Search This Blog

Sunday, June 15, 2008

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay sii wadayaan dagaallada ay ku qaadayaan fariisimada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya

Afhayeenka Howlgallada Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalada ay ku qaadaaan fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in 11-kii-12-kii iyo 13kii bishan ay weerarro ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyo duleeyadeeda, “Ciidamada Maxkamadaha Islaamka waxay weerarro ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda federaalka ku leeyihiin Warshaddii Baastada ilaa garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, sidoo kalena waxay weerar ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo isbaarooyin ay u yaalleen Shiikh Cali Cabdulle, Galgalato iyo Ceel Cadde, waxayna halkaas mujaahidiinta ku dileen seddex askari, shan askari oo ay qabteen-na waa ay sii daayeen markii la wacyigeliyay”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in sababta ay weerarrada u sii wadaan ay tahay iyadoo ay Ciidamada Itoobiya degan yihiin guryihii shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay fariisimo ka sameysteen Dugsiyadii iyo Jaamacadihii Waxbarashada iyo weliba Isbitaaladdii, “inta ay Ciidamada Itoobiyaanka goobahaas ku jiraan dagaalka kama joojineyno, waan sii wadeynaa, waxaana shacabka Soomaaliyeed leenahay kala doorta in uu cadaw guryihiina heysto iyo in aad shuhaddo noqotaan”ayuu mar kale yiri C/raxiin Ciise Caddow.
Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Itoobiya uu yahay mid is-difaacid ah, wuxuuna sheegay in aysan iyagu ku duulin dalka Itoobiya, “Ninkii gurigaaga xoog ku qabsada xoog ayaa looga kiciyaa”ayuuna yiri C/raxiin Ciise Caddow.

Dagaalka ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ku qaadayaan fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horaantii todobaadkii hore ay dalka Jibouti heshiis ku wada gaareen Dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kaasi oo uu qodobadiisa ku jiray mid dhigayay in xabadda la joojiyo.


Banaadir Post
Mohamed Bupal.
England.