Search This Blog

Saturday, September 13, 2008

Luul Dollar:- "Colka waraf malagu dayay?"


Waxaa ayaan darro ah inagoo Ilaah nagu nimceeyay dhul barwaaqo iyo wadan qani ku-ah macdanta iyo Shidaalka, intaan ka faaiideysan laheyn nimcooyinkaas Eebe nagu maneystay inaan weli u duurbaan tumanayno colaadihii wadanka halakeeyay dibkana noo dhigay muddada 19-sanno ah.
Sidoo kale waxaa arin laga murugooda ah in maalin walba dhagaheena ku dhacaan dilka Aqoonyahanadeena, Haweenkeena, Dhaqaatiirteena, Samafalaayaasha iyo ubadkeena, iyadoo mar-marka qaarna aan aragno dad ku faraxaya dilka lagula kacayo dadkan birma-geydada ah.
Dulucda maqaalkeyga hadaan u soo daa-daago si Ilaah dhibaatadan nagu habsatay looga bad-baado ayaan waxaan ku boorinayaa ragga Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya dalka Soomaaliya inay isku tanaasulaan oo ay u diir-naxaan haweenka iyo caruurta maalin-walba dushooda madaafiicda la isku-weydaarsanayo.
Haweenka Soomaalliyeed oo iyagu dhibka ugu badan ka soo gaaro xiliftanka iyo xinka u dhexeeya ragga Soomaaliyeed ayaan waxaan kula dar-daarmayaa inay isku tashadaan oo ey sameystaan ururo kulmiya, waxaadna ogaataan in 300-Sanno ka hor ragga Soomaalida markii ay dulmiga joojin-waayeen in hilfaha u qaadeen haween ay hoorboodeysay geesiyadii caanka aheyd ee Caraweelo oo mudo qarni ku dhaw iminka talada Soomaaliya maamuli jirtay.
Sidaan wada ognahay dilka qof Muslim ah waxaa lagu galaa naarta, balse maanta waxaa yaab ah in dilkii uu ka noqday Somaliya tusbax go`ay.Hadaba ragga Soomaaliyeed waxaan leenahay hadii aan nahay dumarka, waan aragnaa xaalkiina halka uu marayee aan idiin talino oo inaga isku kaaya soo dhiiba, waayo Soomaalidu waxay tiraahdaa
"Colka waraf ma lagu dayey".
Waxaad ogaataan ragow in uu naga dhamaaday dulqaadkii, waayo uma adkeysan karno gumaadka iyo barakicinta aad nagu heysaan, tii Ilaahayna waa idin sugeysaa.
Maqaalkan waxaan uga dan leeyahay inaan ku baraarujiyo haweenka Soomaaliyeed, mana khuseeyo ragga kuwa wanaagsan ee ka damqanaya dhibaatada lagu hayo haweenka iyo caruurta.
Fiiro Gaar ah: Luul Cabdi Dollar waxay ka mid tahay gabdhaha Somaliyeed ee ku dhaqan Norway, waxayna madax u tahay urur ka shaqeeya danaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Norwey.
QARANIMO WAA GOBANIMO
Luul Cabdi Dollar Oslo, Norway
Email:Lul-Dollar@hotmail.com
Bupal Yare
Firenze
italia
banaadirpost@gmail.com