Search This Blog

Tuesday, May 12, 2009

Cadaalad maaha+ looma dhama+Waa ridoobay Part3 By Abdullahi Sheik Hassan


Qormadii Siyaasigga Cabdullahi Sheekh Hassan uu kaga hadlayay marxaladaha siyaasadeed ee maalinba qolo ka dhigatay halqabsi kuna dhibaateeysan shacabka Soomaaliyeed waxay noo mareeysa qeybtii labaad oo uu kaga sheekeeynayay Qaadkii lagu gubay Mogadishu 2006,hadaba aanu sii ambaqaadno:-

Waxaa dhacday,galab ayaa jaad ka soo degay garoonka Mogadishu waxaa yimid nin Masuuliyiintii Maxkamadaha ka mida ayadoo ninkale oo masuuliyiintaas kamida amray in la gubo qaadka.kii yimid waxa uu yiri la gubi maa laakiin waa loo digaa in mardanbe la keenin,kii kalena waxa uu ku adkeeystay waa lagubaa dabeetana xaaladii aad ayey u xumaatay,waxeyna gaartay meel aanan hada qoraalkeeyga ku sheegeen laakiin ugu danbeeynti waa lagubayTaasi waxey ku tusee in wax nadaama oo leesku raacsanaa aan wax lagu maamuleeyn marka laga soo tago in shareecda islaamka dalka lagu maamulo.
Calaakuli xaal waxa kale oo la og yahay dagaalki baydhabo lagu qaaday in aan tala mideeysan lagu qaadinIsku soo duub nuxurku ,Waatii Ethiopia wadanka qabsatay,Masuuliyiintii Maxkamaduhuna inta badan waa kuwa Asmara isugu tegay,muda kadib waa tii la dhisay urur loogu magacdaray dib u xoreeyn waxyar kadib waxaa bilaabatay waa ridoobayCulumo badan ayaa fudeed ku tilmaamay in qof Muslimo aad ku sheegto inuu ridoobay ,hadii uu kaa fikir duwanaado waayoo qodobka gaaleeysiinta maaha arrin sahlan.
Inkastoo Shariif Sheekh Ahmed isaga laftiise hore u isticmaali jiray kelmada hebel waa ridoobay hadana goor dambe ayaa laga dhageystay ummadda Soomaaliyeed waa wada Muslim.Dulucdu waxay tahay kelmadii looma dhama waxaa lagu bedelay waa Ridoowday iyo Cadawga alle waaye,
Keligii taliyeyaashii Caalamka soo maray waxay dhihi jireen waa Qaran diid sidaas darteed hala toogto ama xabsi dheer haloo diro.Al-Shabaab 2007 waxay bilaabeen kooxda Asmara Jihaadka ayey diidan yihiin,Hotel gaalo ayey jiiftaan,Hassan Turki wuxuu yiri..

"Shariifka iyo Hassan Dahir waa ridoobeen laakiin waxyar uun kadib mar labada Shariif tageen Nairobi ayuu Hassan Dahir isagana markiisa qaatay sheekadii oo labadii Shariif ku sheegay inay ridoobeen.

Hadaba maadaama xaaladahaas is bed bedelka badan ka dheceen dalka hooyo waxaan shakin ku jirin in qof kasta oo Somalia Isweeydiinaayo su,aashaan-Goorma ayaad sida dadyoowga aduunka kunool , unool yihii u noolaan doontaan?Dhibaatada lagala kulmo qaxootinimada ee dhinaca nolosha iyo diinta,dhaqanka ka sokoow,waxaa Somalida uga daran marka Caruurta uu qurbaha ku dhalay weeydiiyaan sababta ay dalkooda Somalia ugu dalxiis tegi waayeen waqtiyada fasaxa maadama Caruur badan oo ay wax wada bartaan ama isku xaafid yihiin dalalkooda dalxiis ku tagaan,kana soo laabtaan iyagoo uga sheekeeynaa quruxda iyo waxyaabaha cajiibkaa ee ay ku soo arkeen.
Damqashada xusida mudan waxay tahay marka wiil ama gabadh aad dhashay maqasho iyadoo laguu sheegaa in la dilay walaal ama waalid qofaad isku tihiin kadibna uu ku weydiiyay Why loo dilay? dabcan waxaad sheegtaa waa wadna xanuun.Xanuunka xiisaha gaarkaa leh waalidiin badan wadnaha farta ku hayaan wuxuu yahay walaaca ku saleeysan armeey Caruurtaada ku dacweeyaan hadaad dhahdid waxaan dhaaf ama diintu ma ogola.
Walbahaarka joogtaada ee qurbaha yaal wuxuu yahay waalidkii goor iyo ayaan isleh armaa lagaa wataa Caruurta,oo qeeyru masuul laguu qoraa ama dookhooda loo raacaa.Ubad alla ku siiyay hadii uu oofsado waa loo sabraa laakiin waa u dhaxeey geeri iyo nolol hadii ilmahaad dhashay lagaa wato,Intaasi waxaa dheer ilmaha ku dhasha qurbaha oo sameeyn ku yeesha dhaqanka wadanka ay ku nool yihiin.
Wax ka xuni ma jiraan Masuuliyadii alla SWT ku saaray inaad gudan weydo,waxaan ula jeedaa inaad noqon weydid aabe maareeyo qoyskiisa kuna haga jidka toosan ee tarbiyada diinta Islaamka,wayna dhacaan dhacdooyin taariikhda galay oo mar walba uun barmadoow ku ah qalbiyada waalidiin badan.
Hadii aanu eegno Caruurta ku nool gudaha Somalia waxaa iigu naxdin iyo qaracan badneed arday lagu laayay baskii Schoolka xilli ay ku sii jeedeen Waxbarashada Isgoyska Cali Kamiin Mogadishu,laakiin dalka Waxbarasho wanaagsan way ka jirtay ka hor 29 December 2006 oo ay Melleteriga Ethiopia ka geeysteen xasuuqyo ay ku galaafteen dhamaan goobahii Waxbarashada.
Qoyska ay Waxbarasho ugu jiraan shan arday ugu yaraan waxaa bishii laga rabaa konton dollar,taasi waa lacag badan marka loo fiiriyo nolosha danyarta Somalia hadana waa lacag yar marka loo fiiriyo heerarka wanaagsan ee ay ka gaaraan waxbarashada.
Qoysas badan ayaa Ubadkii ay dhaleen laga afduubtay kadibna la weydiistay Madaxfurasho,qaar badan ayaa guryahooda madfac ugu tegay ama Miino la kacday baskii ay la socdeen,kooxdii dhigtana waxay ku cudur daarteen inaan ardaydaasloo wadin Miinada oo qalad ugu qaraxday.
Marba heer la soo mar,Somalidu waxay tiraahdaa qeeylaa masaajidka ka yertay xalmaleh mar hadii wadaadadii daliishanayay Aayaadka iyo Axaadiista qeeylada ka soo yeertay.Gabood falada dhacay mayara oo ay la kulmeen waalidka ku dhabar adeegaya inay caruurtooda ku ababiyaan Dalkeena Somalia, waxyaabaha aan la murgoodo waxaa kamida maalin ayaan website ka akhriyay hoobiya Airaporka loo waday ayaa ku dhacay wiil yar oo 13jirah xilli uu joogay xaflad lagu maamusayay arday uu ka mid yahay oo Quraanka dhameeyay laakiin nasiib daro wiilki iyo macalinkiisi iyo laba wiil oo ladhalatayba waxaa ku dhacay hoobiyihi.
Todobaad gudahiis laba bas oo dadka saarnaa arday u badnaayeen ayey Ciidamadda Uganda dhameeyeen,kuna xasuuqeen Jidka Makka Al Mukarama Mogadishu.Ilama ahan kuwa miinada jidka dhigay inay ku eed la yihiin,oo fidnada ayey abuureen laakiin maalin uunbaa xisaab caadila ,oo aan la dafiri karin imaan doontaa Nuxurka gebagebada qoraalka wuxuu yahay..
"CADAALDA MAAH IYO LOOMA DHAMA AYAA 20 SANO SOO QAADATAY LAAKIIN WAXAN LA OGEEYN INTA AY QAADA DOONTO WAA RIDOOBAY"
Dhamaad
W/Q Siyaasigga
Abdullahi Sheekh Hassan
London
Uk