Search This Blog

Friday, August 1, 2008

Nuur Cadde haduu nin sariigta yahay waa inuu is casilaa (wolf in a sheeps clothes)


Nuur cadde ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa gacanta ku dhigay rag Qaran diid ah qaarna ka tirsan yihiin Dowladda qaarna bannaanka ka joogaan oo ay ka mid yihiin Axmed Cabdisalaan , Abdiqaasim Salaad Booy, Darmaan iyo tuugga wayn ee Sheikh Yusuf Garaad arinka ay wateenna waa ka sii ballaarantahay isku daygii lagu cayrin lahaa Halyay Maxamed Cumar Xabeeb.
Muxuu yahay Axmed Cabdi salaan?

Axmed Cabdisalaan waa mulkiilaha idaacadda Horn afrik waa ninkii u olaleen jiray Maxaakiimtii la wiiqay awoodooda taasoo loogu talagalay in la iskaga horkeeno shacabka iyo dowladda .

Axmed Cabdisalaan wuxuu lug ku leeyahay si toos ah iyo si dadbanba idaacadaha warbaahinta iyo webside-yada ka soo horjeeda midnimada Somaaliyeed.

Muaamarada furaha looga dhigtay Nuur Cadde ayaa ahayd in rag fara badan oo wadaniyiin wax ku ool ah shacabkana sumcad iyo sharaf ku leh dowladda laga saaro si Qaranka Somaaliyeed u bur-buro,ayna kamid yihiin a) Halyay Maxamed Cumar Xabeeb, b) Geesi General Maxamed Warsame Darwiish c) Geesi General Cabdi Qeybdiid iyo rag fara badan oo madax ah .

Waxa socdaa waa silsilad isku xiran waa la ogaa sidii kalsoonida ka muuqatay ee uu hadlayay taliyihii Boliiska ganey ee ka soo hadlayay Shabeelada Hoose .

Scandalkan hadaanay Dowladda wax ka qaban waxaa dhici doona fashil badan waa in kuleelka wax looga qabtaa , Halyay Maxamed Dheerana laga xaal mariyaa gafka ay u geesteen qarandiidkaasi .

Waa in la casilaa Nuur Cadde waa khaa-inul wadan lama heysan karo hadaan shacabkii nahay intaan ayaa nooga filan.

Mahad waxaa leh Allaah ka dib Madaxweynaha Umadda Somaaliyeed Mudane C/laahi Yusuf Axmed oo ka soo hor jeestay gafka qalafsan ee loo gaystay Maxamed Dheere ayna u geysteen dad huwan magaca dowladda hadana ka soo horjeeda sharafta iyo dowladnimada shacabka Somaaliyeed
.
Somali Jecel.
Banaadir Post

Taladii Axmed Cabdi Salaan iyo Sheekh Yuusuf Garaad oo Nuur Cadde ku hogaamisay Ceeb iyo Fashil siyaasadeed. {Faallo}.


Halyey Maxamed Cumar Xabeeb oo xilka laga qaado,waxaa ay ahayd arrin markii hore kasoo fushay maskaxda Axmed Cabdi Salaan uuna ku taageeray qaran diidka Weyn Sheekh Yuusuf Garaad,waxaase dadku ay is weydiinayaan waxa garashadii ka qaaday Nuur Cadde oo ah nin Sharci yaqaan ah uuna uga talaabsaday qodobada dastuuriga ah ee qaranka u dagsan.

Halyey Maxamed Cumar Xabeeb oo xilka laga qaado,waxaa ay ahayd arrin markii hore kasoo fushay maskaxda Axmed Cabdi Salaan uuna ku taageeray qaran diidka Weyn Sheekh Yuusuf Garaad,waxaase dadku ay is weydiinayaan waxa garashadii ka qaaday Nuur Cadde oo ah nin Sharci yaqaan ah uuna uga talaabsaday qodobada dastuuriga ah ee qaranka u dagsan.

Hadii uu jiro guri Ceebeed, waa kan uu hada Nuur cadde dhexda kasoo istaagay si uu uga baxana aanu garanaynin, maadaama isagoo og cida iska leh sharci ahaan in ay masuuliyiinta sar sre ee qaranka xilalka ka qaado uu isaga dhaqaaqay fulinta wax uu usoo yeeriyay Axmed Cabdi Salaan oo dhawaanahanba ay soo ifbaxayeen warar sheegayay in uu Jeeb dambeedka ku ritay Nuur Cadde xaga siyaasada marka la eego.

Talooyinkii guracnaa ee Ina Cabdi Salaan iyo Qaran diidka weyn Yuusuf Garaad waa kuwaa iminka Odaygan Nuur Cadde ah ku hogaamiyay ceebta iyo fashilka siyaasadeed.

Macnaha fashil siyaasadeed waxaa laga yabaa in dad badani aanay u fahmin sida uu yahay,laakin hadii aan sharaxaad ka bixiyo fashil siyaasadeed waxa uu yahay macnaha oo koobani waxaa uu noqonayaa “Siyaasiga wadadii uu maraba ay horay iyo gadaalba iska soo xirto oo meel uu kadib u ciirsadana garan waaya”.

Ra’isul wasaare Nuur Cadde waxaa uu todobaadkan sheegay in uu xil ka qaadis sameeyay,laakin ceebta ugu daran ee heysataahi waxaa ay tahay talaabadii uu qaaday oo aan meel mar noqoneyn maadaama ay u baahan tahay in madaxweynaha qaranku saxiixo,iyadoo madaxweynuhuna uusan hada u diyaar ahayn in uu Nuur cade qaladkiisii ku taageero.

Sidaa daraadeed macnuhu waxaa uu noqonayaa in Halyey Maxmed dheere uu wali yahay maamulaha gobalka Banaadir ee sharciga ah tan iyo inta laga helayo wareegto madaxweyne.
Waxyaabo fara badn oo is fasiraya ayaa halkaa ka muuqanaya waxaana ka mida iyadoo Axmed cabdi salaan uu laba bilood ka hor sheegay in Maxamed Dheere xilka laga qaadayo.

Tan kale waxaa ay tahay Idaacada Axmed Cabdi salaan ee Horn Afrik oo sheegtay in maxamed Dheere xilka laga qaadi doono xitaa ka hor intii aanay wareegtadu ka soo bixin ra’isul wasaaraha,iyadoo Cabdi Goob doon iyo qarandiid Yuusuf Garadna ay wax aan dhameystirneyn ula soo deg degeen saxaafada.

Waxyaabahaasi oo dhami waxaa ay muujinayaan in ay howshani tahay dhamanteedba howl uu qabtay Axmed Cabdi salaan oo in badan usoo joogay lugoysmada iyo hagar daameynta dowladda federalka Soomaaliya xiliyadii ay daganayd magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo.

Ilo ku dhow dhow madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu talaabada nuur Cade u arko qalad weyn, islamarkaana uuba garan la’yahay halka uu odaygu wax uwado.

Qaladaadka waaweyn ee Nuur Cade uu galay waxaa ka mida in iyadoo uu madaxweynaha Qranaku joogo magaalada Muqdisho uu qaado talaabo usan madaxweynuhu waxba ka ogayn,oo halkii isaga looga qaadan lahaa taalada ugu dambeysana uu ka weecday kana shidaal qaatay Axmed Cabdi Salaan.

Waxaa qalad kale ah in madaxwynaha qaranku wax uusan ogayn uu mar qura idaacadaha ka maqlo,taa macneheedu waxaa uu noqonayaa in xitaa loo gafay hogaamiyaha qaranka Soomaaliyeed oo hada ah ninka dalka ugu sareeya,xaqna u leh sida sharcigu qabo in uu masuliyiinta sarsare xilalka ka qaado shaqadisii la farageliyay isagoo aan waxna lala socodsiin.

Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaanu ka ogaanay in uu hogaamiyaha qaranka Soomaaliyeed ku gacan seyray shaqo ka joojinta Halyey Maxamed Dheere.

Tan kale waxaa la ogaadey qofka gadaal uga fadhiya in wax laga qabto Gobolk SHabeelada hoose uu yahay Nuur Cade iyo Axmed Abdi salaan, kuwaas isku bahaystey soo noolaynta burcadii Jaale Ceyr ee dhibka Soomaalu la hortaagnaa...


Banaadir Post.

Qaran Diid Nuuriye Cali Faarax iyo taliye yaal kale oo xilalkii maanta laga xayuubiyay. {Qaran diid Nuuriye waa nin ceynkee ah??}


Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilalkii kaga xayuuibiyay taliye maliishiyadeedo hore oo dhanwaanahanba xilal ka hayay booliska Soomaaliyeed,waxaana ka mida qarandiidka weyn Nuuriye Cali Faarax.


Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilalkii kaga qaaday
xayuuibiyay taliye maliishiyadeedo hore oo dhanwaanahanba xilal ka hayay booliska Soomaaliyeed,waxaana ka mida qarandiidka weyn Nuuriye Cali Faarax.


Wareegtada kasoo baxday taliyaha booliska oo uu saxaafada u aqriyay afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col Bariise ayaa ku eedeysay taliye yaasha xilalka laga qaaday qaarkood in ay ku keceen amar diido,islamarkaana ay u shaqeeyeen dowladda Soomaaliya lidkeeda.


Afaheynka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ahna Taliyaha Boliiska Qaybta Weeliyow Cade Col. C/llahi Xasan Bariise ayaa sheegay in ilaa iyo 5 sarkaal xilalkii laga qaaday,waxaana ka mida Taliyahii Qaybta Boliiska Gobalka Sh/hoose G/sare Cali Aadan Cali Ganeey oo horayna u ahaan jriay taliye maliishiyadeedkii Jaalle Indahcadde iyo ku xigeenkiisii Nuuriye Cali Faarax oo isna maamulkii Qarandiid Indhacade ka ahaa abaandullhaha ciidanka,waxaana lagu eedeeyay in ay heysteen hub iyo ciidan sharci darro ah oo ay kula dagaalamayeen dowladda Soomaaliya.


Taliye yaasha kale ee xilalka laga qaaday waxaa ka mida : G/dhexe C/qaadir Cabid Xasan (Beebe) oo ka tirsanaa Qaybta Boliiska gobalka Banadir, G/dhexe Xasan Cali Warsame oo ka tirsanaa Hogaanka ka hortaga Dambiyada iyo Gaashaanle Cabid Xaashi Baraale oo ka tirsanaa waaxda horumarinta cidianka booliska Soomaaliyeed.


Dhinaca kale Qaran diidka weyn Nuuriye oo ka mid ahaa raga baadilka ku heystay gobalka Shabeelaha hoose ayaa hadana waxaa uu ahaa ninkii gacanta ku hayay Hubkii uu lahaa Jaalle Indhacadde,kaas oo qeyb ka ah hubka sharci darada ah ee loo adeegsado xaaladaha amni darro ee ka aloosan qeybo ka mida dalka Soomaaliya.
Banaadir post
banaadirpost@gmail.com

Haweenka Mudulood ee W/Ameerika iyo Yurub oo dhaleeceyn dusha uga tuuray r/wasaare N/Cadde


Waxaa mudo labo maalmood shir qadka telfoonka (Teleconfrence) ku kulmayay haweenka Beesha Mudulood ee ku kala dhaqan Waqooyiga Ameerica iyo Yurub, iyadoo ey shir gudoominaysay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Beesha Mudulood ee North America Casha Yabarow.


Shirkaas ayaa waxaa lagu falanqeeyay talaabada aan laga fiirsan ee uu qaaday R/Wasaare Nuur Cadde taas oo uu xilka kaga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

"Waxaan halkan ka cadeynaynaa in R/Wasare Nuur Cadde uu ku deg-degay xil ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka, waxaan xasuusinaynaa Nuur Cadde in dowladu tahay 4.5 xilna la qaadi karo lana magacaabi karo masuul kale balse Nuur uusan u magacaabi karin gobolka Banaadir nin aan u dhalan deegaanka",

ayaa ka mid ahaa nuquladii ey soo saareen haweenka.

Waxaan kaloo halkan dhaleeceyn dusha uga tuuraynaa dadkii dhawaan dhigay mudaharaadkii loogu riyaaqayay xil ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Banadir Maxhamed Dheere taas oo ku tuseysa in qabiil ka dhex guuxayo kuwa qaxootiga sheeganaya ee ku sugan Siinka Dheer ama Ceelasha Biyaha oo ey dowladdu kasoo saartay xarumihii Dowladda ee ey hoyaadka ka dhigteen mudadii 18-sano ee fowdada.

Hadaba shirkii labada maalmood socday ayay haweenka Beesha Mudulood ku dhaleecyeen in R/Wasare Nur Cade uu ka baxay balamihii ahaa in uu la tashan doono dhamaan beelaha Soomaaliyeed, uuna u bedelay sheekada qancin uu qancinayo dadka nabad diidka ah.
Waxaad xasuusataa Nuur Caddow maah-maahdii ahayd (NIN XAASKAADA RABO GABADHAYDA HOO KAAMA YEELO), marka R/Wasaare ma qancin kartid dad raba in ay la wareegaan deegaanada beelweynta Mudulood, mana dhici doonto inaan kugu taagerno arinkaa isaga ah, ayay Shukri Tooxow oo xubin fir-fircoon ka ah Haweenka Beesha Mudulood ku soo gaba-gabeeysay hadalkeeda.
Shukri Tooxow Mohamed
Ahado97@yahoo.com

Afhayeenka Ciidamada Xoogga Dalka oo ka warbixiyay dad ay ku soo qabqabteen dagaalkii shalay ka dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho


Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Daahir Maxamed Xirsi ayaa Wariyeyaasha u sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay agagaarka Warshadii hore ee Baastada iyo deegaanka Waxar Cadde ay ku soo qabqabteen ciidamada Dowladda kooxo uu sheegay iney yihiin wax uu ku tilmaamay nabad diidka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dadkaasi markii gacanta lagu dhigayey ay ahaayeen kuwo gacanta kula jiray dagaal ay kaga soo horjeedeen ciidamada Dowladda, kuwaasi oo haatan lagu haayo Warshadda Baastada oo xarun u ah ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Dadkan la qabqabtay eheladooda oo warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in wiilashooda aysan ku jirin wax dagaal ah isla markaana dadkaasi ay ku andacoonayaan in qaar ka mid ah dhalinyaradooda laga qabqabtay Masjid dhexdiisa oo ku yaala Waxar Cadde, taasoo aan la hubin iyadana.
Hadalkan ayaa waxba kama jiraan uu ku tilmamay Afhayeenka Milateriga isagoo sheegay in mar walba kooxaha ka soo horjeeda marka lagu qabto dagaalada ay shacabka ku beer jilacsadaan in dhalinyaradooda laga qabqabto goobaha cibaadada, wuxuuna Afhayeenka uu carabka ku dhuftay in ciidamada ay ka xaaraan timeysan yihiin in ay ku kacaan falal aan dhaqanka ka soo horjeedin.
Banaadir Post.