Search This Blog

Friday, July 3, 2009

Yaa magacaabi kara Wasiir Dowladeed ama magacaaba

Waxaa la yaabey habeen hore festo ka dhacdey gobolka Banaadir taaso loo sameeyay 1-DA Luuliyo,waan ku farxey runtii in la xuso habeenkaas qiimaha u leh Somali,laakin waxaa la yaabey habeenkaas qiimaha leh waxaan goob joog ka ahayn Madaxda dowlada qeybaha ugu muhiimsan, sida Madaxweyne Shariif, Raiisul Wasaare Sharma,arke iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Adan madoobe, dhamaantood dibada ku maqan sababo aan muuqan, laakin dadka qaar leeyihiin amaanka Madaxtooyada oo aan fiicneyn awgiis dibada ayay wareeg ugu maqan yihiin.

Waxaa halkaas ka hadley Gobolka Banaadir iyo booliska,gar ahaan Ina Shaweeye iyo Qeydiid, laakiin waxan la yaabey waxa ay ahayd , markii aan maqley Qeydiid oo mikroofanka ku soo dhaweyeey nin oo ugu yeeray, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga waa Jaalle(Sheekh)Indhacade,waa yaab, yaa magacaabey? yaa isk leh inow magacaabo,horey looma maqal in oficiale loo magacabey ninkaas, maxey tahay sababta keentey in laga maqlo taliyaha Booliska Qeybdiid,waxaa meeshaas ka soo baxaya kala danbeyn la,aan ama isku dhexyaac ka jira xukumada Shariif hormoodka u yahay, taaso hore caado ama looga bartey in wasiiro aan dagaal shaqo ku lahayn ay dagaalo ka hadlaan.

Bal wixii xiga aan dhowrno.

Mohamed Deeq
Majaango.