Search This Blog

Tuesday, September 29, 2009

Mr.Ibbi:Waxuu ku qaldan yahay inuu ka mid ahaado Df &

Waxaan sake ka aqriyay qormo ka waramaysay Mr.Ibbi, iyo qormo Indha-cadde ku eedeeynaayay Sh. Daawir Aweys; Sida ay ku nuux-nuusadeen Sh.Indha-cadde iyo Kuunyo Gaduudey labaduba waxay siyaabo kala duwan u difaacayeen Df.uu madaxa ka yahay Sheekh Shariif, iyo Mr.Ibbi, haddii aan ugu horeysiiyo Df: Sawaxanka iyo codka xiinka leh ee Df ma caburin karo Halganka Hubaysan ee Mucaaradka Waddaniga ah ee Dalkeena, haddii labada dhinac Df iyo Mucaaradka la imaanin tanasulaad waaqici ah si loo bilaabo wada-hadalo iyo heshiis sharuud la'aan lagu joojinaayo dagaalada malinba maalinta xigta sii xoogaysanaayo.

Haddii Sheekh Yuusuf Indha-cadde ku qanacsan yahay Xilka Qaran uu ka helay DF, waxuu ku muteystay gefef iyo dambiyo siyaasadeed uu ka galay bulshaweynta Soomaaliyeed, sidoo kale dhamaan beelaha awood qaybsiga la siiyay Cid "Wayso U Dhawran Ma Laha", waxay si toos ah ama si dadbaba uga qayb qaateen dhibaatooyinka siyaasadeed ee murugada leh ee dalkeena ka jirta (Indha-cadde, waxuu ka soo bilabay Muryaan ilaa uu ku soo garay Marshaal), haddaba ma aha inay xalaal ku noqonayso DF haddii gacan-ku-dhiigle kasta ku soo biira DF, Madaxweynaha DF Sheekh Shariif iyo Kooxdiisa waxay kula dagaalameen Muuse Suude iyo Qanyare (Qadiyada Siyaasadeed hoosta kaga lamaanan "Dhaqanka Shareecada Islaamka"), sidoo kale waxay kula dagaalameen DF iyo Ciidamada Aminson qadiyada Siyasadeed gun-dhig u ahaa "Dib U Xoreynta Dalkeena", haddana Sheekh Shariif iyo Ciidamada Aminson maanta waxay heshiis ku yihiin qaddiyad siyaasadeed wejiyo kala duwan.

Wada-hadalada iyo Heshiiska RW. Df.Cumar C/rashiid la soo galay Maamulka Puntland, waxay ka turjumaysaa qadiyada siyaasadeed la doonayo in sumcadda looga rido beelaha Hawiye in haddii DF burburto inuu maamulka Puntland u noqoto Maamul Caalami ah, sidaa darteed,haddii Sh.Yuusuf Indha-cadde sidaa ula muuqanin qaar kalaa xaajada weji kale u leedahay. Dhinac kale aan rabo inaan wax ka iraahdo Mr. Ibbi: Sheekhey Hamuule, waxuu ku andacoonayaa inuu Mr.Ibbi yahay daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisaba, kana mid yahay Soomaalida dadaal siyaasadeed dheeraad u leh bulshaweynta Soomaaliyeed dalka gudahiisa ama dibeddiisuba, walaal waxaad ka hadashay fekerkaaga, balse, waxaa is weydiin mudan Nin ka mid ah Xukuumadda Isbahaysiga Mudulood iyo Majeerteen ma lagu tilmaami karaa inuu Soomaalida kale kal gacayl u haayo ama uu ka shaqeeynaayo maslaxada caamka ah sidii loo soo af jari lahaa dhibaatooyinka siyaasadeed murugadaha leh ee dalkeena ka jira. Sidaa aan ka warqabno Sheekh Shariif, Ibbi iyo Shariif Xasan, waxay si toos ah u fulinayaan danano siyaasadeed beesha caalamka raali ka tahay, waxay si waadax ah uga muuqaadan siyasaddii hororka Dikteetarkii ugu ddaciifsan adduunka, Cabdullaahi Yuusuf iyo Taliska maamulka Gumaysiga Xabashida ka wadeen Geeska Afrika. Haddii aad jeceshay inaad Mr.Ibbi ceeb ka saliin ka dhigto, marka hore ka waani inuu faraha kala baxo siyaasadda Wadaagta Madaxa Ka Ah "Madhabta Mudulood iyo Majeerteen".

Anniga ma aqaan Mr.Ibbi, balse ma filaayo inuu ka madhan yahay dhagarta iyo laqdawooyinka siyaasadeed ka soo daahiray Soomaaliya,ka dib markii Hogaamiyihii Hogaanka Siyaasadeed iyo Talada dalkeena la riday. Haddii aad rabo inaad si fiican uga dheregto khiyaamooyinka siyaasadeed dalkeena ka jira fiiri xariifnimada siyaasadeed Mudulood iyo Majeerteen labada beeloo afka iska jecel, uurkana iska nece: Cabdullaahi Yuusuf waxuu Mudulood u siiyay jagada RW, "Ushaada waxaa loo dhiibtaa nimaad ka qaada kartid", sidoo kale Sheekh Shariif waxuu ku kalsoonaan waayay Soomaali kale, sidaa darteed, halganka qadiyadda Siyaasadeed ee dalkeen intaa kuma eka, waxay socon doontaa inta laga helaayo "Siyaasi Dadaal Waddani Leh oo Siyaasadda Soomaaliya Caan Ku Ah, Dunidana Xarago Ku Leh", goortaasay Hooyada Soomaaliya Ooyinta Dhigaysa!




WQ:Cadde Amiin Maxamed

Sabuni1956@yahoo.com