Search This Blog

Sunday, April 11, 2010

Beesha Habargidir oo si gaar ah ugu gacan haatinaysa Shariifka iyo Beelaha Hooga iyo Halaaga ee Hiraab oo Muqdisho Shirar ku leh (Warbixin dhinacyo badan taabanaysa).

Maalmahan Magaalada Muqdisho waxaa ka jira kullmo ay yeelanayaan Beesha Habargidir taasi oo ay ku muujinayaan Taageero Heer Caalami ah oo ay siinayaan Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.



Maalintii Axadii kullan ay beeshu ku yeelatay Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku kulmay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Odayaal, Dhalinyaro, Aqoon yahano, Waxgarad iyo Haween Beesha Habargidir waxay si toos ah shaaca uga qaadeen in xiligan Shariifka ay siinayaan Taageero lixaad leh marka laga reebo Inta raacsan Mucaaradka ee Beeshaasi.


Waxaa goobtasi si aad ah uga dhex muuqday Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali laakiin xiligaasi ahaa shaqsi ka mid ah Beesha habargidir waxa uuna cod dheer ku taageeray Dowladda Shariifka, isagoo beesha inteeda kale ka codsaday in la muujiyo Taageero dal iyo dibad oo Shariifka la siinayo, isla markaana dalka laga saaro Dhibaatada kaga aadan Beesha deegaanada ay ka soo jeedaan.


Shirkani ayaa waxa uu ku xasuusinayaa ama la tusaalo yahay waa haddii aad xasuusatee ama aad goob joog u ahayd ama lagaaga sheekeeyey Shirarkii ka dhici jiray Xaruntii hore ee Xizbiga ee magaalada Muqdisho kaasoo ku dhacay si gacan taag taag ah ama xamaasad gaar ah ka muuqatay, hala taageero dowladda shariifka, shariifku nin xun maaha, dowladdaani mid dhaantaa lama heli doono,waxii horey qalad u dhacay halaga faa'iideysto oo hala saxo, waa in leys dabo qabtaa, qoladaan wajiga soo duubtay ee shabaabku waxay duulaan ku yihiin beesha iyo erayo badan oo aan halkaan ku soo koobi karin isla markaana taageero kama danbeys ah ay beesha ku muujinaysay xiligaasi waxaadna moodaa in uu la mid ahaa Kulanka ka dhacay Hotel Saxafi shirarkii ka dhici jiray Xaruntii hore ee Xizbiga.


Waxaa jirta Hooga iyo Halaaga ka jira Muqdisho in lagu xanto in ay ehel u yihiin Beelweynta Hiraab taasina uu dalka ka dagi la’yahay in ka badan 20 sano haddii ay ka hadlaan ama ka fariistaan xaalada dalka oo xal loo heli karo.


Hiraab hadda waxay leeyihiin kullamo iyo shirar ay uga hadlayaan xaalada dalka wallow qoraha maqaalkan uu leeyahay arrintan way ka weyn tahay Hiraab oo waxaa meesha soo galay urur diimeedyo si aad ah ugu dagaalamaya dalka Soomaaliya iyo mowqifkooda haatana ma jiraan wax is badal ah oo ay ku keeni karaan marxalada dalka shirarkaasi, taasoo ugu wacan hogaamiye diimeedyada dalka ka hanaqaaday oo meel iska dhigay arrimaha Qabaa’ilka Soomaalida iyo kuwa shiraya oo ah kuwo ku eg Taageero dhinaca dowladda KMG xageda ah.

Habargidir ayaa fikir ahaan soo jeediyey in heshiis buuxa la dhex dhigo Beesha Hiraab isla markaana meel la iska dhigo hadal heynta in Itoobiya ay faraha kula jirto dalka Soomaaliya, xoogana la saaro qilaafaadka xoogan oo u dhaxeeya Beesha Hiraab (Abgaal iyo Habargidir) oo dagaalo sokeeyo horay u dhex martay, loona baahan yahay in dib loo saxo qadaadkii hore si looga gudbo marxalada xun ee haatan uu marayo Dalka Soomaaliya.


Dardarta Beesha Habargidir ayaa waxaa loo aanaynayaa dhowr sababood oo isku yimid iyo iyagoo beesha Saraakiilo muhim ah oo Beesha ugu jira Dhinaca Dowladda KMG iyo ahlusunan Waljameeca waxaana ka mid ah Ahlusunna Waxaa ugu jira Ninka haatan ugu firfircoon Siyaasada beesha door weyna ka ciyaara waa Axmed Xaaji C/salaan iyo Sarkaal sare oo dhanka Ciidanka ah isla markaana ka tirsanaa dowladdii hore ee Kacaanka Gen: Maxamad Nuur Galaal, halka dhanka Dowladda KMG ugu jiraan Wasiirka arrimaha Gudaha Dowladda KMG Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo door weyn ku lahaa Maxkamadihii Islaamka, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Maxamad Siyaad Indha Cadde, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Col: Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan C/shakuur iyo xubno kale oo fara badan, intaasi oo idil waxay ka tarjumayaan Beesha habargidir miisaanka culus iyo dardarta ay haatan ka wado labada dhinac waana arrinta keeni karta in laga dhabeeyo xal laga helo Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan koonfurta Somaaliya.

Intaasi kadib waxaa hadda ka hor dhacday in Islaan waayeel ah xiligii dagaalada sokeeye Magaalada Muqdisho ka holcayeen Beelaha Habargidir iyo Abgaal ay soo ag martay guri ay dhoobnaayeen dad badan, waxayna wiil ka mid ah dadkii banaanka dhoobnaa weydiisay waxa ka socda Meeshaasi, waxa uuna wiilka yar oo aan ka ag fogayn islaantaasi si aayar ah ugu sheegay dadkan buuxa in ay ka warsugayaan Kullan ay leeyihiin Beelaha Abgaal iyo Habargidir oo Hiraab isku ah waxayna ku jawaabtay duqdaasi oo qosol gariir qosleysa “Maandhow maad I tiraahdid Qolooyinkan shiraya waa kuwii Hooga iyo Halaaga geliyey Shacabka Muqdisho ama dalka oo dhan” ayay si guux hoose ah ugu jawaab celisay wiilkii u sheegay shirkaasi, waxayna ula jeeday beelahaasi oo dagaalo culus ku dhex marayay Muqdisho iyo meelo kale.


Ugu danbeyntii Beesha Mudulood oo uu ka soo jeedo sheekh shariif Sheekh Axmed waxay si cad dhabarka ugu jeediyeen shariifka kuna gacan seyreen in ay garab istaagaan sidii ay u garab istaageen dowladdii C/llaaahi Yuusuf oo xiligaasi Ra’iisul Wasaare ka ahaa Cali Maxamad Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Banadirna ahaa Maxamad Cumar Xabeeb Maxamad Dheere, waxayna beesha Muduluud hadda u eg tahay kuwo u sii tafaxeydanaya ku biirista kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ee Soomaaliya, lamana saadaalin karo kullamada Beesha habargidir ku yeelanayso Muqdisho waxay ka badali karto dhibka ka jira Muqdisho, in kastoo dadka indha indheeya arrimaha Siyaasada Soomaaliya isku raaceen haddii beelaha Abgaal iyo Habargidir ka dhabeeyaan taageerida Dowladda KMG ay soo dhawaanayso xal u helida Magaalada Muqdisho oo marti u ah BM, Hoobiye iyo dhibaatooyin kale isla markaana dadkii daganaa Toban geedi ka guureen muuqaalkii Muqdisho.






Mohamedafrax10@hotmail.com

Thursday, April 8, 2010

AFHAYEENKA KOOXDA AHLUSUNNA OO HANJABAAD U JEEDIYEY IDAACADAHA MUQDISHO QAARKOOD OO UU KU SHEEGAY IN AY BUUNBUUNIYAAN ALSHABAAB!!.


Afhayeenka Kooxda la magac baxday Ahlsunna C/laahi C/raxmaan Abuuyuusuf Alqaadi ayaa u Hanjabay Qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho Sheegayna in ay Tallaabo Deg-Deg ah ka qaadi doonaan Isagoo ku edeeyay in ay Buunbuuniyaan Kooxda Alshabaab sida uu Hadalka u dhigay Iyagoo Qariya buu yiri Guulaha ay Kooxdooda ka gaaraan Dagaallada ay la galaan Alshabaab.



Afhayeenku wuxuu sheegay in ay Dhawaan Farta ku fiiqi doonaan Magacaabina doonaan Idaacadaha la shaqeeya Alshabaab sida uu Hadalka u dhigay, Islamarkaana aaneey faraha ka laaban doonin oo uu Samirkii ka dhamaaday.

Horay ayey Kooxda Ahlusunna Xabsiga u dhigtay Wariye ka tirsan Idacadda Shabeelle oo joogay Goobaha ay Gacanta ku hayaan Iyagoo Idaacadaha ka Howlgala Goobaha ay Gacanta ku hayaan ku Amray in ay soo marsiiyaan Wararkooda Maamulka Ahlusunna inta aaney Tebin.
 
 

DHUUSAMAREEB IYO GURICEEL OO AY KA JIRTO ABAABUL DAGAAL KII UGU CUSLAA IYO ALSHABAAB OO XISBUL-ISLAAM KAASHANAYA OO KU SII SIQAYA!!.

Xaaladda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa aad looga soo deyrinayaa iyadoo haatan ay halkaasi ka jirto Abaabullo Dagaal kuwii ugu darnaa Shacabka Halkaasi ku noolna ay aad uga Anfariirsanyihiin sida uu xaalku noqon doono Saacadaha ama Maalmaha soo socda.


Ciidamo ku Hubeysan Gawaarida Gaashaaman oo ka tirsan kuwa Xisbul-Islaam ayaa ka dhaqaaqay qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan Iyadoo Taliyaha Ciidamadaas watana uu ku gooddiyey in uu 24 Saac gudahood ku qabsan doono Magaalada Guriceel.

Waxa kale oo iyana jira Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Alshabaab oo ku sugan Tuulooyin aan sidaa uga fogeyn Labadaas Degmo ee Dhuusamareeb iyo Guriceel oo ay haatan Gacanta ku hayaan Kooxda Ahlusunna.

Dhanka Kooxda Ahlusunna oo haatan gacanta ku haya Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa waxay Heegan geliyeen Ciidamadooda ku sugan Guriceel iyo Dhuusamareeb Iyadoo Afhayeen u hadlayna uu sheegay in ay iska Difaacayaan Weerar kasta oo kaga yimaada Alshabaab iyo Xisbul-Islaam.

Shacabka ku nool Deegaannadaas ayaa Xaaladdooda aad looga deyrinayaa iyadoo ay soo Foodsaartay Xaalado Nololeed oo aad u Cakiran oo ay sababtay Abaaro ba'an oo halkaas ka jira iyo Dagaallo soo noqnoqday oo Saameeyay Guud'ahaan Gobolkaas.

Banaadir Post

Ciidamo taabacsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo la wareegay hubkiina ka dhigay ilaalada xafiiskii QM ay ku laheyd degmada Waajid ee gobolka bakool


Xoogag taabacsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa saaka la wareegay xafiiskii Qaramada Midoobay ee degmada Waajid ee gobolka Bakool sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee Gobolka Bakool.


Dad goobjoogayaal ah oo diiday inay magacyadooda xusaan ayaa waxay sheegeen in Ciidamada halkaas la wareegay ay gudaha u galeen xafiiska ayna kala soo baxeen qalab ay ka mid yihiin Computero ay ku shaqeynaysay Hay'adda iyo waxyaabo kale iyagoo ku qaatay gawaari ay wateen.


Sidoo kale Ciidamo ka tirsan maamulka Gobollada Bay iyo Bakool ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa la sheegay inay hubkii ka qaateen ilaaladii xafiiskaas oo ahaa kan ugu weyn Koonfurta Somalia ay ku lahayd Qarammada Midoobay iyagoo ka dibna ku amray iney halkaas isaga tagaan.


Sidoo kale waxaa la sheegay inay la wareegeen garoonka degmada Waajid oo ay inta badan ka duulaan kana soo dagaan dayuuradaha at isticmaalaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee halkaas ku sugan, waxaana garoonka la dhigay ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Shaqaalaha ku sugnaa xarunta QM ee ku taala degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa dhamaatood ahaa dad Soomaali, mana jirin shaqaale ajnabi ah oo halkaasi ka howlgeli jiray, iyadoo aanay jirin ilaa hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool.


Banaadir Post.