Search This Blog

Thursday, October 30, 2008

Soomaala’ayeeey! Ciiloow ba’!!!!!!


Arar & Afeef

Cinwaanka maqaalku waa qaylodhaan aysan Soomaalidu horay u maqal. Markii dhib, dil, gardarro, mashaqo, iwm. dhacaan oo arrini heer tolnimo ama toleed joogto, ayaa “Tolla’ayeeey!” iyo wax la mid ah la yiraahdaa. Maadaama xaalka maanta taagani uu marayo heer soomaalinimo ama soomaaliyeed, ayaan inta curiyey oraahda, sidaas darteed u doortay.



Waxaa jira su’aalo hababka looga jawaabay, ay soomaalidu ku kala aragti duwan tahay: Cudurka Soomaalida haya daawo ma leeyahay, mise waa sida carsaanyowga (cancer) oo kale? Hadduu leeyahayna, malla helay mise weli waa la baadigoobayaa? Xaggeese laga raadinayaa? Armaan daawo aanaan u baahnayn raadinteeda ku rafaadnay? Marakan Soomaalidu diyaar ma u tahay inay si dhab ah dib ugu heshiiso oo cudurka haya ka biskooto? Xaggee bay tahay in dibuheshiintu ka bilaabato? Habkee ama qaabkee loogu dhaqaaqi karaa? Kuwee bay tahay in la heshiisiiyo? Kuwee ku habboon ama ay tahay inay bilaabaan dibuheshiinta? Mise weli miyirqab & cafimaadba wejiga lama siin karo? Armaa la jilifoobay oo la qolofoobay, oo laga baqayaa in daawada laftigeeda lugu le’do? Sida doorshaankuba (xaar walwaalka) ugu kogo (qonbobo) barafuunka!!!!



Waxaa dhici karta in nuxurka iyo falanqaynta maqaalku ay Somaaliweyn si dadban ama toosan u taabtaan, oo ay kabuubyada ka bi’iyaan. Hadafkaygu maahan inaan cidna (qof, qoys ama qabiil toona) wax u dhimo. Aragtideyda qof ahaaneed ee ku wajahan ibtilada nugu dhacday, kuwii sababay iyo sida looga bixi karo(biskoon karo) ayaan jecleystay inaan halkaan ku soo gudbiyo. Abbaari mayo xal siyaasaded, maamul samayn & xukun qaybsi toona!!



Maqaalku wuxuu dhammaystir u yahay kii ka horreeyay ee cinwaankiisu ahaa ‘War niman yohow Raggii meeye?’ ee soo baxay September 2007. Maadaama maqaalku dheer yahay, ayaan u habeeyey saddex qaybood (Three parts) oo wada socda. Si ruuxii aan mar wada akhrin karin, uu qayb qayb ugu hakado, kii kari karana uu hal mar u wada akhriyo. Talo ahaan, waxaa ila quman in hal mar la wada akhriyo, si falanqaynta, nuxurka iyo gunaanadka maqaalka iyo isku xirnaantooda sahal & buufis la’aan loogu fahmo.



Waxaa jirta maahmaah Shiineys ah oo leh “ Ninkii raba inuu run sheego, ha diyaarsado faras aad u dheereeya.” Anigu faras iyo baabuur toona ma lihi, baxsadna noqon mayo. Waxaan waxgaradka soomaaliyeed ka codsanayaa inay ila fahmaan “Biskoodka, wanaagga, islaaxa iyo Islaanimada” aan raadinayo. Sido kale, waxaan akhristayaasha ka codsanayaa in wixii gafaf kama’ah, haddayba soo baxaan, ay saxaan……. Ma gafe waa Illaah. Wixii ka yimaada maqaalkaan – shar iyo khayrba – aniga keliya ayaa ka mas’uul ah ee taa halla ogaado.




Gogoldhig



Daawo kastoo loogu talagalay inay cudur ama xanuun daawayso, waxay leedahay doc kayeello. Kuwaasoo marar badan keeni kara cudurro kale oo aan awal qofka hayn.



Ereyga „doc kayeello“ waa mid aan u hindisay erey qalaad oo aan mid afkeenna ah oo u dhigma aan waayay. Ereygu waa „side effects“. Waraaqaha la socda daawooyinka oo dhan, waxaa had iyo jeer ku xusan waxa qaadashada daawo ka imaan kara oo dhibaato ah. Ereyga “Doc kayeello” waxaan kala soo dhex baxay ereyada ay ka mid yihiin waxyeello ama doc-kayeer. Soomaali haddaynu nahay, waynu wada buknaa. Cid fayoobi ma jirto! Waxaynu ka kooban nahay in yaroo og inay bukto, iyo in badan oo aan ogayn inay……



1960kii illaa 1969kii waxaa la ahaa bukaan ordaya;1969kii illaa 1976kii mid xiimaya; 1977kii illaa 1979kii mid dhaawacoo dhutinaya; 1980ki illaa 1985kii mid qoryo ku socda;1986kii illaa 1988kii mid luudayoo qoryihii ka jajabeen; 1989kii illaa 1990kii mid xamaaranayoo fariiso isleh;1991kii illaa hadda waxaa la noqday bukaan suuxsan (kooma ku jira).



Soomaalida waxaa lugu tilmaamaa dad reer miyi u badan oo ad adag. Bukto, macaluul, qahar, shiddo, gaajo, abaar, iyo colaad dheeraatayba waxba kama dhimi jirin. Hasa yeeshee, 1991kii ayaa waxaa haleelay ammuur kedis ahoo aysan horay u soo arag sheekana ku maqal: Waa la wada suuxay: (Qayb sidii loo garaacayey suuxday iyo qayb siday wax u garaacayeen kuwey suuxiyeen ku kor suuxay!!!!!!!!)



Dhawr jeer oo hore baa laysku deyey, in suuxsanaanta lala tacaalo, iyadoo loo adeegsanayo daawooyin (shirar iyo wada hadallo) kala duwan. Waxaana ka dhashay in si tabaryar indhaha loo kala furo. Nasiibdarro, indho kala qaadkii waxaa laga sii qaaday qallal, taah iyo af ka abrin!!
Haddaba, Haddii kiniiniga nabadda la liqo oo la soo miyirsado, maxaa ka dhalan kara oo waxtar ama doc kayeellooyin (side effects) ah?



********************



Sida la wada og yahay, waxaa illaa hadda weli ka jira gobolka Banaadir, dhibaatooyin fara badan oo isugu jira dil, dhac, gaajo, cudur iyo barakac. Markaad raadiyaasha dhegeysatid ama telefishanada daawatid, naftu kuma siin karto inaad ku sii raagtid. Calool xumo iyo ciil baa kula soo dersaya. Carruur, haween iyo waayeel dhib iyo qahar ka muuqdaan baad arkaysaa. Amxaaro, Muqaawimo, DKMG, Amisom iyo Mooryaan iscayrsanaysa baa hadba ku dhex durduriya ama agtooda ku dagaalama!!
waxaa iyana nasoo galay amuuro halis ahoo aynu wararka adduunka ka dhegeysan jirnay: Culimmo qaarkeed legdamayo oo dibir isla raba; Ruux kaa aragti duwan ama aan kula jaal ahayn oo murtadnimo lugu shaabadeeyo; Dilal qorshaysan oo casriyeysan oo aynu awal filimada keliya ku arki jirnay!!
Dhanka kale, waxaan weli joogsan qulqulka Soomaalidu ay dibedda ugu qaxayso. Lama degaanka saxaaraha ee u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya, badda cas (Red sea) iyo tan dhexe (Mediterranean sea) ayaa si joogta ah loogu le’anayaa. Amuuraha hadda ka taagan Xamar yaa ka mas’uul ah? Ma amxaarada? Ma qoladii u yeeratay? Ma shisheeye? Ma shaydaan? Ma Jin? Mise wax kalaa jiri kara? Intaan ku dhex jiray isla hadalka iyo hammiga, ayaan hal mar waxaan dhugtay cajaladdii aan ku khilaaweynayay, waxaan arkay inay dhexda marayso. Illayn waxaan ahaa sida nin filim kala qabsaday qaybta labaad (secondo tempo) oo kale!



Intaan cajaladdii joojiyay oo gadaal u ceshay baan soo bilaabay………..



Soomaalidu weligeed waa diriri jireen, rag baa islayn jiray, xoolaa la kala dhici jiray. Haddaba maxaa Xamar ka dhacay 1991kii? Ma rag baa diriray? Mise…?



Waxaan horay loo soo arag loona maqal, oo dhaqankeenna suubban iyo islaanimada meelna kasoo gelin baa dhacay. Ka sokow, dagaaladii ragga hubaysan u dhexeeyay, waxaa dhacay Gumaad iyo Xasuuq! Cid loo aabbayeelay ma jirin. Carruur, qaarkood uurka ku jiraan; haween (ugub, xaas, hooyo, garoob, carmal, habar) iyo odayaal baa laga dhigay wax la laayay, la dhacay, la faraxumeeyay, ama la barakiciyay.



Derisnimo, saaxiibtinimo, reer abtinimo, xididnimo, soomaalinimo iyo islaanimoba dad fara badan oo aan waxba galabsan baa ku badbaadi kari waaayay oo aakhiro iyo adduun salkii loo kala diray!!!



Waxaan shaki ku jirin in jabhadihii la dirirayay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre (Allaha u naxariiste), ay isku hadaf iyo himilo ahaayeen..



Giddigood waxaa loo aasaasay inay waddanka badbaadiyaan. Haddaba, Yaa baddalay ama qaloociyay hadafkii iyo ujeeddooyinkii jabhaddii xamar soo gashay? Rag fara ku tiris ah ayaa ibtilada dhacday ka mas’uul ahaa. Raggaasi waxay godob iyo dembi adduun iyo aakhiraba u soo jiideen tolweynaha ay ka dhasheen. Waxaa horey loo yiri, “haddaad rabtid inaad dadweyne ama tolweyne kicisid ama qancisid, la hadal shucuurtooda ( u sheeg waxay jecel yihiin); ninna garaadkiisa la hadal; marwana qalbigeeda .



Dadweyne ama bulsho hadba dhinacii la rabo (shar & khayr) baa loo yaacin kara, laakiin in nin keligii la qanciyo ama la kiciyo ma sahlana.



Hadafka qoran ee jabhaddii xamar soo gashay, wuxuu ahaa inay shacabka xamar gaar ahaan iyo soomaaliweyn guudahaan, ka xoreeyaan maamulkii markaas joogay. Dastuurkii iyo ujeeddooyinkii u qornaa jabhadda iyo Xamar cadde wixii ka dhacay wax shaqo isku leh maahayn. Yaa himilooyinkii wan wanaagsanaa ee Roma lugu soo qoray 1989kii u rogay “war aynu reer hebel wada hoobinno’ iyo ‘Caasimadda annagaa iska leh!!!’?



Hadaf aan dastuurkii jabhadda ku qornayn ayaa meesha kasoo baxay: Xukuumaddii iyo shacabkii la rabay in laga badbaadiyo ayaa cagta cagta loo saaray!!! Halkaasna Waxaa shacabkii xamar u bilawday nooc cusub oo ah oroddada dhaadheer(Marathon) oo xowli iyo xiin (ama fagax dheer) ku socda.




Kooxdii Cabdi Bile loogu magac daray ee la gaari kari waayay ayaa noqotay Fagaxdii koowaad (1st long Heat).



Xamar waxaa joogay xukuumad iyo shacabweyne. Labadoodiina bannaanka ayaa laga dhigay! Haddii geelii la dhaqan lahaa uu kala noqdo mid baxsaday, mid la qashay iyo mid dugaag ku cunay halka loo yaqaan ‘Habaar waarid’ ee u dhexeysa Kismaayo iyo xudduudka Kenya…Haddee keenada, dabarka, usha, tooreyda iyo qorigu noqon mayaan GEEL!!! Sideedaba, hadduu nin rabo inuu soo dhacsado fardo ama geel laga haysto, ama kuwa uusan lahayn soo dhac is yiraahdo, caqligu siin mayo inuu giddi xabad kala daalo….




Halkaasna ay fardo/geel la’aani ku dhacdo.



Xamar waxaa isugu soo haray hoggaamiyeyaashii guulaystayaasha, qoysaskooda, ehelkooda, qaraabadooda iyo ciidamadoodii – oo isku noqday, tusaale ahaan, reer boqor(Royal family). Haddaba, reer boqor looguma talagelin inay is xukumaan, waa inay helaan dadweyne (raaciye) ama shacab ay maamulaan. Mana heli karaan. Sababtoo ah, iyagaa shacabweynihii u qaybiyay kuwa la dilay ama dibedda u cararay!!!



Waxaa laga fursan waayay in, ’Inta xamar soo gashay ay is xukumaan! Sidee ruux raba inuu taliyo, u yeeli karaa in loo taliyo? Waxaa isku dhacay intii guulaysatay! Khasaarihii ugu horreeyay wuxuu ku dhacay xamar. Magaaladii oo dhan waa burburtay.



Haddaba, tii lugu dhigay kooxdii fagaxda koowaad, mid ka daran bay isku dhigeen. Kuwoodii laga adkaaday baa noqday kooxdii fagaxda labaad (2nd long Heat). Kooxdaan 2aad, dulmigii, godobtii iyo gumaadkii ay u gaysteen kooxdii 1aad, baa iyagana loo gaystay! Xeryaha qaxootiga ee Kenya ayaa laysugu tegey, iyadoo la wada yahay dhibbanayaal(victims). Waa laga wada sii haajiray oo Yurub iyo Ameerika laysaga daba yimid. Orodku weli ma dhammaan oo haddadaan aan sadarkaan qorayo, waxaa jidka kusoo jira horin ka mid ah kooxda fagaxda 18naad (18th long Heat)!!!!!!



Magaaladii xamar waxay noqotay gobollo yaryaroo wada yaal! Xamar waxay ahayd magaala madaxdii Soomaaliya, mana jiri jirin cid si gaar ah u sheegata. Soomaali – summad kastay lahayd – oo dhan baa wada degganayd oo hanti ku lahayd.
Waxaa ayaandarro ah, in ay jiraan dad farabadan oo dalkii iyo dibeddaba ku kala nool, oo qaarkood ay jaamacado dhammeeyeen, oo weli la soo taagan, ‘Caasimadda Soomaaliya (magaalada Xamar) annagaa iska leh!!!’ Illaan ceeb looma dhinto!!!!!!!



La garay hanti gaar ahaaneed (private property) oo qofi wuu oran karaa, matalan, ‘gurigaan, beertaan, dukaankaan, baabuurkaan, xoolahaan, iwm. Anigaa iska leh’ Laakiin ‘Magaaladaan,degmadaan ama gobolkaan anigaa(annagaa) iska leh’, waa arrin runtii laga yaxyaxo. Hadalhayntii Soomaaliya inteedii kale waa dhammaatay. Waxaa isku micne (synonyme) noqday -illaa haddadaan- ereyada Mogadishu(xamar) iyo Soomaaliya. Haddii Soomaaliya laga hadlo waa Mogadishu, markii Mogadisho laga hadlana waa Soomaaliya!!!
Kooxihii hore ee orodku u dhammaaday ee qurbajoogga noqday, kama aysan dhex bixin cayaaraha, oo waxay noqdeen tababarayaal (trainers). Waxay meherad iyo caqli ka dhigteen: Qaylodhaan, sal kicin, beenabuur, dhiirrigelin, maalgelin iyo diradiro ku wajahan kooxaha weli ku sugan geeska Afrika. Hadafkoodu wuxuu noqday, inaan marnaba fagaxda iyo feerojebintu joogsan!!!!



********************
Qaybta Labaad – Part 2



In badan baa lays weydiiyay sababta xamar u degi la’ yahay. Had iyo jeer jilayaal horleh (new actors) iyo arrimo horleh baa soo baxaya. Maxaa Xamar 18ka sano weli shidaya? Amxaaradu mar dambay noo timid. Soomaalidu waxay horay u yiqiineen ama maqli jireen Sadaqa Jaariyah, waxaase 1991kii, markii ugu horreysay la bartay oo bilawday Dulmun Jaari - mid geerida qofka keddib weli socda! (Digniin: waa sarbeeb! Sidaan oraahda u qoray ulama jeedo, ee akhristoow, haygu soo boodin, adigoo ‘bisinka’ ‘bisinka’ leh ). Dulmi wayraxsanoo MIRQAANSAN oo ku shaqaynayaa nidaamka dubnaddu isugu dhacdhacdo, markii midkood la taabto (Domino effect) oo aan la joojin karin baa bilawday.



Xamar waxaa kasoo dhacay welina ka dhacaya dulmi noocyadiisa kala duwan iyo argagax farabadan oo aan ruuxna horay u saadaalin Karin.




Waa dhab in degmooyin kale oo gobollada kale ka tirsan ay arrimo naxdin lihi kasoo dheceen welina ka dhacaan iyagoo teelteel ah. waxaanse qabaa in aysan jirin wax ka daran dhaawaca iyo haaraha ka muuqda ex(ekis) Xamar Cadde. Cid iyo wax loo aabbayeelay ma jirin.




Naflay, hanti gaar ah, waddooyin, dhismayaal taariikheed, madxaf, maktabaddo, taallooyin, gaadiid, xafiisyo, isbitaallo, dugsiyo,jaamacado, dukaammo, suuqyo. Iwm. ayaa si caqliga ka baxsan loogu galgashay. Hubka noocyadiisa kala duwan baa laga adeejiyay!!! Waxaan soo xusuustay oraah uu yiri filosoof Maraykan ahaa oo la oran jiray Abraham Maslow (1908 – 1970) : “Haddii qalabka keliya ee aad haysatid uu burrus yahay, waxay dhibaato walba kuula muuqanaysaa musmaar oo kale…If the only tool you have is a hammer, you tend to see every problem as a nail”.



Xamar wuxuu noqday meesha keliya ee qof gacan ku dhiigle ahi uu si nabdoon ugu noolaan karo. Markaad u fiirsatid dilalka ka dhaca gobollada oo idil, waxaad arkaysaa in qof qof dilay oo la og yahay uusan degmadiisa ku dhex noolaan karin. Wuxuu ku khasban yahay inuu baxsado.



Haddaba, Ilaahay baa Xamar ku imtixaamay waxaan layska dhicin karin oo aan la arki karin. Daruuro biyahoodu ay yihiin:
Nabsi ururoo qamuunyeysan & Inkaar xiimaysoo hurguntay,
Habaar gagabayoo ilmeynaya & Naxdin bararsanoo buufis wadata,
Murugo caraysan oo qamaamaysa & Rooxaan noocyadeeda kala duwan baa xamar la kor dhigay!!!



Xamar caddihii Soomaalida u ahaa caasimadda,wuxuu isu badadalay guri gudcuroo qolol iyo musas badan oo nabsi iyo rooxaan kor heehaabayaan (Ghost house). Markaad wax yar u fiirsatid amuuraha ka dhacaya Xamar, waxay ku xusuusinayaan filimada naxdinta leh (horror films). Cid Alla ciddii soo gashaba waxbaa si ka noqonaya!!. Xataa hubkii yiillay baa ku wareeray! Xabbaddii la ridaba, meelaan loogu talagelin bay aaddaa ama ku habsataa, iyadoo ‘Habow’ ah !!! Ma rooxaan iyo nabsi baa shaqaynaya? Ma shiishxumaa jirta? Mise waa mirqaan xad dhaafay musaraarkiis (jidbadiis ama bururkiis)!?
Mar Alla markaad is tiraahdid,’Allaylaha haddaa wax inoo hagaagayaan’, dhinac bay ka fikanaysaa!! Xataa qoladii maxkamadaha ee kitaabka wadatay, waxbaa si ka noqday! Qaar ka mid ah xubnahooda xamar ku sugnaa, ayaa wax is tuseen (malaha rooxaantii baa taabatay!) oo is arkay iyagoo Baydhaba ku tukanaya, oo Adis abeba usii socda. Keddibna Tigree ka itaal roon baa lugu salladay!!



Waxyaalaha ku tusaya in xaalka Xamar uusan caadi ahayn, waxaa ka mid ah, barakicii ugu dambeeyay ee ugu orodka gaabnaa. Markii loo cararay duleedka Xamar (geedaha hoostooda), rag baa la yiri, waxay bilaabeen inay geedaha dadka ka ijaaraan!!! Rag kalaa, iyana la yiri, waxay dadkii u diideen inay magaalooyinka dhowdhow gaaraan, sida Afgooye, iyagoo ku leh,’war haddaad sii fogaataan, xamar dib ugu noqon maysan,oo waa la idiin dabamarayaa…Halkiinna jooga, annagaa dhaqaale iyo gargaar idiin soo direynee!!!’.
Xamar waxaa 1991kii ka bilawday dulmi ku socda nidaamka cayaaraha orodka qori isu dhiibka (Relay). Orodka laba (2) Halgame oo isku koox ah oo kala jira ayaa si cayaarxumo (unfair play) ah - Garsooraha (referee / arbitro) oo aan weli firinbiga yeerin – u bilaabay, iyadoon kooxihii (jabhadihii) kale aysan soo wada gaarin garoonka cayaaraha ((Xamar).



Orod xaraarad leh oo labadii bilaabay buska looga tegey markii dambe, baa rag badan u bilawday. Wareeg walba rag baa looga tegayey, markii kabuhu ka dhammaadaan oo caguhu dildilaacaan! Orodka dulmiga waxaa istaajiyay Maxkamadaha Islaamiga ah!

Muddo keddib, markii DKMG iyo Isbahaysigu damceen inay wada fariistaan, Isbahaysigii baa kala booday! Haddana waxaa ku xigay in DKMG ay iyaduna markeeda kala boodday!! Markii iyagiina dibedda lugu soo heshiisiiyey baa madaxdii isbahaysigu is hardiyeen oo ay meel xun ka gaadhay. Midba midka kaluu ku eedeeyay inuu xaqii iyo tubtii toosnayd ka leexday!! Ugu dambaystiina, laba(2) Caalim oo isku dariiqo ah ayaa qaabkii iyo xeeshii dibuxoreynta ku kala xanaaqay oo kala degay (Asmara & Jibuuti) !!! Wadeeca Alla!!! War yaa noo islaama??? Mar walba qolo ama qof baa dhinac u baxa ama dhex taagan, isagoon tanaasul oggolayn oo kelyaha haysta!! .....Isbaara daa’imah!!!
Tiradii (2) ay ku bilaabatay 18 sano ka hor ayay ku soo noqotay, iyadoo weji kale leh….. Checkmate!!! - ‘Asmara gar leh, Jabuutina gar leh’…Reloaded!!!
Laba gabay oo uu tiriyay Cismaan Y. Keenadiid (Allaha u naxariistee) dhawr iyo afartan sano ka hor, oo aad mooddid inuu hadda ka hadlayo, baa waxaa ka mid ahaa:
Aqoonyarana Soomaali bay iil ka dhaadhicine
Arrinxumo ninkeedii intuu eedayaa badane
Asbaab ay dhigeen buu ku yimid amarka haystaaye!!!!
*****************************
Iyagaa libaaxyo isu noqon oo islaarriyiye
Midba inuu walaalkii legduu leebyaduu tumane!!!
In laftood jabaysiyo ma oga le’ashadoodaase!!!
Intaas keddib, waxaa isweydiin mudan, sidee buu ahaa xaalka iyo xiriirka ka dhexeeyay beelaha (qabiilooyinka) soomaaliyeed, ka hor intaan xornimadu imaan?
Soomaalida waxaa lugu tilmaamaa dad 90% reer miyi ah. Waxaa ka dhexeeya isir, af, diin iyo dhaqan isku mid ah. Duullaamadii iyo dagaaladii ka dhex dhici jiray, waxay inta badan ka dhalan jireen Ceel (biyo) iyo Caws (daaq). Waxaa had iyo jeer isku dhici jiray beelaha deriska ah. (Dhirtu siday isu xigtay isu xoqdaa). Wax kastoo beelaha ka dhex dhacana, rag baa ka arrimin jiray, oo geed hoostiis iyo gogol baa lugu kala gar iyo mag qaadan jiray. Taariikhda inta aan ka ogahay, luguma hayo, beelweyn si wadajir ah ugu duushay mid kale, iyadoo rabta inay wada tirtirto! Ma jirin colaad soo jireen ah oo ka dhexeysay afarta beelweyn ee soomaalida.
Beelaha Deelka iyo Ha’du, waa laba beelood oo aan isku degaan ahayn. Badankoodna isma dhex dego, ismana yaqaanaan!
Intooda yar ee ee cirbahoodu is xigaan (Jiinka & Qaafka) baa is yaqaan. Taariikhda luguma hayo (tusaale ahaan), meel iyo goor ay ‘Ariboowe’ iyo ‘Arreey’ isku dheceen!!! Taariikh aan jirin baa inta laga been abuurtay, lugu awr kacsaday. Muddo keddibna, dad aan badnayn baa been abuurkii fahmay, iyagoo leh ‘waa nala khalday ( nala ajaray)!.
Si xun u isticmaalka taariikhda (misuse of history) horaan ugaga soo hadlay maqaalkii ahaa ‘Awr ku kacsi), waxaa noocyadeeda ka mid ah: dhacdooyin dhab ah oo la inkiro(denial); laga been-abuuro (falsification); layska laalaadiyo dhacdo gaar ah (fixation on a particular event); aan la sheegin (omission); aan aqoon loo lahayn (ignorance); loo dhiig-miirto ujeedooyin banaanka ka ah dartood (exploitation for extraneous purposes); iwm.
Waxaa la yiri,Qabyaaladdu (tribalism) waa sida geed weyn oo kale. Qaybta ugu xoog badani (xididdada) waa u qarsoon tahay. Xididdadu(roots) waxay ku dhex jiraan ciidda(shacabka). Waana halka ay ka nafaqo iyo shidaal qaataan! Iyagaa ciidda ku nool ee ciiddu uma baahna. Haddii la faago(qodo) oo xididdada bannaanka lasoo dhigo, geedku (qabyaaladdu) wuu dhimanayaa.
Haddii kalase, intuu koro oo sii ballaarto, ayuu yeelanayaa laamo ad adag iyo caleemo fara badan. Hadba markii laan laga jebiyo ama caleen ka dhacdo, kuwo kale (qabqableyaal horleh) ayaa u soo baxaya. Sababtoo ah ciiddaa (shacabka) nafaqo iyo shidaal mar walba diyaar ula ah.
Waxaynu nahay ummad 95% maskaxda iyo garaadka laga haysto, oo aan xor u ahayn, xataa ku dhaqanka Diinta aynu wada sheeganayno! Ayaandarrada na haysatana, waa qolooyinka na haysta oo aan ahayn kuwo dagaal iyo wax iska caabin laysaga xoreyn karo. Qolooyinku waa dad beri hore jiri jiray oo reer aakhiraad (Ahlu qubuur) noqday, (Alyacni Odayaasha iyo Habraha lugu abtirsado). Waa dad aadan waxtar iyo waxyeello toona gaarsiin karin, iyaguna waxba ku tari karin. Haddii ragga ku adeegta ahlu qubuurta iyo beelahoodu xisaabtami lahaayeen, wax badan baa isfurfuri lahaa:
- War aan codka ku siinnee ama aan kuu dagaallannee,maxaad beesha u haysaa?
- Maxaad beesha uga qabanaysaa arrimaha waxbarashada, caafimaadka, nabadgel-
yada, garsoorka, siyaasadda iyo adeegga bulshada?
- Hadafkaadu ma wuxuu ku kooban yahay beesheenna mise gobolkeenna mise soomaaliweyn oo dhan?
- Aragtidaada hoggaamiyenimo, ma waxay ku wajahan tahay annagoo dhan (tus. reer Lugyahan iyo Misigyahan) mise reer Kubyahan oo keliya baad madax u tahay?
Ragga ku qaraabta ahlu qubuurta wax dan iyo maslaxa ah uma hayaan beelahooda. Beeli waa jaranjaro ay danahooda ku gaaraan oo keliya. Faa’idada iyo mirqaanka keliya ee ay xubnaha beeli haystaan waa: ‘Nin annaga ah baa halkaas ka taliya ama xafiiskeer fadhiya ama ciidankaan wata!!!’ iwm.
Arrinta Ahlu Qubuurta waxaa in badan ka hadlay wadaaddada samankaan ugu firfircoon ee Salafiyiinta. Illaa xadna way ku guulaysteen inay caamada ka dhaadhiciyaan, in Ahlu qubuurta (tus. awliyo, culimo iwm.) oo la baryaa ay dembi tahay. Waxayse ka leexdeen, illoobeen amaba ku dhici kari waayeen inay si toos ah oo aan gabasho lahayn uga hadlaan, farta ku fiiqaan oo magacaabaan Odayaasha iyo Habraha iyo weliba geedaha iyo bahaladda lugu abtirsado!!!
Mise waa gartoodoo laftigoodaba waa lugu dheggan yahay!! Mise ‘Litacaarafuu’ bay si kale u fahmeen, waa iyagaa maxkamadihii islaamiga ku dhisay nidaamka Ahlu qubuurtee???
***********************************************************************

Qaybta saddexaad – Part 3

Sidee dib-u-heshiin dhab ah lugu gaari karaa?

Intaas haddaan uga gudbo quusidda, kor sabbaynta iyo iftiiminta Aafada ina wada haysata ee 1991kii soo bilaabatay, waxaan maqaalka ku soo gunaanadayaa, sida ay ila tahay, ee looga bixi karo.
Marka hore, ereyga ‚Dib u heshiin – Reconciliation’ wuxuu muujinayaa dad ama beelo, horey heshiis u ahaa, oo colaad dhexmartay, haddana raba/ la rabo inay dib u heeshiiyaan. Arrinta Soomaaliya kasoo dhacday, gaarahaan Caasimadda, maahan mid soomaalida u gaar ah. Waddammo kale bay saman hore, mid dhexe iyo samankaanba kasoo dhacday. Waxaana looga gudbay qaab nabadeed iyo iscafin (marka qolada dulmiga gashay ay qirato) ama qaab xisaabtan iyo maxkamado, iyadoo la adeegsanayo habka ah “Who did what to whom when“ oo macnaheedu yahay „Kee baa ku kale markaas wax yeelay’. (tus, Ruanda).Waxaa la sameeyaa baaritaanno, lana keenaa markhaatiyo iyo dhibbanayaasha (victims) weli nool.
Waxaan filayaa in qaabka hore ee nabadeed uu Soomaalida la gudboon yahay.
Si dibu heshiin loo gaaro, waxaa lagama maarmaan ah in kiniiniga Nabadda (Qursun) la wada liqo – Waa haddii muslinimadu ay dhab naga tahay. Kiniiniga Nabaddu (Quraanka & Sunnada) waa daawada keliya ee markii la liqo, durbadiiba qofka soomaaliyeed uu dareemi karo culayska (ahlu qubuurta) uu xanbaarsan yahay. Dadka qaar qaac isku qarinaya ama dana kale leh baa qaba ama ku sheekeeya in arrimaha aan ka hadlayo, ay yihiin kuwo laga soo gudbay. Haddii arrimo soo dhacay mar hore aan weli laga hadlin, sabab kasta ha lahaatee, macnuhu maahan in laga soo gudbay.
Runtu waxay tahay inaan weli la biskoon. Belo iyo baas aan ahayn cudurka qabyaaladda nama hayaan! Markaad arrimaha soomaalida si fiican ugu fiirsatid, waxaa kuu soo baxaya, in wanaaggeenii iyo dadnimadeenii oo dhammi ay qabyaaladdu naafo ka dhigtay. Dhinac iyo koox walboo aad fiirisidba iyadaa hor taagan, ku dhexjirta, daba taagan ama gees cararaysa: Kooxo kala jira oo dowlad tabaryar cayrsanaya iyo kuwa la cayrsanayo oo xubnahoodu jillaafo isu dhigayo ama is turaantureynayo si qaarkood ay kooxuhu usoo gaaraan. Soomaali kasta wuxuu Safiir (Ambassador) iyo Afhayeen (Speaker) u yahay ugu yaraan 20 Ahlu qubuur ah!!! Kulan ama shir kastay yeeshaan waxay uga qayb galaan heer Safiirnimo! Safiirna go’aan iskama gaari karo haddaan dawladiisu amar siin. Soomaaligu wuxuu go’aan gaaraa isagoon amar ka helin Ahlu qubuurta – maba ka heli karee!, laakiinse aaminsan inuu wax weyn u tarayo reer Aakhiraadka!!!
Ma jiro Soomali aan daawadaan haysan: Qaar ay guryaha u taal; qaar ay jeebabka ugu jirto; qaar ay dhegaha ugu jirto; qaar gacmaha ku haysta; iyo qaar ay carrabyada u saran tahay – laakiin aan ku dhici karin inay liqaan! Hadday liqaan waxay ka takoormayaan beelahooda – Horaa loo yiri ‘Fiqi bahdii kama janna tago’. Qoladaan dambe dadweynaha ayay baraan ugana sheekeeyaan waxtarka, macaanka, khushuuca, taqwada iyo khayrka uu Kiniiniga Nabaddu leeyahay!!! Intaasiba waa naruuro. Waa Alle mahadii. Waxaa keliya oo noo haray inaan Raganimo iska raadinno oo aan Kiniiniga Nabadda wada liqno!! Haysashadiisa keliya waxba na tari mayso, haddaynaan gaarsiin qaybta dheefshiidka (digestive system). Jeerkaas keliya ayaa jirka, qalbiga, dareenka, garaadka, caqliga, aqoonta, diinta iyo akhlaaqda Soomaaligu uu isbeddel ku dhici karaa.
Waa nasiib badan yahay ruux, inta godob iyo dulmi ummadd kasoo galay mar hore weli nool. Wuxuu weli haystaa fursad uu dembigiisa ku qiran karo, cafisna ku weydiisan karo, dadkuu dembi kasoo galay iyo Allihii abuurtayba. Dembigaad Eebbe keliya ka gashid, Alle wuu kaa cafin karaa. Kaad dad ka gashidse, xisaabtiisu irridda aakhiray kugu sugaysaa.
Waxay iila ekaatay in daawa qaadashada iyo dib u heshiintu ay ka bilaabato halkii ay dulmiga iyo aafadu ka bilawdeen 1991kii, oo ah caasimadda Xamar. Intaan arrinta lugu dhaqaaqin, waa in :
Xabbadjoojin (ugu yaraan 3 bilood ah) laga helo muqaawamada, DKMG, Amisom, Amxaarada, Mooryaanta
Taleefan joojin laga helo warxungeeyada qurbajoogga
Keddibna lugu dhaqaaqo furitaanka wejiga koowaad.
I – Wejiga Koowaad

Shirweyne (Gogol) ay isugu wada yimaadaan Isimada dhabta ah ee dhaxalka u leh (Abtiris ahaan - genealogical) ee beelweynta Ha’da, oo ay wheliyaan waxgaradkooda iyo culimadooda oo keliya. Inaan loo yeerin qolooyinka ku qaraabta magaca beesha, sida nabadoon, oday beeled, afhayeen iyo kuwa siyaasadda hor booda.
Qodobbada gogoshuna ay ka mid noqdaan ,Matalan(tus.):
- Toos uga hadlid, falanqayn, ka garnaqsi wixii kala gaaray beelweynta wixii ka dambeeyay 1991kii.
- Dib u furid mas’aladdii hore ee la xallin kari waayay ee’ Hebel gar leh, hebelna gar leh’, si garsoor iyo go’aan looga gaaro, loogana gudbo – Illayn gari laba nin kama wada qoslisee.
- Magaca Ha’du wuxuu noqday kan keliya ee weli laga maqlo warbaahinta noocyadeeda kala duwan. Rag aan badnayn baa magacii, sharaftii, aqoontii, diintii, dhaqankii beelweynta oo dhan ‘Isbaaro’ u dhigtay. In waxgaradka beeshu raggaas istusaan, go’aan ka gaaraan, iskana qabtaan.
- Hanti maguuranta isu celin, gar iyo mag kala qaadasho.
- Is wada cafin:Haddaan si dhab ah oon qarsi lahayn looga hadlin godobta iyo dulmigii dhacay, haddee si duuduub ah, laysuguma cafin karo, laysugumana faataxayn karo, cuqdo iyo shakina bixi mayaan.
II – Wejiga Labaad
In beelweynta Ha’da oo gacmaha is wada haysata, ay gogol u dhigaan Soomaaliweyn oo dhan, intay Xamar ku casumaan isimada, culimada & waxgaradka oo idil.
Qodobbada gogoshana waxaa ka mid noqon kara, matalan(tus.):
- In beesha Ha’du qaadato mas’uuliyadda wixii Xamar kasoo dhacay. Wixii ka dambeeyay 91kii, Xamar iyaga keliya ayaa ku sugnaa, oo sheegtay. Raggii haystay ama ku dhex diriri jireyna iyaga keliya ayay ahaayeen.
- In beeshu oggolaato inay magdhow iyo xaalmarin siiso dhibbanayaasha (victims) weli nool ee soomaaliweyn oo dhan. (Fulinta arrintaan oo dhici doonta markii batroolka dalka ceegaaga la soo saro...Eebbe idankiis)
- Gartaan oo oggolaadaan in aysan jiri karin cid ama beel si gaar ah u sheegan karta caasimadda Soomaaliya.
- In beeshu raalligelin ka bixiso, cafis rasmi ahna(official) ay weydiisato soomaaliweyn oo dhan. Keddibna la cafiyo.
- Soo celinta hantida maguuraanka ah ee soomaaliweyn (dadweyne & dowladba)
- Is cafin guud iyo mid gaareed oo laba geesood ah(bilateral) oo dhex marta Beelweynta Ha’da iyo Soomaaliweyn. Keddibna mid ah beelaha dhexdooda oo dhan.
III - Wejiga Saddexaad
Baaq(qoraal ah) oo ay wadajir u soo saaraan Isimada Beelaha soomaaliyeed oo idil.
Waxaa qodobbada baaqa ka mid noqon kara, matalan(tus.):
- In magac qabiil uu yahay oo keliya ‘Litacaarafuu’, oo aan loo adeegsan karin arrimaha garsoorka, waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada, iwm.
- Inaan maamul iyo dawlad lugu dhisi Karin qaab beeleed, iyadoo la adeegsanayo magacyada Ahlu qubuurta lugu abtirsado.
- Inaan gacan ku dhiigle ama jidgooye uusan magangelyo ka helin beeshiisa, ama degaankiisa, diyanna uusan lahayn.
- Inaan dhulka soomaaliya la kala lahayn, oo muwaadinku (somali citizen) uu meeshuu rabo oo bannaan(aan qofi gadan) uu gadan karo – guri ka dhisan karo; beer ka tabcan karo; xoolo ku dhaqan karo; ka shaqaynsan karo; ka ganacsan karo; wax ka baran karo. Iwm.
- Xaaraantimayn in muwaadin soomaaliyeed lagu yiraahdo,’ magaalo,degmo ama gobol hebel waad ku dhalataye, uma dhalan!!)
- In ruux walba uu mas’uul ka yahay falalkiisa (shar & khayrba) oo lugula xisaabtamayo.
IV – Wejiga Afraad
Markii gogosha Soomaaliweyn lasoo gabagabeeyo:
- In isimada, waxgaradka iyo culimada beelaha oo idil, oo ay weheliyaan shacabka Xamar – qaybihiisa kala duwan – ay caasimadda Xamar ka bilaabaan Quraan akhrin, magaalada & intii dhimatay u ducayn iyo Ilaah bari.
- In masaakiinta, maatada iyo danyarta loo loogo xoolo ( digaag, ari, lo’ iyo geel), ay weheliyaan kalluunka noocyadiisa kala duwan – muddo 11 maalmood ah… si shuushka, sharka iyo shaydaanku uga qaxaan Caasimadda.

Haddaba, haddii intaas oo dhan si daacad iyo Alle ka cabsi ah loo sameeyo, maxaa ka dhalan kara oo waxtar ah? Waxtarka ka imaan kara arrintaan,wuxuu Soomaali badankeed ugu muuqdaa inuu leeyahay doc ka yeellooyin (side effects).
Kiniiniga Nabaddu ma laha dhib iyo doc kayeello toona. Laakiin Soomaali fara badan ayaa qabta ama filaysa in waxtarka ka dhalan kara liqidda Kiniiniga uu Wadkood noqonayo!!!
Waxtarradaas aan wejiga la siin karin, waxaa ka mid ah:-
- Waayeelka (adults) soomaalida ayaa wada qaangaar noqon lahaa. Illaa hadda waxaa falalkooda iyo hadalkooda loo saariyaa Ahlu qubuurta.
- Qabqable siyaasadeed, gafane qurbajooje, shisheeye u kalkaale, sharwade shilin bartay,iwm. ayaa hawlgab(pension) noqon lahaa.
- Dulmiwade iyo Danayste isku qariya qabiil, gobol, aqoon sare, Diin, reer galbeed, carab, halgan, muqaawimo, siyaasad ayaa Soomaaliya ka haajiri lahaa.
- Qurbaha oo laga soo wada guuri lahaa.
- Warbaahin-beeleedyada (tribal Media) oo waayi lahaa been, diradiro, shar iyo dulmi ay sheegaan, albaabadana loo laabi lahaa.
- Amxaarada oo shaqo la’aani ku dhici lahayd, kedibna tartiib isaga bixi lahayd. Illayn fadhi uma yaallee…(Haddii Soomaali heshiisoo israacdoo isku bururtoo waddaninimo la wada mirqaanto!!!!!!!!Gaajo, cudur, jahli, abaar iyo shisheeye noocyadiisa kala duwan oo wada socdaa nama haweysan(nuguma dhici) kareen!!!!)
- Ragga ku adeegta inay yihiin afhayeennada, odayaasha iyo nabadoon beeleedyada ayaa Soomaaliweyn is tusi lahayd oo dhuuman lahaa.( Ceebay tacaal baa ka dhici lahayd ama iqariyoo iqari)
- Cid ku soo cararta jagooyinkii markii hore loo dagaalamayey ( af & addinba), sida madaxda sare ee dawladda oo la waayi lahaa. Haddii dibuheshiin dhacdo oo xaqu soo daalaco, ninna ku degdegi mayo jago ama xil lugula xisaabtamayo oo uusan wax gaar ah ka xantoobsan karin.
Ugu dambaystii, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu naga dhigo kuwii isturxaan bixiya, tashwiishkana iska saara, si dhab ahna isu cafiya una heshiiya. Xooggeenna, garaadkeenna iyo caqligeennu waxay ku xiran yihiin xubnaheenna oo dib isu wada qabsada. Waxaan waxgaradka Soomaaliyeed si kal iyo lab ah uga codsanayaa inay noqdaan kuwii farriinta maqaalka saxa, wax ka reeba, wax ku dara ama hirgeliya.
Dhammaad
Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
Hashiyosman@hotmail.com

Kulankii Madaxda Soomaalida iyo IGAD oo Laso Gabagabeeyay,Lagana Soo Saaray Qodobo Xasaasi ah.Daawo Sawirada


Waxaa maalinimadii shalay guud ahaan ba Xarunta Shirarka KICC ee Bartamaha Caasimada Nairobi lagu soo gaba gabeeyey shirarkii Malmahaan socday ee ay soo abaabuleen Wadamada Urur Goboleedka IGAD, Shirar kaan oo bilowday Maalin nimadii Talaadada ahayd oo ku beegnayd 28/10/08 ah udhaxeeyey Xubnaha Barlamaanka Somaaliya, Madaxda Dawlada Federaalka Somaliya, Wasiirada Arimaha Dibada IGAD iyo Madaxda Wadamada IGAD ee Todobada dal ka kooban.

Shirkii dhacay maalin nimadii shalayoo ay wada yesheen Xubnaha Barlamaanka Somaaliya, Madaxda Dawlada Federaalka Somaliya, Wasiiro arimo dibadeedka Dalalka IGAD , Madaxweynayaasha iyo Raysalwasaarayaasha Wadamada ku bahoobay IGAD, Shirkaan ayaa ahaa shir saacado dhawr ah soconaayey isla markaasna ay ka had leen Hogaamiyayaal sar sare oo IGAD ka tirsan.

Shirkaan ayaa waxaa goob jog u ahaa oo ka soo qayb galay Xubnaha Barlamaanka Somaaliya , Madaxda sar sare ee Dawlada Federaalka ku meel gaar ka ah ee Somaaliya oo kala ah Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, Ray-salwasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur (Cade) iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Somaaliya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).


Sidoo kale Dhinaca Wadamada IGAD Waxaa Shirkana ujoogay Madaxda kala ahMadaxweynaha Wadanka Kenya Mwi Kibaki oo Asaga Marti loo ahaa Madaxweynaha Wadanka Yugaandha Yuweri Musafeni Raysalwasaaraha Dalka Ethopia Eto Males Zanawi.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismail Omar Geele.Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Sudaan Salva Kiir Mayardit Xoghayaha Uur Goboleedka IGAD Eg Maxbuub.Ugu Horayntii Waxaa Shirkaan ka had lay Raysalwasaaraha Dalka Ethopia Meles Zanawi Waxa uu Sheegay in Dawlada Federaalka Ku meel gaar ka ah ee Somaaliya ay ubaahan tahay in la tageero oo ay dawladu noqoto mid shaqaysa, is la markaasna ay gacanta ku dhigto Gobolada kala duwan ee Dalka Somaaliya.


Raysalwasaaraha Ethopia ayaa sheegay in Dawladiisu ay doonayso in ay qayb ka qaadato Nabadaynta Wadanka Somaaliya, Zanawi waxa uu sheegay in uu soo dhawey naayo Heshiis kii Jabuuti oo ay wada Gareen Mucaaradka Iyo Dawlada Somaaliya.

Raysalwasaaraha Ethopia oo Qudbadiisi Maanta sii wata ayaa waxa uu sheegay in Xalka Dalka Somaaliya uu ku jiro Somaalida Dhex deeda balse uusan Xalku ku jirin Caalamka, Zanawi ayaa yiri Somaalida ayaa looga baahan yahay in ay Caalamka Tageero weydiistaan si buu yiri ay dalkooda una badaystaan, maahan buu yiri Raysalwasaaruhu in Caalmaku Somaalida weydiisto in ay ku Tageeraan in Dalkooda loo naba deeyo.Meles Zanawi oo gaba gabadii Qudbadiisa ku sii siqaya ayaa sheegay in Caalamku ka gaabiyey Xal uhelida Arimaha Somaaliya, haatan uu ugu baaqayo in Caalmku kaalin weyn ka qaato Nabadkusoo dabalida Wadanka Somaaliya.
Waxaa Asna Makarafoonka lagu soo dhaweeyey oo hadalay Madaxweynha Wadanka Kenya Mwi Kibaki waxa uuna sheegay in Kenya ay tegeerayso Dawlada Somaaliya isla markaasna ay ka qaadanayaan Kaalinta kaga aadan Xal ku soo dabaalida Wadanka Somaaliya, Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ay dhankooda soo dhaweynayaan Qarar kii dhawaan kasoo baxay Qaramada Midoobay ee Ahaa in lala dagaalamo Buracad Badeeda Afduubka ka geysta Gacanka Adan iyo Badweynta Hinida, Sidoo kale Kibaki waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan Maraakiib Dagaal oo biyaha Somaaliya loo soo diro lana dagaalama Burcad badeeda Afduubka ku shaqaysta.
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in uu tageersan yahay Heshiiskii Dhawaan lagu saxiixay Jabuuti, Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynuhu in ay soo dhaweynayaan in ay Somaaliya ka dhacdo Sanadka 2009 Doorasho xor ah.
Kibaki ayaa Caalamka ugu Baaqay in la Tageero Xal kusoo dabaalida Somaaliya, Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale wadamada Midawga Afrika ugu baaqay in ay soo dhamaystiraan Ciidamadii loo qorsheeyey Nabadaynta Somaaliya ee AMISON.Madaxda kale ee Wadamada kale kasocday kama ay san hadlin Shirka balse Shirka waxaa laga soo saaray Baaq ay ku midaysan yihiin Wadamada IGAD ku bahoobay.Shirkii Maanta ee Saacadaha Dhawrka ah qaatay ayaa waxaa joogay oo goob joogayaal marti ah ka ahaa Xubno ka tirsan Isbhaysiga Mucaaraka oo uu Hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Ahmed, Xubnaha Mucaardka Hogaan kooda sare kama ay san hadlin shirka.Shirka ayaa markii uu dhamaatay waxaa Saxaafada Loo qayb shay Baaq Caalami ah oo si wada jir ah ay usoo wada sareen Wadamadii Urur Goboleedka IGAD ka tirsana ee Shirkaan kasoo qayb galay.
Baaqa Lasoo saaray oo Af Engilish ku qornaa ayaa waxa uu ka koobnaa 20 Qodob
- waxaa ka mid ahaa Qodobadii ugu Muhiim sanaa Kuwaan kala ah.-Soo Dhaweyn ay Wadamada IGAD Soo dhawey nayaan Awood Qaybsi Dawladeed oo ku salaysan 4.5.
-in lagu dhiso Mudo 15 Cihso ah Maamul Loo Sameeyo Gobolka Banaadir.-in lasameeyo mudo 6 Bilood Gudahood ah Dastuur Cusub oo Dawladu yeelato.
-Tageerid Heshiiskii Jabuuti iyo Hirgalintiisa, -Beesha Caalamka oo loogu baaqay Tageerida Heshiiska Jabuuti.-in Dawlada Federaalka Somaaliya laga Tageero Dhinaca Dhaqaalaha.
-In Dawlada Somaaliya loo Tababaro Ciidan Boolis oo Gaaraya 10.000 oo As kari.
- in Wasiirada Arimaha Dibada IGAD ay kulmaan 2 Bilood ba Mr.
-In Baarlamanka uu ka shaqeeyo Arimaha Nabada iyo Xal uhelida Xaaladaha Murugsan.
-In la sii wado arimaha dib u heshiisiinta, isla markaana lala hadlo dhinacyada kale ee Mucaaradka ah.-In hadii loo baahdo waqti lagu dari karo xukuumada iminka jirta.
-in Madaxweynayaasha iyo Raysalwasaarayaasha IGAD ay kul maan 6 Bilood ba mar.Waxaa waji gabax kala soo tagay goobta shirka Kenyatta International Conference Centre-( KICC) Xildhibaano farabadan oo u hanqaltaagayey in wax laga badali doono Madaxda sare ee dowlada iyadoo maalmihii la soo dhaafay ka wadey magaalada Neyroobi ee dalka Kenya diyaargaroow ay damacsanaayen in ay kaga taqluusaan jiritaanka dowlada federalka Somalia, waxaana habeenimadii xalay laga dareemayey Hotelada ay ka dagan yihiin magaalada Neyroobi daganaan iyo sharqan la'aan.
Banaadir Post
banaadir Post

Wednesday, October 15, 2008

Badalida Hogaanka Soomaaliya umataalo dawladdaha aanu Saaxiibka nahay" Wasiirka arimaha dibada ee dalka Soomaaliya.


Wasiirka arimaha dibada ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangali) ayaa ka hadlay hadal lasheegay in uu ka soo baxay raysalwasaaraha dawladda Itoobiya, kaasoo ku aadanaa xaalada Soomaaliya siiba in badalaad lugu sameeyo Hogaanka sarre ee dalka Soomaaliya.


Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegay in shirka ka dhacaya Magaalada Nayroobi looga hadlayo sidii Soomaaliya nabad looga dhalin lahaa, wuxuuna sheegay in aysan marnaba jirin hadalada ay maalmahaan wadeen qaar ka mid ah Saxaafada Soomaalida kaasoo ku aadan in shirkaasi lugu tirtirayo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Cali Axmed Jaamac ayaa isagoo la hadlayay Idaacada VOA-da wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin warka sheegaya in shirkaasi lugu badalayo hogaanka sarre ee dalka Soomaaliya, markaasna waxyaabaha looga hadlayaa yihiin kuwa qorsheysan oo ay la socoto wasaarada arimaha dibada ee dalka Soomaaliya.


Wasiirka oo laweydiiyey hadal lasheegay in uu ka soo baxay raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zanewi kaasoo ahaa in Soomaaliya nabadeeda lugu gaari karo oo kaliya hogaanka sarre ee dawladda Soomaaliya oo la badalo, ayuu wasiirku taasi ku sheegay mid ay dawladda Soomaaliya ka maqashay Saxaafada.
Jangali ayaa tibaaxay in ay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya xiriir wanaagsan kala dhaxayso dawladdaha la dariska ah Soomaaliya, siiba wuxuu sheegay in ay dawladda Itoobiya wax weyn tartay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayagoo ku taageeray cudud ciidan oo wanaagsan.


Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa diiday in aysan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya qaban waxyaabihii loo sameeyey, isagoo tibaaxay in ay dawladda faderaalka ee Soomaaliya soo martay dhibaato ba' an oo ay ka mid yihiin dagaalo kaga yimid Kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya & khilaafaadyo dhexdeeda ah.


Wasiirka amuuraha dibadu wuxuu shaaca ka qaaday in badalaad lugu sameeyo hogaanka sarre ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya aysan u oolin dawladdaha Saaxiibka la'ah dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay dawladda Soomaaliya tahay dawlad madax banaan ayna dhisan yihiin hay'adihii Dastuuriga ahaa ee qaban lahaa howlahaasi, isagoo siweyn uga biyo diiday jiritaanka warkaasi.


War ay baahiyeen Saxaafada Soomaalida ayaa lugu sheegay in uu Raysalwasaaraha Itoobiya sheegay in ay Soomaaliya xasilidoonto marka badalaad lugu sameeyo Hogaanka dalka Soomaaliya, waa sida ay sheegeene Saxaafada Soomaalida.


Wasiiro ka tirsan dawladda faderaalka ee Soomaaliya & Xildhibaano ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa aad uga soo horjeestay hadalka lasheegay in uu ka soo baxay dawladda Itoobiya, waxaana ay ku tilmaameen in aysan Itoobiya ka hadli karin badalaad lugu sameeyo hogaanka dalka Soomaaliya.


Banaadir Post

Majaango

uk

Abuu-mansuur oo ku eedeyay dilkii Nabadoon Xooshow Abandulaha xoogaga Isbaheysiga garabka Asmara.Yusuf Indhacade.


Ninka asgau sida gaarka ah u daneeya leynta dadka wax ku oolka ee Somaliyeed Abuu -Maansuur xigtada Nabadoonkii lagu dilay Magaalada Baladweyne kula hadlay khadka isgaarsiinta, asgoo markaa kaga afeefanaya inuusan shaqo ku laheyn markaan dilka loogeystay Nabadoonka reer Baladweyne, wuxuuna ku eedeyay Indhacadde oo ah Abandulaha xoogaga Isbaheysiga garabka Asmara.

Abuu-mansuur wuxuu tilmaamay in Yusuf Indhacadde uu ku sugnaa Magaalada Baladweyne Maalintii la dilayay Nabadoon Xooshoow waana la wada ogyahay,mahaan mid dadka ka qarsoon, isagoo ka faa-iideysanaya hadalkiisii BBC ee aniga uu igu cambaareeyay ayuu kharajiyay.

Yusuf Indhacadde waa la xaqiijiyay inuu marka la dilayay Nabadoonka Beledweyne kusugnaa, hasse yeeshee wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in war laga helay Shirkadaha Isgaarsiinta Koofurta Somalia ay bixiyeen cod cadeeynaya in Mukhtaar Rooboow lahaa amarka lagu dilay Nabadoonka, balse wuu iska fogeeyay hadalkaas.

Dhinaca kale arintaan ayaa waxeey cadeeyn u tahay in shirkadaha Isgaarsiinta ka howl gala gudaha Somalia ay wax ogyihiin dilalka Qorsheeysan, ayna ayagu wax ka maleegaan leynta dadka wax ku oolka u ah Umada Somalia.

Mahan markii ugu horeysay oo ay soo yeerto in shirkadaha Isgaarsiinta oo ay Umada Somaliyeed ku amiintay ineey xogtooda isug mariyaan lasheego ineey ku lug leeyihiin dilaalka abaabulan ee loo geysto waxtarka Somaliyeed.
Fuad Yare
Padove Italy
Banaadir Post

Monday, October 13, 2008

MUDULOOD: R/W NUUROW DHULKAAGA DHIIB DHULKOODA U DHAAF HADDII AAD DHAHDO DHIB MAAHINOO?


Mudane Ra'iisul Wasaare, adiga ayaa cid-kasta ka og xaqiiqada marka laga hadlaayo qorshaha xukuumadda aad ka tahay Wasiirka kowaad ee DFKMGS, balse waxaa jira warar isa soo taraaya oo sheegaaya in gobalka Banadir oo ah deegaan mudulood lagu saleyn rabo qeybsigiisa 4.5 iyadoo shaqsiga ka soo jeeda beelweynta Mululood uusan dhammaan gobalada kale ee Soomaliya wax xil goballeed ah uusan ka qaban karin, sida uu qabo xeer hoosaadka DFKMG ah.

Mudane R/W waxay Soomaalidu ku maah-maahdaa Ushii aan Ul lagu jinsho laheyn amba waa dheeraataa amba waa gaabataa, taas waxaa la mid ah deegaanka Mudulood waxaa lagu qeyb sanayaa 4.5, adiguna Muduloodow wax xil ah kama qaban kartid gobal kale.

Mudane Ra'iisul Wasaare sida aad la socota Qarni kasta deegaanada Mudulood iyo jiritaanka Muduloodba wuxuu gelaayay halis adag, laakin Alle mahaddiise waxaa bad-baadinaayay geesiyaal badan oo naftoodii iyo maalkoodii u huray una galay god aaqiro, balse nasiib wanaag waxaa weli baaqi ah geesiyaal ka badan kuwii horey u difaaci jirey deegaanka iyo karaamaha Mudulood marka ay halis gasho.

Waxaan shaki ku jirin inuu Mudulood ka dhiidhin doono haddii ay dhab noqoto wararka leysla dhex maraayo ( remour) oo ah dhulkaaga dhiib dhulkooda u dhaaf inuu Mudulood ukala jebi doono labo qeybood, 85% dhimasho ayay ka door bididoontaa qorshahaan guracan iyo 15% difaaci-doona Ra'iisul Wasaaraha haddii uu go'aan-sado in uu fuliyo qorshahaan guracan.

Waan soo dhoweynaynaa cid-kasta oo Soomaaliyeed inay ku noolaato Muqdisho , ka shaqeysato si nabad ah, u dhex deganaato si xushmad leh, laakin Mudulood waa uu diiday dhulkaaga kula lihi, keygana anigaa iska leh, sidii uu horeyba u yiri Caaqil Haji Mohamoud Ali Jimale ( Koogaar) oo ah Guddoomiyaha Guddiga Mudulood ee waqooyiga Ameerika ( North America)
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.

Thursday, October 9, 2008

Dagaalka Somalia waa mid ganacsi"


Ergayga UN-ka ee arimaha Somalia Ahmadou Ould-Abdallah ayaa daboolka ka qaaday in dagaalada ka socda Somalia ay yihiin kuwo ganacsi oo raga wada ay lacago ku helaan.

Sidoo kale Ould-Abdallah ayaa ku tilmaamay hogaamiyeyaasha Somalida inay yihiin kuwo ku guuldareysatay inay dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan, isagoo xusay inuu dhibsado qaabka ay wax u hoggaaminayaan.

"Xudunta dhibaatada ka jirta Somalia waa guuldaradii dhacday 1990-kii iyo iyadoo ay caado noqotay inaan la isku tanaasulin si xal looga gaaro dhibaatada" ayuu yiri ergayga UN-ka ee Somalia Ahmed Ould-Abdallah.

Wakiilku; wuxuu sheegay in dalal badan oo Afrikaan ah ay dagaalo ka dhaceen, balse ay xal ka gaareen colaadahaas, isagoo tusaale u soo qaatay dalalka: Muzambique, Liberia, Angola, Sierra Leone iyo Uganda.

"Dagaalka Somalia waa mid ganacsi oo ay lacago ka helaan dadka wada, taasoo ay ganacsiyo kaga sameystaan Nairobi iyo Dubai" ayuu yiri Ergayga UN-ka ee Somalia Ahmadou Ould-Abdallah.

Ergayga oo la weydiiyay sida lagu joojin karo dagaalada Somalia maadaama xalku sidaan yahay ayaa yiri: "Waxaan wadashaqeyn la wadaan qaybaha kala duwan ee Somalida iyo dalalka IGAD, si fikrado waafi aan u helo".

Shirkii Jabuuti ayuu ku tilmaamay mid gundhig u noqon kara nabad ka dhalta Somalia, isagoo carabka ku dhajiyay inuusan shirkaas fashilmi doonin; balse ay jiraan kooxo Somalia ah oo dagaalo kusoo jiray tan iyo 1995-kii.

"Somalidu cadow iskuma ahan ee waxaan jirin is-aamin, dadka qarkood ayaa doonaya in shirka Jabuuti uu fashilmo, waxayna sameynayaan khalad, waayo joojin mayno hanaanka nabada" ayuu yiri Ahmadou Ould-Abdallah.

Wakiilka oo la weydiiyay sida uu u arko shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay inay yihiin kuwo wanaagsan, oo doonaya in dalkooda nabad ay ka dhalato, wuxuuna xusay inuu la kulmay shacab badan.

Banaadir Post

Wednesday, October 8, 2008

KISMAAYO SHALAY IYO MAANTA W/Q: Shariifka

Magaalada kismaayo waxay ka mid tahay Magaalooyinka Somaliyeed ee ay ka dhaceen Dagaalada sukeeye kuwa ugu badan ama ugu xumaa, waxaa ay nasiib u yeelatay dagaal joogta ah barkaca burbur iyo bililiqo baahday oo joogto noqtaya, dagaal aan dhamad lahayan iyo dulaamo abaabulana laga soo bilaabo sanadii 1991 xiligaas oo aya dhacdaya Dowaldii Kacaanka ahayad ee Dalka ka arminaysay mudada 21sano ah.

Duulaanada badankooda waxaa ay ka imanayeen gololo fogfog sida Galgaduud, Gado, Banaadir, iyo meele kale oo dhamaantood aan xudud la lahayan Magaaladaas.

Kismaayo waxaa ay noqtay gabagabadii dagaalkii sukeeye iyo duulamadii dhul balarsiga ahaa ee Qabailada qaar ay ku kacayeen markii uu dhamaaday Magaalda kaliya ee la isku haysto ama dadkii la haa ay san ka arimanayn ee ay ka taliyaan maleeshiyooyin qabiil oo hadafkoodu yahay boobka iyo dhaca qayraadka golabalkaas alle uu siiyey ee dabiiciga ah, sidoo kale waxaa uu ahaa hadafka labaad barkicin boob iyo dila joogta ah oo lala beegsanayey dadka aan waxba galabsan ee duulanka lagu yahay, kooxaha duulaanka soo qaday si ay isugu ekaysiiyan in ya yihiin dad deeganaka u dhashay oo reer Kismaayo ah aye waxay isku Magacaabeen Macagayo ay uga goleeyihiin in ay dadka ka dhadhicyaan in ay isku deegaan yihiin oo ay dhulka u dhasheen waxaan ay isugu yereen magaca ah DOOXADA JUBA.

Magaaladu waxay noqtay mid ay ka arimiyaan qaar ka mid ah qabqablayaashii dagaalka ee Xamar xaruntu u ahayd, sida SEERAAR IYO GOOBALE, waxaa sidoo kale ay noqtay meel aan wax talo ah ay san ku lahayan dadkii deeganaka udhashay oo gacanta ugu jirta qolo gaar ah oo xitaa ayagii xooga ku qabsadayna ay ku heshiin waayaan xoolaha malaayinta ah ee bishiiba ka soo gala daka magaalad ee ay ka baahnayeen dadkii deegaanka,Taasi waxaa ay sabatay dagaalo ay wada galeen beelahaas ka soodulay Gado iyo Galgaduud raga badan ay kaga dhinteen tiro rasmi ah lama hayo hayeeshee waxaa la qiyaasi karaa in aysan ka yarayan 1000 qof oo ubadna dhalin yaro dadka iyo dalka in ay anfici lahaayeen aan hubo oo aan waxbadan ka ogayan sid ay wax u wadaan Hiiraale iyo Goobaale oo ayagu walaalo ku ahaa dilka iyo dhaca dadka reer Kismaayo.

Dhibku intaa kuma ekayan ee waxaa jiray gumaad iyo isir tirtir si ula kaca ah loogu haye dadka deegaanka qaarka ka mid ah gaar ahaan beesha KABLALAX la yiraah waxaa la wada xasuustaa dilkii foosha xumaa ee gurigiis dhexdiis loogu gaysatay ALXAAJI QORAXAY allah u naxiistee oo ahaa Ganacsade nabadoon iyo siyaasi u dhashay deegaanka magacna ku dhex lahaa bulshada reer Waamo si aad ahan looga yaqaanay deegaankaas aan soo sheeganay, intaas kuma harin kumana ekaan dilalaka qorshaysan ee isir tirtirka ah ee waa sii socdeen waxaan ay ku faafeen dhamaan bulshada qayaheeda ha ahaado wadaaad aan qabiil iyo qabyaalada shaqo ku lahayan sida dilkii loo gaysatay allah u naxariistee SH. JAYLANI MACALIN CALI, IYO SH.YUSUF MAHMUUD oo loo yaqaanay YUSUF DHEERE,sidoo kale aqoon yahaynaka beeshasi kama nabda galin dilalka qorshaysan ee waxa ayagana loo xilsaray in ay meesha ka saraan dad aan wax badan aysan ugu fadhin aqaanta iyo aqoon yahaynaka waxaa si naxariis dara ah loo dilay PRO. AHMED HUSEEN HASAN BARIYOW oo ahaa nin ku howalan arimaha bulshada iyo sidii loo gargaari lahaa dadka dhibaataysan ee deegaankoodu ku bara kacsan, saraakiisha dowaldu waxa ay ahayeen ayaguna kuwa nasiib kooda ka qaatay sifayanta iyo tirtirida COL. MAQTAL FARAH iyo kuwo kale dhamaantood waxa ay galabsadeen waa magac qabiil oo ay god ugaleen.

Qolayaha soo duulay dhibaatada ay ku hayeen dadka ay xooga ku haysteen intaas kuma ekayan ee waa badanad hayeeshee intaas waxa ay ahayd tusaale aan isleeyahay waa xasuusin ee dantaydu ma hana in ay noqto kicin iyo abaabul qabiil iyo qabyaalada,waxanse leyahay yaysan hilmaamin eheladii laga dilay dadkaas oo ha xasuusnaadaan hana la xisaabtamaan dadkii dilkaas gaystay alle waxaa uu yiri.

WAMANQUTIL MADLUUMAN FAQAD JACALANAA LI WALIYIHII SULADAAN.Waa aduunyoo waa is badashaa oo hal xaal ah laguma waaro Colaada Nabad ayaa ka danbaysa, Abaartan Aaran, Gaajada Dharag, Naxdintana Farxad ayaa xigta, Culayskana Fudayda ayaa labeeya, waxaa yimid waqtigii ay dhamaan lahayd masiibada ku habsatay Magaaldaas waxaa lasoo gaaray xiligii cadaalda iyo sinaabtu ay shaqan lahayaneen oo ay gali lahayeen booskii Dulmiga iyo Gardarada Xooga iyo Dhaca Dilka iyo Kufsiga, waxaa meeshii laga saaray qolyihii dhibka ku hayey bulshadaas nabada jecel ee wanaaga ku caan baxay ee aan maalin ku duulin dad daris ah iyo kuwo kale oo fog in taba, waxaa lasoo garay xiligii uu heli lahaa Qof walaba oo Deegaankas dulmiga kasoo dalay ku dhaqdaayi xaqiisa ah inuu noolado Xaqiisa ah inuu shaqaysto allana uu si xor ah ucaabudo, waxaa yimid is badal ku salaysan Diin, waxa yimid Dad Somali ah oo hadafkoodu yahay Cadaalada Sinaan iyo xaq ku dhisan Shareecda Islaamka, waxaan filaynaa in malahaas aan u hayno Maamulka Islaamiyiinta ee magaalada la wareegay inuuusan noqon mid lagu hungoobo. Waxaan wad xasuusanahay in Kacaankii Islaaamiga ahaa ee ka dhashay dalka ee xukunkiisa ay majaraha u hayen Islaamiyiinta mudada yar ee 6 bilood ah in ay ku nasteen oo ay ku diirasadeen dadka reer Muqdisho, sidoo kale waxaan wad qirsanahay in ayla yimadeen nidaam ku salayasan Cadalada Midnimo Sinaan iyo wax qabad, kaas oo ay raali kawada aheeyeen Dadka Somaliyeed marka laga reebo kooxo yar oo dano gaarah lahaa, hayeeshee waxaan hubaa in hadii sida haboon loo dhaqan galin lahaa wax yaabhaas aan soo sheeganay ay ka cimiri dheeraan lahayeen 6 bilood oo ay in kadan oo sando ah jir lahaayeen.


Aan u soo naqdo mida Kismaayo wadaadudu waxaa ay dhiseen maamul Somali ooodhan udhan tahay ayagoo waliba madax uga dhigay dad aan goblkaas kasoo jeedin ee meelo kale ka yimdi dadka Magaaladuna waa ku raali noqdeen oo qayla kama yeerin maxaa yeelay waxa ay dadku doonayaan ma ahan xukin ee waxaa weeye wax si fiican u xukuma oo aan dulmin, naftooda iyo maalkoodaba u nabada galiya,sidaas ayaa keentay in laga raali ahaado Dhalintaas diinta dadka ugu yeeraysa ee aan aduunyo doonka ahayan.

Hadaba waxa is waydiin mudan ma ka fogaan doonaan xoogaga Islaamiyiinta ee soo celiye xasiloonidii iyo kala danabayantii Magaalada waxyaaba sahali kara ama keeni kara in nuurkaasi ay baqtiiyaan kuwa dulmiwadayasha ah ee wali ku maqan sidii ay dulimi kale usoo abaabuli lahaaeyeen oo dulaan gardaro ugu soo qaadi lahayeen deegankaas iyo dadkiisa, taasi waxay ila tahay waa walawalka ugu badan ee ay qabaan aniga iyo dadka samaanta kasheqeeya ee ila arigtida ah, waan hubaa hadii ay soo duulaan daalimiintaas in ay jabayaan oo ay guul daro kala kulamayaan ileen nin gardarni ma guulaystee.

Hayeeshee waxan rabaa in ay ka digtoonadaan wax walaba oo keeni kara iska horimad ka dhex dhaca bulshada,tusaale ahaan waxaan aad uga xumaaday markaan maqlay in qaar kamid ah culimada reer kismaayo gaar ahaan kuwa suufiyada ay shabaabaka Magaalada Maamulaa iska hortaageen in ay shalay Tukadaan Salaadii Ciidul Fidriga,taas waxaa ay sababi kartaa colaad ka timaada qayab kamid ah bulshada waliba kuwood Culimada ah mana fiica xiligaan, dhanka kale waxaa ay kasoo horjeed xoriyda qofka ah inuu si xor ah u cibadaysto, waxaan kaloo ogsoonahay in ya tahay masalo qilaafi ah oo ku salaysan arigtada bisha iyo wax loo yaqaan ikhtilaaful madhaalic.

Waxaan leeyahay ma ahan markii ugu horaysay ee aad wax maamushaan ee waxaa aad leedihiin qibarad iyo waayo aragnimo idinku filan, waa suurwodaa inaad falala ka aad samayansaan qaarkood aad ku adadkaataan, hayeeshee waa inaad marwalab xasuusnataan in labo arimood hadaba tii fudud aad qadataan oo aad fududuysaan sahashaan, oo iidaan kala eryin ee aad isukeentaan dadka oodhan adinkoo xikmada mar walba xigasanaaya oo wax ku dabaqaya, waa inaad garysataan in dadka aad xukuntaad aad tala wax kasiisaan ee iimaadan ku sifoobin kaligiis xukun iyo tala marooqsi.

Shalay hadii ay arintu ahayad anigaa taabsaday maanta waa in ay noqtaa anigaa tusaayaa wanaaga, hadii aya ahay anigaa cunaaya waa in ay ahaato maanta anagaa quudinaynana masakiinta oo wax siinayan, hadii ay hayad yaa reer hebel ah waa in ay noqtaa yaa islaama ah oo wanaaga doonya,shalay hadii meel walaba lala mari waaye isbaaro iyo jidgooyo maanta waa in ay badashaa Dugis qur,aan iyo goob waxbarasho,hadii ay hayad dil iyo dhac waa in ya badshaa wax siin iyo walaalnimo. Dadka reer Waamo hadii ay shalay ahaayeen kuwa daycan oo aan talo lahayan maanta waa in ay noqdaan kuwo walalo ah oo umidooba cadowgooda, hadii ay ahyeen kuwo aan lahayan madax hogaamis waa in ay samaystaan mid ay ku dhan yihiin oo wanaaga ku haga. Waxaan aamin sanahay tiradiina iyo tayadiina marka aan eego waxad awoodaan inaad dhisataan oo aad gobalkiin kuwarejisaan darbi lamid ah kii shiinaha uu ku wareejiye dalkiis qaarka mida ah kadib markii uu udulqadan waaye weerarada joogta ah ee kaga imanaaye Mangoolkii ama Tataarkii waagaas xooga badanaa ee ku caan baxay fasahaadinta dhulka iyo dhaca xoolaha dadka kale.

Gabogabadii waxan leeyahay Kismaayo waa magaalo somalida oodhan ka badan marka aan fiirino qayraadka alle ku manaystay sidaa darteed waxa ay dadka ku deeqdaa waa cadaalada iyo sinaan ee ayada aanu kawad shaqayno.Waxaa Qoray.

Sh.Max,ed Xasan (Shariifka) Email.

shariifka99@hotmail.com
Vaasa, Finland.

INDHACADOW SHAN BILOOD SHIIKH LAGUMA NOQDO W/D.X.MAXAMOUD


Qof Kasta Waxa uu yahay iskama badeli Karo Si Kasto oo Isku Ilaaliyo Qaabka Boliiska Dembi baaraha ah markuu dhaco Fal Dimbiyeed nooca uu doono ha ahaado Baaristiisa wuxuu ka bilaabaa shaqsiyaadkii horey loogu soo oogey Falkaan oo kale Boqol kiiba Boqol Dambiilaha wuxuu ka soo dhaxbaxayaa Shaqsiyaadkii horey u galey.


Shiikh Yuusuf Indhacade wuxuu noo sheegey inuu ka Towbad keeney DAGAAL OOGE oo markaan Noqdey Shiikh u Jihaadayo Diinta waxaa nooga soo xigtey asagoo DAGAAL OOGE ah oo warbaahinta ka aflagaadeynayo ULI AMRIGII MADAXDIISA ahaa SHIIKH SHARIIF SHIIKH AXMED Reer Koofureedka waxey yiraahdaan "MUKULAAL MADAX DOOLI KAMA XAJISO"


Dagaal Ooge Indhacade Magaciisa dhabta ah waa Yuusuf Maxamed Siyaad "INDHACADE" wuxuu ka mid ahaa Maleeshiyaadkii Marxuum General Ceydiid uu ka keeney G/Galgaduud Markuu loolanka Siyaasadeed uu kula jirey Hogaamiyaashii kale oo isdiidinaayeen.


Markii ugu horeysey aan Idaacadaha ka Maqalno Sh.Yuusuf Indhacadee wuxuu sheeganaye inuu yahay Gudoomiyaha Gobolka Sh.Hoose oo xoog ku qabsadey waxaana dadka degaanka ay qireen inuu ula dhaqmaye si waxashnimo leh oo gaarey heer ah inuu Cashuur kaga qaato Neef kasta oo laga waraabinayo Biyaha Webiga.Guushii Maxaakiimta ay gaareen waa dayacay markii nin ganacsade ah oo heyb wadaagaan laga gubey Maandooriyaha loo yaqaan QAADKA.


Wuxuu ahaa ninkii dhabarka ka jibiyey MIDOWGII MAXAAKIIMTA oo Iclaamiyey in Jihaad lagu qaado Itoobiya ,Wuxuu ahaa ninkii ka dambeeyey Jabkii Cududa Maxaakiimta ka soo gaarey Duulaankii ay ku qaadeen BAYDHABO ka dib markii uu soo firaaqeeyey Aagii Maanyo fuulka oo asaga qaabilsanaa
Waxaa nooga soo xigtey asagoo yiri haleygo yeero Generaal Indhacade oo isku tilmaamey inuu yahay LIBAAX Careysan oo caruurtiisa laga laayey.


ugu dambeyn Indhacade haduu aqoon u leeyahay Diinta Islaamka iyo waxa ay ka qabto SHAREECADA ISLAAMKA kuma fududaadeen Aflagaadada uu u geystey Walaaliisa Muslimka ah marna ah Madaxdiisa SHIIKH SHARIIF WAXAA LEEYAHAY YUUSUF INDHACADOW SHAN BILOOD SHIIKH LAGUMA NOQDO .

W/D.X.MAXAMOUD
moalinm2us@yahoo.com

Tuesday, October 7, 2008

HORTA MUXUU SOO KORDHIYAY OO WANAAG IYO QASAARO AH RAIISULWASAARE NUUR HUSSEIN NUUR CADDE ?


Bismilaahi raxmaani raxiim Akhristow sidaad la socotaanba waxaa la isku baddelay xukuumaddii ugu horaysay ee dowladda federaalka soomaaliyaTaasoo ah iyadoo ra’iisulwasaarihii hore ee profesor Cali Mohamed geedi lagu beddelay ra’iisulwasaare cusub ee nuur Hussein nuur cadde .
Markaanu faallo gaaban ka bixinno ra’isulwasaarihii hore ee Cali Mohamed geedi waxa uu ahaa nin aad u dhalin yar isagoo ka dhalin yaraa nuur cadde oo aan wax khibrad ah oo siyaasadedna aan lahayn waxaana doortay madaxwaynaha D.FKS iyadoo xukuumadiina lagu qaybiyay nidaamka ah 4.5 oo muddo laba jeer bay baarlamaankii kalsoonidii u diideen mar saddexaadkii b uu madaxwaynihii uu toos u magacaabay isaga iyo nuur cadena waxa ay ka soo jeedaan hal beel beeshaasoo ah beesha mudulood ama abgaal .

Beeshaasoo ah beesha ugu badan magaalada muqadishu iyo hareeraheeda sida gobolka shabeelada dhexe qaybo ka mid ah gobolka mudug isla markaasna waxay DFKS timid magaalo madaxda gobolka shabeelaha dhexe ee jowhar ,degmaasoo ahayd degmada kaliya ee beesha mudulood faraha ku haysay waayo waxaa joogay mihamed cumar xabeeb Mohamed dheere jowharna waxay magaalada mugadishu ka xigtaa lixdan mayl inta xamar iyo jowhar u dhaxaysana cid aan muddulood ahayna ma ay degto nabadgalyo xumo awgood bayna dowladdu uga carartay xilligaa waayo xiligaa muddo laba jeer ah buu ra’iisulwasaarihii isku dayay inuu tago magaalada muqadishu waxa uuna kala kulmay qarax lala beegsaday isaga mana ay dhici karto in aya taa ku dhacdo waayo soomaalidu waxa ay ku maahmaahday mukulaal miniinkeeda joogtaa mi ciyo libaax bay leedahay waayo beel hawiye ah oo mudulood ka faro badan ama ka tayo fiican ma ay jirto waayo madaxwaynihii ugu horeeyay iyaga ayuu ahaa iyo taliyihii ciidankana iyaga ayuu ahaa janeraal daauud naxariistii janno allaha siiyee waxaa iga yaabiyay sida ay wax u jiraan sidaaasoo ay tahay cali Mohamed geedi waxaa ka go’anayd inuu wax ka qabto degaanka muduloodna uu nabad ka dhigo si ay ugu nabadgalaan dowladda soomaaliyeed iyo dadkii hore ugu deganaan jiray .

Waxaana arrintaa fashilyay dad gobollada kale ka soo duulay oo dowlad diid ah loona baxshay hadda sharwadayaal kuwaasoo marba shaar gashanayay soona adeegsanayay dad iyaga ka dhashay waxaa la isla lahaa markii ra’iisulwasaaraha cusub la magacaabay maadaama uu yahay nin wayn oo waayo arag ah oo in badan ka dhexmuuqday dowladihii hore ee soomaaliya ahaana janeraal polis ah oo dadka oo dhan yaqaan ayaa waxaa la is laha wixii uu Cali Mohamed geedi uu qalday buu sixi doonaa balse maba ay dhicin waayo wax talaabo ah oo uu qaaday oo ay maslaxadi ugu jirto dadkii uu ka dhashay iyo dowladdii dooratay lama arkin xukuumadiisana wax talaabo ah oo ay u qabatay shacabka soomaaliyeed lama hayo waxaan dowladii soo food saaray qatar aad u culus nimankii la muquuniyay ee argagaxisada ahaa ayaa waxay gacanta ku dhigeen hub ay kula dagaalamaan ciidamadii Ethiopia iyo kuwii ugandha ee Amisom hadana waxay gaareenba inay airopoorkii xidhayaan .

Waxaa kaloo faraha ka baxay goboladii ay dowladda faraha ku haysay oo ay ka mid yihiin shabeelada hoose waxaa la isku dayay afganbi in loo dhigo madaxwaynaha waxaana ilaa iyo hadda aan cadayn xaaladda dowladdu sida ay tahay waayo waxaad oodaa in ay baarlamaankii dowlada fedraalka inay ka muuqato dowladuhuna waa ay noqdaan laba koox laakiin waxa ay ka midaysan yihiin midda guud ee wadanka horumarkiisa iyo nabadgalyadiisa waxaana is oran karnaa rai’iisulwasaarahan cusub in wax faaiido ah oo muuqda inuusan u samayn dowladda fedraalka iyo shacabka soomaaliyeedba mana aan ku sheegi karno inuu yahay nin xoogleh balse waa nin laciif ah oo aad u jilicsan inta uu masuulka ahaana waxa uu ahaa intii uu wadanku ugu dhibaatada badnaa waayo isagiibaa waxa uu noqday muqaawamo ummadda soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in manta oo kale uu ka bixi karo xaaladda ay soomaaliya ku sugan tahay nin adag waayo runtii 100% waxaa ka fiicnaa oo ka waxtarsanaa Cali Mohamed geedi haday saan dhacaysana waxay ahayd in waxa uu qalday lagala hadlo .

Waxaan kula talin lahaa nuur cade inuu xilka iska wareejiyo amaba uu fuliyo dhaartii uu u soomaray dadka soomaaliyeed haddiise uusan labadaa midna uu san yeelin waxa ay noqonaysaa in xaaladdu sii xumaato waayo ma aynu oran karno nuurcadde nin wax tar ah ma ahan nabadda iyo suluxa wa loo baahan yahay adigoo nabadaa wada ba a lagaaga baahanyahay inaad difaacdo xuquuqda shacabka soomaaliyeed iyo qaranimadooda nin kasta oo masuul ahan dhaar ayuu dalka iyo dadkaba u maray waxaana lagu dhaartay ilaahay magaciisa xaqa ah dadkuna waa dad muslim ah qof muslim ah haduu ilaahay magaciisa been ku maro aduunkana wax u hagaagi mayaan aakhirana naarta ilaahay buu galayaa haduusan ka toobad keenin.

Qoraalkan waxaa diyaarshay
Mohamed Hussein osman
Mxuseen840@hotmail.com

Shalay ayay ahayd markii Alle ha u naxariistee guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan xaaji Dacar Xersi Xooshow uu ugu baaqay mali


Shalay ayay ahayd markii Alle ha u naxariistee guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan xaaji Dacar Xersi Xooshow uu ugu baaqay maliishiyada shabaabiyiinta in ay xanibaada ka daayaan shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan,waxaana maanta rag bistoolado ku hubeynsnaa ay toogteen xaajiga.


Alle ha u naxariistee guddoomiyaha ayaa waxaa toogtay sadex nin oo bistoolado watay xili uu marayay suuqa sarrifka lacagaha qalaad ee magaalada Beled weyne waxaana lagu dhuftay ilaa iyo afar xabadood.
Shalay ayaa guddoomiyaha la dilay waxaa uu sheegay in aanay u dul qaadan Karin in la cabsi geliyo shaqaalaha gargaarka ee usoo gurmaday in ay wax taraan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Guddoomiyaha la dilay ayaa lagu xusuustaa dadaalo badan oo ku aadanaa in dagaal laga bad baadiyo magaalada Beled weyn iyo guud ahaan gobalka oo dhan waxaana uu ahaa nin inta badan jecel nabadda.
Wali ma jirto cid shaagatay masuuliyada dilkiisa waxaase dad badani u fasiranayaan in uu dilkiisu xiriir la leeyahay hadalkii uu shalay sii daayay ee ahaa in aanay usii dulqaadan doonin cabsi gelinta dadka wax galka ah iyo shaqaalaha gargaarka.
Dhamaaanteen bahda Wargayskan waxaa tacsi gaarisiinay dhaamaan Soomli oo dhan, iyo reer Hiiraan iyo reerkiisa gaarka ah..
Banaadir Post

Muqdisho: Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo cambaareeyey Al-Shabaab kuna baaqay Dagaal caalami ah oo lalagalo.


Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soojeeda gobalka Banaadir ayaa siweyn ucambeereeyey Ururka Al-Shabaab, wuxuuna ku eedeeyey in ay yihiin kuwa masuulka ah dhimashada 300 in ka badan oo dhintey sadexdii todobaad ee lasoo dhaafay.


Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Hanjabaadii lugu xiray garoonka Muqdisho ay ahayd talaabo dhan ah ka Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay Al- Shabaab in ay go'aankaasi ka tanaasulaan ayna raacaan waxyaabaha danta ugu jirto.


Xildhibaankan wuxuu sheegay in dhawaan ay sameynayaan Baarlamaanka Soomaaliya sharci lugula dagaalamayo Ururka Al- Shabaab oo ku sheegay mid ka tirsan Ururka Al-Qaacida, markaasna Soomaaliya ka geysanaya falalka ka dhaca dalka Ciraaq.


Jeelle ayaa ugu baaqay dawladdaha Caalamka in ay ka taageeraan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, sidii looga hortagi lahaa Kooxahaasi, isagoo sheegay in ay tahay wax laga xumaado dilalka ay maalin walba geysanayaan Al- Shabaab waa sida uu hadalka udhigaye wuxuuna sheegay in ay Al- Shabaab ka dambeeyaan dadka Shacabkaa ee la dilo.


" Maalin walba dad Islaam ah ayay dilaan waxa ayna sidoo kale uhanjabeen Shaqaalaha Samafalka ee Soomaaliya, waxaa loo baahan yahay markaas in xidida loo siibo Ururkaasi ayadoo ay iska kaashanayan cid walboo ka soo horjeeda Argagixisada" Ayuu yiri Xildhibaan Salaad Cali Jeelle.


Salaad Cali Jeelle wuxuu ka mid ahaa ragii ugu cadcadaa xiliyadii ay socdeen dagaaladii dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Maxkamadihii Soomaaliya laga saaray dhexmarayey, waxa ayna dad badan ku xasuustaan hadaladii looga bartay ee lugu difaacayay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.


Maxamuud Siciid Cabdi

Muqdisho....

Runta ma wajahnaa!! oohinta ma daynaa!!


Markii aan muddo aqrinay qoraallada aqoonyahanada iyo dhalinyarada, laguna soo qoro websayyada kala duwan, waxaa cadaatay in fikirka wax-dumisku ka xoog badanyahay kan wax-dhiska. Taas oo micnaheedu yahay: haddii aan wax dumis shaqo ka dhiganno oo hadal iyo ficil uga qeybgallo, inaan dalkeynna iyo dadkeynu ka baxayn xaallda qalafsan oo ay ku jiraan.


Ficilkeynna wada jirka oo dhanka saxda loo dhaqaajiyo oo kaliya ayaa nabadbaadin karaa.


Waa inaan lagu riyoon, la isku madadaalin in inta xumaan wadayaashu ka xoog badanyihiin samafalayaasha iyo wanaag doonka in dalkeyna la badbaadin karo.


Akhristow is-weydii dhanka aad ka soo jeeddo, ma waxaad tahay wax dhisi mise wax dumiyee!! Maxaad dhistay oo aad sheegan karta addunyo iyo aakhiro.


Haddi aad hadda ka hor aheed wax dumiye, toobadu xagga Ilaah waa furan tahay ee isdaba qabo.


Haddi aad tahay wax dhise, ku biiri hawshaada kuwa kula mid ah.

Sidaas darteed waxaa ila haboonaatay inaan arinkaas ku baraarujiyo aqristayaasha iyo qorayaasha.


Waxaan halkaan kusoo bandhigayaa waxyaabaha inta badan la qoro oo caqlida dadkeynna wasakheynaya iyo waxyaabaha loo baahanyahay in lagu talaabsado.

1. Calaacal iyo ooyin: Qoraallada Somaalida intooda badan waa calaacal, ooyin iyo eed-sheegad, taas oo aan ifineynin sida looga bixi karo musiibada Somaalida ku habsatay.


2.Buunbuunista waxyaabaha guracan: Waxaa la buunbuuniyaa qabyaaladda, dagaalada, danta dhaqsiyaadka iyo kooxaha ayada oo la iloobaayo dadnta guud sida soo celinta dawladnimada, shafta iyo karamada ummada.


3.Dagaal-oogayaal war-baahineed: Waxaa la buunbuuniya dagaallada sokeeye ee Somaalida dhexdeeda ah ayada oo weliba laga been sheegayo xaqiiqada.


Waxaa Websayyad badan noqdeen afka dagaal oogayaasha. Waxaa kale oo la buunbuuniya inta sharta ka shaqeysa ayada oo la aasayo, lana iloobayo inta wanaagga u taagan oo nabadda iyo humarinta ka shaqeysa.


4 Diineynta dagaallada: Waxaa si khaldan loo fasiraa Islaamka oo ah diinta dadka Somaaliyeed wada rumeysanyahay oo la rabay iney uhorseeddo wada-jirka, nabadda, humarka iyo iskaashiga. Waxaana dagaal kasta oo Somaalida ka dhex dhaca la siiyaa fasir diineed, haba sii kala darnaatee.


5.Shisheeyeynta mukhkiladeynna: Waxaa mushkilada dadka Somaaliyeed loo saariya xooggag shisheeye oo kaliya ayada oo meesha laga saarayo ama la is-ilowsiinayo qeybta madaxda iyo shacabka Somaaliyeed ku leeyahay dhibaatadaas. Waxaana xalka laga sugaa” bahda caalamka” oo aan laba garaneyn waxa ay tahay.

Si Arrimaha kor ku xusan looga gubdo waxaa loo baahanyahay:


1.Mushkilada ugu weyn ee Somaaliya waa tabar darida siyaasadeed (low capacity) oo ay astaan u tahay maqnaashaha ururo siyaasadeed sida xisbiyo ay ku bahoobeen waxgarad aan isku hayb aheyn laakiin isku fikir ah.


Hadaba ruuxii daneynaya xalka dhibaatada Somaaliyeed, ha baadi-goobo dad Somaali ah oo ay fakir wadaag yihiin, hana sameeyaan urur siyaasadeed.


Waa inaan laga fikirin in ururadaas hadda noqdaan kuwa waaweyn, laakiin ay noqdaan kuwa bedella habka fikirka iyo dhaqanka siyaasadeed ee hadda jira.


Ururadaasu hadii ay sii jiraan, qaarkood ayaa kobcaya, kuwa kalena ku darsamidoona.

2. Waxaa inta badan la sheegaa oo weliba lagu celceliyaa “Somaaliya hogaanka ayaa ka lumay” iyo “hogaan la’aan ayaa heysa”. Waa run, laakiin hogaan siyaasadeed oo hufan kama so dhaxbixi karo ururo beeleedyada ee wuxuu ku barbaara oo kaliya ururda fikirka wadaaga.


Sidaas darteed beerta hogaamiyayaasha Somaaliyeed lagu barbaari karo, lagu caan-bixin karo, kana soo bixi karaan waa ururada siyaasadeed iyo ururada bulshada rayidka ah.

3.Waa in haddi aan nahay Somali aaminaa, kuna qanacnaa in mushkilada Somaaliyeed ee na heysata qeybteeda ugu weyn aan sabab u nahay.


Waa dhaqan siyaadadeedkeyna khaladan (bad political culture), aqoon la’aanta maamulka, dhaqananka boobka hantida qaranka iyo eex beeledka.


Arimahaas oo dhan waxaa sal u ah in lagu xadgudbayo xuduudaa Ilaahey oo aan loo hogaansameyn qaanuunka dhigan iyo ka Ilaahey midna.


Sidaas darteed, haddi aanan dhaqankeenna wax ka bedelin, xalkana uraadinaa si lagu wadajiri karo oo sax ah, waxba nooma hirgelayaa. Ilaahey ma bedello xaalladda dadaku ku jiro, haddi aan dadkaasu iyagu isbedel la imaan.

4.Ugu dambeyntii, waa in diinteynna Islaamka oo la rabo iney mideyso Somaalida iyo Muslimiinta kaleab laga saaro in loo addegsato dagaallada sokeeye iyo kala qeybin Somaalida. Islaamka waa in loo ageegsadaa walaaleynta, mideynta, isku soo dhaweynta, heshiisiinta iyo kaalmeynta inta tabarta daran.


Islaamku waa inuu noqdaa dhaqankeynna iyo ficilkeynna ee uusan noqon muqaal dhexda ka dhaloola iyo hadal aan carabka baarkiisa dhaafsaneyn.


Cabdiraxman Baadiyow waa aqoonyahaan ka mid ah madaxda Xarakada Islaax, isla markaasna madax u ah Boorka Jaamicadda Muqdisho.


Waxaad Baadiyow kala xiriir kartaa e-mailka ah:
abdurahmanba@yahoo.com

Monday, October 6, 2008

Maxamed Dheere oo Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda




Guddomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ka hadlay xirnaashaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, hadal uu sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali iyo daciifnimo uu sheegay in ay la yimaadeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.


Maxamed Dheere oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in xirnaashaha garoonka ay sabab u yihiin Shacabka ku dhaqan Muqdisho oo sida uu u yiri dantooda garan waayay iyo dowladda Federaalka oo dadka jiheyn weysay, danahoodana u tilmaami weysay.


“Arrinta garoonka iyo xirnaashihiisa waxaan qabaa in ay la xiriirto dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo danahooda garan la’ iyo Dowladda Federaalka oo iyaduna dadka ku jiheyn weysay in ay aayahooda gartaan”


ayuu yiri Maxamed Dheere oo shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay Garoonka dib ugu furan lahaayeen.


Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka ay ku sifoobeen daciifnimo isla markaana ay wax qaban la’ yihiin, isagoo carrabka ku dhuftay in maamulkii uu madaxda ka ahaa ee wax qabanayayna ay xilka ka qaadeen. Waxaa uu ku eedeeyay Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, “waxaa la socotiin in iyadoo Muslim iyo Gaallo loo diidan yahay in ay garoonka ka soo degaan oo madaafiic lagu garaacayo,madaxweynihii dalkana uu dhoofi la’ yahay ay Madaxda Xukuumadda ka soo degeen garoonka iyadoo aan wax madaafiic ah lagu tuurin”ayuu yiri Maxamed Dheere oo ka gaabsaday in uu magacaabo madaxda dowladda ee xiriirka la leh kooxaha dowladda ka soo horjeeda.


Waxaa uu ka hadlay hadal uu dhawaan sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo ahaa in Masjid ku yaala Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay in la bartilmaameedsado Odayaasha Hawiye, lana dilo.


“Saaxibkey Axmed Diiriye waxay ahayd in uu arrintaas mar hore garto, laakin haddii uu mar dambe gartay waa alle mahaddiis, waana ku bogaadinayaa in uu farta ku fiiqo in ay jiraan dad wanaagga ka soo horjeeda”


ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye looga baahan yahay in afkaartooda u soo bandhigaan sida Axmed Diiriye oo kale.


Maxamed Dheere oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay u muuqdaan kuwo hadda fahamaya halka ay dhibaatada uga socoto, wuxuuna caddeeyay in loo baahnaa in ay garashadaas la yimaadaan sida uu hadalka u dhigay intii aan la dilin dad badan oo bulshada indho u ahaa, kuwaasi oo ay ku jireen gaancsato uu ka xusay Cabaas Maxamed Ducaale, C/kariin Shiikh Ibraahim Dhiblaawe iyo dad kale oo iyagoo aan waxba galabsan Muqdisho lagu dilay.


Banaadir Post

Magaalada Kismaayo iyo khaladka tirtiridda taariikha qaldan


Shaley aroortii waxay waraku kusoo baxeyn howl gallo ka socda magaalada Kismaayo , kaasi oo ka soo baxey maamulka cusub ee magaaladaasi gacanta ku haaya muddadaan dambe, oo ah burburinta kaniisadii ku tiillada beerta xuriyadda horteeda .

Maamulka ayaa amar ku bixiyey in la burburiyo , kaniidaan halkaasi ku tiil in ka badan 100 sannadood, oo ahayd meelha lagusoo tilmaansado magaalada Kismaayo, taasi oo ay ku sheegeen inay tahay xaaraan in dalka ay ka dhisnaato kaniisado lagu dukanaayo diinta kirishtaanka.

Isla markaana waxaa ay go'aan ku gaareen in laga dhiso masaajid ay muslimiinta amase kuwa la islaamindoono ku tukadaan, lagana joojiyo ku tukashada kirishtaanka, waxyna sheegeen inay dalka oo idil ka burburindoonaan waxii kaniisado ah ee ku yaal, ay tanna tahay tillaabadii oogu horreysey, inkastoo la ogyahay inuu meesha uusan ka fogeen masaajid weyn oo ay Soomaalidu ku tukadaan.

Sheekh Zeylaci ayaan doonayaa inaan weydiiyo gaar ahaan iyo guud ahaan kuwa maamulka magaalada Kismaayo gacana ku haayo, so'aallo fara badan ayaa dhinac walbo iga hareereeyey, marka waan idin soo gudbinayaa, aniga oo aragtideydana raacsandoono, meeshii aan u arko inay ku habboontahay.

Maamulkiinna sharafta leh, waxuu sheegey inay kaniisadaani tahay xaaraan, haddaba weydiinta waxay tahay kuwa go'aankaasi gaarey ma hubsadeen waxa xaaraan iyo xalaal ay kala yihiin, waayo waxaa meesha ku yiil: gidaar ka kooban dhagac iyo sibir, qowlado, iyo guriyo dhir ,xafiisyo, iyo ciidda dalka, iyo gambaleel(jaras)bir ah, oo ay yaalliin sawirro dhax ku sameysan amase waraaqo ku sameysan, oo intaba sita magic la yri " KANIISAD" sida ay Soomaalidu u taqaan.

Haddaba ma intaasi ayaa xaaraan ah, taabashadooda mise magaca ayaad diiddeen oo aad u xaaraanteyseen ciiddii, dhagaxii, sibirkii birtii, haddii ay iftadiinnu taasi tahay macnaheeda waa dal la'aan iyo guryo la'aan, haddiise ay tahay magaca , magica laguu bixiyey ayaa maanta la iska beddelaa, oo mid kale la sameystaa, miyaysan dhicikari leheen, haddii aad magca siisaan oo aad tiraahdaan "maanta waxi ka dambeeyo waa masaajid sheikh hebel , amase masaajid hebel, miyaan lagu tukankarin, mise salad kuma ansaxeyso ciidda Kismaayo iyo masaajiddada Kismaayo.?

Qowladahii ay Soomaalidu degganeyd ee aad ka saarteen ma waxay ahaayeen kuwa ku noolaa dhul xaaraan ah, mise maamul ahaan ayaad ooga soo horjeeddaan dadka aad halkaasi ka saarteen oo arrintiinnu ayaa ahayd mid aad ka fiiriseen dhanka qabyaalad iyo wax aan loo fadhinin?

Miyaysan anfici leheen inaad u rogtaan dugi sare, heer jaamacad, dugsi hoose/dhexe, miyaan laga faa'idi leheen, oo magaalada wax tar miyaysan u lahaan leheen, iyo dadka masaakiinta ah ee aan waxba haaysan in caruurtooda wax lagu baro?.

Sheekhow, miyaan lag dhigi Karin maktabad lagu faafiyo kutubta diinta Islaamka oo noqnkartey meesha oogu qiimo badan ee magaalada ku taal, ayada oo aan la burburin, miyaana sina looga faa'iidi kareen, mise waa xaaraan in meel ay gaalo dhistey wax lagu qabsado, taasina daliilkeeda maxuu yahay diintee laga keeney?

Hantida ku baxdey dhismaheeda iyo burburinteeda, iyo hantida aad maanta dooneysaan inaad ku dhistaan masaajidka oo garabkiisa masaajid uu ku yaal miyaysan dadka iyo dalka wax kale u tari leheen.?

Diinteennaa soo tan qabto "diintiinna ayaad leedihiin, anna teyda ayaan leeyahay"mise taasi waa laga tirey diinteenna, oo sidaan ayaa soo korodhey, sow tii Ilaahay uu nabigeennaa barakeysnaa uu ku yiri"Maanta ayaan diintiinna idin kamiley, Islaamkana idin oggolaadey inuu diintiinna noqdo".

Sheekhow tillaabadaani waa mid aan laga fiirsan , oo u baahneyd marka hore in leys yiraaho, kaniisadaan maxay ku habboontahay oo laga sameen karaa, diinteen, dadkeen, iyo dalkeennaba ooga faa'iidi karaa,waase dhiciweysey, haddaba maxaa talo ah?

Waxaan ka baqayaa in furdadana ay noqoto mid xaaraan ah, waayo waxaa kusoo xidho, maraakiib khamro sida iyo kuwa ay gaalo leeyihiin,marka waa in maraakiibtaasina la burburiyo, dikaddana la burburiyo maadaama khamri oo xaaraan ah lala soo galo, mise waxaad I leedahay dhaqaale ayaan ka hellaa, saa darteed waa xalaaleyneynaa!!

Markeeda hore dhisitaanka kaniisadda khalad bay ahayd waa haddii aan isku raacno, waxayna dhacdey waqti ay Soomaalidu taag u hayn gumeystihii Talyaaniga,taasi waxay ahayd taariikh qaldan, hase yeeshee waxaa lagu saxey mid kasii khaldan, oo kasii xun, waxaanse jeclaan lahaa , in dalka iyo maamulkaba ka faa'iidaan dhismahaasi taariikhiga ah, isla markaana ay taariikhda ku geli lahaayeen wax qabadkooda.

Maantase masaajid uma baahneyn meesha in laga dhiso, waayo waxuu noqonayaa keli mid la qeybsado masaajidkii hore dadka ku tukado, ayada oo la ogyahay halka ay ku tiilley Kaniisada inay ahayd meel xafiiyada dowladda u dhow, inkastoo masaajidka kale uu aga dhowyahay.

Sheekhow maamulkiinna waxuu burburiyey taariikh loo baahnaa in carruurta looga sheekeeyo, hase yeeshee maantase khasaaro mooyaane, wanaag la sheego ma adan sameynin, waxaanse jeclaha ruux kastaa ee dalkaan iyo dadkaan wax u qabanaaya inuu marka hore is weydiiyaa, dadka iyo dalka maxaa looga faa'iideenkaraa, maxaase dhibaato ah ee ooga imaan karo jiritaanka sheygaani.

Qore:Jamaal Maxamed Mursal
jmm278@hotmail.com