Search This Blog

Sunday, June 15, 2008

Rumayso ama Rumeysan

Subax ka mid ahayd subaxyada ayaan sidii caadada ii ahayd isaga soo toosay -mar dhexdaas ahayd- Waxaan guda-galay is-diyaarintii aroornimo ee dhinacyada Nadaafadda,Dhar-xirashada iyo Af-bilowga(Quraac) isugu jirtay.

Waxaa i soo dul-istaagtay gabar aan aabbaheed ahay, oo iyadu dhammeysay waxbarashadii Dugsiga Sare,badanaana iyadu hadda qaabilsan cunno-karinta iyo la-socodka baahida raashinka ee reerka; tiro iyo taya-ahaan, dhadhan iyo dheef-ahaanba.

Waxay Gabadha oo ila hadleysaa tiri:-"Aabbo, Raashin oo dhan waa uu naga dhammaaday; Bariis,Bur, Baasto iyo Saliid intuba waa 'EBER'; Sonkor aan nus-kiilo dhamayn oo kaliya, ayaa Makhsinka ku jirta , ee maanta raadi Lacag, horana u keen loorarkii(kiishash) Raashinka ahaa ee aad noo keeni jirtay, haddii ay kuu suura-gasho".

Inkastoo aan sii qabay dareenka baahida guud ee reerka, haddana, wargelintaas Gabadha, ayaa waxay igu noqotay sidii Waran la ila dhacay oo kale, waayo,ma ayan jirin Lacag meel ii tiil; mid ii imanaysay oo soo dhoweyd iyo weliba Ruux Saaxiib ah oo aan wax ku tuhmayay, oo is-lahaa:- "ka-doono Amaah" toonna....!!.

Waxaan gabadhii ugu jawaabay:-"Waa yahay Aabbe; hadda meelna Lacag kuma ogi, laakinse xagga Suuqa ayaan u dhaadhacayaa, Ilaah ayaana jooga". Waxaanse laabta iska iri:-"Eebow, Adiga ayaan kuu soo gudbiyay Arrinkan".

Shan ilaa toban daqiiqo ka-dib, aniga oo aanan weli faraha kala bixin Quraacdii i hor-tiil, ayaa waxaa igu soo dhacay Telefoon. Waa aan qabtay oo iri:-"Halow, waa kuma..?". Waxaa la iigu jawaabay:-" Walaal,waa Xawaaladda 'Heblaayo' ee naga soo doono lacag ayaa kuu taalla e"..!!.
Si aaney xitaa nafteydu qiyaasi karayn ayaan u farxay; inkastoo ayan jirinba: Cid aan markaas wax ka filanayay(Allah ka sokow);Qof ila soo xiriiray oo aan wax uga fadhiyay iyo ruux aan sugayay midnaba.

Aniga oo isla hadlaya,oo is-weydiinaya: Qofka soo diray; meeshuu joogo; tirada Lacagta iwm, ayaan cararay oo gaaray Xawaaladdii ii soo baaqday.

Gurigeyga iyo Xafiiska xawaaladda, waxaa badanaaba loo socdaa nus-saac oo lugeys caadi ah, laakinse waxaan is-arkay 15-daqiiqo ka-dibba, aniga oo hor-taagan meeshii. Ma ogi in ay i sii qaadday Dabaysha duusha iyo in ay Duulal qarsooni i daadihinayeen..waxaanse kollayba hubaa in aanan sii raacin Baabuur.

Haddii uu Maamulka Xawaaladdu i weydiin lahaa Dalka iyo magaca Ruuxa ay Xawaaladdaydu ka timid,ma aanan garteen; waxayna arrintu noqon lahayd "Ceebey tacaal". Nasiib wanaagse,waxba la ima weydiin, oo waxaa la isaga kaaftoomay Aqoonta guud ee la ii leeyahay iyo macruufnimo;waayo,Reer-Xamar ayaa yiraahda:-"Weji is-yaqaanno xayeesi waaye".

Waxay ii dhiibeen Kuus(Qaddar) Waraaqaha Lacagaha Maraykanka ah (Doollar), iyo warqadda qaadashada, si aan iyadu u saxeexo. Waxaanse hoos u qooraansaday magaca Cidda igu soo kallahday, iga ducaysatay, oo uu Allah ii soo adeejiyay..!!

Waa saaxiib hore,mar wada-ahayn arday heer-Jaamacadeed,marna wada-shaqyan jirnay, weligiina jeclaa dabeecaddayda iyo dad la dhaqankaygaba,aadna ii xushmayn jiray.Muuqaalkiisa waxaa iigu dambaysay 22-Sano ka-hor,; wuxuu ku nool yahay dalka Maraykanka; wuu i ogaa in dalkan aan ku noolahay, uuna i dhaamo dhaqaale-ahaan;mase ii sheegin in uu wax igu soo tuuri doono; aniguna ma weydiisan Lacag iyo gargaar kale toonna, laakinse, mar aannu dhambaallo "E-mail" ahaa is-weydaarsaneynay,ayuu i weydiiyay oo kaliya telefoon la iiga soo yeeri karo, haddii deg-deg la iigu baahdo.

Reerkeygii ka cabanayay Raashin la'aanta, waxaan Saacad ka-dib ku laabtay, aniga oo u siday dhammaan Raashinkii ay u baahnaayeen oo kiishash iyo kartoonno ku cabbaysan iyo weliba Lacago kale oo ay keyd ahaan u sii heysanayaan....!!.

Diinteenna Islaamka ayaa na bareysa:- in uu Amarka Eebbe u dhaxeeyo labada Xaraf ee "Kaaf" iyo "Nuun"(Kun); Ruuxii Allah ka cabsadana uu ka arzaaqayo meel uusan waxba ka filayn...!!.Saaxiibkan ducada iga xadayna(Sida loo yiraahdo) waxaan ka sheegi doonaa shan Geed. Carabtuna waxay tiraahdaa:-"Walaalka dhabta ah,waa kan ku soo garab-istaaga oo kuu soo gurmada waqtiga ay shiddadu ku heysato…".

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy -
kalmoi@hotmail.com