Search This Blog

Monday, July 21, 2008

Xildhibaan Mowliid Macaani oo ku baaqay in Mareykanka laga codsado in uu Liiska Argagixisada ka saaro Shiikh Xasan Daahir, Shiikh Xasan Turki iyo Shii


Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka, isla markaana wariyayaal kula hadlayay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku baaqay in Mareykanka laga codsado in uu liiska argagixisada ka saaro Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki) iyo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Mowliid Macaani waxaa uu sheegay in raggaas ay yihiin dad Soomaali ah oo haddii lala hadlo la qancin karo, sidaas darteedna wuxuu ku baaqay in Mareykanka laga codsado in liiska ay ku jiraan laga saaro, si buu yiri ay uga qeyb qaataan nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.

Haddii la doonayo in xal laga gaaro mushkiladda Soomaaliya, isla markaana ay najaxdo dib u heshiisiinta socota waa in Raggaas laga saaro Liiska uu Mareykanka ku daray ee Argagixisada, isla markaana laga qeybgeliyaa wada hadallada”ayuu yiri Mowliid Macaani Maxamuud.

Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud waxaa uu sheegay in haddii arrintaas la isku dayo laga dhaadhicin karo Mareykanka in raggaas ay muhiim u yihiin xal u helidda mushkiladda Soomaaliya ka taagan mudada 18 sano gaareysa.

Xildhibaan Mowliid ayaa wuxuu noqonayaa Xildhibaankii ugu horeeyay oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqa in liiska argagixisada laga saaro seddexdaas hoggaamiye oo haatan si weyn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, hadalka Mowliid Macaani Maxamuud ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay heshiis ay Dalka Jibouti ku wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kaasi oo ay qodobadiisa ku saabsan yihiin sidii Soomaaliya xal loogu heli lahaa, isla markaana looga saari Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan.
Waxaa warkaas la yaabey dadka la socda xaalada Soomaaliya, mana ahan war laga sugayay Mowliid macaane oo kale, oo dhamaan ragaas oo sheegay ay dhamaantood dhib ku hayaan beesha oo ka soo jeedo ee Jareerweyne oo beel laf dhabar ummada Soomaaliyeed.
Banaadir Post.
Xamar Cade.