Search This Blog

Tuesday, September 9, 2008

Kismaayo: Kooxaha heysta Kismaayo oo bandow Magaalada ku soo rogey & Cabasho dadku ka muujinayaan.

Kooxaha qabsaday Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose 22-kii Bishii hore ayaa ku dhawaaqay bandow ay ku soo rogeen Magaaladaasi.

Bandowga ay kooxahan soo rogeen ayaa ka bilaamaya Lixda maqribnimo, waxaana uu ku eg yahay Lixda Subaxnimo, sida ay sheegeen xubno ka mid ah Maamulka halkaasi ka jira.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Muqtaar Roobow Abu-Mansuur ayaa ku dhawaaqay warkan wuxuuna sheegay in ay sidaasi ugu dhaqaaqeen si ay wax uga qabtaan xaalada amaanka ee Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa bandowgan lugu soo rogey wuxuu ka hirgalay xalayba, waxa ayna dadku cabasho ka muujinayaan waqtiga bandowga lasoo rogay waxa ayna ugu baaqeen Kooxaha qabsaday magaalada in ay waqti bandowga badalaan, maadaama lugu jiro Bisha Ramadaan.

Bandowgan ka hirgalay Magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmayah xili ay maalmihii ugu dambeeyey soo baxayeen hadalo kala duwan oo ka imaanaya dhinacyda qabsaday Magaalada oo ku saabsanaa Maamulkii Magaalada loo dhidbay.

Ramadaan iyo bandow magaalo dad islaam ahi degan sidey isu keni doonaa, mise ragani ma yihiin diini mise Maxkamado beeloodyo.
Koshin Yare
Xamar
Somalia.
Banaadir Post
banadirpost@gmail.com