Search This Blog

Tuesday, September 9, 2008

Xildh. Shaatiguduud “Baydhabo nabad maahan ninkii yiri been cad oo xaaraan ah ayuu sheegay, waxaana cadeynaeynaa…”


Xildhibaan Xasan Maxamed Nuur (Shaatiguduud) oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka, kana mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii ugu waayeyna ee dalka Somalia ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay isagoo ka hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin amaanka magaalada Baydhabo iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee magaaladaasi.

Shaatiguduud waa nin aad caan uga ah Baydhabo, kana soo jeedaa magaaladaas, wuxuu caan ku yahay dib uga qabsashadii Baydhabo Xuseen Caydiid iyo Mooryaantiisa oo dhibaato ku hayay dadka halkaas degan, wuxuu kaloo caan ku yahay inow yahay nin ku adag ama ku dhegan dhulkiisa una diida dad kale inay faraha la galaan.

Shaatiguduud waa nin aqoon sare u leh dhinaca Malatariga waana aqoon dhinaca sharciyda, waa ruug cadaa, dadka qaar ayaa yiraahdaan inow KGB-da Somalia.


Waxaa uu si kulul u weeraray una cambaareeyey weerarada ay kooxaha ka soo horjeeda DF ka geysanayeen magaalada Baydhabo ee iskugu jira dilalka, qaraxyada iyo madaafiicda mararka qaarkood lagu weerero magaalada, wuxuuna sheegay iney yihiin kuwo wax u dhimaya amaanka iyo xasiloonida magaalada oo isla markaana aaney wax kale soo kordhineynin “Kuwa leh islaamiyiin baan nahay, Islaamku waa diin nabadgelyo, ee dadka nabad geliya ayaan leenahay, joojiyana waxa aad wadaan” ayuu yiri Shaatiguduud.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uua rajo wanaagsan ka muujiyey heshiiskiii ay dhowaan ku kala saxiixdeen magalada Jabuuti ee dalka Jabuuti mas’uuliyiinta Dowladda Somaliya iyo isbaheysiga dib u xoreynta oo uu sheegay haddii uu hirgelo inuu wax weyn ka tarayo nabad ku so celinta Somalia, wuxuuna dhinaca kale sheegay in magaalada baydhabo ay tahay mid amaanka ah oo kooxaha ka soo horjeeda aaney ku dhiiran karin ayuu yiri iney dagaalo waaweyn ka fuliyaan ”Baydhabo nabad maahan ninkii yiri been cad oo xaaraan ah ayuu sheegay” ayuu Shaatiguduud yiri sifdoo kale.Hadalka Xildhibaan Xasan Maxamed Nuur (Shaatiguduud) oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka, ayaa ku soo beegmaya xilli mudooyinkan dambe ay sii kordhayaan weerarada ay xoogaga ka soo horjeeda DF ku hayaan magaalada baydhabo.


Banaadir Post

Bupal Yare

italy

Kismaayo: Kooxaha heysta Kismaayo oo bandow Magaalada ku soo rogey & Cabasho dadku ka muujinayaan.

Kooxaha qabsaday Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose 22-kii Bishii hore ayaa ku dhawaaqay bandow ay ku soo rogeen Magaaladaasi.

Bandowga ay kooxahan soo rogeen ayaa ka bilaamaya Lixda maqribnimo, waxaana uu ku eg yahay Lixda Subaxnimo, sida ay sheegeen xubno ka mid ah Maamulka halkaasi ka jira.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Muqtaar Roobow Abu-Mansuur ayaa ku dhawaaqay warkan wuxuuna sheegay in ay sidaasi ugu dhaqaaqeen si ay wax uga qabtaan xaalada amaanka ee Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa bandowgan lugu soo rogey wuxuu ka hirgalay xalayba, waxa ayna dadku cabasho ka muujinayaan waqtiga bandowga lasoo rogay waxa ayna ugu baaqeen Kooxaha qabsaday magaalada in ay waqti bandowga badalaan, maadaama lugu jiro Bisha Ramadaan.

Bandowgan ka hirgalay Magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmayah xili ay maalmihii ugu dambeeyey soo baxayeen hadalo kala duwan oo ka imaanaya dhinacyda qabsaday Magaalada oo ku saabsanaa Maamulkii Magaalada loo dhidbay.

Ramadaan iyo bandow magaalo dad islaam ahi degan sidey isu keni doonaa, mise ragani ma yihiin diini mise Maxkamado beeloodyo.
Koshin Yare
Xamar
Somalia.
Banaadir Post
banadirpost@gmail.com