Search This Blog

Wednesday, July 30, 2008

BOOQASHADII WASIIRKA GAASHAANDHIGGA SOMALIA Md, MUXYADDIIN MAXAMED XAAJI EE DALKA ETHOPIA


Wefdigii balaarnaa ee uu hoggaaminayay wasiirka Gaashaandhigga Somalia Md, Muxyaddiin Maxamed Xaaji ayaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay. Wefdigaas oo uu ka mid ahaa abaanduulaha X.D.S. Somalia Gen, Saciid Maxamed Xirsi { Saciid Dheere}, agaasimaha guud ee wasaaradda Gaashaandhigga Sammaan Maxamed Sheekh Dahir iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Somalyeed.


Wasiirka iyo wefdigiisa muddadii ay ku guda jireen socdaalkooda waxay soo booqdeen xereeyinka ciidamada melateriga Ethopia iyo xafiisyada Wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaas oo ku kala yaala magaalooyin kala duwan. Sidaas oo kale waxay soo booqdeen xarumo lagu tababaro ciidamada Soomaaliyeed iyagoo u kuur galay xirfadaha gaarka ee ay bartaan ciidamadaas.

Muddadii uu joogay wasiirka wuxuu safaaradda Soomlya ee dalka Ethopia kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas deggan, wuxuuna ku booriyay in ay isku duubnaadaan kana fogaadaan wixii dalka hooyo kasoo qaxiyay ayna la weynaato Soomaalinimada.

Intii wafdiga wasiirka aysan kasoo amababixin dalka Ethopia, waxay ka qeyb galeen xaflad balaaran oo lagu soo xirayay tababar u socon ayay ciidamada Soomaalyeed muddo 7 Bilood ah, iyadoo goobtii uu xiritaanka xafladaas ay ka dhaceysay oo aheyd magaalada Bilaate ay ciidamadaas kusoo bandhigeen dab rid iyo dhoolatus ciyaarsiis ah oo ku saabsanaa walxahii ay halkaas ku barteen ciidamadaas.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda federaalka KMG Soomaaliyeed Md, Muxyaddiin Maxamed Xaaji oo salaan ka qaatay cutubyadii halkaas socodka gaada-ka ciyaarka ku maray, ayaa halkaas wuxuu uga soo jeediyay amaan iyo mahad naq dowladda Ethopia.
Wuxuuna yiri:- Dowladda Ethopia ma ahan markii ugu horeysay oo ay soo tababarto ciidamo Soomaaliyeed, mana aha markii ugu horeysay oo ay isku howsho dhibaatada amaan daro ee ina heysata, waxay mar walba nala garab taagantahay taageero, waxay inuu hurtaa dhiigeeda,naftooda iyo maalkooda.
Abaalkaasna ma ilaabi doono. Wuxuu sidoo kale ku booriyay ciidamada dhameystay tababarka in ay muujiyaan waddani nimo iyo geesinimo, maxaaa yeelay, manta adinka ayuu dalkii ina sugayaa ayuu hadalkiisa kusoo geba gebeeyay Wasiirka.

Ugu dambeyntii wefdigii wasiirka Gaashaandhigga hoggaaminayay Md, Muhaidin Mohamed Hagi oo tegeay dalka Ethoia 12/7/08dii ayaa kasoo amabaxay magaalada Dabrazeyd 8/8/08, iyagoo kasoo degay Magaalada Baydhabo ee dalka hooyo.

Safiyo Abuukar Karaani
Mogdishu – Somalia

NUURIYE CALI FAARAX IYO CALI GENEY HA LA SOO QABTO


Wareegto uu shaley soo saarey guddoomiyaha ciidanka booliiska dowladda federaalka , general Cabdi Qeybdiid, ayaa waxaa lagu xusey inla soo qabto Nuuriye Cali faarax iyo Cali geney.

Kuwaasi oo ku amar taagleeyey in badan maamulka iyo amaanka gobolka shabeellada hoose, ayaga oo sheeganaayey inay yihiin ciidanka nabadgelyada, isla markaana dejiyey amaanka gobolka.
Waxay hoggaan u ahaayeen ciidan mooryaan ah,kuna saleysan beel gaar ah, kuwaasi oo gaarey inay canshuuraad iyo ganaaxyo kusoo rogey gobolka,taasi oo ahayd culeys dheeraad aan dalka meelahiisa kale ka jirin.

Wararka ayaa sheegaaya inay labadaa dembiilayaalka ah , baxsadeen , ka dib goorta ay ka war heleen wareegtada lagu caddeeyey inaysan aheen kuwa dowladda ka tirsan isla markaana ku adeegto magaca booliiska, kana dhigey amaan darro gobolka shabeellada hoose.

Waraagtadaani waxay dhalisey inay wada baxsadaan, kuna dhuumaaleystaan midba halka uu is leeyahay waad ku amaan heleysaa, taasi oo ay wararku sheegayaan inuu Nuuriye Cali faarax ku dhuumaaleysanaayo aqalka Generaal Gaber, oo ah hoggamiyaha ciidamada Ethiopiaanka, oo markii horeyba lagu tuhmaayey inuu gacansaar la leeyahay kooxda ku amar taagleyso gobolka sh.hoose.

Wararkaani ayaa soo baxaayey ilaa muddooyinkii dambe , ka dib markii la shegeey inay shirar fara badan oo qaar qarsoodi ah woda yeesheen maamul ku sheeggii gobolka sh. Hoose, iyo general Gabre, ayaa la sheegayaa inay u qoondeeyeen lacag gaar ah , sidii uu u horjoogsado keenitaan ciidan dowladeed gobolka sh.hoose.

Halka uu ku dhuumaaleysanaaya Cali Geney aqalka wasiir ku xigeen mudane C/salaam, taasi oo ka dhigan xubin dowladda ka tirsan in lagun dhuumaaleysto gurigeeda oo ah ku xad gudub sharciga isla markaana ka dhigan xoogin dulmi beeleed isu gaashaan buursi.

Indheer garad u dhashey gobolka ayaa waxay u arkaan haddii ay wararkaan run yihiin in arrintaani loo baahanyahay inay dowladda ka qaaddo tillaabo adag, siiba wasiir amase xildhibaan u janjeera dhan qabiil inay ka dhigantahay waxa dalka burburiyey , loona baahneyn in loo dulqaato, kuwa dulmiilayaasha ah, waxaase la sugayaa in sharciga la mariyo, lagana qaado xaqa umadda Soomaaliyeed.

Cadaaladda waa waxa laga la'aa dalka , una horseedey burburka maanta taagan, haddiise la helo waxaa hubaal ah inuu dalkaani ka fiicnaandoono dalal badan ee dunida ku yaal.
Hadalka waxuu ku koobanyahay ha lasoo qabto fara ku dhiigle, iyo dembiile kastaa ee dalkaan iyo dadkaan dhibaata u geystey intii uu dalka ahaa mid ku sugan burbur, hana la mariyo cadaaladda................dhulkan kii leh ha soo baxo...

Tafatiraha Wargeyska
Moh,ad Deeq Xaaji Ali

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday


Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ay maanta ku yeesheen xaruntooda Magaalada Muqdisho waxay xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ka qaadeen Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Shirka ay Golaha Wasiirrada isugu yimaadeen oo uu shir guddoominayay Ra’’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa gunaanadkiisii ka soo baxday in Xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Midkii Duqa Magaalada Muqdisho laga qaaday Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheere).

Warar aynu ka helnay Ilo ku dhow dhow shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta waxaa lagu sheegay sababta Maxamed Dheere xilkaas looga qaaday xil-gudasho la’aan iyo in ay ka soo eed-sheegteen Xubno kala tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sheegay in ay la shaqeyn waayeen Maxamed Dheere.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xilkii uu hayay Maxamed Dheere si KMG ah loogu sii dhiibay Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) oo ah Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada.

Maxamed Dheere ayaa xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir loo magacaabay 26-kii April ee Sanadkii 2007, iyadoo uu magacaabay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo wareegto xafiiskiisa ka soo baxday lagu sheegay in uu magacaabistiisa aqbalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Maxamed Dheere ayaa intii aan xilkaas loo magacaabin wuxuu ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyo ku midoobay Isbaheysi la magac baxay La-dagaalanka Argagixisada, kuwaasi oo ay ka awood roonaadeen Maxkamadihii Islaamka bartamihii sanadkii 2006.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa intii aaney ka awood roonaan Maxkamadihii Islaamka waxaa uu muddo shan sano ah ka talinayay Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo marka laga soo tago in uu dadka gobolka ku soo rogay Shuruuc adag iyo Canshuur xad-dhaaf ah uu dhinaca kale si weyn u sugay ammaanka Gobolkaas, taasi oo keentay in ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaarihiisii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi ay muddo 9 bilood ah ku soo shaqeeyaan Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com