Search This Blog

Saturday, September 13, 2008

Hay’adda WFP Xafiiskeeda Shabeellada Hoose oo Bixineysa Qarashka Ku Baxaya Malleeshiyaadka Lagu Tababarayo K/Waareerey.




Columbus [SSMC] 13 Sept 2008-Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh.Hoose iyo Degmada K/waareey ayaa sheegaya in malleeshiyaadka lagu tababarayo k/waareey qarashka ku baxaya ay bixineyso hay’adda WFP gaar ahaan xafiiska ay ku leedahay magaalada Marka.

Warkan oo aan ka soo xiganney ilo wareedyo aad ugu hay’addaas oo ku sugan magaalada Marka iyo xarunta malleeshiyaadaka lagu tababarayo ee K/waareey ayaa sheegaya inay bixineyso Qarashaadka Raashiinka ee Ciidan beeleedka halkaas lagu tababarayo.

Warkan oo aan ka soo xiganney ilo wareedyo aad ugu hay’addaas oo ku sugan magaalada Marka iyo xarunta malleeshiyaadaka lagu tababarayo ee K/waareey ayaa sheegaya inay bixineyso Qarashaadka Raashiinka ee Ciidan beeleedka halkaas lagu tababarayo.


Malleeshiyaadka meesha lagu tababarayo ayaa waxa la sheegayaa inay 95% ay ka soo jeedaan malleeshiyaadka beesha Ceyr ee ka amar qaata Indhacadde,halka 5% ay yihiin dadka deegaanka K/waareey,waxaana malleeshiyaadkaas la doonayaa in laga mid dhigo ciidan maxkamadaha Islaamka ee ka howlgala Gobolka Shabeellada Hoose,si aan loo luminin haysashada beeshaas ee Gobolka.

Sidoo kale warka ayaa intaas ku daraya in hay’adaha ka howlgala Gobolka Shabeellada Hoose ay ka qeyb qaadanayaan tababarka malleeshiyaad beeleedka ka soconaya degmada K/waareey,waxaana idiin ballanqaadeynaa inaan soo bandhigno hay’adaha arrintaas gacan ka geysanaya,ee gacan ka geysanaya tababarka malleeshiyaadka.

Warqabadka SSMC Xasan Mayow
Warqabadka SSMCXasan Mayow ..
Banaadir Post


Luul Dollar:- "Colka waraf malagu dayay?"


Waxaa ayaan darro ah inagoo Ilaah nagu nimceeyay dhul barwaaqo iyo wadan qani ku-ah macdanta iyo Shidaalka, intaan ka faaiideysan laheyn nimcooyinkaas Eebe nagu maneystay inaan weli u duurbaan tumanayno colaadihii wadanka halakeeyay dibkana noo dhigay muddada 19-sanno ah.
Sidoo kale waxaa arin laga murugooda ah in maalin walba dhagaheena ku dhacaan dilka Aqoonyahanadeena, Haweenkeena, Dhaqaatiirteena, Samafalaayaasha iyo ubadkeena, iyadoo mar-marka qaarna aan aragno dad ku faraxaya dilka lagula kacayo dadkan birma-geydada ah.
Dulucda maqaalkeyga hadaan u soo daa-daago si Ilaah dhibaatadan nagu habsatay looga bad-baado ayaan waxaan ku boorinayaa ragga Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya dalka Soomaaliya inay isku tanaasulaan oo ay u diir-naxaan haweenka iyo caruurta maalin-walba dushooda madaafiicda la isku-weydaarsanayo.
Haweenka Soomaalliyeed oo iyagu dhibka ugu badan ka soo gaaro xiliftanka iyo xinka u dhexeeya ragga Soomaaliyeed ayaan waxaan kula dar-daarmayaa inay isku tashadaan oo ey sameystaan ururo kulmiya, waxaadna ogaataan in 300-Sanno ka hor ragga Soomaalida markii ay dulmiga joojin-waayeen in hilfaha u qaadeen haween ay hoorboodeysay geesiyadii caanka aheyd ee Caraweelo oo mudo qarni ku dhaw iminka talada Soomaaliya maamuli jirtay.
Sidaan wada ognahay dilka qof Muslim ah waxaa lagu galaa naarta, balse maanta waxaa yaab ah in dilkii uu ka noqday Somaliya tusbax go`ay.Hadaba ragga Soomaaliyeed waxaan leenahay hadii aan nahay dumarka, waan aragnaa xaalkiina halka uu marayee aan idiin talino oo inaga isku kaaya soo dhiiba, waayo Soomaalidu waxay tiraahdaa
"Colka waraf ma lagu dayey".
Waxaad ogaataan ragow in uu naga dhamaaday dulqaadkii, waayo uma adkeysan karno gumaadka iyo barakicinta aad nagu heysaan, tii Ilaahayna waa idin sugeysaa.
Maqaalkan waxaan uga dan leeyahay inaan ku baraarujiyo haweenka Soomaaliyeed, mana khuseeyo ragga kuwa wanaagsan ee ka damqanaya dhibaatada lagu hayo haweenka iyo caruurta.
Fiiro Gaar ah: Luul Cabdi Dollar waxay ka mid tahay gabdhaha Somaliyeed ee ku dhaqan Norway, waxayna madax u tahay urur ka shaqeeya danaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Norwey.
QARANIMO WAA GOBANIMO
Luul Cabdi Dollar Oslo, Norway
Email:Lul-Dollar@hotmail.com
Bupal Yare
Firenze
italia
banaadirpost@gmail.com

Muqdisho: Ex- Xaruntii Wasaarada Maaliyada oo maanta dib loo furay.

Xaruntii hore ee Wasaaradii Maaliyada ee dawladdii Jeneraal Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray.

Munaasabad balaaran oo ay ka soo qeybgaleen Wasiiro, Wasiiro kuxigeeno & Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradaasi.

Wasiirka Maaliyada ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cali Xaamud oo xariga ka jaray Dhismahan ayaa wuxuu sheegay in ay maanta sharaf utahay wasaaradiisa in ay howlgaliyaan Ex-Xaruntii hore ee Wasaarada oo ay dhibaato ba'an ka soo gaartay dagaaladii Sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay.Mr. Xaamud wuxuu ugu baaqay Wasaaradaha kale ee dawladda Soomaaliya in ay raacaan talaabada Wasaaradiisa, wuxuuna sheegay in aysan awood balaaran dawladda Soomaaliya ulaheyn waqtigan taabagalinta Dhismayaal cusub loona baahan yahay in dayactir kuwii hore lugu sameeyo.

Wasiirka Arimaha Dibada & Xiriirka Caalamiga ee dalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangali) oo ka hadlay kulankaan ayaa sheegay in ku faraxsan yahay maanta in uuka qeybgalo furitaanka Xaruntii Wasaarada Maaliyada.Wasiirka arimaha dibadu wuxuu sheegay in ay Xukuumada Soomaaliya dooneyso in ay waxqabad muuqda kaga tagto dalka Soomaaliya mudada yar ee udhiman, wuxuuna ugu baaqay Wasaaradaha dawladda Soomaaliya in ay deg deg ku hirgaliyaan Xaafiisyada Wasaaradahaasi.

Cali Axmed Jaamac wuxuu ka codsaday dawladdaha Carbeed in ay gacan ka siiyaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dibu habeyn balaaran oo lugu sameeyo Xarumaha Wasaaradaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.Wasaarada maanta xaafiisyadeeda la furay waxa ay laf dhabar utahay howl balaaran oo ka taagan dalka Soomaaliya, waxa ayna ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan ee waqtigan ka howlgalaya dalka Soomaaliya.Dibu habeynta Xaruntan waxaa lasheegay in ay gacan ka geysteen madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, siiba Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed & Madaxda kale ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

F. C. Geylan