Search This Blog

Tuesday, July 22, 2008

Ciidamada Cusub ee dhawaan tababarka ku soo dhamaystay Dalka Itoobiya oo ku soo jeeda Moqdisho iyo meelo kale


Wararka ka imaanaya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xaalad kacsanaan ah, kadib markii degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose uu isku dhac ku dhexmaray ciidamada Cusub ee dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya iyo ciidamo ka tirsan maamulka degmada Afgooye, waxaana tacshiirad la is weydaarsaday ku dhintay Askari ka tirsanaa ciidamadii horay ugu sugnaa Afgooye, iyadoo uu sidoo kale uu ku dhawaacmay mid kale.

Ciidamada ayaa waxaa horkacaya saraakiil Malateri oo ku socda baabuur gaashaamaan, amar siiya ciidankan tababaran, gobolkan Shabeelada Hoose, gaar ahaan Afgooye ayaa waxa jira xaalad la wada ogyahay sida tahay, waana meesha la rabo iney wax ka bilaabaan, aamaankeeda sugaan, si lama filaan ah ayay ku yimaadeen subaxan magaalaada Afgooye.


Wararku waxey sheegayaaan in markii ay yimaadeen Ciidamada dowladda ee lagu soo tababaray Itoobiya ayaa markii ay magaalada Afgooye soo galeen waxaa ku amreen ciidamadii maamulka in ay hubka iska dhigaan taasi oo keentay in ay dagaal bilaabaan, waxaana la sheegayaa in ciidamadaasi cusub ay ka qaateen kontoroolka Magaaladaasi 3-qori AK47-ah.

Dhinaca kale xaaladda degmada Afgooye ayaa haatan u muuqata mid kacsan waxaana ay cidamadii dawladda ee ku soo tababartay Itoobiya ay fariisimo ka samaysteen xarumo dhowr ah oo ay ka mid tahay Koontorolka Afgooye iyo xarumaha ciidamada, Warshada Itoop meel u dhow ayay fariisin kale ka sameysteen, dhinaca Markana waa daegaan, dhamaan irdaha laga soo galo Afgooye ayay xirteen....

Banaadir Post

Maquuste Daahir Aweys oo ku gacansaydhay heshisikii isbaysi ku sheegga


Sheekh Xasan Dahir Aweys oo hogaamiya garab ka mida golahii barakacay ee Maxaakiimta kana tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa si rasmiya u shaaciyay inuusan ku qanacsaneyn qodobadii dhexdhexaadinta ee garabyada Maxaakiimta ku gorfeeyeen Magaalada Sanca.

Mashaa’iiqdii ka soo laabatay Sanca waanu kulanay,waan isla eegnay qodobadii,anagoo ku guda jirna qiimeeyntooda ayaan telefishinada ka aragnay labadii Shariif oo ka qudbeeynaya shir ay ku qabteen Djabouti,kuna shaaciyeen in lagu ansixiyay heshiiskii 09 June ay kula saxiixdeen dowlada Cabdulahi Yusuf sidaas daraadeed wada hadaladii Sanca wixii ka soo baxay,waxay ku dhamaadeen shimbirayahoow heesa”ayuu yiri Sheekh Aweys oo telefoon kula hadlay Waagacusub.

Sheekh Aweys wuxuu nadar ku maray inaysan xabad joojin hirgeleyn inta askari Itoobiyaana jooga Ciidda Soomaaliya,wuxuuna dhinaca kale xusay in xabad kala hortagaan Ciidan ajnabiya hadii Soomaaliya la geeyo.

“ Xariga alle ayaan qabsaneynaa,dagaalka xornimadoonka waan wadeeynaa,Isbaheysiga ragga ka qaloocday waan buuxineynaa xilalkooda,waxaana ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Muqaawimada dagaalka wada inay iskaashadaan,kana fogaadaan ku xadgudubka shaqaalaha samafalka iyo cidkastoo aan dimbi gelin,diintii ay doonto ha aaminsanaatee”ayuu si dhiiranaan ka muuqato ugu nuux nuuxsaday Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Hadalka Sheekh Xasan Daahir ayaa ka dhigan mid uu si cad ugu laalay qodobadii ka soo baxay Yemen kuna muujiyay inay dhamaatay rajadii laga qabay isfaham laga dhex abuuro isaga iyo Shariif Sheekh Axmed oo ay ahaayeen tiir dhexaadyadii Maxaakiimta dhinacyada Fulinta iyo Shuurada lixdii bilood ee 2006 Waxaa xusid mudan sida caadada u ah maquuste hasan daahir aweys inuu shirqoolo shekh sharif shekh axmed maadaama uu si cad uga soo horjeestay fikirkiisa guracan.

Waxaa qoraalkan soo diyaarshay Mohamed Hussein osman
mxuseen@yahoo.com mxuseen840@hotmail.com

NABAD GELYADA GOBOLKA SH. HOOSE OO KASII DARAAYA


Ka dib markii ay waayahaan dambe saldhig ka dhigteen dhallinyerada Alshabaab ee kasoo horjeeda dowladda federaalka ayaa waxaa soo kordhey, dhibaatooyinka ka dhaca jidadka gobolka sh.hoose.

Ayada oo dhibaatadaasi ay u badantahay jid gooyo iyo weerarro ay kooxdaasi ku qaadeyso ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Ethiopianka oo dowladda taageera, hase yeeshee taasi waxay dhibaato ku haaysaa gaadiidka iyo isku socodka dadweynaha.

Dhibaatadaa ay isku hayaan dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda , ayaa waxay fursad u noqotey , kuwa ku mamey markii horeyba inay dadweynaha boobaan, taasi oo ay fursad ka dhigtaan inay jid gooyo fara badan ka sameystaan gobolka gudahiisa marba meel ayaga oo jid gooyo ka sameynaayo.


Waxaan wararku ku heleynaa in jid gooyada ay isu beddeshey inay qaar dhigtaan habeennadii, meesha ay qaarka kale dhigtaan maalin nimadii, taasi oo ay ka dhacdo iinta u dhaxeyso Buufo ilaa iyo No.60, ay u dheertahay dhanka wanaweyn, iyo ballidoogle oo ay kusii kordheen dhibaatooyina.
Ayada oo la ogyahay inay afduubyada iyo dilalka dhanka ceelasha ay kusoo barakaceen dadweyne fara badan oo kasoo qaxey dagaalada ka socda Moqdisho, oo weliba laga ogaarsado kuwa gargaarka u geeya taasi oo ka dhigan in dhibaatada lagu kordhiyo dadweynaha Soomaaliyeed oo la tacaalaa dhacaayo dhibaatooyinkii soo jiitamaayey 18kii sannadood.


Kuwa dhibaatadaan wada ayaa ah kuwa aan meelna ku xirneyn, taasi oo ay ka muuqato dhibaatadaani oo ay wada cambaareeyeen dowladda federaalka iyo kooxda Asmara labadeeda qeyb ee kala ah, kuwa Jebuuti saldhig ka dhigtey iyo kuwa kusoo hadhey Asmaraba.

Haddaba kuwa dhibaatada ka woda sh.hoose ayaa ah kuwa aan meelna ku xirneyn, oo aan loo saran Karin Maxaakiimta iyo Isbaheysiga iyo dowladda, haddaba waxay keli noqon karaan laba mid, inay yihiin kuwii dhibaatada ka wodey gobolka amase kuwa cusub oo hadda doonaayo inay soo banbaxaan, kana maaleystaan boobka iyo dhaca dadweynaha.

Waxaase maanta wararku sheegayaan in jidgooyo kala duwan ay ka socdaan oo si gaar ah hormuud ay kaga yihiin ciidamo mooryaan uu hor kacaayo Nuuriye Cali Faarax, oo eedeemo fara badan usoo jeediyeen aqoonyahanka gobolka u dhashey, marar badan, laguna tuhmaayo inuu lug ku leeyahay afduubyada ka dhaca gobolka gudahiisa.

Xafiiska Jammaamejammaame@gmail.com

Sh. Xasan Daahir oo ka horyimid heshiiskii Sanca, Yemen..mise waa run "Dagaalka ayaa dani noogu jirtaa marka uu leeyahay Wadaaadku,,

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hogaanka isbaheysiga dib-uxoreynta Soomaaliyeed, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen garabyadii Maxaakiimta ee ku heshiiyay magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Aweys ayaa isagoo xalay ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritariya wareysi uu siiyay Teleefishinka Aljazeera si ba`an u dhaliilay dhamaan qodobadii lagu heshiiyay, wuxuuna ku tilmaamay heshiis baadil ah oo aan u cuntami-karin isaga iyo inta ay isku fikrada yihiin ee ku sugan dalka Eritariya.

Xubnaha heshiiska ku gaaray Sanca, Yemen ee uu soo wakiishay Sh. Xansan Daahir Uweys ayaa inta badan ku fikir noqdeen garabka gudoomiyaha isbaheysiga Sheekh Shariif sh. Axmed kadib markii uu ka dhaadhiciyay wadciga dhabta ah ee jira, waxaana xubnahan ka socday Asmara ee uu soo wakiishay Sh.

Uweys qaarkood markii danbe ka dageen dalka Djabouti oo xarun u ah garabka Sh. Shariif.Uweys ayaa ku tilmaamay heshiiskii ugu danbeeyay ee ka dhacay maalmo ka hore caasimadda Yemen ee Sanca mid baadil ah islamarkaana aan u cuntameynin iyaga.Wareysiga uu Aweys ku mucaaraday heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Sabca ee dalka Yemen oo uu siiyay jariiradda warbaahinta Al-Jazeera halkan ka akhriso iyadoo af-ingiriis ...
Banaadir Post

ALshabaab oo qiranaya iney ka garab dagaalamaan dagaalyahaniin shisheeye.


Ururka Al-Shabaab oo dagaalo xoogan kula jiro ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay qirtay in ay jiraan Ajaaniib ka barbar dagaalanta xoogaga ururkaasi.

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sh. Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa xaqiijiyay iney jiraan xubno ajaaniib ah oo ka barbar dagaalama dhinacooda kuwaasi oo uu ku sheegay in ay yihiin Islaam ka dhiidhiyay wax uu ku sheegay caddowga ku soo duulay dalka Soomaaliya.

Hadalka Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya xili Dowladda Federaalka KMG ay shaacisay in ay gacanta ku dhigeen xubno ajaaniib ah oo u kala dhashay dalalka Ciraaq iyo Pakistaan, kuwaasi oo lagu qabtay dagaal shalay galab ku dhex maray Dowladda iyo Al-Shabaab inta u dhaxeyso Leego iyo Yaaq Bari Weyne ee gobolka Sh.Hoose.

Sidoo kale ay jiraan labo xubnood oo shalay dagaalkaasi looga dilay garabka Al-Shabaab kuwaasi oo iyagana u kala dhashay dalalka Pakistaan iyo Ciraaq halka labo kale oo dalalkaasi u dhashayna gacanta lagu dhigay sida uu caddeeyay Taliyaha ciidamadii la weeraray Col. Daahir Maxamed Xersi.Col. Daahir Maxamed Xersi ayaa sidoo kale sheegay in weerarkii shalay ay kaga dileen kooxihii weerarka soo qaaday 12 qof tiro kalena ay ka dhaawacaan, wallow uu arintaasi beeniyay Abuu Mansuur oo sheegay in dagaalkaasi ay kaga dhinteen sadax qof iyo sadax kale oo dhaawac ah.

Sidoo kale dagaal 17-kii bishan ka dhacay degmada Yaaqshiid gaar ahaan Isgoyska Towfiiq ayaa waxaa lagu dilay xubin ajnabi ah oo ka barbar dagaalamayey kooxihii weerarka soo qaaday sida uu Saxaafadda u sheegay Taliyaha Guutada 5-aad ee ciidamada Dowladda KMG oo la yiraahdo Col. Cali Caraaye kuna magac dheer Gacma Dulle.Ma ahan markii ugu horeysay ee dagaalada ka socda Koonfurta dalka Soomaaliya lagu dilo xubno Ajaaniib ah oo ka barbar dagaalamaya kooxaha ka soo horjeeda Dowladda iyadoo xubnaha Ajaaniibta ah ee soo gelaya dalka Soomaaliya qubaro caalami ah ay sheegeen in ay dalka ku soo galaan qaab Tabliiq, waxaana la ogsoon yahay in dowladdii Carta lagu soo dhisay xiligii ay ku sugneyd Muqdisho uu dalka Soomaaliya soo gaaray xubin sare oo warqad qoraal ah ka waday Wasaaradda Warfaafinta ee xukuumadii Afghanistan ka hor inta aan la burburin, kaasoo qaab Tabliiq ahaan ku soo galay Soomaaliya.

Banaadir Post
Xamar cade.