku soo korortay, taasi oo ay wax ka qaban waayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ayaa intii uu ka maqnaa magaalada Baydhabo waxaa gurigiisa weerar ku qaaday kooxo hubeysan, iyadoo weerarkaasina lagu dilay mid ka mid ah gacan-yarayaashii Guddoomiyaha Baarlamaanka...


Mohamed Bupal
mohamedbupal@gmail.com