Search This Blog

Wednesday, July 9, 2008

Sheekh Yuusuf Indhacade oo ku adkeysanaya inaysan xabada joojin doonin.




Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad "Indhacade" oo ah xoghayaha arrimaha gaashaandhiga Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay inuu ku sugan yahay gudaha Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalada ka huraya Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.
Sheekh Yuusuf Indhacade.


Indhacade oo Saxaafada Muqdisho qaarkood lasoo xiriiray ayaa sheegay inaysan waligood xabada joojin doonin ilaa dalka dharaar cad ay isaga baxaan ciidamada Ethiopian-ka ee xiligaan ku sugan.


"Qoriga kor ayaan u heyneynaa isagoo amaanka u furan leebkana aan farta ku heyno hoosna uma jeedin doono ilaa ciidamada cadawga ah ee Ethiopian-ka isaga baxaan dhulkeena, ciidaan iyaga ma lahan Soomaali ayaa leh waana inay faarujiyaan" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacade.


"Dagaalka Marna ma joojin doono, waana wadaynaa ilaa cadowga dalkeen ka saarno, waxaana ugu baaqaynaa Mujaahidiinta inay dardargeliyaan dagaalada ay kula jiraa Gumaysiga dhulkooda heysta" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacade.


"Kuwa jabbuuti heshiiska ku galay ha tuubakeeneen ilaahna cafis ha weydiisteen,,


Sidoo kale, Indhacade ayaa eedeyn kulul u jeediyay xubnaha uu hogaaminayo Sheekh Shariif ee ka qeyb gashay shirkii Jabuuti, waxuuna ku tilmaamay inay yihiin calooshood u shaqeystayaal jeebka loo buuxiyay.


Xoghayaha Arrimaha Gaashaan dhiga ee Isbahaysiga Dib u xoraynta Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha cadde) waxa kale oo uu sheegay inay beentahay sheegashada Ciidamada Itoobiyanka ah ee ah in saraakiil iyo Ciidamo fara badan ay ka dileen dhankooda, "Waa been taas waxey doonayaan inay ku qariyaan saraakiisha iyoo ciidamada Itoobiyaanka ah ee aan ka dilnay ee gaaraya 176, waxaana dhaawac gaarsiinay in ka badan 500-oo ciidamada Itoobiyaanka ah" ayuu yiri Yuusuf Indhacadde.
Si kastaba ha ahaatee, xubnaha Isbaheysiga magacooda wata ayaa fikirka ku kala duwanaaday iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay erayo ay isku cambaareynayaan isku marsiinayeen Warbaahinta kala duwan.


Yuusud Indhacade oo inta badan codkiisa laga maqli jirey BBC-da ayaa maalmahan laga maqlaa Idaacada Lokalka Moqdisho, ka dib markii BBC-da su,aalo adag laga weydiiyay markii ugu danbeysey.


Sheekh Yuusuf ayaa markasta sheegta inow joogo Magaalada Moqdisho, taaso dadka qaarkii aaminsanyihiin ineysan run ahayn.


Banaadir Post.,

Xamar Cade.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Ciidanka Dowladda Hoose Ee Xamar iyo Saraakiishooda u jeediyay inay Howshooda dar dar geliyaan




Waxaa manta Shir iskugu yimid Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, kaasi oo looga hadlayay arimo badan oo la xiiriira hawlaha kala duwan ee Ciidankaasi ayaa maanta lagu qabtay xarunta ciidankaasi ee magaaladda Muqdisho.


Shirkaas oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Gobolka Banaadir , Gaar ahaan ku xigeenka arimaha bulshadda Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalinta deeagaanka Xamar G/Sare Cali Cosobow , waxaa loogaga hadlay Arrimo dharwr ah , oo ay ugu horeyso sidii ciidankaasi ay u laba laabi lahaayeen Hawlaha ay u hayaan Bulshadda Soomaaliyeed, gaar ahaan sida Uruurinta Cashuuraha kala duwan, Caafimaadka, Aadaabta suuban iyo ilaalinta dhaqanka iyo dhismaha qeybaha Ciidanka.


Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deeganka Xamar G/Sare Cali Cosobow oo ugu horeyntii ka hadalay halkaasi ayaa sharaxaad ka bixiyay wax qabadka Ciidanka Xiligaan iyo hawlaha Horyaala, waxaana uu sheegay in Ciidanku uu haatan ku hawlan yahay sidii uu u gudan lahaa hawlaha uu u xilsaaran yahay oo ah kuwo adeeg bulsho ah iyo uruurinta dakhliyadda kala duwan ee Dawladda Hoose ee Xamar, isagoo sheegay in uu si toos ah uga hawl galo suuqyadda kala duwan ee magaladda si buu yiri ay u soo uruuriyaan cashuuraha ku waajibay dadweeynaha kuwaas oo uu carabaabay in wax loogaga qabanaayo Naadaafadda bilicdda caasimadda iyo Nolosha ciidanka Ilaalinta deegaanka Xamar. Ku-Xegeenka duqa magaaladda Muqdisho ee dhinaca arimaha Bulshadda Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax Tuur) oo isna ka hadlay shirkaasi ayaa ku nuux nuuxsaday waajibaadka balaaran ee saran ciidanka ilaalinta deegaanka iyo sida ay laga mamaanka ay u tahay in ay u gutaan waajibaadakaasi sidii loogu talagalay.


Md. Dhagaxtuur waxaa uu sheegay in inkastoo Ciidanku ay soo gaareen Dhibaatooyin badan ayna weli jiraan balse loo baahan yahay in ay u dhabar adeegaan, waxaana uu xusay in good ahaan arimahaasi oo dhan laga gudbi doono.


Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ciidanka Ilaalinta Deegaanka loo abuuray in ay dhawladda Hoose ee xamar ay ka caawiyaan xagga arimaha Bulshadda iyo dhowridda iyo ilaalinta anshaxa suuban ee bulshadda sidaas darteedna ay waajib tahay in ay yeeshaan iskaashi min sarkaal iyo kan ugu hooseya si looga gun gaaro ujeedooyinka laga lahaa abuurista ciidankaasi.


Dhinaca kale Ku xegeenka Dhinaca Arimaha Bulshadda ee Gobolka Banaadir waxaa kale uu maanta kormeer uu ugu kuurgalayay Habsami u socodkaas hawlaha Waaxdda Beeraha iyo Xanaanadda Xoolaha ee dawladda hoose uu ku soo kala bixiyay dhawr Goobood oo ay dawladda hoose horay u dhireysay iyo dhismooyinka qaar ka mid ah jirdiinooyinka sida Tan FIAT oo ah halka uu ka bilowddo KMT-ka O ee Magaaladda Mugdiosho iyo kuwo kale oo loogu tala galay in ay ku nastaan dadweeynaha xiliyadda aaney ku jirin shaqadda.


kuwaasi oo muhiimad gaar ah u leh bilicdda iyo qoruxdda

Caasimadda dalka ee Muqdisho.


Banaadir Post.

Moqdisho.

Xerooyin lagu tababaro kooxaha ka soo horjeeda Dowladda oo laga furay Kismaayo iyo Bu’aale oo lala wareegay




Xerooyin lagu tababaro kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ee dagaalada ku soo qaada fariisamada ciidamada Dowladda ayaa lagu soo waramayaa in laga furay duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.


Xerooyinkan ayaa la sheegay in tababar lagu siiyo maliishiyooyinka ka tirsan kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda Dowladda, waxaana xerooyinkaasi casharo Milateri ka bixiya rag ka tirsan Maxkamaddaha Islaamiga ee laga eryay caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.


Dhinaca kale ciidamo ka tirsan Maxkamaddaha ayaa si nabadgelyo ula wareegay gacan ku heynta degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo aanan jirin iska hor imaad ka dhacay.


Sheekh Salaad Somoow oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka JDhexe oo meel fagaare ah kula hadlayey dadweynaha degmadaasi ayaa sheegay in ay maamul Islaami ah ka dhisayaan degmada Bu’aale isla markaana aysan ogoleyn in maamulka Dowladda KMG u soo magacowday degmadaasi ka shaqeeyo Bu’aale kana soo horjeedaan.


Gobolka J/Hoose iyo J/Dhexe ayaa inta badan gacanta ay ugu jirtaa Maxkamaddaha Islaamiga iyo Al-Shabaab, waxaana degmooyinka maamulada Islaamiga laga hirgeliyay ka mid ah Degmada Saakow, Salagle iyo deegaano kale...


Banaadir Post

Xamar Cade.

Maamulka gobalka Banaadir oo eedeyn kulul ujeediyey Ururka Al-Shabaab.




Maamulka gobalka Banaadir ayaa siweyn cambaareyn waxa ay ugu jeediyeen Ururka Al-Shabaab oo sheegta inta badan Masuuliyada weerarada lugu qaado dawladda Soomaaliya & Ciidamada caawinaya ee Itoobiya.


Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb oo ka hadlayey Magaalada Muqdisho ayaa sheegay dilkii loo geystay Allaha unaxariistee Cusmaan Cali Axmed ,madaxii UNDP ee dalka Soomaaliya in ay Masuuliyadiisa lahaayeen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,gaar ahaan Ururka Al-Shabaab oo uu ku sheegay mid aan dooneyn Nabadgalyada Soomaaliya.


Mudane Maxamed Dheerre wuxuu sheegay in looga baahan yahay Dadka Soomaaliyeed in ay la dagaalamaan cid walboo ka soo horjeeda Horumarkooda ,wuxuuna dadku usheegay in ay qeyb kaga biiraan dagaalada lugula jiro Ururka Al-Shabaab.


" Waxa ay dilayaan cid walboo dan uheysa Shacabka Soomaaliyeed ,waxa ay doonayaan in aysan Soomaaliya nabad ka dhicin ,waxa ayna doonayaan Dhibaatada Shacabka Soomaaliyeed lugu hayo oo ii socota ,waxa ayna dileen Madaxii UNDP ee dalka Soomaaliya ayagoo ka careysan ka shaqeynta Nabadda Soomaaliya" Ayuu yiri Gudoomiyaha gobalka Banaadir.


Duqa Muqdisho wuxuu sheegay in uu Maamulkiisu dagaal adag kula jiro Ururkaasi ,wuxuuna wacad ku marey in ay ka saarayaan dalka Soomaaliya ,isagoo ugu baaqay beesha Caalamka in gacan lugu siiyo dawladda Soomaaliya la dagaalanka Ururkaasi.


Gudoomiyaha gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mr. Maxamed Cumar Xabeeb wuxuu hadalkiisan ku soo aaday xili Ururka Al-Shabaab ay ku eedeeyeen dawladda Soomaaliya in ay ka dambeeyeen dilkii Cusmaan Cali Axmed.


Maxamed dheerre eedeynta ujeediyey Al-Shabaab ,waxaa kaga horeeyey Dawlado ay ka mid tahay Xukuumada Mareykanka oo ku eedeeyey in ay dilkaasi ka dambeeyaan ,waxa ayna Washignton ku baaqday talaabo deg deg ah oo laqaado.


Banaadir Post.

Xamar Cade.