Search This Blog

Thursday, April 8, 2010

Ciidamo taabacsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo la wareegay hubkiina ka dhigay ilaalada xafiiskii QM ay ku laheyd degmada Waajid ee gobolka bakool


Xoogag taabacsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa saaka la wareegay xafiiskii Qaramada Midoobay ee degmada Waajid ee gobolka Bakool sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee Gobolka Bakool.


Dad goobjoogayaal ah oo diiday inay magacyadooda xusaan ayaa waxay sheegeen in Ciidamada halkaas la wareegay ay gudaha u galeen xafiiska ayna kala soo baxeen qalab ay ka mid yihiin Computero ay ku shaqeynaysay Hay'adda iyo waxyaabo kale iyagoo ku qaatay gawaari ay wateen.


Sidoo kale Ciidamo ka tirsan maamulka Gobollada Bay iyo Bakool ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa la sheegay inay hubkii ka qaateen ilaaladii xafiiskaas oo ahaa kan ugu weyn Koonfurta Somalia ay ku lahayd Qarammada Midoobay iyagoo ka dibna ku amray iney halkaas isaga tagaan.


Sidoo kale waxaa la sheegay inay la wareegeen garoonka degmada Waajid oo ay inta badan ka duulaan kana soo dagaan dayuuradaha at isticmaalaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee halkaas ku sugan, waxaana garoonka la dhigay ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Shaqaalaha ku sugnaa xarunta QM ee ku taala degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa dhamaatood ahaa dad Soomaali, mana jirin shaqaale ajnabi ah oo halkaasi ka howlgeli jiray, iyadoo aanay jirin ilaa hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool.


Banaadir Post.