Search This Blog

Monday, April 6, 2009

Magacii Abwaanada Soomaaliyed oo noqday mid ay ku qaraabtaan Labo Nin, dano gaar ahaaneedna ku fushada

Qaar ka mid ah Abwaaniinta Soomaaliyed ayaa arin fajaciso ku noqday magac lagu sheegay Gole Abwaaniin oo macno kale dadka ugu adeegta, kaasoo ay hormuud u yihiin Labo nin oo midna Gudoomiye sheegta midna Afhayeen ku hadla.

Ma ahan wax la yaab ah, in koox gaar aha ama shaqsiyaad kaleba oo dano gaar ahaaneed ama arin un u isticmaala magac urureed, ama magac kaleba oo lagu dabaqado dano gaar ah, hadii ay ahaan laheyd mid siyaasadeed.

Hadaba dhagaha dadka reer Muqdisho waxaa ku batay shaqsiyaad damac leh, oo ku qaraabta magacyo abwaaniin, kuwaasoo mar kaliya doonaya inay iska dhex arkaan masraxa siyaasada, iyagoo uga gol leh magaca ay huwan yihiin inay ku siraad koraan danahooda gaarka ah, haba ugu badnaatee magaca ay wataan ee Golaha Abwaaniinta Soomaaliyed.

Labada nin ee dhagaha dadka reerka Muqdisho ku batay ee meel walba jooga ah, waxaa lagu kala magacaabaa Abshir Nuur Faarax Bacadle iyo Cusmaan C/llaahi Guure, waa labo nin oo saaxibo ah, waxaa uu magacooda sare u soo kacay tan iyo hanaqaadkii Midowgii Maxkamadaha Islaamka, markaasoo ay taageero weyn u hayeen.

Inkastoo Labadan nin aan la xaqiri karin howlaha iyo dadaalada ay bulshada u wadaan, hadana waxaa shaki ku jirin dibin daabada u qarsoon ee ah magacan qaaliga ah ee ka turjumaya abwaaniinta Soomaaliyed, kaasoo ah kan ay ku socdaan marka ay soo hor istaagaan bulshada oo ay magacaba ku yeesheen.

Abwaanimada ma ahan shey ama wax la iska doon doono, waa maskaxiyan shaqsi ku wanaagsan hal abuurka maansada kala rogan, hadii ay ahaan laheyd inuu wax ku muujiyo ama ku cabaro hal beega waxa taagan ama waxa jira, balse abwaanadii hore waxay wax ku cabiri jireen sida xaalada u rogan tahay.

Gabayo ay tiriyaan Ragan ayaa noqday hadal heynta ugu badan ee laga hadal hayo Magaalada Muqdisho, iyadoona laga sii daayo Idaacadaha Muqdisho qaar, waxay gabayadooda ku cabaraan siyaasada jaantaa roganka, iyadoo ka muuqato hiilo iyo inay koox gaar ah ku taageerayaan, iyagoo ku doonaya inay ku gaaraan Mansab.

Mid ka mid ah Abwaanadii hore oo ka gaabsaday in la magac dhabo ayaa yiri "Bal fiiri magacii abwaaniinta soomaaliyed, waxaa iska qaatay labo nin oo marba si waxa ugu qaraabta, ama ha ahaato dano siyaasadeed ama dano kaleba", waxaa uu intaa raaciyay, magacan abwaaniinta waxaa uu noqday mid labadan nin u gaar ah oo ay dano ugu siraad korayaan, waxaana uu layaab ku tilmaamay in koox kasta ay afduubaneysa umada soomaaliyed, iyadoo wata magac gaar ah oo aan loo dhameyn, sida labadan nin ee magacan ku qaraabanaya ee umada wax uga conaya.

Abwaanimada labadan nin ma ahan mid hada soo bilaabatay, maxaa yeelay waxay markoodii hore wax ku cabiri jireen sida xaalada dalka yahay, gaar ahaan aan u soo leexdee Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle, waa Abwaan lagu sheegay inuu la jaanqaado hadba siyaasadu sida ay tahay, waxaa uu si kala gooni gooni ula soo shaqeeyay hogaamiye kooxeedydii dalka kala qo-qobay, isagoo marka nin la safan jiray, waxaan ku soo xasuustaa gabay uu tiriyay oo ahaa "KARBUUNO MUGDI WAA U KAAH, KAARAANA DADKA WAA U KEYD" gabaygan wuxuu tiriyay Abshir Bacadle, mar uu ahaa jaanta rogan oo hadba si ula jaanqaadi jiray siyaasadaha guracan ee sanadihii 90-maadkii dalka ka jiray, xilligaasoo dalka u afduubnaa hogaamiye kooxeedyo, waxaana uu gabaygan tiriyay mar uu Degmada Kaaraan u soo gabaad doontay.

Ilaa iyo hada ma jirto cid si gaar ah ugu hadashay sheegada labadan nin ee ku adan magacii abwaanada soomaaliyed, waxaase hubanti ah in aysan jiri karin cid ku dhiiran karta ka hor imaanshaha Bacadle iyo Guure marka loo eego taageerada ay ka heystaan dhinacyada ay aalaaba u xagliyaan.

Dadka reer Muqdisho ayaa is weydiinayay dadka u xushay, ama u magacaabay magacyada labadan nin ay wataan, waxay sheegaan in aysan jirin Gole abwaaniin oo loo dhan yahay, balse ay dareemi karaan inuu yahay magac ay labadaas nin ku shaqeystaan, iyadoo ay kula garab galaan Idaacado Maxali ah oo iyana dhuuni-qaatayaal ah.

C/casiis Golf
golfyare@gmail.com

Banaadir Post