Search This Blog

Monday, June 16, 2008

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay Heshiiskii ay Jibouti ku wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreyn


Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xaruntooda Magaalada Muqdisho ayaa waxay taageereen heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku wada saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Shirka ay isugu yimaadeen Xubnaha Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Waxbarashada Avv. Caydiid Ilka-xanaf ayaa waxaa looga dooday heshiiskii ay labadaas dhinac ku gaareen Dalka Jibouti, waxaana dood dheer kadib ay Golaha Wasiirrada isku raaceen in ay taageeraan heshiiskaas.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon oo shirkaas ka qeybgalay ayaa wuxuu saxaafadda u sheegay in sidoo kale shirkaas Warbixinno looga dhegeystay Wasiirrada Macdanta iyo Tamarta, Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.

Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu sheegay in Xubnaha Golaha Wasiirrada ay mahadcelin ballaaran u jeediyeen Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay sheegeen in uu gacan mug leh ka geystay sidii ay miro uga soo bixi lahaayeen Wada hadalladii Jibouti, sidoo kalena wuxuu carrabka ku dhuftay in ay Xubnaha Golaha Wasiirrada mahadcelin u jeediyeen Qaramada Midoobay iyo Wakiilladii Beesha Caalamka ka socday ee wada hadalladaas goob-jooga ka ahaa.

Heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxaa qodobadiisa ugu muhiimsan ka mid ah in xabadda la joojiyo, in muddo 120 maalmood gudahood ah ay Dalka Soomaaliya uga baxaan Ciidamada Itoobiya kadib marka la keeno Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo ku filan sugidda ammaanka Soomaaliya iyo in dhinacyada heshiiska gaaray ay sameeyaan guddiyo labada dhinac ah oo ka shaqeeya meel-marinta qodobada lagu
heshiiyay.


Banaadir Post.
Bupal Yare
Xamar Cade.