Search This Blog

Thursday, June 26, 2008













Dagmada X/weyne ee magaalada Muqdisho waxey kamid tahay degmooyinka qadiimiga ah, uguna faca weyn degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana taasi astaan u ah goobaha taariikhiga ah ee ku yaala degmadaasi sida Masaajidada oo qaarkood ay dhisan yihiin ilaa kun sanadood iyo wax ka badan, halka kuwa kalena aan la garaneynin xilliga la dhisay, waxaana ka mid ah masaajidadaasi masaajidka weyn ee Jaamacadda Xamar weyne Marwaas, Arbaca rukun, Fakhrudiin, Cadayga, iyo dhismayaal kale oo muddo fog la dhisay oo ku yaala xeebaha Xamar weyne sida dhismihii Siciid Barqash iyo Marsadii yareyd ee uu doonida ku xiran jiray oo ilaa hadda halkaasi lagu arki karo.



Degmada Xamar weyne oo soo martay marxalado kala duwan, ayaa ka hor dhicitaankii dowladii milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre ahaan jirtay suuqii ugu weynaa ganacsiga, uguna ciriiriga iyo mashquul-ka badnaa faras magaalihii magaalada Muqdisho, waxaana ay kaalintaasi ku weysay dagaaladii ahliga ahaa ee ka dhacay Muqdisho horaantii 90-meeyadii, wixii ka danbeeyey xiligaasna waxaa albaabada loo laabay suuq weynihii ganacsiga ee X/weyne oo isagu markii dambe loo raray suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay kadib markii degmadaasi ay ka mid noqotay safafkii hore ee ay ka dhaceen dagaaladii ugu dhiiga badnaa ee dhexmaray taageerayaashii Marxuum Jen. Maxamed Faarax Ceydiid iyo Cali Mahdi Maxamed oo waagaas siyaasadda ku kala tegey, iskuna baacsanayey gacan ku hayntii magaalada Muqdisho.





Degmada Xamar weyne waxa ay garabka ku haysaa wixii loo yaqiinay Khadka-cagaaran ee kala qeybin jiray Waqooyiga iyo Koonfurta Muqdisho xilligii dagaal min-dhicireedka, waxaana uu ka maraa dhanka Qorax ka soo baxa wadada ka timaadda dhanka xeebta ee hormarta bankigii ganacsiga iyo keydka Soomaaliyeed iyo hotelkii hore ee Al-Curuba ilaa iyo taaladii Dal-jirka Dahsoon haatan oo muddo 15 sanadood ah laga joogo bilowgii dagaalada sokeeye waxoogaa xasilooni ahna la dareemay ayaa qaybihii ugu bilicda samaa degmada Xamar weyne iyo farasmagaalihii Muqdisho waxaa weli ka muuqda raadadkii iyo burburkii foosha xumaa ee ay ku reebeen dagaaladaasi, inkastoo aanay la mid ahayn degmooyinka la deriska ah sida degmada Shingaani oo iyadu guud ahaanba burburtay, laguna tilmaami karo xaafada keliya ee sida ugu ba’an ugu burburtay dagaaladii sokeeye.



Goobaha caanka ah ee dagaaladu ay galaafteen ee degmada Xamar weyne ku yaala ayaa waxaa ka mid ah Wasaaradii Maaliyadda, Bangigii dhexe ee Soomaaliya, Daartii Savoy Center oo ah dhismaha keliya ee ka badbaaday burburka, Shineemo Centrale, Misione, Xamar, Banaadir, Qalcada Kaniisadii Talyaaniga, Dahablihii X/weyne, Xaruntii hore ee Wakaaladda Xoogga Korontada ummadda, Maktabadii & Matxaf-kii Qaranka, Safaaradii Shiinaha, Masaajidkii Arbaca-rukun, Gurigii Talyaaniga (CASSA-ITALIA), Hoteelkii Shabeelle, Dhismihii Ex-baarlamaankii hore, Hotel-kii (CORREGE DEL SUD), iyo dhismayaal kale oo nawaaxigaasii ku yaalay oo ay lahaayeen hay’ado, ganacsato,iyo dad magac leh oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.




Ruux damiir wadaninimo iyo Soomaalinimo ay ku jirto maanta ma sii daawan karo burburka goobahaasi. Muddadii aan lugta ku soo marayey burburka daarahaasi ayaa il ay murugo ka muuqato ku eegayey sida ay u yaalaan iyo waxyeelada argagaxa leh ee soo gaartay, wax dhaqdhaqaaq ah oo xaga nolosha ah kama jiraan, socodka dadkuna waa mid aad u yar oo teel-teel ah, gaadiidna haba sheegin marka aad dhexmareyso dhismayaasha burbursan ee halkaasi ku yaala waxaa uur-ku-taalo iyo naxdin kugu reebaya muuqaalka aan indhaha loo celin karin iyo tacadiga loo geystay dhismayaashii qaranka Soomaaliyeed iyo bilicsamidii magaalada Muqdisho.




Goobaha qaar marka aad agagaarkooda marayso sida nawaaxiga Shabeelle waa cidlo, waxaadna dareemeysaa cabsi aad u fara badan, adigoo is-weydiinaya goorta iyo halka lagaaga soo bixi doono, kamana welweleysid ammaan darro ah oo meeshii waa meel cidlo ah, waxa keliya ee dhagahaaga ku soo dhacaya waa codadka shimbiraha, iyo cayayaano kale oo kala gedisan oo iyagu u kala duulaya daaqadaha dhismayaasha burburay ee halkaasi ku yaala.



Waxay indhahaagu qabanayaan caws lixaad leh oo ka baxay burburka daaraha dhexdooda jiifa iyo hareeraha wadooyinka, dhismihii Ex-baarlamaankii hore ayaa guud ahaanba dhulka la siman, barxadii weyneyd ee ka soo horjeedayna oo xilligii beri-samaadkii marka la gaaro ciidaha xorriyada lagu soo bandhigi jiray ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ayaa hada waxaad ku arki kartaa xoolo u badan ari oo halkaasii loo daaqsiin keeno maalin walba,ka dib markii halkaasii ay si lixaad leh uga baxday dhir aad u fara badan.




Inta badan dad-ka Muqdisho marka aad wax ka weydiiso goobahaasi xilli ugu dambeysay, waxey kuu sheegayaan in iyagoo mudo 15 sanadood ah Muqdisho wax ka degan aanay hadana weli tegin oo aanay xittaa haweysan, iyagoo taasi sabab uga dhigay baqdin ay u baqayaan lafahooda, halka kuwo kalena ay kuu sheegayaan inaysanba kala garan karin hadda sidii ay kala ahaan jireen goobahaasi dhalan roga iyo is-bedelka burburka ku dhacay awgeed.




Dhinaca kale,marka laga yimaado qaybahaasii ay dagaaladu aafeeyeen waxaa jira meelo kale oo aad loo degan yahay oo ka tirsan degmada X/weyne oo ka badbaaday burburkii dhacay kuwaasoo muddooyinkan dambe ku talaabsanayey horumar dhinaca ganacsiga, amniga iyo arrimaha bulshadda, deegaanada ka badbaaday dagaalada oo ka tirsan degmada Xamar weyne ayaa waxaa ka mid ah :Xaafadaha Biasa, Jaamicada, Cadayga, Raqayga, Koodka, Nawaaxiga Via-Roma iyo Via-Egito, halkii hore loo oran jiray Cabdalla Shideeya, iyo Xaafadaha qadiimiga ah ee ku teedsan dacalka xeebta Xamar weyne, sida agagaarka Kawaankii hore ee Kalluunka iyo Xaafadda caanka ah ee loo yaqaano (AW-AWEESKA).




Inkastoo uusan jirin ganacsigii baahsanaa ee Xamar weyne ay caanka ku ahayd, uuna xiran yahay dhismihii cusbaa ee bacadlihii Xamar weyne oo isagu ka badbaaday dagaaladii sokeeye, ayaa haddana dhaqdhaqaaq ganacsi oo isa soo taraya waxaa uu ka jiraa agagaarka kawaankii hilibka iyo khudaarta ee Xamar weyne oo isagu sanadihii 80-meeyadii lagu dhisay deeq ay bixisay Midowga Yurub, iyo weliba qeybo ka tirsan wadada Via-Roma, waxaadna halkaasi ku arki kartaa dukaamo lagu iibiyo waxyaabo kala duwan sida dharka, cuntada, maacuunta iyo agabyada kale ee ay dadku u baahan yihiin iyo goobo kale oo ay ka mid yihiin meelo laga dirsado internet-yada, kuwaasoo habeen iyo maalinba furan waxaa halkaasi saldhigyo waaweyn iyo xafiisyaba ku leh shirkadaha Isgaarsiinta iyo kuwa xawaaladaha ee ka jira magaaladan Muqdisho, kuwaasoo dadka degan Xamar weyne u qabta adeegyo ay ka mid yihiin, teleefoon gelin iyo bixinta lacagaha xawaaladaha ah ee dadka xaafadahaasi u soo xawilaan eheladooda dibedda ku sugan.




Adeegyada kale ee daruuriga ah ee laga heli karo degmada Xamar weyne waxaa ka mid ah Biyo, iyo Koronto 24 saac ah oo ay bixiyaan shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay.




Degmada Xamar weyne waxyaabaha ganacsi ahaan ay weli caanka ku tahay waxaa ugu horeeya iyadoo degmadaasi ay ku taalo seylada ugu weyn ee loo iib keeno Kalluunka magaaladda Muqdisho, halkaasoo maalin kasta ay xadi Kalluun fara badan ah ay ka soo




Dhinaca kale, xaga amaanka degmada Xamar weyne waxa ay ka mid tahay goobaha ugu xasiloonida badan oo ay ku yar yihiin isku dhacyada maleeshiyooyinka hubeysan marka loo eego qeybaha kale ee magaalada Muqdisho, waxaana dhinaca suggida nabadgelyadda degmadaasi ka hawlgala ciidamo Madani ah oo ka tirsan maleeshiyooyinkii ka qeyb qaatay dagaaladii sokeeye kuwaasoo haatan la qabsaday dadka deegaanka, iyagoo lacago yar-yarna ka urursada goobaha ganacsiga iyo suuqyda nawaaxigaas ku yaala.




Xaga caafimaadka dadka degmada Xamar weyne ku dhaqan ma haystaan adeega caafimaad, marka laga reebo qeybo ka mid ah isbitaalka ugu faca weyn Sooomaaliya oo ah Isbitaal Mertiini ayaa waxey xarun u tahay qaar ka tirsan ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku naafoobay dagaaladii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, howsha keliya ee uu hadda qabtana isbitaalkaasi Mertiini waxey tahay tababaro gaagaaban oo halkaasi ay ku siiso arday Soomaaliyeed oo mutadawiciin ah hay’adda bisha cas ee Soomaaliyeed, waxaana dhinaca caafimaadka degmada ka saacida hal M.C.H oo isagu daryeel caafimaad oo kooban u fidiya hooyadda iyo dhalaanka deegaankaasi.Dhinaca waxbarashadda degmada Xamar weyne inkastoo aad loogaga dheereeyo marka loo eego qeybo ka tirsan Muqdisho haddana waxaa subax walba u kalaha dugsiyada H/dhexe ee Xamar weyne, iyo Xaawo Taako arday fara badan oo ka kala yimaada degmada Xamar weyne iyo degmooyinka la deriska ah maadaama aysan jirin dowladdii dhexe ee taakuleyn jirtay macalimiinta, waxaana ardayda dhigata dugsiyadaasi bil kasta laga qaadaa lacago Fee ah oo ay bixiyaan waalidiinta ardayda wax ka barata dugsiyadaasi si macalimiinta ay mushahar ahaan uga dhigtaan.




Degmada Xamar weyne waxaa weli ku nool qaar ka ka tirsan fanaaniintii iyo abwaanadii hore ee Soomaaliyeed ee ka soo jeeda beelaha Banaadiriga ah, kuwaasi oo ku caan baxay sameynta iyo jiliinka riwaayadihii laga daba dhacay ee masraxyada dalka lagu soo ban dhigay xilligii beri-samaadkii waxaana ka mid ah Abwaan Macow Aw-Diinle, Cali Cusmaan Daroog, Xaaji Iikar Leeb, Sheekh Mayow Halaag, Jilaagii caanka ahaa Maxamed Cusmaan (Ina), Faarax Siidow Faarax, Maxamed Aweys Geedow, sidoo kale Jilaagii caanka ahaa Makki Xaaji Banaadir iyo kuwo kale.Goobihii waaweynaa ee dadku ay ku madaadalan jireen, sida shineemooyinkii waaweynaa ee ay lahaan jirtay degmada Xamar weyne ayaa guud ahaanba ku baaba’ay dagaaladii sokeeye waxaana qaarkood ay noqdeen goobo qashin qub ah, marka laga reebo shineemo Super oo hadda ah aan u shaqaynin sidii loogu tala galay, taa bedelkeedana waxaa xaafadaha dhexdooda laga furay shineemooyin yar yar oo habeen iyo maalinba shaqeeya, kuwaasoo tayadooduna ay aad u hooseyso marka laga eego goobaha iyo qalabka ay isticmaalayaan.Degmada Xamar weyne waxaa deegaan ahaan u badan dadka loo yaqaano Qowmiyada Banaadiriga ama (GIBIL-CADKA) dadkaasi noloshoodu 70% waxey ku tiirsan yihiin lacago ay u soo diraan eheladooda dibedaha ku maqan, iyada oo sida laga warqabana kumanaan dadka Banaadiriga ah oo ka qaxay dalka xilligii dagaaladii sokeeye ay degenaansho qaxootinimo ka heleen Maraykanka iyo qaar ka tirsan dalalka Yurub.




Dadka Banaadiriga ah waa dad nabadeed oo aan ka tirsaneyn beelaha hubeysan, taasina waxey keentay in dadkaasi ay u nuglaadaan burcadda, bartilmaameedna u noqdaan kooxaha wax afduubta, waa dad inta badan ka gaabsada siyaasadda, xirfadahooda shaqo waxaa ugu weyn ganacsiga oo aad ka dareemeyso marka aad ku dhex socoto xaafadaha ay degan yihiin, inkastoo ammaan darrada jirta awgeed aanay hadda ganacsi waaweyn faraha kula jirin, xirfadaha kale ee aadka ugu badan dadka Bnaadiriga ah ayaa waxaa ka mid ah Jilaabashada Kalluunka iyo Toliinka dharka oo qoysas badan oo reer Xamar weyne ah ay ku tiirsan yihiin.Ugu danbeyntii dadka reer Xamar weyne waxa ay quudareynayaan in ay mar uun arkaan dowlad Soomaaliyeed oo shaqayneysa, dibna u soo celisa sharcigii, xasiloonidii iyo kala dambeyntii dadku ay ku wada noolaan jireen.


Waxaa Qoray:


Nasrudiin Caydiid Salaad(DIINI)E-mail:


diinicadde@hotmail.com

Cabashada qaxootiga iyo cadawtooyada argagaxisada.





Maqaalkan aan ugu magac darnay cabashada qaxootiga iyo cadawtooyada argagaxisada waxaan diirada ku saari doonaa dhibaatada haysatada dadka qaxootiga ah ee ka barakacay dalka gaar ahaan magaalada muqdisho ka gadaal markii ay korortay dhibaatada argagaxisada ay ku hayaan dadka rayidka ah, waxaana ay hada dadkan ku noolyihiin xeryo cooshado ka samaysan oo ku yaala duleedka muqdisho iyagoo halkaas ay ku haysato macluul iyo dhibaato fara badan.


Hadaba marka aad booqato xeryaha qaxootiga ee ku yaala deegaanka ceelasha biyaha oo ah halka ugu badan ee ay dagan yihiin dadkan ayaa waxaad ku arkaysaa muqaalo aad u argagax leh oo dadkan ka haysta dhanka nolosha.


Booqasho aan dhawaan ku tagnay xeryaha ku yaala duleedka muqdisho iyo kuwa kale ee gudaha magaalada ku yaala ayaa waxa aan kula kulanay tiro dad ah oo ka mid ah qaxootiga goobahaasi ku sugan kuwaas oo ay ka muuqatay dhibaato nololeed oo aad uliidatay. Qaar ka mid ah dadkan ayaan wax ka waydiinay dhibaatada haysata dhinaca ay ubadan tahay iyo waxa ay hada ka cabanaayan.


"Hada xaalada nololeed ee xerooyinkan waa kuwo aad usii xumaanaya , waxana noogu daran dhanka cunada , mana helno kaalmooyin cuno ah oo inagu filan"


sidaana waxa yiri oday da,ah oo ka mid ah qaxootiga ku dhaqan mid ka mid ah xeryaha ku yaala magaalada muqdisho.


"Waxaan si wayn ucodsanaynaa in kaalmooyin dag dag ah ay inala soo gaaraan hay,adaha iyo ururada caalamiga ah iyo kuwa kale ee somalidaba"


ayuu hadalkiisa sii daba dhigay .


"Waxaan daganaa xaafada baar-ubax ee magaalada muqdisho,waxaan halkaas uga soo qaxay ka dib markii aan la kulanay dhibaato xoogan oo ubadan hanjabaad iyo iyadoo hoobiyayaal xaafa dhexdeeda si aan loo meel dayin ay kooxahaas hubaysan uga tuurayaan"


Sdaana waxaa tiri hooya somaliyeed oo aan kula kulanay xera qaxooti oo ku taala deeganka ceelasha ee ku yaala duleedka koofureed ee muqdisho.


"Waxan haystaa laba caruur ah oo aad u yar yar mana heli karo wax aan ku quudiyo "


ayeey marka kale tiri haweneydan oo marka aanu la kulmaynay dusha ku siday canug aad uda, yar oo ay iyada dhashay. Si kastaba ha ahaate xaalada haysata dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan duleed yada muqdisho iyo gudaha magaalada ayaa ah mid aan la soo koobi karin, waxaase ugu badan wax yaabaha ay dadkan dalbanayaan kaalmooyin caalami ah oo dhanka cunada iyo caafimaadka ah.



Barakaca dadkan oo ka badan ilaa iyo hal malyan oo ruux sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday hay,ada UNHCR ayaa waxa ay timid ka gadaal markii ay soo kordheen falalka dhibaataynta ah oo ay kooxaha argagaxisadu la beegsanayaan dadka rayidka ah ,waxaana ka mid ah falalkaasi iyagoo qaraxyo iyo weeraro ka fuliya goobaha ay dadka rayidka ku suganyihiin taas oo dadka ku kaliftay in ay isaga baxaan magaalada iyagoo ka fogaanayaa dhibaato ka soo food saari karta falalkaasi.


Hase ahaate waxaa la gudboon hay,adaha sama-falka caalamiga ah iyo kuwa somalida ahba in ay fiiro gaar ah uyeeshaan dadkan isla markaana kordhiyaan kaalmooyinka ay gaarsiiyaan xeryaha ay qaxootigu ku jiraan, si ay fursad ugu helaan qaxootigan in ay noloshooda dabaraan maadama ay


Tafatiraha Wargeyska

Banaadir Post.

Xamar Cade.

Hey’ada Qaramada Midoobay ugu qaabilsan xaga qoxootiga aduunka ee marka lasoo gaabsho loogu yeero (UNHCR)ayaa mar kale ku celisay dalab ay u jeediney

Hey’ada Qaramada Midoobay ugu qaabilsan xaga qoxootiga aduunka ee marka lasoo gaabsho loogu yeero (UNHCR)ayaa mar kale ku celisay dalab ay u jeedineyso afduubayaasha Soomaaliyeed,kaas oo ah in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo madaxa UNHCR ee magaalada Muqdisho Hassan Mohammed Ali, oo todobaadkan lagu qafaashy degaanka Ceelasha biyaha ee u dhexeya Muqdisho iyo Afgooye.

Baaqa kasoo baxay hey’ada qoxootiga Qaramada Midoobay waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo deegaankii masuulkan lagu afduubtay ay ka dheceen dibad baxyo wali u muuqda in ay sii soconayaan oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku dalbanayan in lasii daayo masuulka UNHCR ee magaalada Muqdisho.

“Shacabka Soomaalidu aad ayay uga walaacsanyihiin dhibaatada loo geystay masuulkan u hayay shaqada muhiimka ah”sidaasi waxaa yiri agaasimaha UNHCR ee dalka Soomaaliya
Guillermo Bettocchi.

Waqti xaadirkan waxaa dalka Soomaaliya afduub ahaan loogu heystaa 9 ka mida shaqaalaha gargaarka bini’aadanimada oo intooda badana ay ku afduuban yihiin gobalka Shabeelaha hoose.

Madaxa UNHCR ee magaalada Muqdisho waxaa sabtidii laga kexeystay hoygiisa,ka gadaal markii ay soo weerareen rag hubeysan oo ilaa iyo iminka aan heybtooda la garan,
waxaase la sheegayaa in lagu heysto meel aan ka fogeyn halkii markii hore laga qafaashay oo ah Ceelasha biyaha.

Dad ayaa leh ama sida ay ogyihiin waxaa arinta gaysta raga Gobolka SH Hoose u qaabishan xaga amniga, waa ku kuwa Booliska,waxaas oo gar wadeen u yahay ninka sheegta taliyaha Ciidanka Gobolka shabeelada Hoose Nuur Cali Faarax, oo ah nin ay Ilmo adeer Yihiin,ninka aad loo Yaqaan JAALE INDHACADE.

Waxaa kaloo gacantooda ku jira dad u badan shaqaale hay,daha gargaarka ama kuwa dadka quudiya.

Waxa maalmahan danbe aad loo hadal hayay 3 qof oo shaqeeya hay,ad talaayni ah oo dhinaca beeraha ka shaqeysa oo gacantooda ku jira, waxaa arintaas og dadka beeralayda ah oo degen degaanka laga qabsadey dadkan.

Waxaa indhaha is tiriya dhamaan kuwa wax ka qaban kara arintan, sida Dowlada Federaalka iyo ciidanaka Itoopiyaanka . Golaha wasiirada, barlamaamnka oo dhamaan ka aamusey.

Yaasiin Yare.
Xamar Cade.

Walalayaal waxaad wada arkeysaan in nin aanba ka tirsaneyn Muqaawamada ama maxkamadaha oo hadana har iyo habeyn afka ku haya nabadii Jabuuti lagu soo





Ana waxaan taagnahay nabada waan u bukaa ee ii daa, isna wuxuu leeyahay kuu deynmaayee waan burburinayaa, ana dhibanaan ahay kan dhulkiisa lagu dagalamayaan ahay intaa kabadana ma yeeli karo dagaalkii waa isoo karey oo Kax baan ahay, isaguna wuxuu leeyahay inta midka u danbeeya meydkiisa Isbitaalka madiina looga qaadayo walee dagaalka waan kugu wadayaa, mana joogo meesha uu dagaalku ku socdo oo madfaca meel uusan gaari karin buu joogaa


.Kuwa sheeganaya in ay cadowga la dagaalamayaan ka ma mid aha oo waan ogahay, nin Takbiirta afkiisa aanu ka maqlneyna maaha, Xaas iyo Caruur kaga dhiman mayaan oo Uk bey u joogaan, Gobolkii uu ka soo jeedey maaha meesha lagu baabaayo, Bakaaraha har iyo habeyn Madfaca ku dhacayo kanixi maayo, barakaca iyo ba'ayda ka agyeeri meyso Cimaamad maxirna oo Jaakadiisuu ku taagan yahay, oo qayilaad qaab xumuu Asmara la fadhiyaa.


Intaa midna kuma jiro, marka sow gardaro maaha waxa uu u hadlayo markii uu maqley nabada soow marag madoonta maaha, inuu yahay nin ku hadlaya afka meesha uu magangelyada u joogo, waxa uu wado mid aan ka qaadan karo maaha, waxa uu igu maagayana ma garan, dagaalka aad durbaanka u tumeysidna macnihiisa waa mid aan cadayn balse maanta maalin aan ahayn baa lagaala xisaabtami doonaa mid la iskaga harayana ma noqon doono, ee taas meel ku duubo kuna talagal in cadowga dadkii keenay aad tahay waana baxayaan mudada loo qabtey insha allah.


Horaa loo yiri Jini Ninkii Keenaa Bixiya marka cidii keentey wey bixin dalku waa degi rajadyada, bakaarana waa la dhisi intii hore ugu dhimateyna allaha naga samir siiyo inta harteyna sharta aad la rabtaa allaha ka bad baadiyo oo adiga Allaha kugu celsho aamiin aamiin.


Sheekh Shariif lacag buu UNta ka soo qaadayaa oo muqaawamada ayuu ku fur furayaa taas waa mid muqawamada utaala iney kaaga jawaabaan waayo ayagaad meel uga dhacdey saa waxaad ku sheegtey rag qadiyadooda ay lacag kala weyn tahaye, Sheekh Shariifna waxaad ku timaantey nin wuxuu u soo halgamayey dhuuni siisanaya taana anagaa ka xaal marneyna Xashaa ku lilaah waana ka sharaf weyn yahay waxaas, nin waxaas ku kacana maaha, kaana qiima badan umadoo dhan baa iiga markhaatiya nin walba intiisaa la siiyaa waa ceeb ka saliin la isu wada sheegay, waa Sheekh IBnu Sheekh Ibnu Sheekh Sheekh waa asal ahaan nin diinta lagu soo abaabiyey waa nin taariikh diisa lagaranayo waa nin qool leh ee maaha hayi raac.


Zam ZAM Laaska


zamzam900@yahoo.com