Search This Blog

Sunday, July 20, 2008

HASSAN DAHIR AWEYS OO DEYRIYEY SHIRKII YEMEN UGU SOO DHAMAADAY SAAXIIBADIISII HORE



Shirkii ku soo dhamaaday dalka Yemen kooxaha ay kala hogaamiyaan Garabyada Sheikh Shariif iyo Shariif Hassan oo isku garab ah, iyo wadaadka fikirka adag ee Hasaan Dahir Aweys oo isna dhankiisa u taagan, ayaa waxaa soo baxay in heshiiskaa uu garab ka heysto hal dhicin oo keli ah.

Wadaadka Ad Adag ee Hassan Dahir Aweys ayaa heshiiska yemen ku tilmaamay mid aanan nuxur badan laheyn, isla markaana sheegay in uusan heshiiskaa wax badan ka badaleyn fikirkiisa ah "halganka" uu ugu jiro fikirkiisa gaarka ah.

Wadaadkan oo inta badan ku dooda in gaalada aanan la dhaweeysan, welina laga dhigan ayaa misna ku doodaya in ciidamada Somalia imaankara ay yihiin oo keliya kuwo Muslim ah oo uu isagu kalsooni ku qabo, maadaama sida uu leeyahay wadamada xaalada Somalia daacada ka ah muslim iyo gaalabo ay yaryihiin.

Hassan Dahir Aweys oo dirsadey ergo oo raali ka yahay u badana qabiilkiisa Habar gidir gaar ahaan Ceyr iyo Saleebaan kana soo direy halka uu kusugan yahay ee magaalada Asmara ayaa sheegay in heshiiskaas nabadeed oo dhexdooda ka dhacay ay ku xiran tahay hadba mowqifka uu garabkiisu ka istaago xaalada dalka haatan ka taagan.

Shirweyne ka dhacay isla maalinkii shalay ahaa dalka Djibouti ayaa xubno gaaraya 160 qofood ay ku ansixiyeen heshiiskii Yemen, maadaama ansixintaa ay aheyd mid loo baahan yahay, si shakiga uu abuurayo Xassan Dahir meesha looga saaro.

Waxaa dadka intiisa badan ogyihiin in Xasan Daahir uusan rabin nabad ka dhalata Somalia,horey ayuuna u yiri "dagaalka ayaa dani nooga jirtaa aniga dadka i taageera,, taageera wuxuu ula jeeda qabiilkiisa, kuwaas oo la sheego inay u badan yihiin dadka degan Guryaha qaranka Soomaaliyeed, iyo kuwa dadka qaxey leeyihiin.
Banaadir Post,
Xamar cade.