Search This Blog

Tuesday, July 22, 2008

ALshabaab oo qiranaya iney ka garab dagaalamaan dagaalyahaniin shisheeye.


Ururka Al-Shabaab oo dagaalo xoogan kula jiro ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay qirtay in ay jiraan Ajaaniib ka barbar dagaalanta xoogaga ururkaasi.

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sh. Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa xaqiijiyay iney jiraan xubno ajaaniib ah oo ka barbar dagaalama dhinacooda kuwaasi oo uu ku sheegay in ay yihiin Islaam ka dhiidhiyay wax uu ku sheegay caddowga ku soo duulay dalka Soomaaliya.

Hadalka Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya xili Dowladda Federaalka KMG ay shaacisay in ay gacanta ku dhigeen xubno ajaaniib ah oo u kala dhashay dalalka Ciraaq iyo Pakistaan, kuwaasi oo lagu qabtay dagaal shalay galab ku dhex maray Dowladda iyo Al-Shabaab inta u dhaxeyso Leego iyo Yaaq Bari Weyne ee gobolka Sh.Hoose.

Sidoo kale ay jiraan labo xubnood oo shalay dagaalkaasi looga dilay garabka Al-Shabaab kuwaasi oo iyagana u kala dhashay dalalka Pakistaan iyo Ciraaq halka labo kale oo dalalkaasi u dhashayna gacanta lagu dhigay sida uu caddeeyay Taliyaha ciidamadii la weeraray Col. Daahir Maxamed Xersi.Col. Daahir Maxamed Xersi ayaa sidoo kale sheegay in weerarkii shalay ay kaga dileen kooxihii weerarka soo qaaday 12 qof tiro kalena ay ka dhaawacaan, wallow uu arintaasi beeniyay Abuu Mansuur oo sheegay in dagaalkaasi ay kaga dhinteen sadax qof iyo sadax kale oo dhaawac ah.

Sidoo kale dagaal 17-kii bishan ka dhacay degmada Yaaqshiid gaar ahaan Isgoyska Towfiiq ayaa waxaa lagu dilay xubin ajnabi ah oo ka barbar dagaalamayey kooxihii weerarka soo qaaday sida uu Saxaafadda u sheegay Taliyaha Guutada 5-aad ee ciidamada Dowladda KMG oo la yiraahdo Col. Cali Caraaye kuna magac dheer Gacma Dulle.Ma ahan markii ugu horeysay ee dagaalada ka socda Koonfurta dalka Soomaaliya lagu dilo xubno Ajaaniib ah oo ka barbar dagaalamaya kooxaha ka soo horjeeda Dowladda iyadoo xubnaha Ajaaniibta ah ee soo gelaya dalka Soomaaliya qubaro caalami ah ay sheegeen in ay dalka ku soo galaan qaab Tabliiq, waxaana la ogsoon yahay in dowladdii Carta lagu soo dhisay xiligii ay ku sugneyd Muqdisho uu dalka Soomaaliya soo gaaray xubin sare oo warqad qoraal ah ka waday Wasaaradda Warfaafinta ee xukuumadii Afghanistan ka hor inta aan la burburin, kaasoo qaab Tabliiq ahaan ku soo galay Soomaaliya.

Banaadir Post
Xamar cade.