Search This Blog

Thursday, October 9, 2008

Dagaalka Somalia waa mid ganacsi"


Ergayga UN-ka ee arimaha Somalia Ahmadou Ould-Abdallah ayaa daboolka ka qaaday in dagaalada ka socda Somalia ay yihiin kuwo ganacsi oo raga wada ay lacago ku helaan.

Sidoo kale Ould-Abdallah ayaa ku tilmaamay hogaamiyeyaasha Somalida inay yihiin kuwo ku guuldareysatay inay dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan, isagoo xusay inuu dhibsado qaabka ay wax u hoggaaminayaan.

"Xudunta dhibaatada ka jirta Somalia waa guuldaradii dhacday 1990-kii iyo iyadoo ay caado noqotay inaan la isku tanaasulin si xal looga gaaro dhibaatada" ayuu yiri ergayga UN-ka ee Somalia Ahmed Ould-Abdallah.

Wakiilku; wuxuu sheegay in dalal badan oo Afrikaan ah ay dagaalo ka dhaceen, balse ay xal ka gaareen colaadahaas, isagoo tusaale u soo qaatay dalalka: Muzambique, Liberia, Angola, Sierra Leone iyo Uganda.

"Dagaalka Somalia waa mid ganacsi oo ay lacago ka helaan dadka wada, taasoo ay ganacsiyo kaga sameystaan Nairobi iyo Dubai" ayuu yiri Ergayga UN-ka ee Somalia Ahmadou Ould-Abdallah.

Ergayga oo la weydiiyay sida lagu joojin karo dagaalada Somalia maadaama xalku sidaan yahay ayaa yiri: "Waxaan wadashaqeyn la wadaan qaybaha kala duwan ee Somalida iyo dalalka IGAD, si fikrado waafi aan u helo".

Shirkii Jabuuti ayuu ku tilmaamay mid gundhig u noqon kara nabad ka dhalta Somalia, isagoo carabka ku dhajiyay inuusan shirkaas fashilmi doonin; balse ay jiraan kooxo Somalia ah oo dagaalo kusoo jiray tan iyo 1995-kii.

"Somalidu cadow iskuma ahan ee waxaan jirin is-aamin, dadka qarkood ayaa doonaya in shirka Jabuuti uu fashilmo, waxayna sameynayaan khalad, waayo joojin mayno hanaanka nabada" ayuu yiri Ahmadou Ould-Abdallah.

Wakiilka oo la weydiiyay sida uu u arko shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay inay yihiin kuwo wanaagsan, oo doonaya in dalkooda nabad ay ka dhalato, wuxuuna xusay inuu la kulmay shacab badan.

Banaadir Post