Search This Blog

Saturday, July 5, 2008

Faahfahin ku aadan Sarkaalkii argagaxisada gafuurka duubato ku dhintay dagaalkii Matbaan C/llaahi Cali Afrax [Asparo]



Sarkaalkaan dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi Jiray C/llaahi Cali Afrax [Asparo], waxaan geeridiisa u xaqiijiyay Warsidaha Shabakadan xubno sarsare oo ka tirsan Maxkamadaha.


Dilka Asparo oo haysta Baasaboorka dalka Canada ayaa wuxuu yimid kadib markii uu dagaal aad u qaraar dhexmaray Maxkamadaha iyo Ciidamada Itoobiya, waxaana xiliga la dilayay la sheegay inay la socotay xaaskiisa oo aan la garanayn halka ay ku dambeyso.


Mas'uulkaan ayaa ku noolaa muddo dheer dalka Canada, isagoo dib ugu laabtay dalka markii Maxkamadaha Muqdisho kaga itaal roonaadeen hoggaamiye kooxeedyadii xilligaas ka talinayay caasimada iyo daafaheeda.


Wuxuu noqday ku xigeenka 2-aad ee Golihii Shuurada Maxkamadaha oo uu hormuud u ahaa Sheekh Xasan Daahir, isagoo markii mucaaradka ay ka itaal rooneen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada Federalka oo iskaashnaya, uu goostay inuu ka dagaalamo gudaha dalka Somaliya intii uu dib ugu laaban lahaa Canada.


Dhimashada Asparo ayaa laga sheegin warbaahinta gudaha Somaliya, iyadoo taas aan la sheegin sababta kaliftay, waxaana Ma'suulka noo xaqiijiyay dhimashada Asparo uu sheegay in shan sarkaal oo kale ay iyaguna dagaalkaas ku dhinteen.


Sarkaalkaan ka dhintay argagaxisada ayaa wuxuu sidoo kale jago sare ka hayay shirkadda Isgaarsiinta ee Al-barakaad oo magaceeda loo badalay Horumuud, wuxuuna sidoo kale mar macalin kasoo noqday Jaamacad lagu magacaabo Banaadir oo ku taalla Muqdisho.


Dagaalkii ka dhacay Matabaan ayaa la xaqiijiyay in mucaaradka ay kaga dhinteen tiro kor u dhaafaysa 115-qof oo uu ku jiray sarkaalkan iyo kuwo kale; iyadoo dagaalkaa ay iyaguna ku dileen tiro ka tirsan ciidamadii Itoobiya ee ay dagaalka la galeen.


Banaadir Post

Xamar Cade.

Saxaafad qabiil diin ma sheegan kartaa qabiil iyo diin meel ma isla galaan




BAL EEG SAWIRKA XALAY XAFALADA OO LEYSKU FARASARAYO


Waxaa cajiib saxaafada qabiil ku dhĂ­san rabtana magac diineed iyo ku qaraabato kuwaas oo sharftii guushii islaamka gaaray rabta in ay qabiil u jediysa .


Waxaase cajiib ah Saxaafadaasi markii shaqsi qabiilkooda ah wax laga sheego hilaamo xataa anshaxii saxaafad kuwaas oo war badan oo saxaafada ay qoreen ka been sheego bal nala fiiri xafaladii xalay lagu qabtay Qaahira ee lagu kala tagay markii lagu oriyey qud bad uuu jeedinaayey Raiisal waasare ku xigeenkii dowladii Maxamed Siyaad Bare Cabdiqaasin Salaad Xasan xiligaana ah dibad joog ku nool wadanka Masar kadib markii uu ka soo bursaday Cabdulaahi Yuusuf Axmed .


War bahintaa oo uu mala galiyo Axmed Cabdi Salaan oo isagu ah wasiir ka tirsan Dowlada Cabdulaahi Yuusuf ayaa dhaqaalo xoogan lagu siiyey sidii qeyb weyn ku qaadato isku dir culumada ayaa waayadaan danbe bilaawday Sheikh shariifki Sheikh Axmed ay maalmo ka hor ay oowliya lahayeen ay xiligaan cay iyo aflagaado u soo mariyaan saxafad iyagoo taageeray shaqsiyaad ku heeb ah oo ku godoonsan Asmara.


Nin baa hadda ka hor la yiri kaalay jano gal oo dagaaladaan ka qeyb gal ayuu yiri Jano habargidir wado Juqsii jabno ha iiga siin hadalkaa oo macnoweyn ku fadhiyo qofka garanaayo micnaheeda
Markaad fiiriso dagaalada cadowga looga soo horjeeda waxaa ka qeyb galaayo dhamaan umada Soomaaliyeed ee cadowga neceb halka ay rabaan reer gaar ah in ay isasinayaan halgan ay wada wadaan dhamaan umada Soomaaliyeed ee looga soo hor jeedo cadowga gaamuuray ee Itoobiya .

Maal mahaan saxaafada uu sida gaarka u leeyaha Axmed Cabdisalaan qabiilkana u adeego ayaa xiligaan u muuqda kuwa rabo halganka in ay beeleyaan si shacabka uga dhaadhiciyaan ay iyagu guusha keeneen halka rabi uu keenay guusha .


Si kastba ha ahtee qabiil diin meel islama galaan shaqsina waxuu sameyey oo cad lama qarin karo .


Horaa loo yiri nin kaa waaq dheer waxba lama qeybsan kartid ,dadkaa oo lagu yaqaano hal gan kastaa in ay si gaar u sheegtaan taas oo keentay bulshada in ay ka tagoornadaan sida eydhiska oo kale.


Xafiiska war qabadka DayniileGoternburg, Swedendayniilenews@yahoo.com ,dayniilecom@hotmail.com