Search This Blog

Monday, April 6, 2009

Magacii Abwaanada Soomaaliyed oo noqday mid ay ku qaraabtaan Labo Nin, dano gaar ahaaneedna ku fushada

Qaar ka mid ah Abwaaniinta Soomaaliyed ayaa arin fajaciso ku noqday magac lagu sheegay Gole Abwaaniin oo macno kale dadka ugu adeegta, kaasoo ay hormuud u yihiin Labo nin oo midna Gudoomiye sheegta midna Afhayeen ku hadla.

Ma ahan wax la yaab ah, in koox gaar aha ama shaqsiyaad kaleba oo dano gaar ahaaneed ama arin un u isticmaala magac urureed, ama magac kaleba oo lagu dabaqado dano gaar ah, hadii ay ahaan laheyd mid siyaasadeed.

Hadaba dhagaha dadka reer Muqdisho waxaa ku batay shaqsiyaad damac leh, oo ku qaraabta magacyo abwaaniin, kuwaasoo mar kaliya doonaya inay iska dhex arkaan masraxa siyaasada, iyagoo uga gol leh magaca ay huwan yihiin inay ku siraad koraan danahooda gaarka ah, haba ugu badnaatee magaca ay wataan ee Golaha Abwaaniinta Soomaaliyed.

Labada nin ee dhagaha dadka reerka Muqdisho ku batay ee meel walba jooga ah, waxaa lagu kala magacaabaa Abshir Nuur Faarax Bacadle iyo Cusmaan C/llaahi Guure, waa labo nin oo saaxibo ah, waxaa uu magacooda sare u soo kacay tan iyo hanaqaadkii Midowgii Maxkamadaha Islaamka, markaasoo ay taageero weyn u hayeen.

Inkastoo Labadan nin aan la xaqiri karin howlaha iyo dadaalada ay bulshada u wadaan, hadana waxaa shaki ku jirin dibin daabada u qarsoon ee ah magacan qaaliga ah ee ka turjumaya abwaaniinta Soomaaliyed, kaasoo ah kan ay ku socdaan marka ay soo hor istaagaan bulshada oo ay magacaba ku yeesheen.

Abwaanimada ma ahan shey ama wax la iska doon doono, waa maskaxiyan shaqsi ku wanaagsan hal abuurka maansada kala rogan, hadii ay ahaan laheyd inuu wax ku muujiyo ama ku cabaro hal beega waxa taagan ama waxa jira, balse abwaanadii hore waxay wax ku cabiri jireen sida xaalada u rogan tahay.

Gabayo ay tiriyaan Ragan ayaa noqday hadal heynta ugu badan ee laga hadal hayo Magaalada Muqdisho, iyadoona laga sii daayo Idaacadaha Muqdisho qaar, waxay gabayadooda ku cabaraan siyaasada jaantaa roganka, iyadoo ka muuqato hiilo iyo inay koox gaar ah ku taageerayaan, iyagoo ku doonaya inay ku gaaraan Mansab.

Mid ka mid ah Abwaanadii hore oo ka gaabsaday in la magac dhabo ayaa yiri "Bal fiiri magacii abwaaniinta soomaaliyed, waxaa iska qaatay labo nin oo marba si waxa ugu qaraabta, ama ha ahaato dano siyaasadeed ama dano kaleba", waxaa uu intaa raaciyay, magacan abwaaniinta waxaa uu noqday mid labadan nin u gaar ah oo ay dano ugu siraad korayaan, waxaana uu layaab ku tilmaamay in koox kasta ay afduubaneysa umada soomaaliyed, iyadoo wata magac gaar ah oo aan loo dhameyn, sida labadan nin ee magacan ku qaraabanaya ee umada wax uga conaya.

Abwaanimada labadan nin ma ahan mid hada soo bilaabatay, maxaa yeelay waxay markoodii hore wax ku cabiri jireen sida xaalada dalka yahay, gaar ahaan aan u soo leexdee Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle, waa Abwaan lagu sheegay inuu la jaanqaado hadba siyaasadu sida ay tahay, waxaa uu si kala gooni gooni ula soo shaqeeyay hogaamiye kooxeedydii dalka kala qo-qobay, isagoo marka nin la safan jiray, waxaan ku soo xasuustaa gabay uu tiriyay oo ahaa "KARBUUNO MUGDI WAA U KAAH, KAARAANA DADKA WAA U KEYD" gabaygan wuxuu tiriyay Abshir Bacadle, mar uu ahaa jaanta rogan oo hadba si ula jaanqaadi jiray siyaasadaha guracan ee sanadihii 90-maadkii dalka ka jiray, xilligaasoo dalka u afduubnaa hogaamiye kooxeedyo, waxaana uu gabaygan tiriyay mar uu Degmada Kaaraan u soo gabaad doontay.

Ilaa iyo hada ma jirto cid si gaar ah ugu hadashay sheegada labadan nin ee ku adan magacii abwaanada soomaaliyed, waxaase hubanti ah in aysan jiri karin cid ku dhiiran karta ka hor imaanshaha Bacadle iyo Guure marka loo eego taageerada ay ka heystaan dhinacyada ay aalaaba u xagliyaan.

Dadka reer Muqdisho ayaa is weydiinayay dadka u xushay, ama u magacaabay magacyada labadan nin ay wataan, waxay sheegaan in aysan jirin Gole abwaaniin oo loo dhan yahay, balse ay dareemi karaan inuu yahay magac ay labadaas nin ku shaqeystaan, iyadoo ay kula garab galaan Idaacado Maxali ah oo iyana dhuuni-qaatayaal ah.

C/casiis Golf
golfyare@gmail.com

Banaadir Post

Ma u jeesannaa qiblada dawladnimada?Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow) 17 Maarso 2009

Dawlad waxaan u naqaanaa, sida abwaannadu ku heeseen, iney tahay sidii hashii “maandeeq” oo inta darartay caanaheedii lagu heshiin waayay, dabadeedna inta dusheeeda lagu diriray meel aan muuqan oo aan la garaneyn laga dhaawacay. Si hadaba loo daweeyo hashaas, waxaa la garan waayay cudurka haya. Sidaas darteed, ayaa waxaa munaasab ah in la xusuusto oraahda Somaalidu ku maahmaahdo ee ah:

“Hashu maankeyga ayey qadaye ma masaarey liqday”.
Maahmaahdaan waxaa la soo xasuustaa marka la arko waxyaabo lagu wareero oo aan xalkooda la garaneyn. Sidaas oo kale waaye xaalka Somaaliya. Sedexda eray ee kala ah dib-u-heshiisiin, xukun qaybsi iyo dawladnimo ayaa Somaaliya la hadal hayay mudoo 18 sano ah. Waxaa kale oo si isdaba joog ah loo dhisaa dawlad KMG, hadana mid kale oo KMG, hadana kumeel-gaarka ku-meelgaarkiis.

Waa arin lala yaabo oo la fahmi la’yahay oo ay ku wareereen aqoonyahaanada iyo siyaasiyiinta. Haseyeeshee, sidaas ma wada aha Somaaliya, waxaa sidaas ka bedelan gobollada qaar. Dib-u-heshiisiintu waxey muddo yar ka guuleysatay Somaliland iyo Puntland, xukun qeybsi ku dhisan beelnimo wuxuu ka hirgalay labadaas meelood, waxaana shacabka labadaas maamul ujeesteen dhanka dhismaha maamul dawladeed. Dib-uheshiisyadaas waxaa lagu qabtay dalka gudihiisa, waxaa ka qeybgalay madaxda beelaha runta ah, waxaa laga adkaaday qabqablayaasha jabhadaha, waxaan talada ka qeybgalay waxgaradka deegaanadaas oo dhan. Shirarkaas waxaa ku yaraa faragelinta shishiye, waxaan sal looga dhigay dhaqanka dadka iyo heerka noloshooda.
Dhanka koofurta Somalia, waxaa meel daran mariyay qabqablayaasha jabhadaha oo kala adkaan waayay, lagana adkaan waayay. Waxaa tabar daraaday doorkii madaxda dhaqanka iyo abaabulka waxgaradka.

Qabqablayaasha jabhadaha waxaa xoojinayay, gacan saarna la lahaa hay’adaha dawliga ah oo diiday iney la falgalaan ruux aan hubeysneyn oo aan dagaal ooge aheyn. Dib-u-heshiintii Carta ee 2000 waxey bedeshay oo ay dhabarka ka jebisay istraatijiyadii loo dhigay in lagu wiiqo Somaliya. Waxey ka gudubtay qabqable dagaal, waxeyna awood buuxda siisay sacabooleyda Bulshada Rayidka ah. Shirkii Carta ka hor, waxaa miiska saarnaa dhismaha maamul beeleedyo ku saleysan fikirka “building block” oo khatar ku ahaan kara jiritaanka iyo midnimada qaranka Somaaliyeed. Shirkii Carta waxaa lagu soo dhisay dawlad qaran iyo baarlamaan lagu soo xulay 4.5 oo madaxda dhaqanku soo xuleen. Nasiib daro, mucaradada Itoobiya iyo Jabhadihii hubeysnaa, dhacdadii 9/11 iyo mashruuca la dagaalanka argagixisada iyo tabar daridda iyo talo-xumidda madaxada dawladdu waxey sababtay in la fashiliyay xukuumadaas. Waxaa lagu bedelay dawladii hore dawlad cusub oo qabqablayaasha Jabhaduhu soo xuleen, dawladda Itoobiyana gabaad u tahay. Laga soo bilaabo 2000, waxaa dalku yeeshay dawlad qaran iyo sedex madaxweyne oo labo ka mid ah xukumadooda lagu fashiliyay meel dhexe, ugu dambeystiina waxey ku waayeen jagadooda. Madaxweynihii Carta lagu soo doortay Mudane Cabdiqaasin Salaad wuxuu magacaabay sedex Ra’isul wasaare oo labadii hore ay dagaal ku kala tageen. Sedexdaas waxey kala ahaayeen Dr. Cali Khalif, Mudane Xassan Abshir Faarax iyo Mudane Moxamed Cabdi Yusuf. Sidoo kale, madaxweynihii lagu soo doortay dalka Kenya 2004 mudane Cabdullahi Yusuf wuxuu magacaabay sedex Ra’isul wasaare oo ay labadii hore dagaal ay ku kala tageen. Sedexdaas ra’isulwasaare waxey kala ahaayeen Profesor Cali Moxamed Geedi, Mudane Nur Xassan Xussein iyo Mudane Moxamed Moxamud Gacmadheere.

Waxaa intaas la jirta, in markii ugu dambeysay baarlamaankii Carta la kala jibiyay, lana kala tuuray si loo dhiso baarlamaan cusub oo ay soo xulaan qabqablayaasha dagalka. Si arinkaas loo suurageliyo, waxan xukuumadoodii ka soo horjeestay Gudoomiyihi baarlamaanka Cabdalla Derow Isaaq iyo Ra’isul wasarahi Mudane Xassan Abshir Farax. Sidaas oo kale, si loo kala tuuro xukuumadda iyo baarlamanka TFG-da waxaa la kala jebiyay Ra’isulwasaare Nuur Xassan Xussein, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynaha. Laba kooxoodba waxey isku baheysteen ka hor-imaadka madaxweynayaasha si aan waafaqsaneyn Axdiga qaranka, labada madaxweynana waxey u dhaqmeen si aan ku habooneyn madaxtinimadooda.

Waa markii sedexaad, laga soo bilaabo 2000, oo dib-u-heshiin lagu soo dhisayo dawladda qaranka Somaliyeed. Waxaa la sameeyay baarlamaan la isku karkaray oo tiradiisu gaareyso 550 xubnood iyo xukuumad sal balaaran oo sida muraayadda oo kale la iska wada arkayo. Waa barlamaan sidii lagu soo dhisay la ogyahay, sidii loo xulay la ogyahay, sidii uu udhaqmayna la ogyahay oo wax weyn oo lagu amaano aan la sheegi karin. Haseyeeshee, waa ha’yadda kaliya oo leh astaantii hay’ad qaran oo haddii taas la waayo Somaaliya ku noqoneyso reernimo, kala qeybsanaan iyo mustaqbal mugdi ah oo aan la odorosi karin. Dawladda midnimada qaran ee KMG iyo Baarlamaanka KMG, dhaliil kasta oo ay leeyihiin, ayaga ayaa bilaw u ah jiritaanka dawladda qaran ee Somaaliya. Jiritaankooda ayaa sal u ah xukuumada midnimada qaran ee dhawaan lagu soo dhisay dalka Jabuuti.

Shacbiga Somaaliyeed waxey ka soo daaleen xukumado fashilma iyo dawlad la’aan intaba. Waxey rajo weyn ka qabaan in xukumadaan ay guuleysato si muddada labada sano ah ka dib loogu gudbo marxalad cusub oo dadku soo doortaan wakiiladooda dhabta ah. Waxaa laga quudareynayaa xukumadda cusub iney soo celiso kala dambeynta iyo sharciga iyo iney dhaqan geliso dhameystirka hirgelinta Shareecada Islaamka. Haseyeeshee, waxaa jira cabsi xoog leh iyo welwel ay qabaan waxgaradka intiisa badan. Waxaa isha lagu hayaa, si joogto ahna loo eegayaa calaamadihii wax ku soo fashilmi jireen in dawladu ku socoto iyo iney ka leexatay. Waxaa laga fiirinayaa cuduradii fashilka iyo calaamadihii caafimaadka. Waxaa loo baahanyahay in si joogto ah loola dardaarmo xukumada, in si joogto ah loo xasuusiyo wadda guusha iyo wadiiqada fashilka. Taariikhda waxaa loo xusaa in casharo laga qaato, hadaba bal aan eegno waxyaabihii fashilin jiray dawladihii hore. Waxaa ugu waaweyn waxyaabaha fashilin jiray sideedda qodob ee soo socda:

1-Madax aan sharciga dhawrin: Waxa ugu horeeya ee fashiliyay xukuumadihii hore waxaa ugu muhiimsan madaxda qaranka (Madaxweynaha, Raisulwasaaraha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka) oo aan ku toosneyn ilaalinta dastuurka iyo qawaaniinta dalka iyo awood tooxsi keena khilaaf aan dhamaaneyn.

2-Hay’adaha garsoorka oo curyaansan: Hay’adaha garsoorka sida maxkamadda sare iyo maxkamadaha kale oo aan dhisneyn, awoodna laheyn. Sababtu waxey tahay inaan sharci iyo xeer midna la rabin iney shaqeyaan. Sidaas darteed, khilaafka dawladda laguma xallin karo si sharciga waafaqsan.

3-Hay’adaha maamulka hantida qaranka oo hawl-gab ah: Hay’adaha maamulka iyo ilaalinta hantida qaranka oo aan dhisneyn, danna aan laga laheyn, maadaama loo heelanyahay in la boobo hantida qaranka. Wax xisaab ah lama ogolayn, miisaaniyad lama dejinin, xisaab xir sax ah lama sameeynin.

4-Waxaa la diidday hawgelinta ciidamada qalabka sida: waxaa laga soo horjeeday in la hawlgeliyo inta ka hartay ciidamada qaranka Somaaliyeed oo welli da’a ahaan iyo caafimaad ahaan hawlgal ah. Waxaa laga door-biday maleeshiyaad beeleedyo daacad u ah madaxda dawladda.

5-Qaraaba-kiilka shaqo-siinta: Waxaa dhaqan u noqotay ruux kasta oo madax noqda inuu xafiiskiisa shaqo ka siinayo qaraabadiisa ayada oo lana garab marayo in shaqaalaha dawladda ay soo maaraan habka sharciga ah ee hay’adda shaqada iyo shaqaalaha. Waxaa la garab maray in muwaadniintu u sinaadaan shaqada.

6-Safaarado aan ku xirneyn xukuumadda: Magacaabidda safiiro aan miisaaniyad loo qoondeyn oo farabadan oo dibadeedna u tuugsi taga dawladii loo magacaabay. Safiiro aan ka amar qaadan wasaaradda arimaha dibadda oo wixii ay rabaan sameeya.
7-Mushaar ka qaadashada UNDP: Kaalmadda dibadda oo ay gacanta ku hayso hay’adda UNDP oo mushaaraadka xildhibaanadda, wasiisradda, booliska iyo shaqaalaha dawladda si toos ah u bixisa ayada oo aan soo marin hay’adaha shaqada ku leh ee dawliga ah. Sabatu waxey aheed waxaa lagu amini kari waayay xukumada iney maamulaan wax lacag ah.

8-Ku-xirnaashaha dawlada shisheeye: Madaxda dawladda oo ku kala xiraan xooggag shisheye oo markii ay iskhilaafaan lagu soo sheshiisiinayo dawladaha dariska ah, markii la rabana la isku dirayo oo khilaafkooda la kobcinayo.

Ugu dambeytii, waxyaabaha guusha keeni karaa, tawfiiqda Ilaah ka sokow, waa in madaxdu sharciga dhawrto, hay’adaha garsoorka iyo maamulka hantida qaranka dib-loo dhiso, in la hawlgeliyo ciidamada qalabka sida, in la joojiyo qaraaba-kiilka shaqo-siinta, in safaaradaha dib-loo habeeyo, inaan mushaar laga qaadan UNDP iyo in la dhawro haybadda qaranka Somaaliyeed. Sideedaas qodob haddii lagu dhaqaaqo, waxaa sameysmaya dawlad hufan oo kalsoonida dadka hesha. Qodobadaas waxey bilaw u yihiin in loo jeesto qibladda dawladnimada - qibladaas oo ah: sareynta sharciga iyo u hogaansamidda nidaamka qaranka. Muwaadiniinta Somaaliyeed waxey dareemayaan iney usiman yihiin xuquuda iyo waajibaadka, mucaaradka hubeysanna intooda badanna waxey soo raacayaan dawladda ama waxey ka baxayaan taariikhda.

Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow)

Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com

Indhacade “Qofkii Suuqa qof ku dila isagana dila, xaq kuma dilinee”.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ah madaxda sare ee garab ka mid ah Ururka Xisbul Islaam ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo sida uu sheegay aan xaq ahayn.

“Dila ninkii qof ku dhex dila suuqa, xaq kuma dilin ee dano kale ayuu ku dilaye” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde oo sheegay in dilalka ka dhacaya Muqdisho ay xaaladda uga sii dareen, isagoona ku eedeeyay kuwa falkaasi ka dambeeya inay yihiin dad fidnada kala soo dhaqaaqay dhulkooda.

“Shacabka way barakaceen, dagaal kalema uma noqdo, waxaana mujaahidiinta joogta dalka ugu baaqay inay afkaarahooda mideeyaan” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde oo dhinaca kale sheegay marka la helo afkaaro mideysan inay ku guuleysan karaan mujaahidiinta sidii ay uga tallaabsan lahaayeen hagardaamooyinka ay maleegayaan gaalada.

Iyadoo ay sii xoogeysanayaan kooxaha burcad badeeda ee ka qaraabata biyaha dalka mararka qaarna meelo ka baxsan, ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka tirsan mid ka mid ah garabyada ururka Xisbul Islaam.

Sh. Yuusuf Indha Cadde ayaa cambaareyn iyo eedeyn waxaa uu dusha uga tuuray dowladaha reer Galbeedka uu ugu horeeyo Mareykanka inay "mas'uul ka yihiin" qalalaasaha ka taagan gudaha dalka Soomaaliya, isagoona si gaar ah ugu eedeeyey "inay abuureen" kooxaha burcad badeeda, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaa meeshaa dhooban waxaa la doonayaa in dalkan lagu qabsado dalka" ayuu hadalkiisa intaasi ku sii daray isagoo ka hadlayey maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Soomaaliyda.

Mas'uulkan u hadlay garab ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa uga baaqay ummadda Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan maraakiibta shisheeye ee ku soo qul qulaya biyaha ku dhow dalka Soomaaliya, kuwaasoo uu ku tilmaamay "inay wadaan qorsheyaal u gaar ah".

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com