Search This Blog

Monday, July 21, 2008

Markii Sadaxaad oo baaris lagu sameeyay Hoyga C/qaasim Salaad



Ciidamo Boolis ah oo ku hubeysan gawaarida dagaalka ayaa gudaha u galay guriga Mas’uulkaasi iyadoo aysan jirin wax ay kala baxeen oo hub, waxayna ciidamadaasi ka hor inta aysan baarin u sheegay dadkii xiligaasi joogay in ay ku socdaan amar sare oo ka yimid saraakiisha ciidamada Booliska, isla markaana ay fulinayaan amarka la soo faray.

Ma jiraan wax hub ah oo laga helay guriga C/qaasim Salaad Xasan iyadoo baaritaankan uu noqonayo kii Sadaxaad oo laga fuliyo guriga Dr. C/qaasim, waxaana horay ay ciidamada Dowladda ka heleen hub fara badan iyo rasaas kala duwan.

Lama garanayo sababta ka danbeysa in markii Sadaxaad baaris lagu sameeyo guriga Madaxweynihii Dowladdii Carta, balse waxaa jira tuhun fara badan oo ka dhashay kulamo gurigaasi ka dhaca mar walba iyo isu socodka guriga Dr. C/qaasim oo ah mid aad u mashquulsan iyadoo dadka gelaya iyo kuwa ka soo baxaya laga yaabo in shaki geliyo ciidamada Dowladda.

Baaritaankii ugu horeeyay ee ciidamada Dowladda ay ka fuliyeen guriga C/qaasim Salaad waxaa raali gelin ka bixiyay Madaxweynaha Dowladda Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi oo hoygiisa ay ku booqdeen C/qaasim.
Banaadir Post.