Search This Blog

Sunday, June 15, 2008

Rumayso ama Rumeysan

Subax ka mid ahayd subaxyada ayaan sidii caadada ii ahayd isaga soo toosay -mar dhexdaas ahayd- Waxaan guda-galay is-diyaarintii aroornimo ee dhinacyada Nadaafadda,Dhar-xirashada iyo Af-bilowga(Quraac) isugu jirtay.

Waxaa i soo dul-istaagtay gabar aan aabbaheed ahay, oo iyadu dhammeysay waxbarashadii Dugsiga Sare,badanaana iyadu hadda qaabilsan cunno-karinta iyo la-socodka baahida raashinka ee reerka; tiro iyo taya-ahaan, dhadhan iyo dheef-ahaanba.

Waxay Gabadha oo ila hadleysaa tiri:-"Aabbo, Raashin oo dhan waa uu naga dhammaaday; Bariis,Bur, Baasto iyo Saliid intuba waa 'EBER'; Sonkor aan nus-kiilo dhamayn oo kaliya, ayaa Makhsinka ku jirta , ee maanta raadi Lacag, horana u keen loorarkii(kiishash) Raashinka ahaa ee aad noo keeni jirtay, haddii ay kuu suura-gasho".

Inkastoo aan sii qabay dareenka baahida guud ee reerka, haddana, wargelintaas Gabadha, ayaa waxay igu noqotay sidii Waran la ila dhacay oo kale, waayo,ma ayan jirin Lacag meel ii tiil; mid ii imanaysay oo soo dhoweyd iyo weliba Ruux Saaxiib ah oo aan wax ku tuhmayay, oo is-lahaa:- "ka-doono Amaah" toonna....!!.

Waxaan gabadhii ugu jawaabay:-"Waa yahay Aabbe; hadda meelna Lacag kuma ogi, laakinse xagga Suuqa ayaan u dhaadhacayaa, Ilaah ayaana jooga". Waxaanse laabta iska iri:-"Eebow, Adiga ayaan kuu soo gudbiyay Arrinkan".

Shan ilaa toban daqiiqo ka-dib, aniga oo aanan weli faraha kala bixin Quraacdii i hor-tiil, ayaa waxaa igu soo dhacay Telefoon. Waa aan qabtay oo iri:-"Halow, waa kuma..?". Waxaa la iigu jawaabay:-" Walaal,waa Xawaaladda 'Heblaayo' ee naga soo doono lacag ayaa kuu taalla e"..!!.
Si aaney xitaa nafteydu qiyaasi karayn ayaan u farxay; inkastoo ayan jirinba: Cid aan markaas wax ka filanayay(Allah ka sokow);Qof ila soo xiriiray oo aan wax uga fadhiyay iyo ruux aan sugayay midnaba.

Aniga oo isla hadlaya,oo is-weydiinaya: Qofka soo diray; meeshuu joogo; tirada Lacagta iwm, ayaan cararay oo gaaray Xawaaladdii ii soo baaqday.

Gurigeyga iyo Xafiiska xawaaladda, waxaa badanaaba loo socdaa nus-saac oo lugeys caadi ah, laakinse waxaan is-arkay 15-daqiiqo ka-dibba, aniga oo hor-taagan meeshii. Ma ogi in ay i sii qaadday Dabaysha duusha iyo in ay Duulal qarsooni i daadihinayeen..waxaanse kollayba hubaa in aanan sii raacin Baabuur.

Haddii uu Maamulka Xawaaladdu i weydiin lahaa Dalka iyo magaca Ruuxa ay Xawaaladdaydu ka timid,ma aanan garteen; waxayna arrintu noqon lahayd "Ceebey tacaal". Nasiib wanaagse,waxba la ima weydiin, oo waxaa la isaga kaaftoomay Aqoonta guud ee la ii leeyahay iyo macruufnimo;waayo,Reer-Xamar ayaa yiraahda:-"Weji is-yaqaanno xayeesi waaye".

Waxay ii dhiibeen Kuus(Qaddar) Waraaqaha Lacagaha Maraykanka ah (Doollar), iyo warqadda qaadashada, si aan iyadu u saxeexo. Waxaanse hoos u qooraansaday magaca Cidda igu soo kallahday, iga ducaysatay, oo uu Allah ii soo adeejiyay..!!

Waa saaxiib hore,mar wada-ahayn arday heer-Jaamacadeed,marna wada-shaqyan jirnay, weligiina jeclaa dabeecaddayda iyo dad la dhaqankaygaba,aadna ii xushmayn jiray.Muuqaalkiisa waxaa iigu dambaysay 22-Sano ka-hor,; wuxuu ku nool yahay dalka Maraykanka; wuu i ogaa in dalkan aan ku noolahay, uuna i dhaamo dhaqaale-ahaan;mase ii sheegin in uu wax igu soo tuuri doono; aniguna ma weydiisan Lacag iyo gargaar kale toonna, laakinse, mar aannu dhambaallo "E-mail" ahaa is-weydaarsaneynay,ayuu i weydiiyay oo kaliya telefoon la iiga soo yeeri karo, haddii deg-deg la iigu baahdo.

Reerkeygii ka cabanayay Raashin la'aanta, waxaan Saacad ka-dib ku laabtay, aniga oo u siday dhammaan Raashinkii ay u baahnaayeen oo kiishash iyo kartoonno ku cabbaysan iyo weliba Lacago kale oo ay keyd ahaan u sii heysanayaan....!!.

Diinteenna Islaamka ayaa na bareysa:- in uu Amarka Eebbe u dhaxeeyo labada Xaraf ee "Kaaf" iyo "Nuun"(Kun); Ruuxii Allah ka cabsadana uu ka arzaaqayo meel uusan waxba ka filayn...!!.Saaxiibkan ducada iga xadayna(Sida loo yiraahdo) waxaan ka sheegi doonaa shan Geed. Carabtuna waxay tiraahdaa:-"Walaalka dhabta ah,waa kan ku soo garab-istaaga oo kuu soo gurmada waqtiga ay shiddadu ku heysato…".

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy -
kalmoi@hotmail.com

Dowladda Mareykanka oo xanibtay hantida Hey’ad Kuwaitian ah oo lagu eedeeyay in ay taageerto argagixisada Soomaaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay xayirtay hantida ay leedahay hey’ad fadhigeedu yahay magaalada Kuwait city ee xarunta dalka Kuwat, taasoo lagu eedeeyay in ay teegeerto ururo argagixiso oo uu ka mid yahay Ururka Al Itaxaad ee dalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arirmaha dibadda dalka Mareykanka ayaa ku eedeeyay hey’adan in ay si dahsoon u maalgeliso kooxo argagixiso ah islamarkaana la helay cadeymo buuxa oo arrintaa ku saabsan.

Hey’adan ayay masuuliyiinteedu ku doodeen in ayan shaqo ku lahayn waxyaabaha lagu eedeynayo,ayna ka shaqeeyaan oo keliya hanti u ururinta agoonta,qodista ceelsha caafimaadka iyo arrimo kale oo sama faleed.

Laakin cadeymaha Mareykanku hayo ayaa sheegaya in heyadani barnaamijkeedu uu yahay argagixisanimo oo samafalka ay wado oo 20% ka yar ay ku dhex wado shaqo argagixisanimo oo daah looga dhigayo arimo samafaleed.Muweaadiniinta Mareykanka ayaa lagu amray in hey’adan wax xiriir wada shaqeyneed ah aanay la yeelan maadaama ay tahay argaixiso, waxaana caalamka oo dhan loo sheegay sidoo kale in la xanibo meeshii lagu arko hanti ay hey’adani leedahay,si looga hor joogsado maalgelin dheeri ah oo ay ku samyeso argagixisada mar kale.

Mohamed Bupal.
England.

Oday Daahir Aweys oo ku fashilmay kulan uu xubnaha Isbahaysiga ugu qaban lahaa Tuulada Asmara.

Waxaa la socodsiin kari waayay kulan la doonayay in looga hadlo aayaha is bahasyiga mucaaradka ee Asmara,kulankaas oo ay qaban qaabinayeen kooxda tirada yar ee Oday daahir Aweys uu Asamara kula haray.

Waxaa la socodsiin kari waayay kulan la doonayay in looga hadlo aayaha is bahasyiga mucaaradka ee Asmara,kulankaas oo ay qaban qaabinayeen kooxda tirada yar ee Oday daahir Aweys uu Asamara kula haray.Kooxda Oday Daahir ayaa qorsheyneysay in kulankan la isugu keeno dhamaanba xubnaha is bahasyiga laguna marti geliyo Tuulada Asmara,waxaana la sheegayaa in sababta kulanku u fashilmay ay tahay xubnaha ugu badan ee Jabuuti jooga oo wax lagu qoslo ku tilmaamay in kulan ay Asmara u aadaan.Waxaa sidoo kael jirta caqabad kale oo ah in ragii yaraa ee looga kala tagay Asmara ay qudhoodu meel isku sheegi waayeen markii la balamay, sidaasina uu fashilku ku yimid.“Kulanka waxaa looga tashan lahaa aayaha isbahaysiga”ayuu yiri cabdi Fitaax maxamed oo ka mida xubnaha fara ku tiriska ah ee Asmara ku go’doonsan oo lahadlay warbaahinta caalamka.

Laakin warar soo baxaya ayaa sheegaya in hadii Oday Aweys uu heli lahaa culeyska ah aqlabiyada golaha dhexe uu damacsanaa xil ka qaadis in uu ku sameeyo labada shariif ,laakin taasi ay noqotay wax la gaari kari waayay laakin lagu riyooday.Masuulkan ka tirsan Isbahysiga Asmara aa ku dooday in kulankoodu uu dhici lahaa laakin waqtigii la balamay lagu imaan kari waayay sababo uu ku sheegay duulimaadyadii oo la haleeli kari waayay,hase ahaatee waxaa uu iloobay in caalamku uu hada yahay meel duulimaadyadu aanay ciriir ahayn hadii dalku aanu ahayn dal dagaalo ka jiraan sida Soomaaliya oo kale.

Banaadir Post.

Madaxweyne Yuusuf iyo Cadde Muuse oo wada hadalo hoose ku yeelanaya magaalada Jabuuti.

Madaxweyne Yuusuf iyo Cadde Muuse oo wada hadalo hoose ku yeelanaya magaalada Jabuuti.

Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cadde Muuse Xirsi ayaa wada hadalo xasaasi ah ku leh magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti, markii uu halkaasi maanta gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed.

Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda IGAD, QM, Midowga Yurub, Beesha Caalamka iyo Dowlada Jabuuti isagoo kala hadli doona arrimaha Soomaaliya.

Saraakiisha la socota Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Yuusuf uu siin doono Cadde Muuse talooyin ku aadan sida wax looga qaban karo falalka amaan xumo ee ka taagan gobalada Puntland iyo arrimo ku saabsan shidaal qodista Puntland ay bilowday.

Sidoo kale, warar hoose ayaa sheegaya in labada Madaxweyne Jabuuti kula kulmayaan Milkiilayaasha shirkado reer Galbeed ah oo shidaal qodiska ku shaqeysta si ay ugula tashtaan qaabkii shirkadahaasi shidaal ugu qodi lahaayeen gobolada Puntland.

Magaalada Jabuuti ayaa noqotay magaalo inta badan ku shiraan kooxaha Soomaalida iyo Beesha Caalamka iyadoo laga soo cara gadista magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo hore u aheyd goobta kaliya ay inta badan isku arki jireen kooxaha Siyaasada Soomaaliya isku haya.

Banaadir Post
Mohamed Bupal
England.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay sii wadayaan dagaallada ay ku qaadayaan fariisimada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya

Afhayeenka Howlgallada Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalada ay ku qaadaaan fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in 11-kii-12-kii iyo 13kii bishan ay weerarro ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyo duleeyadeeda, “Ciidamada Maxkamadaha Islaamka waxay weerarro ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda federaalka ku leeyihiin Warshaddii Baastada ilaa garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, sidoo kalena waxay weerar ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo isbaarooyin ay u yaalleen Shiikh Cali Cabdulle, Galgalato iyo Ceel Cadde, waxayna halkaas mujaahidiinta ku dileen seddex askari, shan askari oo ay qabteen-na waa ay sii daayeen markii la wacyigeliyay”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in sababta ay weerarrada u sii wadaan ay tahay iyadoo ay Ciidamada Itoobiya degan yihiin guryihii shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay fariisimo ka sameysteen Dugsiyadii iyo Jaamacadihii Waxbarashada iyo weliba Isbitaaladdii, “inta ay Ciidamada Itoobiyaanka goobahaas ku jiraan dagaalka kama joojineyno, waan sii wadeynaa, waxaana shacabka Soomaaliyeed leenahay kala doorta in uu cadaw guryihiina heysto iyo in aad shuhaddo noqotaan”ayuu mar kale yiri C/raxiin Ciise Caddow.
Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Itoobiya uu yahay mid is-difaacid ah, wuxuuna sheegay in aysan iyagu ku duulin dalka Itoobiya, “Ninkii gurigaaga xoog ku qabsada xoog ayaa looga kiciyaa”ayuuna yiri C/raxiin Ciise Caddow.

Dagaalka ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ku qaadayaan fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horaantii todobaadkii hore ay dalka Jibouti heshiis ku wada gaareen Dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kaasi oo uu qodobadiisa ku jiray mid dhigayay in xabadda la joojiyo.


Banaadir Post
Mohamed Bupal.
England.