Search This Blog

Wednesday, September 17, 2008

Maquuste Old Man Xasan Dahir Aweys, iyo Al- Mooryaan Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ka hadlay warkii ay Ururka argagaxisada Al-haboow ku sheegee


Maquuste OLD MAN Xasan Dahir Aweys oo ku tilmaamay riyo maalmeed Go’aankii ugu dambeeyey ay Argigixisda Al-haboow sheegeen in ay xireen Garoonka weyn ee Magaalada Muqdisho.


Maquuste OLD MAN Xasan Dahir Aweys oo Somalida qurbaha ku nool kala hadlay qolka Paltalk ee Internetka wuxuu xusay in garoonka Mogadishu uu yahay isha qura ee lala wadaago gumeysiga una furan bulshada waa siduu hadalkiisa udhigay Mooryaanka.


Warka la sheegay anagaa u madaxa Al-haboow waxna kama jiraan wuxuu yahay mid u gaara shaqsiyaad doonaya qas iyo fowda laga dhex abuuro xoogaga dagaalada kula jira Itoobiya iyo Dowlad, waxaana ugu baaqeeynaa shaqsiyaadkaas sida Mukhtaar Robow Abuu Mansuur oo wata magaca Al-haboow inay raali gelin bixiyaan hadii kale sharciga ayaa lala tiigsanayaa ayuu yiri Maquuste OLD MAN Aweys..


Dhanka kale waxaa isna ka hadlay Al-Mooryaan Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde isagoo ku tilmaamay war la iska yiri ku macneeyay hadalka Abuu Maansuur iyo Al-haboow wuxuuna Shirkadaha diyaaradaha ugu baaqay inay wataan howlahooda duulimaad ee shacabka Somaliya loogu adeegayo.

Ninkii awooda inuu diyaarad soo rido moow la beegsado kuwa Cabdulahi Yusuf iyo Amxaarada sida ee maalin walba soo dego, ma waxaa qarsoon xilliga uu dhoofayo ama imaanayo, hadalka shaqsiyaadka Al-haboow uu Afhayeen u yahay Mukhtaar Robow Abuu Mansuur ka dhigan yahay mid shacabka lagu cuuryaaminayo, waxaana ugu nasteexeyneynaa inay ka waantoobaan tilaabo kasta oo ka dili karto kalsoonida shacabka, hadii kale tilaabo baanu ka qaadaynaa ayuu yiri Al mooryaan Indhacadde.


Mooryaan indhacadde oo sheegay inuu Ceelasha Biyaha ku sugan yahay wuxuu xusay inay dagaal jihaada kala hortagayaan ciddii ku hamiso inay weerarto diyaaradaha shacabka la socdaan ee garoonka Mogadishu International Airport.


Dhanka kale waxaa isna markiisa ka hadlay jawaabna ku celiyey labada Mooryaan ee Daahir Aweys iyo indha Cadde, Afhayeenka Ururka Al-haboow Sheikh Mukhtaar Roboow Cali (Abuu Maansuur) isagoo naqdiyay hadalka OLD MAN Xasan Dahir Aweys wuxuuna ku sifeeyay nin qurba jooga oo aan ku hadli karin codka Mujaahidiinta. Kan Indha Caddena wuxuu ku sheegay isagu waa nin gatay dadkiisa oo hadal ma u yaalo.


Hadalka Al-haboow wuu cad yahay, waxaana ku celineynaa inuu amarkaan soo saarnay bilaabanayo maanta oo Talaado ah, hadii uu dadka qaar been la yahay, waxaan sugeeynaa diyaaradii ka soo degto garoonka Mogadishu”ayuu yiri Abuu Maansuur oo meesha ka saaray cambareynta golaha Gaboyartii Maxaakiimta ku diideen go-aankooda digniinta huwan.


Xafiiska wararka wiil waalka abaaqaroow.com


Banaadir Post


Xamar Cade.

Isbaaroolooyda uu hogaamiyo Daahir Aweys ee kusoo duulay Shacabka Sh/hoose ayaa ka baqdin qaba duulaan kaga yimaada ururka Al-Shabaab.

Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho, maadaama dadkaan reer galgaduud la mid yihiin hasha boolida ah lagama sugayo ineey ka waantoobaan dhaca, boobka iyo isbaarada oo ah wax laga xishoodo oo uusan ku dhaqmin nin damiir leh, balse iyagu waxay u arkaan wax lagu faano ama darajo sare oo aay gaareen taasoo keentay ineey noqdaan tuke canbaar leh oo umada inteeda kale aan ka gadmeyn xag maamul iyo mid umadeed intaba.

Bishii lasoo dhaafay ayaa gobalada koonfuureed waxaa ka curtay hir xoog leh oo daadkiisu la tagay Col. Bare Aadan Shire (Bare Hiiraale), oo ahaa hogaankii dooxada Juba oo aay dhisteen rag ku bahoobay walaalaha galgaduud, uuna ka koobnaa beesha Mareexaan iyo Beesha Ceer oo aay wakiil u ahaayeen Goobaale iyo Seeraar oo kasoo wada jeeda gobolada galgaduud.

Xiligii maxkamadaha Daahir Aweys hogaaminaye ayaa waxaa dhacday in Bare laga farmaroojiyo Kismayo Goobaale iyo Seeraarna aay noqdaan mas'uuliyiintii hogaanka sare ee Maxkamadaha diinta ka been sheegay.

Shacabka Soomaaliyeed kuwooda nabada jecel ayaa aad u canbaareen jiray beesha Aweys waxa aay ku hayso gobolada koonfureed, oo uu ugu horeeyo gobolka Sh/hoose oo umadiisa loo shaati badashay isbaaraduna wali u taal raxan raxan, iyadoo aaysan jirin meel kaloo aay taal Soomaaliya inteeda kale waxa loogu yeero isbaaro.

Guruubka Aweys hogaaminaye ee diinta ku gabaday ayaa su'aashaas jawaab u waayey kadibna waxay ku tashadeen ineey been sheegaan oo aay dhahaan gobolka Sh/hoose maxkamadaha ayaa la wareegay kadibna waa la ogaa jabkii aay ku keentay ka been sheegida shacabka diinta loogu gabaday ee gobolka Sh/hoose.

Maantey waxaa taageen in Aweys, Indhacade, iyo mooryaantiisaba arintu kaga qaloocan tahay dhanka Al- Shabaab oo ah urur iyaga aay bilaabeen, balse ku caasiyoobay iyadoo Al-Shabaab u arkay ragaan tuugo diin ku qabanaya sidaas darteedna waxay ku go'aan qaateen in Sh/hoose aay ku darsadaan gobolada aay gacanta ku hayaan maadaama aay tahay meel dulmi ka jiro oo isbaaradu daadsan tahay.

Mooryaanta Aweys waxay arintaas ku ogaadeen markii aay u tageen in maamulka loo dhisayo Kismayo xubin laga siiyo iyadoo loogu jawaabay waxaan usoo soconaa isbaaradiina inaan qaadno oo aay Bare Hiiraale raacdo maamul aadka qeyb gashaan iska daayee sidaas waxaa ku jawaabay Rooboow Abuu Mansuur iyo ragii la socday ee ka mid ahaa hogaanka Al-Shabaab.

Markeey sidaas dhacday wakiilada Aweys waxay usoo carareen Isbaaradoodii Sh/hoose iyadoo walwal badan arintaas kusoo siyaadisay, kadibna waxay la tashi xaga taleefonka la sameeyeen Aweys, wuxuuna ku taliyey in isbaarada meel lagu qariyo inta Al-Shabaab ilaaheey u bixinayo cadow naga awood badan, hana loo sheego in la qaaday isbaaradii tuug oo dhana la ciribtiraayo si hirkoooda dhinac nooga maro meeshaan madeen karnee aan u fuulno geed gaaban iyo geed dheer intaba sidaas waxaa ku taliye ninka argigixisada ugu weyn ee Somaliya.

Baryahanba mooryaanta galgaduud waxey ku mashquulsan yihiin in aay Al-Shabaab u mariyaan indhaha Rinji cad, iyadoo ururkaan Al-Shabaabna doonayo in la qaado isbaaro oo dhan dadkana labo u kala baxaan, kuwo iyaga raacsan iyo kuwa kasoo horjeeda oo aaysan ogaleen laba shaatiile iyo wax la mid ah sida lagu ogyahay mooryaan beesha galgaduud.

Waanu arki doonaa waxa kala qabsada Al-Shabaab iyo mooryaanta galgaduud inkastoo baryahanba aay wadaan abaadul aay kaga hortagayaan amuurtaas.

Lasoco faalooyinkeena danbe ee ku saabsan waxa kala haysta Ibaarooleeyda gobolka Sh/hoose iyo ururka Al- Shabaab ee xaruntoodu tahay Magaalada Kismayo.

Xafiiska Warqabadka Marka Sh/hoose
Ahmed93@hotmail.com

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com