Search This Blog

Monday, July 21, 2008

MAGAALADA BARAAWE OO NOQOTEY CAASIMADDA DHUXULEYDA IYO INTA AY KU SHAQEYSTAAN HORMUUDNA KA NOQOTE XAALUFINTA DEEGAANKA AW DIGIL & DADKIISA.

Sida la wada ogsoon yahay, waxaa Gobolka Sh. Hoose ka jirtey musiibada ugu xoog badan oo ay ku haboogatey Dalka Somalia guud ahaan, gaar ahaana Dadweynaha Aw Digil, haba ugu sii badnaadaan Beelaha Tunni, Biyamaal, Jiddo iyo Geledi.

Waxaa 16kii Sano ee la soo dhaafey Gobolkaas Xoog ku haystey Beel ka mid ah Beelaha Somaliyed oo si arxan darro ah u bur burisey deegaanka , una laysey dad aan la soo tiro koobi Karin iyadoo ay jiraan boqollaal kun oo dhawaacood la joogaan Dalka Somalia gudahiisa iyo dibadiisaba.

Xeeladaha loo adeegsadey bur burinta iyo xaalufinta Gobolkaas iyo degmooyinkiisa waa ay fara badnaayeen, waxaanse ka soo taaban karnaa kuwa soo socda :-

1) Xoog loo adeegsadey Hubkii dalka noocyadiisa kala duwan iyadoo markaas magaca lagu qabsanaayey uu ahaa Moorayaan iyo Maleeshiya Beeleed.

2) Marka Labaad waxaa lagu haystey Magaca la yiraahdo ISBAHEYSIGA DOOXATADA JUBBA.

3) Marka seddaxaad waxaa loo adeegsadey magaca MAXAAKIIMTA waxa lagu tilmaamey oo muddo 6 bilood keliya ka jirey Somalia.

4) Waqtigaan xaadirka ahna waxaa loo Adeegsanayaa magaca MUQAAWMADA iyo kuwo kale ee soo raaca, waana Gobolka ay ku mintidayaan si ay ugu sii waaraan.

Waxaa iyana jirta misna iney abuurteen Shakhsiyaadka deegannada Xooggga ku haysta Dhaqan aan horey uga jirin deegaankaas , Salaadiin, Malaaqyo, iyo Nabadoono cusub oo iyaga u adeega una fuliya danahooda ku saabsan sidii ay u Xaalufin lahaayeen Deegannada Gobolka Sh. Hoose haba ugu darnaatee magaalada BARAAWE oo laga dhoofiyo Dhuxusha, Xoolaha Nool, Ugaarta iyadoo ay dhici karto in dad noolna laga dhoofiyo si looga faa’iideysto Xubnahooda.

Waxaa nasiib darro ah iney Somalidu ku fiirsato xaaladaas Beelaha dega Gobolka Sh. Hoose oo si aad u fool xun qori caaraddiisa loogu Gumeysanaayey 16kaas Sano lagana sameynaayey hadba waxii la doono iyo sidii loo doono.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa hubanti ah inuu Waqtiga ku soo dhamaanaayo Tuugadaas iyo intii ay isticmaali jireen 16kaas Sano, ayna qaadi doonaan mas’uuliyadda kaga aadan falalkooda ka baxsan Banii-Aadamnimada.

Qore: Maryan Xaaji Suufi
banaadirpost@gmail.com