Search This Blog

Monday, July 21, 2008

Sheekh Shariif oo gaashaanka u daruuray inay ka dambeeyaan dilalka samafalayaasha.

Hogaamiyaha Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa siweyn uga horyimid warka sheegaya in ay Mucaaradka dawladda Soomaaliya bartilmaameedkoodu yahay dagaal ay lagalaan dadka ushaqeeya dawladda Soomaaliya & dawladda Itoobiya.

Hogaamiyuhu wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin arintaasi ayna Ururkaasi dilin Qof Muslim ah oo Ashahaadanaya ayna falalkaasi fuliyeen kooxaha ka soo horjeeda Nabadda Soomaaliya ,ayna yihiin falalkaasi kuwa ka soo horjeeda Diinta Islaamka & Xeerarka Caalamiga ah.



Sheekhan wuxuu diiday in ay falalkaasi fuliyaan ururkoodu ,wuxuuna ugu baaqay cid walboo Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan falalkaasi oo kale ,oo uu ku sheegay kuwa halis oo ay xukunkooda sheegtay Diinteena Suuban.



"Dilalka loo geysanayo Saraakiisha ciidamada ,dadka Waxgaradka ah & Cid walboo Muslim ah waa kuwa ka soo horjeeda diinta Islaamka ,ilaaheyna wuxuu noo sheegay cawaaqib xumida ka dhalan karta ,waxaana ugu baaqeynaa dadka falalkaasi geysanaya in ay ka waantoobaan" Ayuu yiri Hogaamiyaha Isbaheysiga Dibu xoreynta dalka Soomaaliya.



Hogaamiyahan oo siweyn looga xasuusta hadalo ka soo yeeray intii uu hayey talada hogaanka guud ee Maxkamadihii awoodooda laga faramaroojiyey sannadkii 2006-dii ,kuwasoo uhiilinayay diinta Islaamka kana soo horjeeday weeraro lugu qaado goobo ay joogaan dad Muslim ah ,inkastoo markii dambe Maxkamadihii ay wadadaasi cagta saareen ayagoo weeraro ku qaaday Magaalooyin ka fogaa Magaaladii ay heysteen Muqdisho & gobalo nabad ah oo ay ka mid yihiin gobalada Puntland.



Talaabadan ka soo yeertay Hogaamiyaha Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweyn wanaagsan kala kulantey dad badan oo Soomaaliyeed ,waxa ayna sheegeen in hadalka Sheekhan muujinayo sida ay Kooxda Sheekh Shariif uga go'an tahay taageerida dadaal nabdeed...



Waxaa halkaas ka muuqana kara in arinkan la dilayo ay gaar u tahay AL shabaab iyo kuwa la midka ah.



Banaadir Post.


banaadirpost@gmail.com